Mu’tamarkii Ar-raxma ee Edmonton oo xalay soo gabagaboobay

Published on May 31, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print

Mu’tamar islaami ah oo labadii beri ee lasoo dhaafay jaaliyadaha muslimiinta uga socday magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa habeenkii xalay ahaa si habsami leh kusoo gabagaboobay.

Mu’tamarkan oo ay isku soo dubarideen maraakista Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ee dalka Canada kalana  ah masjidka Abuu Hurayra, masjidka Khaalid binul-waliid ee magaalada Toronto iyo masjidka As-saxaabah ee magaalada Edmonton ayaa usbuucii lasoo dhaafay lagu qabtay Toronto usbuucanna marti u ahaa magaalada Edmonton.

Mu’tamarka ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad lagu qiyaasay 2000 oo ruux oo badi kasoo jeeday jaaliyadda Soomaaliyeed.

Mu’tamarka oo looga gol lahaa wacyi gelinta iyo ku baraarujinta jaaliyadda danahooda aakhiro iyo adduun iyo u tilmaamidda sidii ay ubadkooda ugu tarbiyeyn lahaayeen tacaaliimta Islaamka ayaa ka koobnaa laba qeybood oo is feer socotay kalana ah:

Qeyb loogu talagay dadka waaweyn oo ku baxayay luqada Soomaaliga iyo qeyb loogu talagalay da’yarta ku barbaartay dalka Canada ee ku badisa luqada ingiriisiga ayna jeedinayeen culimo isugu jira Soomaali iyo muslin kale oo kala jinsiyado ah.

Mowduuca mu’tamarka oo ahaa “Dhex-dhexaadnimada Islaamka ayaa lagu qaadaa dhigay laguna bayaaniyay in Islaamnimadu ay tahay jid dhexe oo lagu badbaado ayna lagama maarmaan tahay in si dhab ah loogu dhegganaado.

Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen culimo badan oo ka kala timid gudaha dalka Canada iyo kuwo laga soo casuumay dibedaha ayaa waxaa kamid ahaa culiadii kasoo qeybgashay:

1) Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil

2) Sh. Maxamed Cumar Dirir

3) Sh. Bashiir Yuusuf Shiil

4) Sh. Maxamed Daahir Rooble

5) Sh. Sh. C/Qani Qorane Maxamed

6) Sh. C/Qaadir Cali Cambe

7) Sh. Siciid Raage

8) Sh. Maxamuud C/Raxmaan

9) Dr. Maxamed Cabdullaahi

Waxaa intaa weheliyay culimada aan Soomaalida aheyn ee wax ku jeedinayay luqadda Ingiriisiga.

Sh. Siciid Raage oo ahaa maamulaha iyo isku dubaridaha shirka Arraxma ayaa sheegay in mu’tararkan looga gol leeyahay in uu mideeyo jaaliyadda muslimiinta ee ku dhaqan dalka Canada uuna noqdo mid ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool u ah muslimiinta ku dhaqan Canada gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu Sh. Siciid isla goobtaa ka iclaamiyay in dadku ay kasoo qeybgalaan shirweyne kale oo ku bixi doona luqada Ingiriisiga laguna wado in uu qabsoomo dabayaaada bisha Juun, kaas oo uu ku tilmaamay shirweynihii ugu weynaa abid ee ka qabsooma dalka Canada, ayna kasoo qeybgali doonaan culimo aad caan ugu ah fidinta diinta Islaamka ayna ka mid yihiin:

1) Dr. Zakir Naik oo dhalashadiisu tahay Hindi

2) Dr. Bilaal Philips oo dhalshadiisu tahay Maraykan

3) Sh. Yuusuf Estas oo dhalashadiisu tahay Maraykan

4) Sh. Xussayn Yee oo dhalashadiisu tahay Shiine

5) Sh. Abdurraxiim Green oo dhalashadiisu tahay Ingiriis

6) Sh. Siciid Raageh oo dhalashadiisu tahay Somali

iyo culimo kale oo badan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Tv-ga Islaamiga ah ee Al Raxma oo qarka u saaran in la xidho
  2. Kulankii IGAD ee Addis Ababa oo soo Gabagaboobay & Go’aano ka soo Baxay.
  3. Shir lagu Taageerayo DKMG ah oo Nairobi ku soo Gabagaboobay
  4. Shirkii golaha dhexe ee UWSLF oo soo gabagaboobay (daawo sawirrada)
  5. UWSLF oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Dagaal shalay & Xalay ka dhacay G/Qoraxeey

Readers Comments (10)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …….. shirarku badanaa ,! shaqaduna yaraaa ! ! ……………

    mar haddaad aragto ummad lagu ibtileeyay shirar fara badan oo isdaba jooga waxaad ogaataa in ummaddaasi shaqadu ku yartahay !

    meel jihaad laga rabo baa la oran shir ha laga yeesho !

    war waa waqti jihaade ma ahan waqti shir iyo sheeko !

    WALLAAHU ACLAM.

  2. Cali Guure says:

    Masha Allah ilaah qayr ha idin siiyo ikhwada soo abaabulaya shirarkaasi dadka lagu wacyi gelinayo.

  3. umu anisaa says:

    maasha allaah culumada soomaaliyeed iyo kuwa islaamkaba jzk llaahu kheyran
    khaadimul islaam waxan raba inaa kalmad ku dhaho adoo raali ah culumada qeyr ilaahey swc ha siiye waxey wadaan digriga ALLAAAAAAAAH SWC marka ma aqaano waxa aad ku dhaliileyso wax jihaad la yiraahdo kamo jiro soomaaliya iyo caalamka ,,, culumada waxey ka soo reeben falastriin ,,,,,,,, inta kale waxa leysku heystaa siyaasad oo shaarar diimeed loo huwiyey waxa leysku heysta kursi, waxa leysku heystaa xoolo in la boobo khaadimul mid yar ku tusaale qaado adaa jihaad aaminsane maxa loogu dirirey kismaayo waxey sheegan labada xisbi iney kitaab wadan iney diinta daacad ka yihiin why kismaayo loogu hishiin waaye islaamku waa walaalo ,,, waa leysku tanasula waa xaram in ruux muslim ah walaalkii dilo kooxaha aad taagerto waxey ku duulan dhulalka nabada ,,,,, waxey sheegtan in gaalo la dagaalan balse arintu saa maaha ee wiil yar baad tahey oo marna diinta na walaleysey marna sinjiga soomaalinmada wadaagna, wadanka ,calanka , ciidda ,iyo luqada ee bal dib isu xisaabi waa nasteexo ey ku soo direyso walasha umu anas, inta jeclaato ka qaado , intadan rabin ka tag nasteexadeyda , soomaaliya ha noolaato ilaahey swc waxan ka baryeyna dowlad qawi ah in uu noo keeno oo soomaali walaleyso tan hadda jirtana aan gacmaha qabano wax walbo waxey ka bilowdaan zifer (0) maah maah shineys ah ayaa micnaheedu yahey orodka kunka mitir wuxu ka bilowdaa tilaabo .

  4. bilan says:

    maasha alaah waa arin fiican in mu,utamaro la suubiyo waxaan tagay midii toronto lagu dhigay. waana jecleystaywaxaan ka codsan lahaa culuma udiinka soomaliyeed inay badiyaan mu,utamaradaan oo kale.Khadimul islam shir iro mu,utamar wa kala labo.ee isku dey inaad fahamto macnaha mu.utamar.ilaahoow jahliga naga dul qaad.ragii soomaaliyeed baan qaar sidaan u hadlayaan.aamiin

  5. Faisal says:

    Dacwadda Islaamku ha socoto Illa qiyaamadda kadhacayso,Gurikastana ka galeyso,qof aad illaahay dartiis usoo hanuunisay islaamka ayaa geela cas cas ka khayr badan inaad hesho iyo dahabkaba .

    Faisal

  6. OMAR-FAROUQ says:

    ASC IKHWAN WAAD MAHADSANTIHIIN QASATN UMU ANAS…LAKIN WAXAA WANAGSAN INAAD IS FAHANTAAN ADIGA IYO KHADIMKA..TEDA KALE WAXAAN KU SHEEGAYAA CALAMUL ISLAAM INU JIHAAD KA JIRO SOMALIYANA AY UHU HOREYSO ANA 2-3 AY KAGA JIRTO ISLAAMKA LA DULMIYEY EE WADANKOODI LAGA BOOBAYO….MIDA KALE KHADIMKA WAXAAN U SHEEGAYA DACWADA IYO JIHAADKA WAY ISLA SOCDAAN MU’TAMARKANA KAMA DHIGNO SHIR MAALAYACNI AH EE IS DAJI SXB….WASALAMALLEYKUM

  7. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    haddii shirarku bataan cadawga ayaa fursad u helaya inuu si fiican isu abaabulo, laakiin marka jihaadka la xoojiyo oo si fiican lo xanuujiyo cadawga fursadna aad u diido uu ku nasto markaas guushu kuu dhow ishaaALLAAH.

    shiarku badanaa waa iskhilaaf iyo buuq jihaadkuse waa guul ama shahaado .

    WALLAAHU ACLAM.

  8. Xaaji-KaaD says:

    TO umu aniisa

    walaal khaadimul ISLAAM waa runtiisa wuxuu sheegey nabigu SCW wuxuu sheege oo ah aakhiru zamaka in ay badan toodan khudabadu ama dadka muxadareeya maxdaraadkuna ay badan donan cilmiga iyo ku camal falkuna uu yaraan doono meel ficil looga baahan yahayna ay hadal la iman donan UMU ANIISA waxaad tiri caalamka jihaad kma jiro taas waa beentaa walaahi waa beentaa sabatoo ah nabiga ayaaba sheegey jihaad in uusan dhamaneynin ilaa qiyaamaha adiga gormad ka dhameeyse aduunka jihaad
    UMU ANIISA waxaad tiri culumada falstiin ayey ka soo reeben melaha u jihaad ka socdo bal noo sheeg culumada ka soo reebte hadaad run sheegeysid suufi iyo dad waalana hano sheegin
    UMU ANIISA waxaad tiri kismaayo maxaa la isugu dagaale? waxaad u egtahay qof aan waxba la soconin hala is dagaalo ma xumee yaa is dagaale aaweyaxmed madoobe intuu ku dambeeeye ma xizbul islam buu ku jira mise DKMG mise itobiyanka ayuu la safanyahay war maba heysid bal walaal waaqica so fahan ninkaas in lala dagaalo xaq ayeey eheed waana lala dagaalame waana laga adkaade rerv kismaayanw ey ogyihin axmed madoobe waxa uu yahay dadkalena wey ogyihiin laakin adiga ma ogid
    UMU ANIISA waxaad tirir dowlada somaliya hada ka jirta e u hogaamiyo shariff aan adkeyna SUBXAANALAAH ma kufri iyo kufaar ayan adkeynaa on awood u yeelnaa walaal jaahilsanidaa dheh halaga saro meesha oo hala keeno dowlada islami ah ee shareecad wax ku maamusho
    UMU ANIISA waxaad tiri ilaheyn hanoo keeno dowlada qawi aah ducadaasu waa qalad maxa yeele dowlad qawi ah lama rabo ee waxaa la raba dowlad islaami ah coz mareykankuba waa dowlad qawi ah lakin islaam ma aha ma waxas o kale ayaad rabtaa ugu yaraan waxaa lagaa rabe in aad dhahid dowlad islaami ah o qawi ah
    UMU ANIISA waxaad ku tiri khaadimul calan ayaa na walaaleeye iyo jinsi iyo luqad iyo dhul iyo somalinimo SUBXAALAAH diinta intey kaga taala waxaa lagu walaaloba waxaas taas waa calmaaninimo waa mabda.a baadil ah waxaa lagu walaaloba oo kaliya diinta islaamka iyo iimanka lakin waxaas ad shegte ma ah
    UMU ANIISA waxaan ahay walaal ku waaniye walalna kugula ah diinta ee waanadiisa qaado inta ku anfacda talo kalena waan ku siinaya diinta baro aad ayeey kuu anfaceesa aduun iyo aakhiradaba igana raali noqo waxaan kuugu gafe
    WSC WR WB

  9. umu anisaa says:

    xaaji kaad adoo mahadsan insha allaah diinta in igu filan waan aqaan cilmiguna ma dhamaado waan barana insha allaah hadan kuu jawaabo koley isma fahmeyno marka ma ku jawaabayo inad sheegtey waa intey shababku aaminsan yihiin marka waa isku daaleyna akhii adoo mahadsan aniga alxamdulillaah diinteydu waa islaam, dalkeygu waa soomaaliya, calankeygu waa baluug 5 xidig dhexda ku leh luqadaeydu waa afsoomaali, intas ka badan kuma ahaayo xaaji kaad aniga iyo adiga qeyr ilaahey haku siiye waxa kala joogna maqshir iyo maqrib kkkkk,soomaaliya ha noolaato salaam , nabad peace insha allaah.

  10. ayaan ahmed says:

    mansha allah siciid raage ilaahay ha kubarkeeyo aduun iyo aakhiroba, khayr ilaahay ha idinsiiyo adiga iyo culumada kale ee diinta aad ugu dheereeya.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Tv-ga Islaamiga ah ee Al Raxma oo qarka u saaran in la xidho
  2. Kulankii IGAD ee Addis Ababa oo soo Gabagaboobay & Go’aano ka soo Baxay.
  3. Shir lagu Taageerayo DKMG ah oo Nairobi ku soo Gabagaboobay
  4. Shirkii golaha dhexe ee UWSLF oo soo gabagaboobay (daawo sawirrada)
  5. UWSLF oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Dagaal shalay & Xalay ka dhacay G/Qoraxeey

Latest Headlines