Axsaab & Hey’aadka Kiristaameynta oo olole dhanka Warbaahinta ah ku qaaday Dalka Morocco

Published on June 28, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Axsaab iyo Hey’aad Kiristan ah oo ka jira Wadamada Reer Galbeedka ayaa olole dhanka Warbaahinta ah ku qaaday Dowladda Dalka Morocco ,waxayna Axsaabtaa iyo Hey’aadkaasi Dowladda Morocco ku dhaleeceeyeen in ay diidan tahay in la gar gaaro dadka dalkaa u dhashay ee tabaaleysan.

Hey’aadka Reer Galeedka ee ka shaqeeya arimaha gar gaarka ayaa Dowladda Dalka Morocco ku sheegay in ay Hey’aadka Kiristaameynta ah ay howlahooda Kiristaameynta ah ku dhex wadaan arimaha gar gaarka ee ay ka shaqeeyaan.

Ila wareedyo ka tirsan Golaha Ariamaha Dibadda ee Barlamanka Spain ayaa sheegay in Dowladda Spain ay Morocco u sheegtay in ay ixtiraamto dadka ku qancay diinta Kirintanka ,waxayna kooxo ka tirasn Barlamanka Spain sheegeen in ay ayidayaan ololaha ay wadaan Axsaabta iyo Hey’aadku.

Maalininadii Khamiistii ahayd ee tagtay ayay ahayd markii uu Korngareyska Maraykanku oo arinta Dalka Morocco kadib markii ay Dowladda Morocco ay soo ceydhisay dadka Diinta Islaamka ah ka ridoobay.

Golaha Culimada ee Dalka Morocco ayaa ayiday dhaq dhaaqaaqay ay Xukuumadu sameysay waxayna xuseen in ay garab taagan yihiin talaabooyinka ay Dowladdu ka sameysay isku dayada ay wadaan Hey’aadka Kiristaameyntu.

Culimaa’udiinka Reer Morocco waxa ay tilmaameen in arinta ay Hey’aadkaasi wadaan ay tahay Olole ay wadaan dhamaan Wadamada Reer Galbeedku ,waxayna carabka ku dhufteen in Dowladda ay ka masuul tahay Diinta Dalka iyo Dadka ayna xaq u leedahay Dowladdu in ay arimaha muqadaska ahi ilaaliso.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Xasan Daahir Aweys “Sh. C/qadir Garre…Diinta Fahamkeeda & waliba Caqiidada Tasxiixinteeda Dadka aadka & aadka ugu Xeelta dheer ayuu ahaa”
  2. DKMG ah oo Aqoonsatay Madax Banaanidda Dalka Kosovo
  3. Shirka lagaga hadlayo Arimaha Dalka Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Turkiga
  4. Hey’add Dalka Norway ah oo howlo Kiristaamayn ah ka waday Dalka Afghanistan oo la xidhay
  5. Xumayd Ghul: Daalibaan dhowaan ayey la wareegeysaa talada dalka Afgaanistaan

Readers Comments (3)

  1. xamza says:

    asalamu alykum mashalaah walhi waxaan ku farxay arinka ay sameysay dowlada morocca waa arin aad u qima badan wayna yartahay dowladaha ka jiraa manta calmul islaam dowlad intaa garto ee umadena allaha dhowro mel waliba ay jogaan amana alaaaaaaaaaaaaaaaaaah

  2. xasan muse says:

    ASCWB

    Nasiib ayey leeyihiin Marooko madaama dowlad tacbaan ah ka jirto oo ilaalin karto waxyaabaha baaqiga u ah umada. Waxaan ugu duceynaa in ilaahey badbaadiyo umadaan oo mideeyo aamiin. Dalkeena Somaliya ilaahayow dadkayga mideey si dhibaatooyinka aan waxba reebeyn ay uga badbaadaa aamiin. Colaad iyo gaajo iyo fassaad diineed ilaahow naga kori. Warkuwiinaas isdilayoow umadan ILLAAHEY uga baqa oo cadowgooda ha’u duleeynina. MANQATALA MU’MIMAN FAKA’ANA MAA QATALA NAASA JAMIICAA…

  3. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …………..SUBXAANALLAAH RABBI lagama adkaan karo……………

    si kasta oo gaalo hoogtay ay isugu dayaan inay damiyaan nuurka ALLAAH SUBXAANAH uma suura galayso ilaa ay afkooda ku damiyaan iftiinka qorraxda ALLAAH SUBXAANAH UU adduunka iftiinka ugu deeqay iyo nicmo badan oo qorraxdu siiso dhammaan khalqiga ku nool adduunkaan qorraxda ka hela kulayka iyo iftiinka iyo xoogga iyo waxtarro fara badan oo aan la soo koobi karin.

    bal fiirsha kuwaan dhadhamiyay diinta ISLAAMKA macaankeeda haddana og in ay xaq tahay haddana la dagaalamay diinta ALLAAH .

    ALLAAHUMMA ANTA RABBII WA KHAALIQII.
    ALLAAHUMMA LAKAL XAMDU CALAL-ISLAAM.
    ALLAAHUMMA AMITNI CALAL-ISLAAM.
    aamiin.
    WALLAAHU ACLAM.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Xasan Daahir Aweys “Sh. C/qadir Garre…Diinta Fahamkeeda & waliba Caqiidada Tasxiixinteeda Dadka aadka & aadka ugu Xeelta dheer ayuu ahaa”
  2. DKMG ah oo Aqoonsatay Madax Banaanidda Dalka Kosovo
  3. Shirka lagaga hadlayo Arimaha Dalka Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Turkiga
  4. Hey’add Dalka Norway ah oo howlo Kiristaamayn ah ka waday Dalka Afghanistan oo la xidhay
  5. Xumayd Ghul: Daalibaan dhowaan ayey la wareegeysaa talada dalka Afgaanistaan

Latest Headlines