Shaley(Talaado) oo ku beegnayd 15/06/2010 xarunta Markazka Ibnu Baz ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose waxaa ka furmey Dowro Diiniya oo loogu talo galey Haweenka Deegaankaas iney ka faa’iideystaan.
Dowradan oo soconeysa Muddo 3 cish ah, qabashadeeda waxaa iska kaashadey Markazka Ibnu Baz iyo Hay’ada Muslimii Afrika, waxaana ka faa’iideysanaya Haween gaaraya 100.
Duruus Diiniya oo kale duwan ayey Haweenka Dowrada loo qabtey uga faa’iideysan doonaan inta ay socoto.
Xafladii furitaanka Dowradan waxaa ka Hadley Mas’uuliyiinta labada dhinac ee iska kaashaday qabsoomiyada Dowran, waxeyna sheegeen iney ugu talo galeen kobcinta Aqoonta Haweenka ka faa’iideysanaya, sidii ay u soo saari lahaayeen Bulsho iyo Ubad hagaagsan.
Haweenka Dowradan ka faa’iideysanaya ayaa ka kala socda Maraakiz Dacwiya ooy ka mid yihiin; Mishtaq, Al-jaziira iyo Khadiija oo ku kala yaala Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.
Marka laga soo tago Dowradan cusub waxaa Markazka Ibnu Baz horey uga socdey Dowro kale oo Haweenka loogu talo galey ayna ku barayaan Duruus kale duwan oo soconeysa dhowr Bilood.

Related posts:
Asc wa mahada allah wana fursad wanagsan mar hadi gabdhahayni & hoyayasheni dinta la barayo hoyadan wa macalin kasta hoyadis marka umada muslimkana waxa kobciya dumarkoda o dinta ku koriya ubadkoda wadna ku mahadsantihn dadka arintas wadow war qofka muslimka ahow howshada ku dar inad dinta ku difacdo lacagta nafta wakhtiga somalimirror wad mahadsantihin sidad u so gudbisan dhibka musliminta galada ku hayso allahu akabar xaqana haka ganbana weligen kuwa idin so qora aflagadada u sabra wayo ma fahamsana adunka wixi so maray & hada halku marayo somali mirror waxa no balan ah masjidul al qudus insha allah ayado laga xureyay yahuda rer bani quraydha asc
asc.
waa ay wanagsasantahay in dadka islamka ah ay diintoda bartaan gaar ahaan dumarka oo ah warshada ugu qaymaha badan dunida ee wax so saarta waana waajib in sharecada ay bartaan si ay u so saran dad tayaysan.
lakin su,shu waxay tahay maxa dadkan maatada ah ee tabaalaysan inta aysan so baro kicin oo guryahoda aan laga so saarin wax loo bari waayay, maxaasa xal loogu raadin waayay looga badbaadiyo banaanka ay deganyihin baahida iyo hoy la,aanta haysa. illayn somalidu waxay ku maahmaahdaa oodo dhacameed siday u kala sareeyaan yaa loo kala qaadaa!
Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
Ilaahay miisaanka xasanaadka ha u saaro,walaalahii lahaa Maskaxda furitaanka Markazka Ibnu-baaz,iyo ragga hawl-wadeenada ka ah ee ilaa Muqdisho ilaa ceelasha biyaha la daba taagan bulshadii soomaaliyeed,waxbarasho,gargaar iyo wacyi gelin aqooneed.iyaga oo maanta waliba ku samraya nabadgelyo xumada jirta.
Waxaa la gudboon dadka soomaaliyeed ee caqliga iyo diinta leh,inay u naxaan dadkooda,kuna taageeraan talo,tamar,fikir,iyo ka shaqaynta kobcinta aqoonta bulshada,gaar ahaan dadka jilicsan ee dumarka iyo caruurta ah,kuwaas oo dhibaatooyinka ugu badani ku dhacaan,cid iyo ciirsi kalena aan haysan.
Masha Allah
Ilaahow qayr sidii ducaadda abaabushay dowradan
Axib ahla bayti nabiyaka walaa takun raafidhiyan.
Wa axib Abaa Bakrin wa Cumaar wa Cuthmaana walaa takun naasibiyan
waa xmar