Axmed C/samad
Soo dhaweyntii iyo martigalintii maamulka iyo shaqaalaha Telesom ee Saylac
Meel u dhexaysa Lowyacaddo iyo Saylac bay nooga horyimaadeen madaxda iyo shaqaalaha shirkadda Telesom oo ay nagu soo dhaweeyeen, ka dibna waxay fikrad naga siiyeen xaaladda magaalada Saylac gaar ahaan xilliyada roobka iyo sida waddooyinku u xirmaan. Waxaa kaloo xog nala ka siiyay macaalimta taariikhiga ahee magaalada Saylac, kuwaas oo aan qaarkood booqanay sawirana ka soo qaadnay.

Ka dib markaan quraacanay baan socod ku soo marnay xarunta shirkadda isgaarsiinta Telesom, teendhada loo diyaariyey caleemo-saarka Ugaaska qabiilka Ciise, masjidka qiblateyn iyo xarumo kale oo taariikhi ah oo ka soo jeeda khalaafadii Cuthmaaniyiinta.
Magaalada Saylac iyo dhismayaasheeda taariikhiga ah

Magaalada Saylac waa magaalo qadiimi ah oo leh taariikh dheer. Waxay ku xusantahay kutubta taariikhyahanadii muslimiinta, waxaana ku abtirsada culumo waaweyn oo caan ka ahayd caalamka islaamka, qiimaha ay lahayd Saylac iyo dadka ku abtirsadana waxaa caddaynaya kutubta iyo dhaxalka aqooneed ee culumada reer Saylac uga tageen dunida muslimka. Filka magaalada Saylac iyo xaddaaradeediina waxay wali ka muuqataa dhismayaasha iyo raadadka kale ee taariikhigaa ee wali sii baaqiga ah.
Muuqaallada taariikhigaa ee magaalada waxaa ka mida: Masjidka Qiblateyn, Dekadda, Maqaamka Sheekh Ibraahim Saylaci iyo Xarunta ciidanka badda oo ka soo jeedda dawladdii khilaafada islaamka ee Turkiga.
Masjidka Qiblateyn

Nabigu (scw) markuu Madiina yimid wuxuu u tukanayey dhinaca Bayt almaqdis 16 bilood ama 17 bilood, ka dibna Ilaahay wuxuu faray inuu Kacbada u tukado. Nin salaaddii duhur rasuulka (scw) ula soo tukaday dhinaca Makka ayaa soo maray rag aan warku soo gaarin oo salaaddii casar u tukanaya dhinaca Bayt almaqdis, markaasuu ku yiri: waxaan markhaati ka ahay inaan nabiga (scw) dhinaca Makka ula soo tukaday, markaas bay kala wareegeen oo Makka u jeesteen (markii hore woqooyi ayay u jeedeen, ka dibna koonfur bay u jeesteen). Masjidkii ay dadkaasi ku tukanayeen ee ay halka salaad qaybba qiblo gaara u tukadeen ayaa magacaan (masjidka labada qiblo leh) loo baxshay, wuxuuna ku yaal magaalada Madiina, sababta loogu bixiyeyna waa taa aan soo sheegnay.
Masjidka qiblateyn ee magaalada Saylac waxaa la aaminsanyahay inuu ka soo jeedo asxaabtii nabigeena (scw) ee u soo haajirtay dhulka xabashida. Waxaa la hubaa inay asxaabtaasi joogeen dhulka xabashida markuu nabigu (scw) yimid Madiina iyo markii qiblada la badalayba, waxaase is weydiin u baahan magaalada Saylac ma ahayd halkii ay asxaabtii muhaajiriinta ahayd ka soo dageen ama markii dambe dagganayeen, mase ahayd magaaladu xaruntii dawladda Xabashida ee xilligaas, mase jirtaa inay masjid dhisteen intay joogeen?.
Shucuubta ku dhaqan koonfurta badda cas (Suudaan, Ereteria, Cafar iyo Somali) qolo walba waxay sheegataa in asxaabta nabigu (scw) ka soo dageen xeebohooda. Tan kale ma jirto cid soo warisay inay asxaabtu masjid ka samaysteen dhulkaas Xabashida ee ay u haajireen; si kastaba ha ahaatee waxaynu ka qaadanaynaa magaca masjidkaan in diinta islaamku mar hore soo gaartay dhulkeena, taana waa wax la hubo oo aan labo isku qabanayn ha soo gaarto xilligii rasuulka (scw) ama xilliyadii ka dambeeyaye, waana mid tusaale ugu filan sida islaamku ugu xididaystay dadkeena iyo dalkeenaba.
Isirka iyo sooyaalka wacani ma ina ku filanyahay?
Awoowayaasha wanaagsan ee islaamka u hormaray iyo taariikhda facaweyn ee falgalka diinta islaamka iyo dadkeenu waa awood mar walba dhinaca khayrka inoo riixaysa, ina kuna dhiirrigalinyasa in aynu ku dhagganaano, korna u qaadno diinteena oo aynaan dayicin dhaxalkii wacnaa ee aynu kala harnay nabigeena suuban (scw), ka dibna awoowayaasheen dhidibbada ugu aaseen dhulkeena, una sii gudbiyeen dadyowga iyo deegaanada ina ku xeeran. Saas oo ay tahay diintu ina-ayo iyo abtir kaliya ma aha ee waa caqiido iyo dhaqan ku qotoma caqiidadaas. Ciddii diinta Rabbi ka tagta ama ku gabood-fasha iyadoo isku maaweelinaysa ka ab ka ab baan islaam ahaan jirney Ilaahay agtiisa sheegashadaas waxba uga heli mayso. Ciddii aan aabbayaal islaama ka soo jeedin ee iyagu diinta si dhaba u qabsada, uguna dhaqma way ka mudan yihiin kuwa abtirka kaliya u haysta ee Ilaahay ha ina ka dhigo ubad wacan oo isirkood islaamnimada ku raacay.
Magaalada Saylac iyo doorashadii Ugaaska beesha Ciise

Socodkayaga seddex beri ka dib bay ahayd inay magaalada Saylac ka dhacdo xaflad lagu caleema-saarayo Ugaaskii 19aad ee beesha Ciise, magaalada Saylac gaar ahaan iyo guud ahaan deeganada beeshana waxaa ka socday diyaargaraw ballaaran oo loogu gogol-xaarayey qabashada xafladdaas. Duqa magaalada ayaa na soo mariyey golaha loo darbay caleemo-saarka Ugaaska, wuxuuna naga siiyey warbixin kooban, waxaan kaloo la kulanay koox ay shirkadda isgaarsiinta Telesom u xushay ka qaybqaadashada iyo habsami u socodsiinta hawlaha isgaarsiineed ee caleemo-saarka oo noo sharxay waxyaabaha ay doonayaan inay kaga qaybqaataan munaasabadda.
Xulashada Ugaaska
Inta badan qabaa’ilka Soomaalidu way leeyihiin Ugaasyo iyo, hab ay u doortaan iyo waxyaabo ay ku doortaan, waxaase in farta lagu fiiqo u baahan dadaalka beeshu gaar ahaan guurtideedu ku bixiyeen xulashada Ugaaska iyo tilmaamaha lagu soo xulay oo ay ka mid ahayd in aanu dhiig qabin (dad layn). Waxaa kaloo soo qaadis mudan sida beeshu ugu mitiday wadajirkeeda iyo midnimada hoggaankeeda dhaqan, ayna uga badbaaday rooxaanta is kala faquuqa iyo Ugaas bararka ee Soomaalida kale ku habsatay.
Caleemo-saarka Ugaaska iyo kulanka Somaliweyn
Waxaa na loo sheegay teendhada weyn ee loo diyaariyey caleemo saarka Ugaasku inay tahay tii loo dhisay ee lagu qabtay shirkii dibu heshiisiinta Soomaalida ee magaalada Carta lafteedii. Waxay ahayd teendho weyn oo lagu rakibay AC-yo waaweyn. Waxaa kaloo na loo sheegay inuu Ugaasku aagga Diridhabe ku dhashay. Xafladda caleemo-saarkana waxaa lagu qabanayey magaalada Saylac. Aabaabulka xafladdana waxaa iska kaashanayey S/land iyo Jibbuuti, isla markaana waxaa xafladda ka soo qaybgalayey maamulada S/land, Jibbuuti, soomaalida S/galbeed iyo wufuud kaloo somaliweyn ka socota.
Maxaa loo doortay magaalada Saylac iyo teendhadii Soomaali lagu heshiisiiyey?

Soomaalida dunida kala duwan ka timid ka sokow waxaa meesha la isugu keenay beesha Ciise oo seddex dal ka kala timid oo hal masuul ku wada midaysan. Waxaa kaloo yimid maamuladii S/land, Jibbuuti, soomaalida S/galbeed iyo soomaalida kale oo iyana hawshaan ku wada midaysan. Xafladdana waxaa lagu qabtay magaalada Saylac oo Soomaali isku raacsantahay qiimeheeda diimeed, taariikheed iyo ummadeed. Waxaa kaloo shirka lagu qabtay teendhadii horey loogu dhidbay dibu-heshiisiintii Soomaalida.
Intaas markaan arkay waxaan is iri arrintaasi armaysan sidaa isaga dhicin ee ay xambaarsantahay farriin ficil ah oo ku socota Soomaali weyn, taas oo oranaysa: si kastoo dhulkeena xarriiqo loo kala dhexmariyey, magacyo kala duwana la inoo ku kala bixiyey, bandiirado kala duwana la inoo ku sameeyay waxaynu nahay walaalo ku midaysan diin, dhalasho, af, dhaqan, deegaan, taariikh, dano iyo hoggaanba. In aynu si ficila u midownana wax weyn ina kama hortaagnee, innagaa meesha is dhignaye ina ka kiciya oo aynu innagoo isku duuban u hawlgalno sidii aynu asaaggeen wax ula qaybsan lahayn. Haddii aysan ragga xafladda qabanqaabiyey arrintaas u qasdina ugu yaraan waa saad wanaagsan ee bal ha loo fiirsado.
Magaalada Saylac shalay iyo maanta
Magaca Saylac ee caanbaxay loogama jeedo magaalada oo qura ee waxay matalaysay dad iyo deegaan ballaaran oo ay caasimad u ahayd. Magaca Saylacna waa mid ka horreeyay magaca Soomaali ama ugu yaraan ka hor caanbaxay. Si kale haddii loo yiraahdo waxay muslimiinta bariga Afrika oo dhan caasimad ugu ahayd cilmiga, xadaaradda iyo hoggaankaba. Haddaba magaaladii caynkaa ahayd sidee xaalkeedu maanta yahaya?.
Waa magaalo muuqaalkeedu muujinayo qiimeheeda taariikhiga ah, laakiin xaalkeeda iyo duruufteedu muujinayaan dibu-dhac iyo dayac aan ku koobnayn dhinaca horumarka adduun kaliya ee si buuxda u saameeyay dhinacyadii aqoonta diimeed iyo dhaqanka xadaaradeed ee ay ku caanbaxday. Magaaladu jaamacado iyo maktabado waaweyn iska daaye kuma yaalaan dugsiyo sare iyo macaahid diini ah midna. Sidoo kale malcaamado quman kuma yaalaan, in kastoo muuqaallada masaajiddu ku faraxgalinayaan.
Waxaa qof yaqaaney iyo midaan aqoonba u muuqanaya koboc la’aanta magaalada iyo yaraanta bulshada ku nool marka loo eego caasimadnimadeeda. Waxaase kalsooni ku galinaya shirakadaha isgaarsiinta oo geeyay telefoono iyo koronto iyo maamulka S/land oo dhawaan u aqoonsaday caasimadda gobolka Salal. Taas oo la hubo inay tahay bar bilowga horumar diimeed iyo mid adduunyo oo magaaladu ku tillaabsato. Waxaa kaloo ku farax galinaya horumarka dhinac walba leh ee ay gaareen dadkii iyo deegaankii ay Saylac caasimadda u ahaan jirtay maalin maalmaha ka mida gaar ahaan kuwa ugu dhaw dhaw ee Boorame iyo Hargeysa.
Mac-hadka Saylac iyo kaalintiisa mustaqbalka magaalada Saylac
Si loo waariyo magaca iyo meekhaanka magaalada Saylac xaqeeda waxaa ka mida in loogu magacdaro goobaha muhiimkaa iyo dadka qiimaha u leh diinta iyo dadka. Inta garatay ahmiyadda waarinta magacaas taariikhiga ah waxaa ka mida maamulka Mac-hadka Saylac ee culuumta shareecada ee magaalada Boorame oo mac-hadka ku sammiyey magaalada Saylac. Ragga iyaguna horey ama gadaal ugu abtirsaday magaalada Saylac way ku mahadsanyihiin dadaalkaas.
Faraca Mac-hadka Saylac ee magaalada Saylac
Sida mac-hadku hormuudka ugu noqday qaadashada magaca Saylac waxaa la gudboon inuu hormuud ugu noqdo furitaanka faricii mac-hadka Saylac ee magaalada Saylac; si uu isugu darsado qadarinta magaca iyo wax u qabadka magaalada iyo ehelkeeda. Dadka kalena qof qof iyo hay’adoba waxaa la gudboon inay kaga qaybqaataan waxay karaan oo ah cilmi, ra’yi, xoog, xoolo, khibrad iyo waji. In laga furo magaalada farac mac-hadka Saylac ma noqonayo xarun aqoon diimeed oo soo korortay kaliya ee wuxuu horseedayaa inay magaaladu soo ceshato kaalinteedii aqooneed iyo xadaaradeed; waayo furitaanka faraca mac-hadka waxaa dhinac socda imaanshaha culumo waaweyn oo mac-hadka ka tirsan, isla markaana masaajidda iyo goobaha waxbarashada ee kala duwan cilmiga ka faafiya.
Hilib waa nin waayey iyo nin dabada ku dhag-dhagsaday
Isma laha baahida diimeed iyo aqooneed ee ay qabaan qaybo badan oo dadkeena ka mida gaar ahaan reer Salal, iyo sida ay fadhi-kudirirka u fadhiyaan culumo iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo farabadan. Markaad u fiirsatidna waxaa kugu soo dhacaya: hilbo waa nin meeluu u raaco waayey iyo nin dabada ku dhag-dhagsaday!. Dadka magaalooyinka waaweyn la fadhiya shaqa la’aanta oo daaraha dadka kale iska daawanaya dadkooduna u baahanyahay, iyaguna u baahan ee wax weyn qaban kari lahaa way badanyihiin, waxaase maqan xildhibaanimo iyo is xilqaan ee Ilaahay tawfiiqda ha ina waafajiyo, xilkeenana ha ina tuso, gudashadiisana ha inoo sahlo.

Related posts: