Xafiiska Qarmada Midoobay u qaabilsan Arimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in dagaalada labadii isbuuc ee tagay ka dhacay Soomaaliya ay sababeen dhimashada 60 iyo bara kaca 14,300 oo qof .
Af hayeen u hadlay UNCHR oo lagu magacaabo Andry oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in 14,300 oo qof oo madani ah ay gurahooda ka qaxeen labadii isbuuc ee ugu dambeeyay wuxuuna xusay in dadka bara kacay intooda badani ay dageen deegaanada ku dhow magaalada Muqdisho.
Waxa uu Andry sidoo kale xusay in dagaaladaas ay ugu yaraan ku naf waayeen ilaa 60 qof wuxuuna dhaawaca ku shegeen in ay tiradaa labada jibaarkeed yihiin qaarkoodna ay la il daran yihiin dhaawacyada soo gaadhay.
Waxa ay UNCHR xustay in sidoo kale ay ka walaacsan tahay xaalada la soo gudboonaan kara dadka dan yarta ah ee ka bara kacay guryahooda aanana haysan wax ay quutaan .
Waxa ay UNCHR dhanka kale warkeeda ku xustay in xiligan la filan karo cuduro la soo darsa dhalaanka waxayna xanuunadas laga cabsi qabo ku sheegtay in ay yihiin kuwo ka dhalan kara roobabka xiligan ka bilowday Gobolada Koonfureed ee dalka.

Related posts: