Cumar C/rashiid Cali Shamara’arke oo lagu wado in uu Golaha Wasiirada ku kobo 14 Wasiir

Published on June 26, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Ra’iisal Wasaaraha DKMG ah Cumar C/rashiid Cali Shamara’arke ayaa lagu wadaa in uu isku shaandheyn iyo dib u habeyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada sidoo kalena uu buuxiyo xilalkii ay ka tageen 4-ta Wasiir.

Cumar C/rashiid ayay ila Wareedyo ku dhow dhawi waxa ay sheegeen in uu damacsan yahay in uu soo dhiso Golihiisa Wasiirada ,waxayna Ilahaasi intaa ku dareen in Golaha Wasiirada ee Cusub ay noqon doonaan 14 Wasiir oo kaliya.

Waxa ay Ilahaasi intaa ku dareen in Ururka la magac baxay Ahlu Sunna Wal Jamaac laga qeyb galin doono Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisi doono Cumar C/rashiid Cali.

Dhanka kale Ila Wareedyo kale oo Somalimirror mar sii horeysay u waramay ayaa sheegay in sababtii 4-ta Wasiir ay xilalkooda uga tageeni ay ahayd in ay waayi doonaan xilalkooda kadib isku shaandheynta uu sameyn doono Ra’iisal Wasaaruhu.

Xubnaha ugu cad cad ee lagu wado in lagu soo daro Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde “ iyo Axmed C/salaam .

Si cad wali looma oga xiliga uu Cumar C/rashiid sameyn doono isku shaandheynta iyo dib u so dhisidda Golaha cusub ee Xukuumadiisa.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Golaha Wasiirada DKMG ah oo lagu Wado in goor dhow la dhaariyo
  2. Cumar C/rashiid oo kulan la qaatay Xubno isku jiray Wasiiro iyo Xildhibaano
  3. Cumar C/rashiid oo ka waramey wax qabadkiisa & Maanta oo lagu wado Baarlamaanka in la hor geeyo.
  4. Xukuumada Cumar C/rashiid oo la filayo in lagu dhawaaqo
  5. Golaha Wasiirada DKMG ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay.

Readers Comments (3)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    wajigaa gubaye ummadda ka hor leexo , wali ma soo malabsanaysaa adoo gaala kalkaala oo la dagaalamaya ALLAAH iyo rasuulkiisa , adiga iyo kan madaxa kuu ah inaad qorraxdaa iftiimaysa oo nuurkaas ifka badan sii daynaysa baad rabtaan inaad faruurihiina xun xun ku damisaan
    kallaa thumma kallaa inaydin awoodin ee iska sii suga waqtigiina oo gaaladaas aad ka mid noqoteen ku hoos jira gooray noqotaba waad hoogi doontaan haddaydaan RABBIGIIN U NOQON.

    WALLAAHU ACLAM.

  2. hussein says:

    waxaan dhihilahaa ina abdirashiid ha isdhibin e shariif ayaaba kugutaagane orod kanada iska aad taasina waatalo

  3. cali axmed warsame says:

    shar ma arke iyo kooxdiisa waxey ku jiran riyo jah wareer aan meelba ku okeyn hadii yareeyo iyo hadii la badiyo waa isku meeshii waxey soo kordhinaayan ma lahan waa caruur ciyaartey sey u ciyaraayeen oo daley oo seexdey markey soo toosani meeshii ka bilabayan ciyaarta




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Golaha Wasiirada DKMG ah oo lagu Wado in goor dhow la dhaariyo
  2. Cumar C/rashiid oo kulan la qaatay Xubno isku jiray Wasiiro iyo Xildhibaano
  3. Cumar C/rashiid oo ka waramey wax qabadkiisa & Maanta oo lagu wado Baarlamaanka in la hor geeyo.
  4. Xukuumada Cumar C/rashiid oo la filayo in lagu dhawaaqo
  5. Golaha Wasiirada DKMG ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay.

Latest Headlines