Shaqalaha TV-ga Universal Xafiiskiisa Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

Published on May 30, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

Shaqaalaha Xafiiska TV-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa sameeyay Shaqo joojin timid kadib markii uu TV-gu xalay baahiyay Sawiro lagu fool xumeynayay Nabigeena Suuban ee Muxamad ah Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

War saxaafadeed qoraal ah oo ay soo saareen shaqaalaha Universal  TV ee Magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in ilaa amar dambe ay hakad galiyeen howlahoodii ilaa amar dambe waxayna sidaa ku xuseen War saxaafadeedkooda.

Waxa ay Shaqaalaha Tv-ga  Universal xafiiskiisa Muqdisho ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin sawirka ka soo muuqday TV-ga waxayna War saxaafadeedkooda ku dhaheen “Guud ahaan maamulka iyo  shaqaalaha taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka xun yahay warkaas sida qaldan u baxay waxaana aan u sheegaynaa dhammaan muslimiinta caalamka ku nool   in aanan raali ka ahayn warbixintaas qaldanayd,

Waxa ay sidoo kale sheegeen  “Maamulka iyo shaqaalaha taleefishinka waxa uu  mar labaad ku cadeyneynaa warsaxaafadeedkan inuusan raalli ka ahayn wixii wax u dhimaya diinta Islaamka”.

Gadoodka ay sameeyeen shaqaalaha TV-ga Afka soomaaliga ku hadla ee fadhigiisu yahay Dalka Ingiriiska ayay ka dambeeyay kadib markii uu habeenkii xalay ahaa Tv-gu baahiyay Sawir gacmeed wax looga sheegayay Suubanaheena Muxamad ah CSW.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Taliska Bileyska DKMG ah oo Shaqo joojin ku sameeyay Agaasime Xigeenka Isbitaal Madiina
  2. Shaqo joojin lagu sameeyay Hay’adaha CARE iyo INC ee ka howl gala Gobolka Hiiraan.
  3. Suxufiyiin ku Dhawaaqey Shaqo Joojin
  4. Idaacadaha Baydhabo oo lagu soo rogay Shaqo joojin.
  5. Afhayeenka Al shabaab oo sheegay in TV-ga Universal uu ku dhacay Fal dambiyeed aad u xun uga baaqay Towbad keen

Readers Comments (8)

  1. sayid cabdalle says:

    anigu ma dawado waligayna maan daawan laakin warkaasi haduu sax yahay waan in caalamkaba laga tirtiraa

  2. THAA'IR says:

    wallaahi haddii aysidaasisax tahay oo siiddaayeen waa riddoobeen kuwa faafiyeyiyo anigu ma daawado gurigaygana laguma daawado ilaahay ayaanan ugu dacwoonayaa kuwaasuguna dhowaanayaa in aan beri ka ahay

  3. ali says:

    meeshaasi aad tv ku sheegtaan anigu waxaan u aqaan maqaaxi ka mid ah maqaaxiyaha qaad ee east london.markaad maqashaan tv ga caalamiga qof waliba waxaa maskaxdiis ku soo dhacaysa meel fiican, tv waxaa ka shaqeeya shaqaale laga soo ururiyey maqaaxiyaha qaadka oo aan wax xirfad ah lahayna . mooyaan , diintii illahy waxa ka dhigeen ;maxay kula tahay diintu ma ra,yibaa dadka la waydiiyo.mooryaan taasi ayaan la daawnin.ninka illahay ka baqaya

  4. Waran Kulule says:

    Waxa Yaab ah ilaa iyo hadda wax raalli gelin ah ma bixin qaybta reer london.

    war heedhe nimanku ma waxay is leeyihiin shabab ku xumeeya mise gaalnimaa u qarsoon illayn waa yaabe

    Teeda kale Ahlu sunnah wal jamaaca maxay Tan uga hadli waayeen Mise Xadraday kaga egtahay odayaashan

  5. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILAAH.

    WALLAAHI BILAAHI TALLAAHI inaanayn sawiro iyo afagaado iyo jees jees midna wax u dhimay shaafta rasuulka calayhi ASSALAATU WASSALAAM

    ee waa daan daansi yuhuuddu waddo iyo gaaloo dhan ee dadoow mujaahidiinta taageera ayagaa ugu dhoo maanta wax wax isa celin karee.

    WALAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail.com

  6. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILAAH.

    maamulka telfishinkaan universal waa maamul faasiq ahoo aan xishoonayn waana maamul isku wada boor isku qarin.

    haddaba kuwa culimada sheegta ee wacdiga ka jeediya oo sadaqada ka aruuriya soomaalida oo meeshaas waddada ka dhigtay inay ducada u dhaafsiiyaan dadka sadaqadooda may gadoodaan oo joojiyaan sadaqa aruurinta, ugu yaraan may canaan kulul u soo jeediyaan kuwa xaaraanta dhex dabaalanaya ee ay garbaha isku hayaan.

    duf ku baxee u qiiroda NABI MUXAMMAD CALAYHI ASSALAATU WASALAAM aad magaciisa sadaqada ku uruurinaysaan.

    WALAAHU ACLAM

  7. Hiis says:

    Tv.ga universal wa ku hanweynen inu umadan dhagolka ah wax u shego lkn isagaba habowsan waxan dhihi laha ilah u tobadkena wan ka xumahay waxa dhacaya

    IT’S TOO BAD sorry.:

  8. muslimah says:

    alhamdu liaah waxdahu , naxriis iyo nabad galiyo korkisa ha ahaato rasuulkeena muxamed.
    kheyru khal khilaah wa khayru khuluqan . s.c.w
    walhaai hadaan awood ulahaan laheen dhiig baan udaadi laheen hadaan arki lahaay kuwii sawiray ama ku raacay in laga daayo meel rasuulka qof wax kasheegaayo laakiin hada waxaan awooda habaar
    kuwiisawiray kuwii ku qan cay in tv laga siidaayo rabi waxan ugabar yayaa aduunka iyo aakhiroba ashadal cadaab in ilaaheey marsiiyo wahuwa shadiidul ciqaab,
    amiin aaaaaaamiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Taliska Bileyska DKMG ah oo Shaqo joojin ku sameeyay Agaasime Xigeenka Isbitaal Madiina
  2. Shaqo joojin lagu sameeyay Hay’adaha CARE iyo INC ee ka howl gala Gobolka Hiiraan.
  3. Suxufiyiin ku Dhawaaqey Shaqo Joojin
  4. Idaacadaha Baydhabo oo lagu soo rogay Shaqo joojin.
  5. Afhayeenka Al shabaab oo sheegay in TV-ga Universal uu ku dhacay Fal dambiyeed aad u xun uga baaqay Towbad keen

Latest Headlines