Gudiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baralamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa dib u dhigay Doorashada Labada Gudoomiye ku xigeen oo lagu waday maanta oo sabta ah in ay qabsoonto.
Hadal uu warbaahinta maxaliga ah siiyay sii haya Xilka Gudoomiyaha Barlamanka KMG ah ayuu ku sheegay in dib u dhigtaas ay timid kadib markii la is gartay in Xildhibaanadu ay ilaa hal maalin oo nasaho ah la siiyo wuxuuna taasi ku sheegay in sababtu ay tahay in xildhibaanadu ay Khamiistii iyo Jimcihiiba soo xaadireen fadhiga Barlamanka markaana ay nasiino doonayaan.
Doorashada Labada Gudoomiye ku xigeen ee kala ah kan Koowaad iyo kan Labaad ayay isku soo sharaxeen ku dhawaad 18 Musharax oo labadaa jago u kala tar tamaya waxaan jirta in Xubnihii jagooyinka markii hore sii hayay ay wali ku adkeysanayaan in ay yihiin kuwo xilkooda haya .
Gudiga qaban qabada ayaa sheegay in dhaman howlahooda ay u diyaar gareysan yihiin sida ugu macquulsana ay ku soo gaba gabeyn doonan doorshada si wixii intaa ka dambeeyaa loo sii amba qaado howlihii Barlamanka hor yaalay.

Related posts: