Dagaalo Xoogan oo u dhexeeyey Ciidamada Xisbul Islaam iyo kuwa DKMG oo kaashanaya kooxda Sheegata ahlu suna ayaa saaka ka qarxay duleedka Waqooyi Bari ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii garoonka Diyaaradaha Baladweyne iyo Deegaanka Ceelgaal ay gaareen Ciidamado taabacsan DKMG oo dhanka Feerfeer kayimid isla markaana ay wehliyaan Ciidamada kooxda Sheegata Ahlusuna ee Suufiyada.
Dagaalka ayaa goordhow Bilowday waxaana leysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kaladuwan.
Afhayeenka Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan ayaa kahor dagaalka sheegay inay kawarheleen dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan dhinacyada ka horjeeda wuxuuna carabaabay inay duleedka Magaalada haatan Ciidamadoodu joogaan Difaacyana kaga jiraan.
Dhanka DKMG ah saraakiil u hadashay ayaa sheegay inay damacsanyihiin inay qabsadaan Magaalada Baladweyne ayna kaabiga ku hayaan.
Dagaalka ayaa ku soo beegmaya Xili dhibaato tii ugu Xooganeyd heysato dadka Rayidka ah ee dhawaan ka qaxay Fataadaha hareeyey Xaafadaha Magaalada kuwaas oo Maciin biday Buurta Janta oo haatan umuuqata goobta kaliya ee leysku hayo Maadaama Magaalada inteeda kale ay daadad dageen.
Sidoo kale waxaa gabi ahaanba go’an buundadii Liiqliiqato oo ay dadka iyo gaadiidku mari jireen taas oo dadka ka saacidi jirtay Xiliyadii hore inay isaga talaabaan dhinacyada Magaalada.
Wixii ku soo kordha dib ayaan idinkala soosocodsiin doonaa insha Allah.

Related posts:
asc wr wb muslimiinta xaq u dirirka ah allaah bey ka rajeynayaan jannadiisee bal gaala qurun badan iyo munaafaq urayba maxaa sugaya naar aad ku waartaan baa idin sugeysa maxay kaabiga u saarnaan karaan gaal uray baa dabada ka riixayee allaha idin jebiyo mujaahidiinta allaah baa la jira guushuna iyagey ku dambeyn doontaa
BISMILAAH.
dagaalka ceelbarde iyo kan baladwayne waa isku qorsho waa xaq iyo baadil dagaalamaya xaqqaana adkaan doona bi’idnillaah.
maadaama ay ku fashilmeen dhan kasta reer zinaawi waxay bilaabayaan waa [gow iyo gish] ma leh, amnigaas iyo kharkas la haysto bay dadka u diidan yihiin.
walaalayaal mujaahidiinta xizbuISLAAM wada jihaadka una sabra xaqqa kalimadda ALLAAH inay kornoqoto baa adkaan doonta.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com