Dowlada Norway ayaa Axadii shalay Shaacisay in 4 kamida askarteeda dagaalka kawada Dalka Afqanistan ay dhinteen, taas oo dhimashada askartan NATO 24 saac ee la soo dhaafay ka dhigeysa 7 Askari, sidoo kale waxaa 100 ku dhaw Ciidamada laga Dilay Isbaheysigaas Bishan June kaliya.
Afhayeenad u hadashay Ciidamada Norway ayaa sheegtay in askarta afarta ah ladilay kadib markii Baabuurkii ay saaraayeen Miino loodhigay duhur nimadii Axada Xili ay marayeen waqooyiga Afqanistan.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa Xili Isbaheysiga NATO uu shalay Axadii shaaciyey dhimashada 2 Askari oo mareykan ah iyo mid kale oo aan jinsiyadiisa la sheegein waxayan NATO sheegtay in Akarta Mareykanka lagu dilay Dagaal halka askariga kalana miino loodhigay uu ku dhintay.
Dhimashada askarta NATO ee bishan ayaa 100 gaaraya waxayna Bishan June noqoneysaa bishii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu Isbaheysiga NATO ee uu Mareykanku hormuudka ka yahay uu weerarka ku qaaday Dalka Afqanistan sanadii 2001-dii.
Tirakoobyo la sameeyey ayaa sheegaya in 313 Askar NATO looga dilay Afanistan 6 dii bilood ee sanadkan ka tagtay kaliya taas oo sanadan u sharaxeysa inay noqon doonto sanadkii ugu dhimashada Badnaa tan iyo 2001.
Dhawaan waxaa iscasilay Taliyihii ugu sareeyey Ciidamada Mareykanka oo hogaaminayey dhamaan Ishabeysiga waxaana lagu badalay Dived Petros oo ahaa Taliyihii Ciidamda Mareykanka ee Dalka Ciraaq weerarka gardarada ah ku qaaday sanadii 2003-da.

Related posts: