Daalibaan oo qabsatay Gobol bariga Afqanistan kuyaal.

Published on May 30, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Xarakada Daalibaan ayaa Qabsatay Gobolka Naa’i ee Bariga Dalka Afqanistan kadib dagaalo Xoogan oo ay Ciidamadeedu lagaleen Booliska Dowlada uu Hogaamiyo Xamiid Karzay.

Afhayeen u hadlay Xarakada Daalibaan oo lagu Magacaabo dabiixulaahi Mujaahid ayaa shaaciyey inay tiro aad u badan kadileen Ciidamada Booliska ayna gaarsiiyey qasaarooyin Xoogan.

Dabiixulah oo la hadlayey Wakaalad Jarmalka laga leeyahay ayaa yiri:“shalay subax waxaan qabsanay dhamaan mandiqada 28 kamid askarta Dowladana waan ku Dilnay”.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Gobolka Nooristan ee Dalkaas ayaa Xaqiijiyey inay Daalibaan gacanta ku dhigtay Gobolkaas kadib markii Boqolaal Ciidanka Daalibaaniyiinta ah Hareereeyeen Dagaal Xoogana ku qaadeen Booliska ay halkaa kaga tageen Ciidamada Shisheeye ee Dagaalka ka wada Dalkaas.

8 kamida Askarta Mareykanka ayey Daalibaan ku dishay gobolkaas Bishii Octobar ee Sanadkii tagay wixii Xiligaas ka dambeeyeyna wey isaga baxeen Gobolka Askartii NATO ee Dagaalka kawaday kadib markii ay u adkeysan waayeen Weerarada kaga imaanayey Daalibaan waxayna gobolka kuwareejiyeen Booliska Shalay laga ceyriyey

Dhanka kale 5 kamida Booliska Afqanistan ayaa dhimatay Taliyahoodiina dhaawac daran ayaa soo gaaray kadib markii ay cutubyo ka tirsan Daalibaan kamiin u dhigeen kolonyo Boolis ah oo marayey Bariga Afqanistan.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Askar NATO looga Dilay Afqanistan & Weerar lala Damacsanyahay Daalibaan.
  2. 6 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay.
  3. Ciidamada Faransiinka ee Afqanistan oo Daalibaan lacag badan ku baryaya si ay weerarada uga joojiso.
  4. Obama oo 30 kun oo Askari u diraya Afqanistan & Daalibaan oo wacad kumartay baabi’ntooda.
  5. Daalibaan si Buuxda u cago dhigtay 4 Gobol oo ku Yaala W/Afqanistaan

Readers Comments (6)

  1. c/qaadir cumar says:

    allahu akbar waa arin aad iyo aad loogu farxo inay daalibaan qabsato gobolkaasi ilaah waxaan uga rajeeneenaa inay gobalada harayna ay gacanta ku dhigaan xoogaga daalibaan

  2. Wiilmalayko says:

    Allaahu akbar

  3. Abuu salamah says:

    Alahu akbar dabixulah al mujahid dagalka ha socdo hana ku soco ima geri wa ima guul insha alah galadana la sabartama dhalin yarada hadan nahay mar xududaha way no furmi donan allahu akbar dagal intu socdo &inta lajifo alah ka cabsiga hala badsho

  4. Aakhiru-zaman says:

    masha’allah ilaahay ayaa mahad leh, guusha ay heleen ciidamada Emarada islaamiga ee afghanistan , runtii haddii ay guulaystan daaliban wadamada kale ee muslimka ahna way-guulaysan ilaah idinkiis. waxaan jeclahay in aad walalayaaloow bal daa-wataan video dagaal ah oo kusaabsan qabsashada ciidamada mujahidiinta ee wilaayada Nuuristaan, waxaaad ka heli kartaan video ga alqimmah.net cinwaanka video ga waa : QABSASHO SALDHIG CIIDAMEED EE NUURISTAN. waxa lala dagaalayana waa asxaabta daanyeerrada iyo doofaaraha ee labaxay maraykan . caqli ayaa idinkaga kordhi lahaa filimkaan , assalaamu callaykum.

  5. Cali Guure says:

    Allahu akbar. Ilaahow u gargaar mujaahidiitna dhaaalibaan, jabina cadowgooda mareykanka iyo kuwa kabaha u qaada

  6. Kheyrdoon says:

    Allow mujaahidiinta ugargaar




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Askar NATO looga Dilay Afqanistan & Weerar lala Damacsanyahay Daalibaan.
  2. 6 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay.
  3. Ciidamada Faransiinka ee Afqanistan oo Daalibaan lacag badan ku baryaya si ay weerarada uga joojiso.
  4. Obama oo 30 kun oo Askari u diraya Afqanistan & Daalibaan oo wacad kumartay baabi’ntooda.
  5. Daalibaan si Buuxda u cago dhigtay 4 Gobol oo ku Yaala W/Afqanistaan

Latest Headlines