Indha Cade oo weerarkii Qarax ee lala beegsadey ku eedeeyay Ciidanka Madaxtooyada.

Published on May 29, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

Yuusuf Maxamed Siyaad(Indha cade) oo maanta Saxaafada shir jaraa’id oo uu qabtey kula Hadley ayaa qaraxii habeen hore lala beegsadey isaga iyo xubno Wasiiro ah oo la socdey ku eedeeyay ciidamo ka tirsan kuwa DKMG.

Ciidamada DKMG ee uu ku eedeeyay iney weerarka qaraxa ka danbeeyeen ayuu sheegay iney ka tirsan yihiin Xarunta Madaxtooyada.

Indha cade, ka sokow eeda weerarka ee uu dusha ka saarey ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada, waxa uu ka gaabsadey siduu shirka jaraa’id ka sheegay inuu cid gaara carabaabo.

Waxa uu sidoo kale sheegay iney baaritaano weerarka ku aadan ay wadaan taliska ciidanka Bileyska iyo Wasaarada arimaga gudaha ee DKMG, wixii ka soo baxana Saxaafada u soo bandhigayaan.

Maruu soo hadal qaadey, khasaaraha ka soo gaarey weerarkaas ayuu ku sheegay dhaawacyo kooban oo soo gaarey ciidamadii la socdey.

Ma jiro hadal ka soo baxey dhanka taliska ciidanka Madaxtooyada ee weerarka qaraxa uu ku eedeeyay Indha cade.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Weeraro khasaare dhaliyey oo lala eegtey Kolonyo uu la socdey Indha-cade
  2. Qeyb-diid & Indha-cade oo ka hadley weerarkii Maanta ee Xalane.
  3. Uganda oo Indha-cade u xirtey weerarkii Xalane.
  4. Qarax Miino oo Ciidanka DKMG ah Lala Beegsadey Saaka
  5. Sh C/qaadir Cali Cumar oo ka Hadley Weerarkii Saaka lala beegsadey.

Readers Comments (5)

  1. Allemagan says:

    Laga yaabee inuusan Yuusuf Indhacadde mar walba ku saxsanayn cida uu eedaha dusha ka saaro. Hase yeeshee mid ayaa iska muuqata hadaan maskaxdeena kaashano. Taasi waxaa weeye jiritaanka Indhacadde si gaar ah oo ka duwan xubnaha kale ee dawlada ayaa dad u dhibsaday.

    Hadaba ayaa qaraxii habeen hore lala beegsadey Indhacadde iyo xubno Wasiiro ah oo la socdey ka dambeeyey? Cida ka dambeysay qaraxaas muhiim ma ah inay ciidamada DKMG ahaayeen ama in ay ahaayeen argagaxisada Al-shabaab iyo Xisbul Islam. Waxa muhiimka ah waxaa weeye inaan is weydiino maxaa qaraxii la isku dayaba uu Indhacadde u saameeyaa.

    Qaraxii la isku dayaba wuxuu Indhacadde u saameeyaa waxaa weeye Indhacade waa nin wax qabad leh cidii uu la jiraba. Argagaxisadu marna ma beegsato Shiikh Shariif ama wiilka naaxay ee in Cali Sharm’arke ama kuwa kale ee wasiirada ama xildhibaanada isku sheega. Sababta aan kuwan dambe loo raadinayn, waa inay yihiin wax matarayaal ama qaarkoodba fallaagada gacan saar la leeyihiin siduu Indhacadde horay u yiri.

    Waa wax la rumaysan karo hadii qof ku yiraahdo maanta waxaan arkay Shiikh Shariif iyo afadiisa Khyarto Culusow oo suuqa Bakaaraha ka adeeganaya. Maxaa wacay Shiikh Shariif laba sano ayaan xagiisa eegayna waxaana la oran karaa Cabdillaahi Yuusuf waa loo darsaday. Argagaxiso waa baraartay inta Shiikh Shariif diyaarad ka degi la’ yahay dawladiisuna ay isku maaweelinayso siminaarada shaqaale dawladeed oo aan jirin.

    Nacaybka iyo karaahiyada loo qabo Yuusuf Indhacadde waxay u dhigantaa tii loo qabay oo lagu dilay Cumar Xaashi. Bahala galeenka Muqdisha ninka cid aaminaya ama hurda fiican seexda waa nin aan joogista iyo maqnaantiisu faraq wayn samaynayn. Sidaa awgeed Indhacadde gar ayuu u leeyahay inuu cid walba ka dido oo dhabarkiisa goor walba ilaaliyo.

  2. jaaabir says:

    indhacadow waxaad rabtaa miyaa inaad kuqancisid mujaahidiinta alshabaab hadalkaan aad leedahay madaxtooyada ayaa laga soo abaabulay qaraxa waa adigii dhihi jiray alshabaab ayaa kasdambeeysay ,,sxb hadalkaas cid kaa dhageeysaneeysao majirto meesha waxaa kucad inaad rabtid marlabaad inaad isku soodhiibto mujaahidiinta maadaama meeshii aad kamid aheed arinta farahooda kabaxday ,, aysan meesha wax talo ah kuheeynin,, mujaahidinta hadii aad isku soo dhiibtid

  3. amiin ali says:

    indhacade wuu wareeray maalmahan eediisa way badatey odayga waxbaa si ka ah meelkale miyuu safar u yahay ileen waa nin gadgadoon badane ma wuxuu ka raja dhigay dowlada maalkugaarka?

  4. liaan says:

    kkkkkkkkkkk cawar ibliis murta ilahey iyo rasuulkiisi beenyeyee oo gaala kabaha usida waa kaa hadalkii kaoo bixiwaayey munaafaq.
    adiga iyo kuwa kula qeerka ah ba oo dadka xasuuqi jirey hadana u qalin gabiyey gaalo u adeeg.wale ciribtaadu waa hoog.

  5. Muhammed says:

    waa maxay meeshaan lagu caytamayo miyaan la xishoonayn.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Weeraro khasaare dhaliyey oo lala eegtey Kolonyo uu la socdey Indha-cade
  2. Qeyb-diid & Indha-cade oo ka hadley weerarkii Maanta ee Xalane.
  3. Uganda oo Indha-cade u xirtey weerarkii Xalane.
  4. Qarax Miino oo Ciidanka DKMG ah Lala Beegsadey Saaka
  5. Sh C/qaadir Cali Cumar oo ka Hadley Weerarkii Saaka lala beegsadey.

Latest Headlines