Ciidanka Booliska ee Magaalada Bosaaso ayaa galabnimadii Maanta Abaaro 5 iyo qadar daqiiqado ah waxa ay Hotelka Safaari ka ka xeysteen Maamulaha Mac’hadka Diraasaadka Shareecada Islaamka ee Ibnu Xajar Al Casqalaani Sheekh Bashiir Maxamed Warsamed “Bashiir Caato.
Ciidanka ayay Ila wareed Somalimirror u waramayi sheegeen in ay ugu tageen Qol ka mid ah Qolalka uu ka kooban yahay Hotel-ka Safaari .
Askarta Sheekh Bashiir wadatay ayaa la sheegay in ay wateen 3 gaadhi sidoo kalena uu heliyay Taliyaha Qeybta booliska ee Bosaaso, waxayna wararku intaa ku dareen in ciidankaasi ay Sheekh Bashiir la aadeen dhanka Xabsiga dekadda ilaa intii makhribkii ahaydna uu halkaa ku sugnaa.
Sheekh Bashiir ayaa ah Maamulaha Mac’hadka Ibnu Xajar Al Casqalaani ee Raacasan Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika , Sheekh Bashiir waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Kuliyadda Shareecada iyo Diraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Bariga Afrika .
Sheekh Bashiir waxa uu Mastar dhanka Tarbiyadda ah ku soo diyaariyay Dalka Sudan wuxuuna xiligan ku howlanaa diyaarinta Risaaladiisa Digtooraada ama PHD hadba sidii loo yaqaano.
Si cad looma oga ilaa iyo hadda waxa ka dambeeya xidhitaanka Sheekh Bashiir oo ku can ahaa “Bashiir Caato” sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Booliska ilaa iyo hadda .

Related posts:
Alle hakoosoo daaya Shiikha.
Ninka xiray shiikha waxaa la yiraahdaa AFDALOW, waa korneelkii horey u xiray ilaa labo nin oo ah beesha uu kasoo jeedo shiikha uu maanta xiray, Marka AFDALOW ma family attack buu wadaa talow?
Shiikha iyo ardayda kale oo uu xirtay Alle hakaasoo daayo.
a.c.w allow sahal meesha ay ku socoto puntland kuma xisaabtamin in itoobiya dan u ahayn u dirida dadka aqoonyahanada ah iyo culumada qaqabashadooda,lakiin hogaanka puntland waxay ilaashanayaan waxoogaa san dareerto ah oo dhibka ay dhalin karto u dhigmin, yaanan la iloowin in puntland tahay jifooyin isku yimid ninkii gardaro lagu qabtaana uu dad ka dhashay ……..
Mooryaan puntland waxay u shaqeeyaan gaalada Mareykanka. Waxayna sheekha u xireen si ay u muujiyaan gaalada inay qandaraaska ay qaateen uu u fulayo sida loogu tala galay.
Mujaahidiinta iyo wax garadka halakaa jooga waa inay ka hor tagaan in shiiqa gacanta loo geliyo gaalada.
Alow sug
axcw salaanta islaamka kadib walaalayaal mahada ayaad ogaateen in puntland ay gaalada raali galineyso iyo somaliland iyo koonfurba dagaalkii buuhoodle ayaa ale ku kashifay nimanka mareykanka iyo itoobiya kabaha usida shacabkuna ay isha kadaawanayaan markii puntland wasiir kuxigeenka warfaafintu yidhi isku dhiiba itoobiyaanka waa saaxiibadeene,kuwa somaliland dadkii mudaaharaadka ka dhigayey laascaanood xabad kukala eryeen iyo widhwidh,itoobiyana shalay ayey dhacday hantidii reer buuhoodle oo xagaas iyo itoobiya u qaadatay sidaas ayeyna soomaali qolada ay doonto u bililiqeysaneysaa hadii aan la midoobin ee kuwa kabaha dabasidow berito ayey degmadaada bililiqeysaneysaa ogowna anigu reer buuhoodle ahaan u hadli maayo ee waxaan u hadlayaa nin soomaaliyeed oo muslin ah.
Dadka comments-ka qoraya waxaa habboon inay wax nafci leh qoraan ama joojiyaan faallooyinka gurracan.
Waa sax inuu Af dalow yahay ninka Sheekha qafaashay, isagoo wata seddex gaari oo ciidan ah, waliba uu hotelka aaggiisoo dhan ciidan ku hareereeyay, ka dibna ay isaga iyo askar kaloo farabadan galeen hotelka, ayna u sii gudbeen qolki sheekhu ka dagganaa hotelka oo ay ka soo taxaabteen.
Hadday arrini sidaa u dhacday ma wax beel wadato oo ay beel kale ku xumaynaysaa mise waa qandaraas ninkaan kaligi qaatay ama isaga iyo dad la jira qaateen.
Si macnuhu kuugu caddaado ogow inuu Afdalow ahaa ninkii dadka Xamar ky kala faasixi jirey xilligii Cabdullaahi Yuusuf oo qof uusan lacag badan ka qaadan xabsiga ka bixi jirin.
Sheekh Bashiir qandaraas buu u xiranyahay ama lacag ee hadday lacag tahay ninka ha lala gorgortamo sharci kaloo ka sii daynaya ma jiree, hadday qandaraas tahayna isaguba ma sii dayn karee wadaadka ha loo soo duceeyo.
walaalayaal iska dajiya nin reer puntland ah looma gaynayo nin gaal ah marka waxaan ka rajaynayaa dadka inay wax hubsadaan wadaad waa shaqsi waa gafi karaa waana ka noqonkaraa gafkaas marka waa hagaagaysaa waxa lagu qabsaday wadaadkana waa soo bixin, yaaney idin qaadin qabyaalad shiikhana waa shiikh somaliyeed waxaanse ilaah ka baryaynaa cidii dhib wada ilaa isagaa oge inuu soo qabto wsc.
puntland dadka kunool waa inay fahmaan sababaha loo xidhxidhayo dadka aqoonyahanada iyo cullimada ah, oo ku hawlan hormurka gobolada puntland, bulshada reer puntland inay muujiyaan dareenkooda xiligan hadda ah waa muhim si’ay oga hortagaan dhibaatooyinkaas iyo dabargoynta lagu hayo hormarka iyo amanka gobolada,
kuwa la baxay putlad iyo somaliland waxay walaal la yihiin tikree shacabka kama hadlayo waa camiillo hoostaga tikreega had iyo jeerna sidii naag raalliya ah bey usii dhoofaan si ay u raalli geliyaan ,waxaan idin leeyahay waad hoogteena usoo laabta kitaabka allaah haddii aad diiddaanna insha allaah kolley shacabka waxaa ka dhalan doona libaaxyada koofureed oo kale insha allaah, ku jira riyadiinna inta leydinkaga imaanayo insha allaah
BISMILLAAH.
horaan u sheegay in maamulada ka jira soomaaliland iyo puntland ay hoostagaan xafiiska ciidamada maansuuniyadda adduunka ee yuhuudda iyo kiristaanka ay ku leeyihiin boosaaso iyo hargaysa iyo addis iyo talaabiib iyo washington iyo khaliijka iyo qaahira iyo moosko iyo landan iyo baariis iyo meelo kale oo fara badan oo adduunka ka jira.
haddaba horaan ugu soo jeediyay naseexooyin culimada ku abtirsada kitaabka iyo sunnada saxiixa ah ee ku hoos jira mooryaantaas inay isaga soo tagaan oo ku soo biiraan mujaahidiinta .
haddaba aaay culimadii shalay mujaahidinta wax ka sheegayay ?
mslimoow baraarug o la so safo mujaahdiinta inta goori goor tahay.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
xasbunallaah wanicmal wakiil. meesha waxaa ka muuqda diin ladirir sii xoogaystay oo keni kara cadha eebe iyo isku dhac qabiil,punt-land daneheeda inay kafekertaa uwanaagsanaan lahayd oo ay joojiso ugaadhsiga aqoonyahanka waxtarka wadanka uleh,allaahumma innaa najcaluka fii nuxuurihim wanacuudu bika min shuruurihim.hasabro shiikhu inta nasriga allaah imanayo waa dhawyahaye.
mujaahid
wixii fitno wada waa in laqabtaa oo laga hortagaa haddii kale sida muqdishu ayuu xaalku isku bedelayaa; waa dhul ammaan ah cidii wax yeelaysa hala xiro!!.
Allaah hakasoodaayo sheekha
asc salaan dabadeed dabaan kulaylkiisa la arag dambaskiisa lagama leexdo sh.bashiir caato lama xirin ee beeeshiisa ayaa la xiray asaguna uguma horeeyo ee saxafiyin iyo dadkaleba waa la xirayay marka gaajo ayaa ukeenaysa shaqsiyan ayaan aamisanahay boliska marka beesha shiikha wax baa lagu tuhmayaa ayay ila tahayee xoogaa ha loo tuuro ayagaa iyadoo gaada ka ciyaar ku daraya soo deynayee xoogaa masayrana waa jiraa ee samir haloolahaado
waa guul u soo hooyatay inta neceb somalinimada iyo walaaltinimada,sheekha la’qabtay waxaa iiga daran xarunta sirdoonka cusub eey itoopiya ka furatay garoowe ayadoo loo huwiyay magaca safaarad, xafiiskan shaqadiisa mexeey tahay saa puntland dowlad iskeed utaagan oo aqoonsi leh ma’aha,ilaa goorma ayuu soconayaa gumeeysiga etoopiya iyo gumeeysi kalkaalayaashooda,waxaa hubaal ah umadu hadeeysan halgamin oo eeysan ka dhiidinin gunta guumeeysiga sida REER buhudlo klheeyr allaha siiyo iyo halganka gaboobay ee ka socda somaligalbeed(Ogadenia),laakiin maamulka puntland iyo shacabkiisabo waa hadii la’eegayo xaqiiqada weey ka fogyihiin halganimo iyo gobonimo balse, waxaa la’isdhihi karaa maamulka ayaa jilbaha u aasaya halgan kasto oo looga soo horjeesto itoopiya kaligoodna kuma aha oo waxaa weheliya saan ognahay IIDOOR LAND,waa su’aal ITOPIYA MEXXEEY KU AKHRISAY PUNTLAND IYO IIDOORLAND MISE WAA CABSI LAGA QABO KURAY YAR OO LAGA SOO DIRAY ABAASIINIYA??????????? fadlan akhristayaal jawaab cilmiyeesan hala traadiyo
waxaan salaamyaa dad weynaha soomaaliyeed , ale ha ka soo daayo mana heyn karaan in shaa alaah
Ninka wadaadka soo qafaashay waa reer Mudug oo waa la arkaa inuu beesha sheekhu ka dhashay u ciilqabo. Laakiin ma la is weydiiyey kuwa Warsangeli iyo Cali Saleebaan ee uu sidaa u wada xirxirtay.
Tan kale ma la is weydiiyey cidda uu matalo ninka dugsiyada Qur’aanka macallimiintii oo ardadii dhex fadhiya kala dhex baxay ama fasalada macaahidda ardaydii oo darsiga ku jirtay qayb soo qafaashay ama jaamacadda barqo dheer shaqaaleheeda soo taxaabanaya?
Bal ninka yaan la eegin beeshiisa iyo waa sarkaal Puntland ee ha la eego dhaqdhaqaaqa uu wado cidduu ugu danaynayo, ma puntland baa mise waa cid kale?.
a/s waxaaqiiqo ah inay shiiqa dad warxumo tashiil ah ayka gudbiyeen warbixin qaldan waxaana rajeeynay naah in saacadaha soosocda ay xornimadiisii usoonoqoto insha alaah laakiin waxaan usheegayaah kuwa warbixinta qaldan bixiyay in nin kii nin shaqo kadhigta shaqo laga dhiganayo nin walba wuxuukor saaran yahay xinin yihiisa
A/ALAYKUM WAXAA AYAAN DARARO AH IN SOOMALIDA MAANTA AY ISKA DHAMAYNAYNAYSO DADKII AQOONTA LAHAA IYAGOO SIISANAYA XOOGAA QADAADIIC AH AMA HA KA QAATEEN REER GALBEED AMA ETHOPIAN KU SALAYSAN REER GALBEED IYO FIKRADIHIISA, WAXAAN HUBAAL AH INSHAA ALLAH SHEEKHA INUU KU RAAXEYSAN DOONO XORNIMADIISA SAACADAHA AMA MAALMO YAR EE SOO SOCDA INSHA ALLAAAAH…..
A/s walaalaha soomaaliyeed waa salaaamanyihiin dhamaantood.gaar ahaana waxaan salaamayaa walalaalka laxiray waana waana ka xumahay in culumadasidaa loola dhaqmo culumadu waadadkii u adeegayay umada dhamaantood cidkasta xil ayaa ka saaran maamula ha ahaato ama dagaan ha ahaato waayo waxaan u malaynayaa taasi in aysan qofna ka daahnayn marka waxaan ku boorinayaa dhamaan dadka soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ka digtoonaadaad arimaha nooscaas oo kale ah waxaana ogtihii sheekha hada laxiray in uu ahaa macalin macad waana aad garan kartaan arintaa sida ay u dhibaatayn karto xitaa dadkii uu u ahaa macalinka intaa/walaalayaa intaa kadib waxaan idin xasuusinayaa maamulada ka jiray soomaaliya waa in ay xasuusnaadaan culimadu in ay tahay halboowlaha u dhexeeya shacabka iyo maaamulka taasina waxay ku tusaysaa in ay ka taxadaraan waxsoosaarka hada ay ilaashanayaan in uu yahay culimada oo kaliya / intaa waxaan ku darayaa alle hayna garansiiyo meeqaanka culimadu joogto iyo waxay naga mudan tahay
war “sheekh Cali” kan ku socdow beel naceyb baa ku dishayee maxaad naga qaadi kartaa weeye su’aashu cidaad doontoba noqee, reer mudug hadaad ka wadid cumar maxmuud ogow beel weynta laandheer ee cumar maxmuud iney 4 gobal degaan mudug,nugaal,bari iyo hawdka ganacsatada maanta bosasona wax kasoo dajiyana iyagaa ugu badan oo ay bacmushtarkoodu gaarsiiyaan ilaa galguduud iyo hiiraan, marka cuqdada jooji oo intaad waxkale weydey ayaaba isku dayeeysaa inaad xitaa majeerteen sii kala qeybiso,lol war afaaro aadan aqoon ulaheyn ha ka hadlin cali saleebaan waa beel kamida beel weynta majeerteen oo waxaaba ah wasiirka maaliyada puntland oo kamida wasiirada maanta Puntland loogu jecelyahay, marka ogow bosaaso ilaa gaalkacyo inuu yahay dhul majeerteen oo waligii la’oran jirey majeerteenia, warsangalina wuxuu dagaa sanaag-bari inta u dhaxeysa galgala ilaa ceeragaabo minoritytiga kale aan MJ aheyn ee bosaaso degana waa beesha yar aanu walaalaha nahey ee harti disheeshe. hadaan usoo laabto ninkaan laxirayna sabab la’aan laguma xirin ee naceyb Puntland looqabo dartiis yaan baaritaanka looga hormarin, koley hadii danbi laga waayo waa lasoo deyn, marka yaan la xasdin nabada iyo kala danbeynta Puntland ka jirta waana lasoconaa cadow badani inuu taas ka xunyahay sidaa darteed jeclaan lahaa in aan cawanimada xamar laqeybsano, walle taasi ineysan marnaba dhaceyn oo ragbaa har iyo habeen u taagan difaaca mandiqadeena xalaasha ah.
guul iyo gobanimo Puntland.
yaan la xasdiin walalihina nabada sameystey
guuleysta puntiland and somaaliland