Al-shabab oo Raashin dhacey gubey.

Published on May 29, 2010 by   ·   15 Comments   ·   print

In ka badan Kun jawaan oo Bura oo dhacey ayaa maanta Maamulka Xarakada Al-shabab ee Gobolka Banaadir ku gubeen duleedka Degmada Kaaraan.

Raashinkan ayuu sheegay Maamulku iney ka soo saareen Bakhaaro keyda oo ku yaalada Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishii Al-shabab ee ka hadashey goobta raashinkan lagu gubo waxey sheegeen dabagal waaxda Faya dhowrka ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Al-shabab sameeyeen iney suuro galisay in raashinkan la soo qabto, ka dibna dab la sudho.

Ma jirto cid loo soo qabtey raashinkan dhacey oo Maamulku goobta kusoo bandhigey, waxa uuse ugu baaqey ganacsatada iney iska soo gudbiyaan agabyada dhacey oo raashinku ugu horeeyo si bulshada loo dhaafsiiyo oo dhibaato uga soo gaarin.

Maaha markii ugu horeysay oo rashin dhacey sidan oo kale meel fagaare ah loogu gubo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Daawooyin dhacey Gubey
  2. Al-shabab oo Wajigii kowaad ee Qabuuro bur-burinta soo xirey.
  3. Al-shabab oo ka Hadley Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacey Muqdisho.
  4. Nuur Daqle iyo Cumar Jacfaan oo isku eedeyay Raashin la dhacey
  5. AL-shabab oo qabsadey deegaanka Marer-gur ee G/Gal-gaduud.

Readers Comments (15)

  1. Muxamed says:

    Allaahu akbar. Allow cize cadawgoodana jabi dawlada islaamiga ah ee al-shabaab ee ka talisa inta badan koofurta somaliya iyo gobolada dhexe taasoo ku guulaysatay soo celinta nabada iyo kala danbaynta horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo u adeegida bulshada gubida raashinka dhacay iyo dawooyinka sifaynta qaadicu dariiqyada iyo burcada sugida ammaanka soo xirxirida dadka akhlaaqda xun dhaqan celinta dhalinta habowsan heshiisiinta beelaha ay fitnadu dhextaalay mudada dheer oogida salaadaha iyo qaybinta zakawaadka ka hadlinta kitaabka qur,aanka iyo sunada rasuulka scw. maxaa ka maqan waxay dawlad islaam ah qaban jirtay? Waxba arkaantay dawlad islaam ah ay ku taagnayd wey kuwada dhan tahay kitaabkii iyo. Ak. Ayaan miiska wada saarnay maxaa ka maqan dadkan leh dawlad islaam ah ma rabaan dhalinta? Sow hadal wadkii galay ma ahan. Falaabuda kitaabun yahdii wa sayfun yunsar( wakafaa bi rabika haadiyan wa nasiiraa).

  2. umu anisaa says:

    asb bahda somali miror ma ilowden in pland laga furey xafiiskii gumeysiga itoobiya waxa qorey webseytyada soomaalida hada rabtan halkan ka aqrista mise jihaadkinu ma quseeyo pland xasiifka tigrega laga furey .
    Dowladda Ethiopia oo Xafiis Ka Furatay Magaalada Garoowe(Sawiro)
    Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Jenraal Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta furay xafiiska qunsuliyada Itoobiya ay ku yeelanayso magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

    Furitaanka xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee magaalada Garoowe ayaa waxaa munaasabad balaaran loogu qabtay xarunta Wasaarada Haweenka taas oo ay kasoo qaybgaleen Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo Madax ka socotay Dowladda Puntland oo uu horkacaayay Madaxweyne kuxigeenka ahna si hayaha Madaxweynaha Puntlnd Jenraal Cabdisamad Cali Shire.

    Safiirka Dowladda Itoobiya ee u fadhiya Puntland ayaa ka hadlay munaasabada,wuxuu sheegay in munaasabadan ay tahay mid labo weji leh kuwaas oo kala ah furitaanka Xafiiska iyo dabaal dega ay ugu dabaaldegayaan guulaha ay ka gaareen doorashooyinka ka dhacay wadanka Itoobiya maadama ay yihiin Xisbiga talada haya.
    ,,,,,,waxan ka soo xigtey horseedmedia .net

  3. Axmed says:

    TACSI

    Waxaa maanta Dooni kula godoontay Magaalada Taanga ee Dalka TAnzania Soomaali Tahriiba oo ay Dooni ka soo Qaaday Magaaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

    Doontaas waxaa ku dhintay oo ay sheegtay Idaacada wadanka Tanzania Ilaa 29 Qof, waana macquul in ay ka badan yihiin intaas Dadka dhintaytiradooda

  4. abuu maxamuud says:

    alaahu akbar alaahu akbar wali laahil xamdu mujaahidiinta marwaliba wey guulay sanayaan waayo diinta alle ayaa qabsadeen sidaas dar teed kuwa gaalada raaca ayaguna waa gaalo qof waliba muslim ahow iskajir in aadraac do gaalada

  5. Cali Guure says:

    scw

    Horta raashin dhacay in laga hortago waa arrin loo baahan yahay. Laakiin su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay shabaab ma leeyihiin:

    -aqoonta ay ku gartaan bur dhacay iyo midaan dhacin mase waxay raacayaan bulaanbulka gala ama midkaan gelin?

    Jawaabtu waa maya

    - Ma leeyihiin xafiiska/wasaaradda caafimaadka waaxdeeda ilaalinta raashinka, sunta, faafreebka cayaanka dila raashinka iwm

    Jawaabta qaraar waa maya

    - Ma leeyihiin culimo ku taqasuustay culuumta kala duwan oo ay mid tahay dalaga beeraha, sunta iyo cudurka ku dhaca iwm

    Jawaabtu waa maya qayaxan

    - Ma leeyihiin culimo xadida halaka cuntada laga keeno cudurada ku dhaca ama ka dilaaca oo la socota aduunka mase waxay la tacaamulaan waxii lagu arko xaafadaha ay joogaan oo loogu sheego waa dhacday?

    Jawaabtu waa maya

    - Ma leeyihiin siyaasad iyo tilmaamo uu og yahay gacansatada ku hoos nool iyo waraaqo la hubiyo soo gelinta cuntada mamnuuca ah iyo midaan mamnuuc ahayn?

    Jawaabtu waa maya

    - Maa leeyihiin dhismo ku yaala xamartan ama gobolada kale oo loogu hagaago arrimaha wax soo gelinta iyo waxa la keeni karo?

    Jawaabtu waa maya?

    - Ma oggol yihiin oo ma u yeertaan culimo sayaniska ama dhaqaatiir caafimaad ah oo arrimaha kala talisa oo la yaqaan?

    Jawaabtu waa maya

    Iwm iwm iwm iwm.

    Sida ay badi shabaabka uga dhar tiran yihiin fahamka saxda ah ee diintan ayey uga dhar tiran yihiin hab cilmeysan oo taabanaya asaaska cilmigan iyo culuumta kale.

    Marka waa daraawiishayn iyo sheegasho aanan macno lahayn warkooda.

    Muxamed

    Waxaa uu yiri

    “maxaa ka maqan waxay dawlad islaam ah qaban jirtay? Waxba arkaantay dawlad islaam ah ay ku taagnayd wey kuwada dhan tahay”

    Muxamadow horta lama noqdo mudaci iyo xaakim mar qura? Su’aal hadaad qabto dadka ahalka u ah ayaa la weydiiya oo ah culimada Islaamka.

    Haddii aadan culimo Islaamka ee raasikhiinta aadan aaminsanayn sida ka muuqata jawaabtaada xaq baad u leedahay suaale iyo isu jawaabe shabaabi ah inaad noqoto.

    Hadaan kuusoo guuriyo jawaabaha culimada mulaqaskooda waxaan oran lahaa wa bilaahi almustacaan wacalayi altuklaan.

    Shuruudda dawlad islaam ah waxaa u ah:

    - Degaan la yaqaan oo laga taliyo:

    muhalhalba ha ahaatee shabaab dhul ay ka taliyaan waa jiraa

    - Maamul la yaqaan oo meel loogu soo hagaago leh:

    Shabaab mala maamul la yaqaan oo meel loogu soo hagaago leh. Tag dhulka ay ka taliyaan xafiisyadii horana wixii ka harey ma isticmaalaan, xafiisya cusubna ma sameeysan oo dadka oogu soo hagaan si ay u helaan adeega ama khidmada ay u baahan yihiin. Waa dad wada dhuumanaya oo aan la aqoon.

    - Madax la yaqaan oo xafiiska loogu soo hagaago leh.

    Taasi shabaab malaha oo Godane iska dhaaf in xafiis lagu yaqaan amiir ahaan lahaadee iska dhaafe shanta nin ee ku wareegsan ayuu ka dhuunta. Taana waa xaqiiqo Soomalida culimadeeda iyo caamadeeda wada og yihiin. Halakan waxaa khilaafsan ugu yaraan sh. Xasan oo dhex jooga ceelasha, dadkana ku dhex jira.

    - Shuuro la yaqaan oo dhismo loogu soo hagaago leh.

    Taana malaha shabaab oo waxaa madax iyo manja ka ah keligii taliye Godane oo weliba cidna u ogoloyn la talin iyo wax wadaag toona.

    - Qudhaat sharciyah oo tababarn oo leh dhismooyin loogu soo hagaago leh oo uu magacaabo amiirka ama shuurada oo diinta si fiican u yaqaan.

    Shabaab malaha qudhaat la yaqaan wax walbana waxay ku dhameeyaan suuqa madow iska dhaaf inay leeyihiin daarul alcadaalah e habka dacwooyinka loo qaado, heer degmo, gobol iyo qaran toona ma jirot.

    Xisbiga arrinkan waa kala mid shabaab keliya waa ka cilmi badan yahay kana naxariis badan yahay. Laakiin fowdada waa isku mid.

    Intaasi iyo in ka badan malaha shabaab. Halakaasi shabaab waxay ku wayday sheegashada dawlad Islaam ah inay tahay.

    Maxaa shabaab lagu magacaabi karaa?

    Xarako ama jabhad Islaami oo dagaal hubaysan ku jirta oo dhiiga islaamka iyo kana gaalda marar badan isku qadla oo aan lahayn aragti dawlad Islaami ah una jeedin helida dawlad Islaami ah nashiidooyinkeeda haba ku heesaane..

    Ugu dambayntii waxay dawlad Islaami qaban jirtay oo shabaab qabanna qabso;

    - Rasuulka scw waxaa uu dunida ka tagay iyada oo labada boqortooyo ee roomaanka iyo faarisaga ay jogaan haba ku bishaareeyo jabkooda. Waa uu la dagaalay oo safiiro iyo waraqo dhaafsaday.

    Shabaab malaha xiriir caalami ah mid qarsoon waa meeshiise. Fiqiga islaamka ee cilaaqaadka dowliga oo dhan waa ka aradan yihiin.

    Dawalad islaamka dacwa ayey u fidin jirtay dadka gaalada. Shabaab xabad iyo dacwa toona uma fidiyaan gaalada. Waxaa ay ku sii jeedaan waa masaakiintan jabtay.

    Rasuulka scw dawladiisa wufuud bay qaabili jirtay shabaab wax qarsoon waa meesheede xitaa ma qaabilaan wufuudda muslimiinta mid cabsiis lagu keenay mooye.

    Dawlada Islaamka waxay ku abuuri jirtay zakada shaqooyin, kuna reebi ama yarayn jirtay faqriga iyo baahida.

    Shabaab manta zakada ay ururiyaan dhawaaciyah uma qaadi karaan badankeeda. Xoolaha dekadaha ka soo galena oo weliba mashbuuh sharcan ah askartooda waa ka gaajeysan yihiin, khilaaf badana hareeyey. Kuwa ka fog ee dadka masaakiinta ay u taliyaan shaqa loo abuuro iska dhaaf.

    Dawlad Islaami ah waa tan qorsheeysa ilaha dhaqaalaha dalka, shaqa abuurta dadka, waxbarasha taya leh sameysa, caafimaadka sameysa, cadaalada u adeegta, adeega guud habaysa iwm ee ka dhigta ruuxa ku hoos nool ruux daacad u ah, karti leh, wax soo saara, ama la daryeelo oo la hawlgeliyo, cadaalad hela,, dareema ciza iyo sharaf iwm. Dhamaan arrimhaasi manta ma muuqdaan.

    Salaad baa la oogey iyo isbaaro la qaaday iwm waa talaabo fiican laakin mahan dawlad Islaami oo buuxda sida daciyagan uu sheegtay..

    Isku duuduubo manta waxay xarakada shabaab ku fashilantay

    -Culimo inay yeelato

    -dhisid dawlad Islami ah oo casri ah.

    -Waxay suurad xun ka bixisay diinta islaamka.

    - Waxay dad badan ku dirtay xukunka islaamiga ah

    -Waxay dad badan is waydiinayaan sababta maxaakimta uga naxariis badanaayeen loogana jeclaa.

    Inta kale markeeda

  6. Muxamed says:

    Cali guure. Hadaad shareecada islaamka wax ka taqaanid ama xukunka qudaada iyo axkaamta islaamka iyo fiqiga labadii qof ee isku dhacsan marqaati isuma galaan labadii bilcaamood ee la isla qabayna markhaati iskuma furaan labadii ururna ee iskhilaafsana sidoo kale. Marka cali guure waxa uu ka sheego alshabaab iyo amiirkooda u qaban mayno maadaama ay cadahay nacaybka iyo karaahiyada aad u qabto xaraka aad qarsan wayday oo ay in badan kaa soo dildiliqday. Arkaanu dawla islaamiya arbaca dhul iyo shacab, alxukuuma iyo nidaamul xukmi dhulka ay dawlada islaamka ah ay ka dhisan tahay waa min dhooblay ilb dhuusamareeb agteeda min ceel waaq iyo ceel barde ilaa ceel buur shacabkuna waa inta ku hoos nool dhulkaas aan kuu qeexay marka laga reebo mooryaan yar oo xaaraan ku naaxyo ah qudaaduna waa kuwa ka fuliya xuduuda alle marka,kismaayo baydhabo b.xaawo b.xeyn. Iwm. Umaraduna waa kuwa aad jaa,ifayso maalin walbo idan dawladan islaamiga ah ee laba jirsatay ee lagu diirsaday ninka dafiraya waxaan leenahay waayeel aan cirka u jeedin cirka lama tusi karo, samadaas baaxa weyn ee alle.sw. Dushana dhigay ee afarta jiho ninkii ka eegaba uu arkayo buluugeeda hadaba ninka foorara ee dhulka eegayo ee aan doonaynin inuu sare eego hadana ku su,aalayo cirkii aaway? Kaas waxaan leenahay waayeel aan cirka u jeedin cirka lama tusi karo.(kuulama imanayaan maahmaah(shubha) illaa haday kuula yimaadaan waxaan kuula imaanaynaa xaq(jawaab celin xaq ah) iyo mida ugu wanaag badan xaga tafsiirka waa xaqiyee).

  7. Cali Guure says:

    Muxamed

    Aniga kuma waydiin shuruuda markhaatiga iyo mukhaalifka fii baabil fiqhi. Alla waxaa uu quraankiisa la niqaashay gaalada oo ka horjeeda towxiidaka. Lama oran iska dhaafa ee warka ay yiraahdeen ayaan la radiyey. Adigana halakan baa akhrinaysa wax ka baxsan baabkan adiga oo ah daliil la’aan.

    Waxaa cad oo akhrista kasta oo xaq doon ah u cad in doodeennu tahay mid dhinac keliya ka socoto.

    Waxaa sugeyey qodabadaan taxay inaad mid mid ooga jawaabto laakiin waa asafaa weel maran waxban ma daato. Bal la soo tasho ragaada haddii ay si cilmi ah u niqaashi karaan ama kula tootoosin karaan.

    midna waa kugu ceeb iska dhaaf waxbaa la neceb yahay, waa nala xasdaaya, islaamka waa ukun oo kale oo innaga ayaa ukuntaasi ilaalin karna, gaala soo dirtay, waa gaal, waa munaafiq, waa Amiir iyo hadala badan oo aanan la difaaci karin. Ku ekaada dooda keliya oo si cilmi u dooda. Hadii kale dooda noqon meyso aqoon is waydaarsi.

    Tan aad tiri arkaanta dawlad Islaami waa arbaca dhul, shacbi, nidamul xukmi iyo maamul waa macquul laakiin horaan kaaga jawaabay oo si cilmi u tafniidiyey in shabaab ahayn dawlad islaami ah haba sheegtaane oo ay yihiin jabhad Islaami ah.

    Hogaanka shabaab ma ahan xaakim oo waa nin dhuunta oo jumco iyo jamaacaad midna tegin. La soco culimo badan waxay qabaan in madaxa islaamka ama amiirka Islaamiga inay shardi tahay inuu salaada tujiyo. halakan waxaan ku haynaa nin majhuul ah iska dhaaf inuu salaad iyo jumco dad tujiyee.

    Marka u dhow ee la maqlo waa marka uu cajalad uu cala istixyaain u soo duubo oo suuqa madow lagu qaybiyo.

    Kaasi lama dhihi karo waa amiir dawlad Islaami ah ee faltanabah.

    Dhulka horaan oga niqaashay oo cali dheere markii uu shalay la shiray Absame waxay si cad ugu sheegeen diinta hortiinna haysanay oo Axmed Madoobe iyo idinkaba idinka horeeyey ayaan taagersan nahay.

    Xamartan shabaab goobo mucayan ayaad ka joogtaan, taasi xisbigana waa idinla mid. Is dhex joogga xisbiga ama haysashadiisna waa in iyagana la yiraahda intay ka taliyaan waa dawlad islaami ilayn dhul bay joogaan. halakaasina ka dhalato laba amiir iyo laba dawladooda oo ay xigto mid reeraha ha u haro oo aad garanayso hadaad diinta taqaan dhiig daadinta ka dhalanayso.

    Dhul ay shabaab/xisbi haystaan oo tamkiin leh ma jiro. Fiiri Ceelberde iyo beledwayne/jubooyinka iwm. Yaan dadka la marin habaabin.

    Xagga ku xukunka shareecada waxa badi laga soo qaatay wax kooban oo aanan aqoontooda la lahayn sida badana dad aanan aqoonin fuliyaan. Wixii ka dhacayna miraheeda maanta waa la ogyahay.

    Shacabka horaan uga hadlay oo waa kuwa badi shabaab la sugaya daa’iro iyo jab daliilkeedana waa la og yahay.

    Marka ninyahow iska dhaaf cirbaa cali guure qarin raba iyo daliil aanan waafasanayn madluulka sharciga ah ee ka jawaab qodobada aan taxay adiga oo uu tajurud kugu jira.

    Waxaa maanta dalkan ka dhacay waa Islaamiyiinta Soomaaliya oo ku fashilmeen:

    - midnimo dhab ah
    - dhisid dawlad Islaami ah oo dadka jeclaysiiya xukunka islaamka
    - hanuunita dadka
    -ilaalinta dhiiga umada
    -ilaalinta dhiiga mujaahidiinta
    - soo gubdin barnaamij horumarinta nolosha bulshada
    - ka gudubta tafsiirka thaahiriga ee nusuusta si loo gaaro maqsadka naska ee nafta, nolosha iyo bulshada ama dawlada islaamka.

    Iwm

    Walaal kasta oo aqrinaya faallooyinka Cali Guure ha ogaado inay i gubayso fashalka taagan ama soo muuqdo iyo jabka gaalada, gaala raaca, qabqable iyo dad badan oo islaam sheeganaya badeen shacbigan miskiinka araxda u jabay.

    Alow roob keen

    Dhulkana

    Haddii aan fuDiinta waxay la niq

  8. Cali Guure says:

    codsi

    Somalimirror

    hadalkan hoos ku qoran ka reeba faaladayda. washukran

    “Dhulkana

    Haddii aan fuDiinta waxay la niq”

  9. Muxamed says:

    Cali guure konton jeer waa ka badan tahay intaan shubhaadkaaga ka jawaabay bal waxaa la yiri dhugu geel dhaantay hadaan hada kaaga jawaabo shanta shuhba eed ku soo celcelisid hadana waxaa la arki adigoo leh su,aalahaygi kama aadan jawaabin. Bal qabso jawaabtaadii konton iyo koowaad 1. Mas,alatul takfiir wal qitaal allah qof uusan takfiirin cidina ma fakfiirin karto qof allah.sw. Uu gaalnimo ku xukumayna adigu islaanimo kuma camcamin kartid. dhiig macsuuma ayaa la daadiyey taa waxaan kaa iri dagaalo badan ayey galeen salafiya jihaadiya laga bilaabo araare boosaaso gedo xamar ee kii ugu danbeeyey ee ay la galeen axmad madoobe soo heli maysid mujaahidiinta dad ay si jamac ah ama manhaj ah ay u laayeen fardi qof dilay oo ama loo qisaasay ama mak laga bixiyey wey jirtay taasna ilaa suubanaha.scw. Ayey dhici jirtay sida usama iyo khalidba ay faleen. Culimo marjic ah ma leh xarakada taa waxaan kaa iri marjica umada waxuu ahaa nebi muxamad. Markuu geeriyooday waxaa umada marjic u ah alkitaab wal suna culimaa marjic ah waa jaahilnimo maarowday bal culimadu ixtiraam ayey leeyihiin ee itibaac ma lahan weyna gefi karaan weyna asiibi karaan oo waa bashar iimaamu qazaali ayaa soo cad cadaaday macalinkiisii oo nool ayuu kutubtuu qoray ay caalamul islaam ku faafeen markaasu yiri macalinkii yaa qazaali qataltanii wa anaa xayyun beentaan kalood afuufayso ma mudno in jawaab laga bixiyo sida axmad madoobe iyo absamo iyo jimco iyo jamaaco lama tukado 7o.ooo. Axmaaro ah wiilashii dhabarka ka jabiyey wiilkii hogaaminayey jimce iyo tamaaco ma tukado taasi waa qataltanii wa anaa xayyun

  10. Cali Guure says:

    Akhristayaal,

    SCW.

    Intiina la socotay mudaakhalaadka na dhexmarey aniga oo ah Cali Guure iyo Muxamed waxaad aragteen ama akhristeen iswaydaarsiga na dhexmaray.

    In badan ayaan isugu dayey inuu ninkan ka jawaabo qodobo badan oo aan sheegay laakiin waxaa ay jawaabihiisa noqdeen kuwa muuqdaan is moodsiin, inkirid iyo cilmi la’aan naadir ah.

    Waxaan ka sugayey inuu si xaq ah igu waafaqo ama igu khilaafo. Taasi ma dhicin. Bal mar kasta waxaa iiga muuqanaysay inuu qaladaad diini badan sii galaayo. Waxaana dhab ah in qaladaadkan uu ku dhacay ay sabab u tahay”

    - Aqoondara ka haysata diinta

    - Tacasub mamquut ah oo uu rabo inuu ugu gargaaro khalad iyo sax ah jamacada shabaab. Taasi oo ku ceeb ah dhulaabul cilmiga iyo dadka xaq doonka ah

    Hadaba waxaa go’aansaday inaan doodan ku xiro cirbinta iyo tacliiq saaro tacliiqiisa u dambeeyo oo uu ka muuqdo jahli naadir ah iyo kibir laga naxo.

    Bismillaah

    Waxaa uu yiri almadcuu Muxamed

    “Cali guure konton jeer waa ka badan tahay intaan shubhaadkaaga ka jawaabay bal waxaa la yiri dhugu geel dhaantay hadaan hada kaaga jawaabo shanta shuhba eed ku soo celcelisid hadana waxaa la arki adigoo leh su,aalahaygi kama aadan jawaabin”

    Hadal tiro iyo been abuurid aanan geed loogu soo gaban. Akhristaha xaq doonka ah waa og yahay inaadan marnaba ka jawaabin qodobo badan oo aan taxay ee Alla ka cabso oo ogow laa adrii waa nisful cilmi.

    “ Bal qabso jawaabtaadii konton iyo koowaad 1. Mas,alatul takfiir wal qitaal allah qof uusan takfiirin cidina ma fakfiirin karto”

    Kalimatu xaqin urida bihaa baadhil. Saaxiib taasi kama hadlin ee waxaan ka hadlay manhajka takfiiriga ee shabaabka u xagliyeen ee ka gudub cumuumiyaadka

    “qof allah.sw.”Uu gaalnimo ku xukumayna adigu islaanimo kuma camcamin kartid”

    Aniga kama hadlin cid uu gaalaysiiyey hala islaamiyo ama qiil ha loo raadiyo. Waxaan ka hadlay oo aad diidan tahay yaa cadaynaya cidda gaalka ah iyo wadadeeda loo marayaa. Ma habka shabaabka ee takfiiriga ah iyo mase habkii culimada raasikiinta ee saxaabada ama salafka ee looga dambeeyo cadaynta kitaabka ee masaladan iyo fulinteeda?. Taasi jawaabteeda saaxada waa ka muuqata oo shabaab iyaga ah mudaci, xaakim, iyo fuliye intaba wa bilaa cilmin

    Waxaa uu yiri,

    “dhiig macsuuma ayaa la daadiyey taa waxaan kaa iri dagaalo badan ayey galeen salafiya jihaadiya laga bilaabo araare boosaaso gedo xamar ee kii ugu danbeeyey ee ay la galeen axmad madoobe soo heli maysid mujaahidiinta dad ay si jamac ah ama manhaj ah ay u laayeen fardi qof dilay oo ama loo qisaasay ama mak laga bixiyey wey jirtay taasna ilaa suubanaha.scw. Ayey dhici jirtay sida usama iyo khalidba ay faleen”

    Aniga kama hadlin dhiigga ay mujaahidiitna ku daadiyeen markii Xabashida, ashahaada la dirirka iyo gala raacyada lala hadlay, kumana magacaabin dhiig macsuum ah.

    - Waxaan ka hadlay dadka lagu dilay:

    - Masaajidyada iyaga oo tukanaya

    - Guryahooda jiifa

    - Shubo been ah lagu dilay

    - Qabiil darted loo dilay

    - Aaargoosi kadib markii ay ka biyo diiden sida wax loo wado

    - Qowraca dadka masaakiinta ah

    - Qaarijinta sida maafiyada iyada oo la adeegsanayo qaanuun alqaab

    Iwm

    - Sida dilkii Daalibaan, Bare cali bare, mujahidiintii Raska, dilki Nabahan, gaagaale, iyo rag badan oo mujaahidiinta ka mid ahaa iwm

    Waxaa uu yiri

    “Culimo marjic ah ma leh xarakada taa waxaan kaa iri marjica umada waxuu ahaa nebi muxamad. Markuu geeriyooday waxaa umada marjic u ah alkitaab wal suna”

    Allah akbar bal akhrisow ogaada warkii uu Cali Guure sheegayay oo uu ku hadlaayo ninkan ka qaawan cilmiga shareecada iyo fahamka saxda ee diintan.

    Waxaa uu la soo taagan yahay:

    - Culima marjic maleh
    - Waxaa marjic u ah umada nabiga scw markuu dhintayna waxaa marjic ah kitaabka iyo sunnada”

    Maxamadow yaa cadaynaya kitaabka iyo sunnada? Sow culimadu maha warathatul alanbiyaa? Jawaabtu I siiyey waa qaasimatu thahri calal takfiiriyiin: Waxaa uu yiri wa bikulu tabajuxin wa jahlin

    “culimaa marjic ah waa jaahilnimo maarowday”

    Yaa Allah maa aqbaxa hadal kalaam. Naxnu rijaal wahum rijaal marka shabaab waa inay la dagaalaan culimadan ah jaahilnimo maarowday. Yaa ikhwa hada ka hor baan idiin sheegay in nimankan inxiraafka ku dhacay uu yahay mid u baahan dawayn cilmi ah.

    Waxaa uu intaa ku daray jahlan wa qadhrasatan:

    “ bal culimadu ixtiraam ayey leeyihiin ee itibaac ma lahan”

    Ixtiraam bay leeyihiin laakin itibaac malaha? Walaahi sharul balayati maa yudhxikuka.
    Intan ka badan waan la cirban karay laakin waxaa filayaa in hadaladaasi iska cad yihiin dhulaabul cilmiga garanayaan khubthigooda iyo jahligooda.

    “weyna gefi karaan weyna asiibi karaan oo waa bashar iimaamu qazaali ayaa soo cad cadaaday macalinkiisii oo nool ayuu kutubtuu qoray ay caalamul islaam ku faafeen markaasu yiri macalinkii yaa qazaali qataltanii wa anaa xayyun”

    Hadal tiro ku tusinaysa xataa inaadan soo guuri Karin sida hadalka u qoran yahay.

    “beentaan kalood afuufayso ma mudno in jawaab laga bixiyo sida axmad madoobe iyo absamo”

    Sababta waa inaadan jawaab u haynin oo aad galgalataa.

    “ iyo jimco iyo jamaaco lama tukado 7o.ooo. Axmaaro ah wiilashii dhabarka ka jabiyey wiilkii hogaaminayey jimce iyo tamaaco ma tukado taasi waa qataltanii wa anaa xayyun”

    Bal noo sheeg halaka uu Godane ku tujiyo jumco iyo jamaaco? Waa hadaad dalkan ku nooshahay. Hadii uu sida suufiyadii kuwa dhintay iyo kuwa nool hawada ku tujiyo jamaacaadka waa arrin kale oo babul shabaab in loo eego mudan (Tabasum).

    Waxaad kale oo aad noo sheegtaa meesha uu dadka ku qaabilo. Nabiga waa uu ka digay nin amiir sheeganayo uu dadka ka xijaabto. Haddii aad tiraahdo Godane waa qaali loo baqayo naftiisa, meeyey ku xigeenkiisa? Mase waan sidaa sheegay oo waa alqudbul alawxad oo keli taliye ah.

    Muxamed waxaan kugu talin lahaa inaad diinta barashadeeda ku dadaasho. Midda kale habka wax loo qoro fadlan soo baro. Coma, joogsiga, semi kolom, paragraphka ku dadaal marka aad wax qooreysid. Runtii adiga oo cilmi badan meesha ku hayn hadana waxaad ku darsatay qorriin xumo.

    Akhrista lalama niqaashi karo nin aan cilmi badan lahayn. Aniga waxaan ahay dhaalibu cilmi. Runtiina ninkan wuxuu sawir fool xun oo qaatim ka bixiyey shabaabka. Marin habaabinta waxaa u dheer jaldinima iyo kibir raqiis ah.

    Hadaana Allah binusratil xaq, wa dafcil thulmi alladii turtakabu bi ismiIslaaam, wal islaamu barii un minhu

  11. Cali Guure says:

    somalimirror

    Jawaabtaan u qorey Muxamed weli maxaad u soo dhejin la’dihiin?. Maalin ka badan ayaa ka soo wareegtay markaan qoray.

  12. Muxamed says:

    Cali guure waan ku ogahay oo meeshan waxaad u joogtaa dagaal carabka ah oo aad kula jirtid mujaahidiin soo cad cadaaday oo caalamkoo dhan ka noqday dayax 15-naad gaal iyo muslimbo ay qireen raganimadooda marka laga reebo munaafiqiin aan gaal iyo muslim midna ku xisaabsanayn kaasoo doonayo inuu af ku damiyo qorax duhur joogta. Amma barre cali bare mujaahidiinbaa dishay kadabtu ayaan kaa iri, nabadoon baa la dilay kadabtu raaskaa la laayey kadabtu idan kadaab ayaa tahay (waxaana been un abuurtay dadka aan aayaatka alle rumaysnayn kuwaas ayuun baana beenaalayaal ah) masaajid baa la qarxiyo kadabtu ayaan kaa iri bal intaasoo falxumo ah waxaa geystay waa gaalada loo yaqaano black water inaad mujaahidiin u saarisidna waxay markhaati ka tahay faajirnimo doodidaada iyo been abuurkaaga iyo inaadanba in yar oo ikhlaas ah uusan kaa muuqan wa maca daalika warxumadaada ayaad kusoo khatimi allow na hanuuni iyo roobkeen taasoo la mathal ah saaxirka sheegay sida wax loo sixro dabadeedna ku soo gaba gabeeyey fal yataqillaah faacilahu.

  13. Cali Guure says:

    Muxamed

    Mudaakhala cilmiyan ma sameyn karno haddii aad difaaci karin warkaad qorto oo hadba meel u boodo. Waxaad marka kasta ku fashilantaa ka jawaabida su’aalaha taagan ama waxa aad qorto.

    Taasi waa kuu doqonnimo iyo garasho la’i. Ha qorin waxaadan difaaci karin, hana dalban in si cilmi ah maalin walba laguu karbaasho adigo oo faqiir ka ah usuusha diinta Islaamka.

    Marka waan ogahay inaad ahal u ahayn in si cilmi ah u niqaashto laakiin maadaama aad si xamaasi u taagersan tahay qalad iyo saxba kooxda shabaab islamarkaana aad maalin walba qalad cusub sii galayso waxaan kuu sheegayaa in Cali Guure uusan sidan kugula doodi karin.

    Shabaab waxaa halakan u joogi jiray Faysal dabadeedna waa la waayey. Inuu tahriibay ama shahiiday ama ka qancay shabaab ama isaga tagay intaba waa suurta gal weeyaan.

    Khaadim waxaa uu ku ekaaday taageero isaga oo luuqadiisa wax badan ka bedalay.

    Abu Salmaan ma joogo halakan oo ahaa nin culys lahaa.

    Marka saxiibow doono cid ku fahmi karta, oo diinta si fiican u soo baro.

    Cantarada aad halakan ku jawaabtay iyo waxaan ka hadlay isma laha. Haddii aad xamaaso u qabto inaad furto alxarb baynal axyaa’i walamwaat adiga ayaa dhiilaha ka buuxsan doono.

    Suufiyada waa juhalo, qaarkood waa mushrikiin, badankooda waa diin doon cilmi iyo sixid u baahan oo aan xabad u baahanayn. Xikmad darada aan ka hadlay waa midda keentay inay xabad qaataan iyaga oo canbuuladooda iska cunayey marka Amiirkaaga dhuunta uu axkaamta suulinta munkarka garab maray ama ku xeel dheeraaday.

    Xabadda aad la orodeen waxba ma beddesho waxay foogeyso mooye. Cilmi ayaa wax beddela sidii itixaadkii hore sameeyey. Aragtida ah hadaad dadka cabsiisaan dadka waa hoganayaan waa tiil stalin iyo lenin, shabaabkii dabaqayna jabkeeda maanta waa hayaan. Intaa waxaa xiga maanta waa kaa shabaab marna magac qabiil kula heshiinaya suufiyada marna la dagaalaya oo leh waa gaalo.

    Allow roob keen

  14. Muxamed says:

    Cali guure. Isma ogidee labadeen midka aan difaaci karin warka uu qoray waa adiga, tusaale waxaad tiri halkan waxaa shabaab u joogay faysal mana ogi inuu tahriibay ama shahiiday, wamaca daalika waxaad hadana qortaa shabaab dowlad islaam ah ma doonayaan, waa shahiideen iyo dowlo islaami ah ma doonayaan is ogoleysiinteeda tanaaqudkaas ayaan kaaga fadhinaa. Waxaa dhab ah inay kula doodeen faysal, khaadimul islaam, raaxeeye ,libaax doodoona waan la socday ilaa ay kaa dhigeen ey masaajid galay aniguna kaa hari maayo ilaa aan kaa dhigo shaydaan la naaray. Bal eeg jaahilnimadaada meeshay marayso waxaad tiri amiirkaagu siduu u garab maray suulinta munkarka waxaad munkar ku sheegaysid waa qabri la caabudayo oo shirki ah iyo wathan soo kala baro munkar iyo wathan ama shirki markaa ka dib nala dood marka adoon kala aqoonin cos-ka iyo sin-ka inaad culculas iyo complex number aad u booda waa waxa halkaa na dhigay. Ammaa shuhbada axmad madoobe taa waxaan kaa iri sh.xasan turki ayaa ka beri noqday waxaad tiri waa qashin waxaas axmad madoobena mujaahid, sh.aweys ayaa ka beri noqday ayaa lagu yiri waxaad lasoo istaagtay xasan mahdi iyo maxamad macalin ayaan ku taageersanahay, axmad madoobe ayaa afkiisa ka qirtay inuu safkii shariif ku biiray wey banaan tahay ayaa tiri. Nasalaahu salaama, waayeel aan cirka u jeedin cirka lama tusi karo. Cali guure muxaarabatulisaan ayaad xarakada kula jirtaa ileyn adinkaagu ma gaari karee aniguna makaaniga hadalka ayaan ahay oo hadalkaad carab dalab leh aad ku sheegtid ayaan doonayaa inaa ka toosiyo barta aad ka qaloocisid.

  15. Cali Guure says:

    Muxamed

    Afxumada iyo niqaashka keena faajirnimada waxaa saldhig u ah waa aqoon darrada ku haysata. Xitaa af Soomaliga si fiican u garan maysid. Weli sidan baad ogaaden ku sheegata….hahahaa.

    Waxa ku haya waxaa dawo u ah barashada saxda ee diinta calaa dhariiqatil alsalaf alsaalix ee Godane yuusan duud xamaal kaa dhigan ee diinta si fiican u baro.

    Mar hadaad ka jawaabi wayday su’alaha iyo mudaakhalaadka badan ee aan kuu sharxay hal su’aal oo aad ka meermeertay in badan aan kuugu soo celiyo:

    Ka jawaab haddii kale ka dhuumo sida kuwii hore:

    Su’aashu waxay tahay:

    Sheekhaada Xasan maxay tahay daliil uu ku dhex jooga bayna thahraani alnasaara?

    Ma Kibaaki buu heshiis la galay?

    Ma Kiinyaa ayaa beled Islaam ah?

    Ma Sheekha qoyskiisa ayaa nabadgelya siiyey?

    Ma amaan buu ku dhex joogaa dhulka gaalada?

    Muxuu u dhex imaan waayey shabaabkan dhexdooda oo uu diinta u bari waayey?

    Ma shabaabkaan nabadgelinayn oo uu ka baqayaa?

    Maxay ku dhacday inuu caayo gaalada Kenya oo ayan u xirin?

    Ma Alla ka xijaabay oo sheekhu waa karaamaysan calaa xasbi fahmikum?

    Siday ku dhacday inuu shabaab amaano isaga oo aanan weligiisa arag waxa ay shabaab sameeyaan?

    Maxaa ka jira wararka na soo gaaraya inuu taageeradii shabaab uu siin jiray ay hoos u dhacday kadib markii culima kale si sax wax u tusaaleeyeen?

    Maxaa ka jiraa inuu ka mid ahaa xisbigii Islaax ee tadaamun la baxay oo Melez la heshiin jiray iyaga oo jihaadka ka horjeeda?

    Maxaa idiin ka dhigay marjic culimo hadii aad tiri marjic culimo wax la yiraa majiraan oo waa jaahilnimo maaroowday?

    Isku day Muxamadow adiga oo aan caytamin inaad si degan ooga jawaabto

    Allow roob keen hana naga fidnayn wadadii Rasuulka scw.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Daawooyin dhacey Gubey
  2. Al-shabab oo Wajigii kowaad ee Qabuuro bur-burinta soo xirey.
  3. Al-shabab oo ka Hadley Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacey Muqdisho.
  4. Nuur Daqle iyo Cumar Jacfaan oo isku eedeyay Raashin la dhacey
  5. AL-shabab oo qabsadey deegaanka Marer-gur ee G/Gal-gaduud.

Latest Headlines