Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta loodhaariyey inuu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG kadib markii uu ku guuleystay Doorasho ka dhacday Aqalka Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho.
Jawi dagan oo aan buuqlaheyn ayey Doorashadu ku bilaabatay maanta mana jirin sawaxan iyo buuq sidii horey uga dhexdhici jirtay Baarlamaanka inakstoo ay ku soo dhamaatay duqeymo ay Xarunta u geysteen Xoogaga Islaamiyiinta iyo kuwa looga jawaabayey oo ay AMISOM ku garaacday Xaafadaha Rayidka.
Ilaa 5 Musharax oo isku soo taagay Xilka gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu kaguuleystay Shariif Xasan waxaana isla maanta loodhaariyey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Magacyada Xubnaha isku soo sharax Xilka ayaa kala ahaa: Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sheekh Axmed C/laahi Sheekh Fanax, C/laahi Sheekh Ismaaciil, C/kaafi Ismaaciil Sh Xasan iyo C/xaaji Cabdulaahi.
Wareegii koowaad ee doorashada ayaa waxa ku haray 3 Musharax waxaaana isku soo haray shariif Xasan iyo Cabdi Xaaji C/aahi, laakin sedexdii hartay ayaa ugu shubtay Shariif Xasan sidaa ayuuna guusha ku helay Shariifku loogana kaaftoomay wareegkale wuxuuna shirgudoonku shaaciyey in Xilka Gudoonka Baarlamaanka uu ku guuleystay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Markii ay soo gabagabowday Doorashada ayaa waxa bilowday Madaafiic lagu weeraray Fadhiga Baarlamaanka iyo duqeymo arinkaa jawaab u ah oo lala dhacay Xaafadaha Rayidka Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha iyo Deegaanada ku hareereysan.
Dumqeymaha ayaa dhaliyey khasaare isugu jira Naf iyo Maal hase yeeshee wali majiro tirakoob rasmiya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay Duqeymaha.

Related posts:
Yeey sirayaan? Kuwan walaahi ma xishoonayaan? illayn doqon gaala raacday raja malaha.
Waxaa iiga sii daran kuwa xamartan la taagan maxkamadihii baa qabsaday vila Somaliya iyo guriga umadda Soomaaliyeed.
Ilaahoow naga Qabo Shariif-Amxaar iyo shartiisa.
Shariif-Amxaar sharaf maleh Shillin raadis waaye shuqul kuma leh sharaf soomaaliyeed shisheeye u shaqays waaye waa Shitool Shar badan.