Afhayeenka Al shabaab oo sheegay in TV-ga Universal uu ku dhacay Fal dambiyeed aad u xun uga baaqay Towbad keen

Published on May 30, 2010 by   ·   13 Comments   ·   print

Af hayeenka Ururka Al shabaab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gabi ahaanba uu bur buray heshiiskii wada shaqeynta ahaa ee ka dhaxeeyay Al shabaab iyo TV-ga Universal ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska.

Shirka jaraa’id ee uu Sheekh Cali Dheere qabtay ayuu kaga hadlay Sawir Gacmeed lagu fool xumeynayay Nabigeena Suuban ee Muxamad ah Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaatee,wuxuuna sawirkaa xalay ka soo muuqday TV-ga Universal waxaana sawirka soo daabacay Wargeys ka soo baxa dalka Koonfur Afrika .

Sheekh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in Howladeena TV-ga ay ku dhaceen fal dambiyeed aad u xuno oo noqonaya mid Diinta looga boxo wuxuuna ugu baaqay Howladeenada Universal in ay ka dowbad keenaan fal dambiyeedka ay ku dhaceen wuxuuna yidhi “Inagu hadaan nahay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxaan go’aansanay in aan joojino wixii Macaamil ah ee aan la lahaan jirnay telefashinkaasi Unaversal ilaa ay kala yimaadaan in ay dambigooda qirtaan kadibna towbad keen ay cadeystaan inta ka horeysana in aan joojino Macaamilkii aan la laheyn, wixii ka dambeeyana waxaan u eegeynaa qaraarada iyaga ka soo baxa, waxa aad ku dhacdeen waa rido hadaad ogtihiin iyo hadii kalaba, waa nabi Muxamed oo la caayay oo la aflagaadeeyay, waxaan idin leenahay Tuubuu Illalaah”

Waxa uu Sheekh Cali Dheere sidoo kale Shirkiisa ku soo hadal qaaday falka uu TV-gaasi sameeyay in uu yahay mid u adeegaya Danaha Gaalada iyo Reer Galbeedka wuxuuna tilmaamay in Warbaahinta Islaamiga ah talaabada iyo wax u dhow midoodna in aysan qaadin, wuxuuna intaa ku daray in TV-ga Universal uu ka qeyb qaatay dacaayaadka ka dhanka ah Nabigeena Suuban CSW.

Hadalka AF hayeenka Al shabaab ayaa ku  wajahnaa warka uu TV-ga Universal baahiyay habeenkii xalay ahaa wuxuuna warkaasi ahaa war uu TV-ga u soo diray Wariye ka tirsan Universal oo ku sugan Dalka Koonfur Afrika



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay Dagaalku inuu waji Cusub galey.
  2. Al-Shabaab oo Gogol Dib u Heshiisiin ah ugu Baaqay Beelaha G/Sh.Hoose
  3. Al shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaal shalay casarkii ka dhacay Boondheere& Shibis ee M. Muqdisho
  4. Al-Shabaab oo ka war-bixiyay Dagaalkii saaka ka dhacay Duleedka Muqdisho
  5. Al-Shabaab oo Sheegay inay soo weerareen Axmed Madoobe & Ciidamo ka tirsan ONLF.

Readers Comments (13)

  1. Cali Guure says:

    Bi abii wa ummi anta yaa rasuulullaah.

    Universal TV waxaa iska leh koox mooryaan ah oo shaanshi ah. Waxay u dhar dhigteen lacag helid iyaga oo u sii maraya ruxida doolo dumar, heeso, fikrad cilmaani iyo munaafiqnimo ijtimaaci ah. Ku darida barnaamijyada islaamka yar waxay ka tarjumaysaa caqliyada cilmaaniga iyo cadaaadiska dadwaynaha.

    Waxay xalay ka siidaayeen Tv waa diin ka bax iyo gaalo u nacamlaynaya meelna ay ku soo gaban. Wax wabla lama weriyo.

    Waxay awoodi kareen:

    Inay Carada muslimiinta soo gubiyaan keliya.

    Laakiin maadaama ay yihiin mooryaan Xamari ah oo dibada ku nool oo iska dhigaya Sida gaalada BBC/VOA ama idaacada la iska arko ee dalalka gaalada ayay sawirkii keeneen.

    Waxaan qabaa in Xisbiga iyo shabaab (waa haddii heshiiska qarsoon ey la galeen TV dhaawacayn diinta) qaadaan talaabooyinka:

    1- In madaxda u sare ee TV-ga oo Mooryan la yaqaanno ah towbad calani ah iyo qoraal ah keenaan, TV-gana ka hadlaan

    2- In Universal TV joojiyaan dhamaan barnaamijyada filimada xunxun ee hindiga iyo gaalada kale ee ay siidayaan umadana lagu fasaadiyey

    3- Inay joojiyaan naagaha qaawaan ee wararka iyo barnaamijyada qaarkooda sii dayaa sida ka suugaanta, barnaamijka hambalyada

    4- In shaydaanka Ridwaan cabdiweli la yiraahdo shaqada ka eryaan maadaama uu cadaystay jahli iyo marin habaabin diineed

    5- in la kordhiyo barnaamijyada islaamiga ee ka baxa TV.

    6- In guddi culimo loo sameeyo oo saxda barnaamijyada TV oo dhan.

    7- Inay dhisaan jaamacad Islaami ah oo laga hirgeliyo Magaalada muqdisho loona dhiibo culimada salafka

    8- Inay dhisaan laba masaajid oo waawayn oo lagu tukado

    9- In joojiyaan in waqooyiga Soomaliya ugu yeeraan waxa lagu magacaabo Soomaaliland

    10- in shanta sana soo socoto ay bixiyaan kharajka 10 minxa scholarship sanadkii oo daraasad Islaami iyo maadi lehba oo ay soo doortaan ducaadda salafiga Soomaaliya.

    11. Inay bixiyaan 10% dakhligooda sanadkiiba mudda shan sana ah si loogu difaaco rasuulka scw dadkana loogu baro siirada rasuulka scw/

    12. Inay TV siiyaan 10 iidheh bilaash ah bishiiba saddex ah mashaariic islaami ah ee Soomaaalida oo dhan bishardi in guddiga culimada soo ansixiyaan mashaariicadaasi

    iwm

    Waxaa arrimaha kor ku xusan looga bixi karaa in Islamaiyinta Somaliya yeeshaan Iclaam Maqal iyo muqaal ah oo madax banaan.

    Ugu dambaynta su’aal u baahan jawaab dhab ah:

    Waxaa uu Cali dheere yiri

    “in gabi ahaanba uu bur buray heshiiskii wada shaqeynta ahaa ee ka dhaxeeyay Al shabaab iyo TV-ga Universal”

    Maxay tahay wada shaqaynta ka dhaxeeysay cajiiradan najaasta Untv iyo shabaab?

    Ma waxay ku heshiiyeen in marka ay wacdaan inay ugu tagaan meesha ay doonaan ilayn diin lagu heshiiyey ma jirtee?

    Ma waxay ku heshiiyeen in lacag bixiyaan?

    Ma waxa uu Godane kula heshiiyey in gobolada waqooyi loogu yeero Somaliland?. Tan waa macquul.

    Ma waxaa lagu heshiiyey in wixii war sir ah oo ay ka helaan inaysan sheegin?

    Ama war been ah oo shabaab sheegay inaysan beenin?

    Maxuu yahay heshiiska?

    Xaraka idil oo sheeganaysa jihaad inay heshiis wada shaqayn la yeelato TV cilmaani ah oo u dhar dhigtay dhaqaale iyo marin habaabin waa wax la is weydiiyo. Waxaa iiga sii daran wuuba sii iclaaminaya. hadii dadka intaa sameyn lahaayeen waxaa shaki iiga jirin in shabaab ku mashquuli lahaayeen qaybinta gaalaynta iyo takfiirintooda.

    Fasatadkuruuna maa aquulu lakum

  2. Muxamad-amiin says:

    Asc walaalayaal waa sax waan ka wada xunahay waxa u sii daayay tvga universal oo ah tv dad muslin 100% ah ku abtirsada ama afkooda ku hadla ama u adeega. Waxana dadka muslimiinta ah amaba somalida ah looga baahan yahay inay dib u baaraan tvga universal iyo meesha uu dhab ahaan ka soo jeedo iyo cida abaabushay jiritaankiisa waayo tvgu wuxu shabakada caalamka ku so biray marki cadawgu somalia soo galay oo gaalo oo dhan ay ku soo duushay umada somaliyeed oo dhan. marka waxaan leyahay dib ha loo raaco tvga universal meesha u ka soo jeedo iyo cida maal gelisaba. Wasalamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

  3. Abuu salamah says:

    Asc wa run malmahan ayan wadankan an jogo e suoth africa dadka lagu tusayay sawirkas mida kale waxan idin ogaysinaya dhaman musliminta khasatan so malida in nagula yiri masjidka aadamka salada naga jojiya marka galo intas& ka badan walaga sugaya asc

  4. abuukar maxamed cali says:

    waxa aan salamayaa dhamaan muslimiinta ku nool aduunka oo dhan. waxa aan canbaareynayaa TVGA UNIVERSAL OO SOO BANDHIGAY FAL AAD U XUN KAAS OO AY KU DACAAYADEEYEN NABEGEYNA MAXAMED NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA AHAATO. WAXA AY SAMEYEEN MA AHAN WAX DULQAADAN KARO

  5. asmaa says:

    waa wax sax ah ikhwanii see damiirkiina inii siiye reer unversal in nabi maxamed salalh calahi wasalam oo dacayad raqiis ah galdu ka baxsheen in inkoo sheegan islaaam aad ka so deesaan ma waxa inag dhintaye damiirkii muslinimo ina lilah wa inaa ilahay rajucuun wa ku saxanyahaye in xirirka nilii jaraa nabi maxamed sallaahu calahi wasalm allah ayaa doortaye ceeb muu lahan lakiin damiirkiina mahayan in soo desan kartoon xunoo yuhudi ka danbeesay iyo dadkay ku adeegato allah a khabto yahuud iyo yahuud raceen amiiiiiiiiiiiin

  6. Cali Guure says:

    Somalimirror

    scw

    Siidayaa tacliiqayga min fadlakum. Hadaad siidayseen raali ahaada oo ha sii daynina tacliiqan codsiga ah

  7. akram ALIAS says:

    ??? ?????? ??????? ?????? ?????? ???? ??????? ?????? ???? ??????? ?? ?????? ???????? ????????. ?? ?????? ?????? ?? ???? ?? ????? ?????? ?????? ???? ??? ?? ????? ??? ????? ?? ????? ???? ????? ???? ??: ?? ? ??? ???? ?? ????? ????? ?? ?????? ??? ???? ?? ??? ?? ?????? ??? ????? ?????? ?????? ??????? ??? ????? ??? ???.

    ?? ?????? ??????? ?? ???? ???? ?? ???? ????? ???????? ?????? ?????? ??????? ?????? ???? ????? ???? ??: ?? ? ?? ??? ???? ??????? ???? ???? ????? ???? ?? ??? ???? ???? ?????? ??? ??? ?????? ?????? ????? ?????? ?????????? ??? ??? ??????? ???????? ???????????? ?? ?? ????? ???????? ????? ?????? ??????? ????????.

    ?? ?????? ???????? ?? ???? ???? ?? ???? ??? ????? ????? ???????? ????? ?? ???? ??????? ???? ?????? ???? ??: ?? ? ?? ????? ???????? ?? ???? ?? ????? ???????? ????? ??? ???????? ?? ????? ????????? ?????? ??????? ??????? ??? ??? ????? ?????? ?? ???? ???? ?? ??? ??? ?? ?? ???? ???? ?? ???? ???? ?? ??? ??? .

    ?? ?????? ??????? ???? ??????? ??? ???? ???????? ??? ???????? ???? ??? ?????? ??? ???? ??????? ???? ?????? ???? ??: ?? ? ?? ???? ??????? ???????? ????? ?? ?????? ???? ??? ???? ?? ?????? ?????? ???????? ?????????? ?????? ???????? ??????? ????????? .. ??? .

    ?? ?????? ??????? ?? ?????? ?? ?????? ??? ?????? ????? ??????? ???? ?????? ???? ??: ?? ? ?? ?????? ??????? ?? ????? ?????? ?? ??? ?????? ????? ??????? ?????? ??? ??? ????? ????????? ??? ??????? ??? ????? ?????? ?????????? ??? ??????? ?? ?????? ???????? ??? ???? ???? ?????? ??????? ????????? ???? ?????? ??? ???? ???? ??? ?????? ??????? ???????? ?????? ??? ??????? ?????. ??? ??? ?????? ?? ???? ???? ???? ?? ??? ?????? ??????? ???????.

    ??? ??? ??? ?????? ???? ??????? ?? ????? ???? ??? ???? ???? ?? ?? ????? ?????? ??????? ????? ?????? ?? ?????? ?????. ??? ???? ??? ??? ?????? ??????? ?? ??????? ???????? ??? ?????? ?????? ?????? ??????? ???? ??????? ???? ??????? ??????? ???????? ???? ? ????? ??? ??? ????? ??????? ?? ???? ???? ??????

  8. akram ALIAS says:

    why? rayi geyga masoo baxaayee somalimirror idinkaan idin weydiinayaa mise rayiyida dadka aad soo saartaan only makuwaa aad jeceshihiin inaad aragtaan????????????

  9. C/fatax says:

    Tv-ga unevesal waxan qaba in u qaldan yahay.Hadu warka jiro war ahan ha u so shegan lakin waxay rali ka noqden kana qayb qaten aflagadadi lo gaystay nabigena suuban naxaris iyo nabadgalyo korkisa ha ahatee

  10. MUSAAFIR ADUUNYO says:

    sharcigeena wuxuu noo sheegayaa in uusan lahayn tawbo qof caayay nabiga allaha nabad galiyee marka shabaabka arrinkaa ha iska fiiriyaan khayr allaha siiyee

  11. Max'ed says:

    A.C.W.
    Iyadoo ay tahay in qof Muslim aan lagu baraarujin difaaca Diintiisa oo halgan adag loo soo maray xilliyadii Ahlu-salafka iyo weliba kadib , taasi oo issirkeenna Soomaalidu ku lahaayeen door weyn , ha noqoto difaaca diinta Alle iyo weliba faafinteeda-e , waxaa wax lala yaabo ah in muwaaddin Soomaliyeed oo aan riddoobini soo daayo si ka fiirsi la’aan ah muuqaalka sawirradii Rasuulka Ilaahay (S.C.W.)lagu aflagaadeynayey.
    tan danbe macneheedu waa in TV-ga Universal ay yar tahay khibradda weriyeyaashoodu u lee-yihiin xirfadda weriyennimo ee ay rabaan in ay doboolaan ama ka soo dhalaalaan.
    Iyada oo aan hubo in ay raalli-gelyo ka bixiyeen arrinkaas , welibana ay Alle toobad weydiisteen , waxa aan lee-yahay Allaha ka aqbalo toobaddoda.
    Intaas haddii aan uga haro mawduucan ku saabsan khaladka ka dhacay walaalaheenna TV-ga Universal bal aan guda galo khaladaadka mujrimnimo ee ka dhaca walaaleheenna Soomaaliyeed ee mutashiddidiin iska-yeelka ah ee Al-Shabbaab ee iyagu diideen xal kasta ee nabad iyo midnimo lagu gaari lahaa , balse u bayray dhinaca in ay camiil u ahaadaan kuwo kula shirkoobay burburinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed , bal kuba fangareeya , oo kuna yiraahda ha-la heshiinnina DFKM xitaaba haddii ay dastuurka ku qortaan shareecada ayaan dalka ku dhaqaynaa.
    Waxaan ku dhihi lahaa Sh.Cali-Dheere iyo Sh. Daaahir Aweys-ba dadka madaafiicda , barakicinta iyo colaadda aad ku dul haysaan ka daaya , sidaas ma ahan Jihaad , Allena kama raalli aha , annaguna iyo intii wax garad ahi waa idin arkaan.
    Shalay haddii dadku idiin wada han weynaa 100% la idin wada taageersanaa , maantay la idin wada caarif , oo dariiqa Alle ku qaraabate si aad ugu geeda goosataan kana bayrte.
    Sidaas darteed maanaty waxa aad thiin kuwo dadka xoog ku haysta , taas oo aan ula jeedo meel ma gaari doontaan , haddii aydnaan dariiqa Rabbi dib ugu soo laaban , oo aydnaan dadkiisa aad madaxa ka wada gurteen u nabad gelinnin, haddii dadkiisa aad madaafiicda iyo hoobiyaha aad ku xasuuqdeen aydnaan ka dhaafin , haddii weerarrada aad u joogteyseen ku qabasashada iyo xasarad ka abuuridda magaalooyin nabdoon aydnaan dib uga laaban , wallee diintaan bishimaha baarkooda idinka ah guul badan idiinma soo hoyin doonto, ee ragoow dariiqa Alle waa cad yahay , waa muwaafaqo , waa is-jeclaan iyo isu-dhimrin , waa dagaal la’aan iyo wada hadal iyo wixii kale oo wanaag leh , ee waxa aan idin noran lahaa intaa ha isku wada qummiyo.
    wa bilaahi tawfiiq

  12. umu anisaa says:

    asc wr wb waa qosley kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk cali guure ma adiga waxa sare qorey oo warqada buugga ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    asc wr wb beni aadamka oo dhan wuu qaldamaa ALLAAH SWC wuxu jecel yahey dadka qaladkooda ka soo laabto UNIVERSAL TV waxey bixiyeen raali gelin iyo cafis ey waydiisten shacabka soomaaliyeed intaas ka badan dadka fidnada buun buuninayo waa dad neceyb iyo caro dilootey oo qaswadayaal ah oo diidan ama quuri la horumarka weyn ee uu gaarey UNUVERSAL TV , waa dad baas abuur ah war ilaahina ka xishooda TV waxbo uma dhimi kartaan TV wuxu u adeega shacabka soomaaliyeed raaskanboni ilaa raas caseyr habeen walbo maseexdo anoo dhageysan waxa ka dhacaya soomaaliya taas mahadeda waxa leh ALLAAH SWC waxana mahad weyn u jeedinaya ING axmed abuubakar waa aqoon yahan soomaaliyeed oo indhaha u furey shacabka soomaaliyeed waxan kor aqriyey dad duraya qabiilksa kkkkk waa wax lagu qoslo dadka soomaaliya ugu ilbaxsan dhinac walbo waa ING qabiilkisa ururkii SYL waxa ku ugu jirtey 4nin oo beesha ING AH marka dadka aflagadeynayo ING axmed beeshisa waa dad waxa ka aqoon taariiqda soomaaliya waa caruur iyago yar yar qaxooti loo soo qaadey soobarta taariiqda soomaaliya hanoolato UNIVERSAL TV IYO ING axmed iyo shaqaalihisa.

  13. Saxwadii Hore says:

    WAr dhiigga muslimka ee sida gardarrada lo daadinayo aaa u baahan cid u daroota oo kooxaha soomalida msulimka ah nabadda u diiday baa canbaarayn mudan ee ma aha universal oo dhacdo gaalo ku kaceen soo tabinayey laga dhigo inay iyagu nabigii caayeen haddii wixii ay gaalada ku kaceen soo gudbiyeen waa lagu canaantay ama lagu baraarujiyey waana ka cudur daarteen ee maxaa iyaga loo daba ordayaa oo kuwa maalin walb musliminta ku gawraca muqdisho oo salaadhihii kuwii tukanaey masaajida horteeda ku dilaya oo dhiigga muslimka xalaashaday loo ari la’yahay
    Inta nabi maxamed scw u xanaaqi lahaa wariya universal waxaaka badan inta uu u caroonayo kuwa diintiisa iyo dadkiisii sidaa u gumaadaya iyagoo maraca u gargaarka nabiga sheeganaya ummadiina gaalaysiin kula dhaqaaaqaya iyo gawrac!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay Dagaalku inuu waji Cusub galey.
  2. Al-Shabaab oo Gogol Dib u Heshiisiin ah ugu Baaqay Beelaha G/Sh.Hoose
  3. Al shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaal shalay casarkii ka dhacay Boondheere& Shibis ee M. Muqdisho
  4. Al-Shabaab oo ka war-bixiyay Dagaalkii saaka ka dhacay Duleedka Muqdisho
  5. Al-Shabaab oo Sheegay inay soo weerareen Axmed Madoobe & Ciidamo ka tirsan ONLF.

Latest Headlines