Dagaal ka dhacay Degmada Ceel-barde ee G.Bakool.

Published on May 31, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Dagaalo Xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Itoobiya oo kaashanaya askarta DKMG ayaa Xalay ka dhacay gudaha degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xaraka Al-shabaab ay Xalay abaare 10:00 habeenimo ay weerar ku qaadeen ilaa 3 goobood oo ay Magaalada ka daganaayeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa KMG.

Kudhawaad mudo saacad ah ayuu soconayey Dagaalku waxaana leysku adeegsanayey hubka noocyadiisa kale duwan iyo Madaafiicda waaweyn, dadka deegaanka ayeyna cabsi xoogan soo wajahaday.

Lama hayo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka balse sarkaal u hadlay DKMG ayaa sheegay inay ka dhaawacmeen 2 Askari ayna iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay inay Weerar qorsheysan ku qaaday ilaa sedex barood oo ay Magaalada kadaganayaayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG qasaarooyina ay dagaalka ku gaarsiiyeen dhinacyadaas.

Xaalada guud ee Magaalada ayaa saaka dagan waxaana la soo sheegayaa inay dadku bilaabeen Barakac iyagoo ka cabsi qaba dagaalo kale.

Ciidamo Itoobiyaana oo ay wehliyaan Soomaali ayaa dhawaan qabsaday degmada Ceel-barde, Magaalada iyo hareeraheeda ayeyna dageen wixii xiligaas ka dambeeyey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamo Itoobiyaana oo soo gaarey Deg. Ceel-barde ee G/Bakool.
  2. Dagaal ka dhacay Degmada Yeed ee G/Bakool
  3. Ciidamo Itoobiyaan ah oo Degmada Ceel Barde ku xidhxidhay Odayaal Dhaqameed
  4. Dagaal Culus oo ka qarxay Degmada Rab-dhuure ee G/Bakool
  5. Dagaal ka dhacay xalay illaa saaka Degmada Ceel-Dheer

Readers Comments (3)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    maadaama raggii qoriga la hortaagnaa ciidamada abraha ee meliz oo sh.ibraahim hogaaminayo uu u baneeyay wadada ciidamadaas abraha iyo gaalo raacyada soomaalida ah way ku dhiiranayaan inay najaaseeyaan dhulka iyo dadka muslimiinta ah.

    waa lakala baxaye dadaw kala raaca labada dhinac.

    ALLAHAYOW u gargaar shabaabal mujaahidiin iyo dhammaan inta u jihaadaysa inay kor yeelaan kalimadda ALLAAH.

    sabra walaalayaal waad guulaysan doontaan bi’idniLLAAH.

    WALLAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail.com

  2. Cali Guure says:

    Ilaahow u gargaar mujahidiinta dhabta ee gaalada la dagaalanta. Xabashi Xabad mooye wax kale garanmayso. Sidoo kale ilaahow ijtihaadka Dr sh. Ibrahim barakee.

    Kuwa leh Xabashi bay hortaagnaayeen oo sidaa bay Xabashi u soo gashay Soomaaliya sax mahan. Sh. Ibraahim Markii uu qoriga sitay iyo markii uu hudnada galaba waxaa uu shabaab kala kulmay dhib badan oo aan markeeda ka hadalnay. Marka barooq diiq aan xoog badnayn yaan dadka lagu qaldin.

    Ugu yaraan shabaab ha u soo celiyaan walaalahooda agabka iyo baaburta ay aqoonta Soomaali galbeed ee Kismaayo ku biliqaysteen.

    La dagaalanka Xabashida waa waajib diini ah ee dadka hala kasbado.

  3. waayo arag says:

    Sh. Ibrahim Alaha xifdiyee wuxuu ku jiraa gudaha dalkiisii isagoo hubkiisii wata, wuxuu la hadlayaa dadkiisa, wuxuu wax barayaa umaddiisii labaatan sano loo diiday in uu arko .waa mujaahid iyo siyaasi culus.Caruurtan laga soo afduubay guryahoodii iyo dariiqyada europe ma yaqaanaan islam iyo jihaad toona.waa fitno cusub oo soomaaliya u dhalatay allaaha naga badbaadiyee ummadda soomaaliyeed ha gaaleeysiinina ee dhaafa dadka haddii aad dhiig u oomantihiin waa ku dhimaneeysaan dhiigga muslimiinta.Allaha ciseeyo islaamka , culimada caamiliinta ah ayaan raaceeynaa, ee wiilka aan istijada aqoon ma raaceeyno. wiilasha aan qaan gaarin allaha naga qabto islaam ma soo wadaane.afarta mooryaan ee loo qeeybiyay in ay culimada caayaan ee dadka afka goosta sida ninka sheeganayo khaadimulislaam wajiga iska feeyda aan idin aragnee ,waxaan kuu sheegaa in aad tahay haadimulislaam.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamo Itoobiyaana oo soo gaarey Deg. Ceel-barde ee G/Bakool.
  2. Dagaal ka dhacay Degmada Yeed ee G/Bakool
  3. Ciidamo Itoobiyaan ah oo Degmada Ceel Barde ku xidhxidhay Odayaal Dhaqameed
  4. Dagaal Culus oo ka qarxay Degmada Rab-dhuure ee G/Bakool
  5. Dagaal ka dhacay xalay illaa saaka Degmada Ceel-Dheer

Latest Headlines