Waxaa xalay lagu qabtay masjidka cali mataan ee kuyaala bartamaha magaalada hargaysa xaflad qalin jabin ah oo ay ka soo qaaybagaleen dad aad ubadan laguna gudoonsiinayay dafcadii shanaad ee ka baxaday macahahadka dacwada shahaadooyin iyo abaalmarinno kala duwan ardaydaas oo ay tiradoodu ahayd 55arday isuguna jiray 35 wiil iyo 20 hablood.(Sawiro)
ugu horaayn waxa hakaas barnaamijyo xiiso leh ka jeediyay ardaydii qalin jabinaysay kadib markii uu dhamaaday barnaamijkii ardaydu waxaa xafladda kahadlay qaar kamida culimada waawayn ee soomliyeed.
ugu horaayn waxa halkaa hadal aad uqiimo badan kajeeduyay..shekh suldaan maxamad xasan ibraahim oo kamid ah culimada soomaliyeed kana mid ah salaadiinta waawyn ahna masuuliyiinta shirkada telesoom.. waxauu sheeku.kadib markii uu umahad naqay macalimiinta machadka, aad udhiirrigaliyay barashada cilmiga sharciga kana faa idaaystaan wakhtiga,dhalin yarnimada,iyo barashada cilmiga sharciga ah waxana uu tilmaamay in ay dhallinyaradu maanta haastaan fursad ayna haaysanin dadkii hore ee saxwadu waxa uu kusoo gabagabeeya sheeku inaan hamiga layaraayn kuna ducaaysataan buuyidhi cilmiga siyaadadiisa.
waxa isna hadal aad uqiimo badan ka jeeday xaflada sheekh maxamad aadan oo ah imaamka misjidka calimataan waxana uukuhadlayay afka gudidii dhulka uiibisay macahadka waxa uushekhu tilmaamay ahmiyada uumachadkani uleeyahay magaalada sidoo kale waxa uukahadlay sheekhu lacgtii loo ururiyay machadka oogaadhaysay boqol iyo konton kuun oo doolar waxana uusheegay in hada machadka loogu iibiyay dhul kuyaala bartamaha magaalda hadana dhiskiisa laga sugayo umada meel kasta oo ay joogto.
waxa isna halkaa kahadlay sh ibraahim axmad xirsi oo ku hadlayay afka maamulka machadka waxaana uu sheegay in machadku soo kordhiyay labaqodob oo aha soonoolaaynta xalaqaadka cilmiga iyo soo saarista dad ka dhisan akhlaaqda culimo ixtiraamka kuna dagdagin fataawaha.
gabagabadii waxa goobtaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin ardaydii qalin jabinaaysay sidoo kale waxaay ardaydu shahaadooyin gudoonsiiyeen sheekh maxamad cumar dirir oo hadda safar dacwadeed ugu maqan dalka dibaddiisa, sidoo kale waxaa shahaadooyin lagudoon siiyay sheekh cabdiraxmaan cumar cigaal oo ah maamulaha machadka iyo laba macalin oo kala ah maxamad cllaahi ibraahim iyo sh faaysal sh ibraahim xafladdana waxaa sooxidhay sheekh maxamad cali jaamac oo u duceay ardayda iyo macahdkaba.
Related posts:
Cimaamadan cas ee Khaliijka laga xidho maxaa Soomaali Shiikh iyo geel jireba madaxa u saaray maanta?. Taasi waxay ku tusaysaa ama tilmaan u noqon inayan Soomaali dhaqan iyo caado lugu ku taagan midna lahayn.
Ama dufcad cusub soo saara ama muxaadaro ku waasha ayada oo xabado gees walba ka dhacayso. Maxaad baraysaan dhallintan mar hadiiba aad dhalan rogteen oo dharkii awoowayaashood ka kaxaysee?.
Diintu idin ma oran dhaqankiina iyo caadadiina quba oo qola kale khamiiskooda tosha. Maa daama ay sidaas maskaxdiinu u shaqaynayso, la garan mayo dhibka iyo intifaaca waxa aad dadka u talqiiminaysaan.
MASHA ALLAH ALLAH HA BARAKEEYO MACALIMIINTAYDA IYO ARDAYDAYADDABA
BARAKA ALLAHU FIIKUM
Riyaale iyo kooxdiisa dacwada gaadhsiiya, una sheega in Haweenka Muslimiinta ah aan loo gacan galin Meles Zenawi, sidii gabadhii BISHAARO WACDI oo kale.
ilaahayoow barkee machadka Adacwa runtii waxa uu kusoo kordhiyay dhalka koboc aqooneed, waxaanu kaga duwan yahay in badan oo ka mida machadada ka jira dalka inaanu cid gaar ah u xidhnayn oo ardaydiisa aan lagu qasbin .
w
waa hadalakii ay ku hadli jhareen umadihii hore oo dhunsanaa markuu xaqa u yimaado waxay dhihi jireen waxaan ku taagnaaneeynaa jidkii awoowoyaasheen!!!!!!
Raage Ugaas,
Jabkaa onlf waa muqadiis , intee qeyrkey noolyihiin ogadenia xorrobi meyso.
guul deegaanka somalida ee itoobiya ,
ku ALLEMAGAN mise ALLEMOOGE
waxba ha, ku dhuuman dhaqan iyo caado soomali leedahay arinkaaga waa boor isku arise mowqifkaaga cadayso aad ka taagantahay Diinta isku dhaqankeeda,culimada iyo ehelkkeeda? diintu waxay ku amraysaa inaad ku dhaqanto ehelkeedana aad jeclaato oo lamid noqoto hadaadan lamidnoqokarine aad ika doonddonto inaad ayagoo kale noqoto xag walba ama cili hanoqoto ama labis hanoqotee! meedada kale maxaa dhaqanleedahay oo wanaagsan waanu isgaranaynaa hadaan soomaalinahay rageenu labo go, ayay xiranjireen (inkastoo ay ceebahayn) dumarkeenana guntiino labada dhinac ay cowradoodu kamuuqato(waa wax laga fiicanyahay)mise raga ka helaad tahay howlahaa kkkkkkkkkk. waa kaftan intaas
ilaahay baa mahad oo dhan iska leh naxariis iyo nabad galyo nabiga kotkiisa ha ahaato intaa kadib.
ninka diidan in cimaamad laxirto ama dadka muslimiinta ah lagu daydo muxuu rabaa ma ingaalo lagu daydo muu kahadlo ku dhafoorada xiirta dabadana qaawiya taas waxay kutusinaysaa waxa hada uu ku hadlay waxaa kasii wayn waxa uqarsoon ileen waxaa layiri weelka kasta waxa kujira ayuu dhididaa.
Bishaaro Wacdi hadday iyadu nabad-gelyo darro ka shaqeynayso sidaa loo galaaa, waa inay nabad kula noolaataa dadka reer Somaliland ee ay martida u tahay, anagu ma ogolin dalkayaga in lagaga duulo wadamada deriska anaguna ku duuli mayno cid kale oo aan anaga ahayn oo dhexdayada cid kaga duushona HABEENKII XALEY EE TEGAY.
Mustafe
Masha Allah waa tallaabo fiican oo dacwada gobollada Soomaaliyeed ee woqooyi, koofur iyo bartamadha, ama galbeed wax ka tari doonto.
Talo:
1- Waa in Jaamacad Islaami loo bedelaa machadkan
2- Waa in maalqabeenka Soomaaliyeed maal geliyaan jaamacaddasi
3- Waa in jaamacadaasi lagu billaaba:
kuliyada xadiith
Kuliyada quraanka iyo qiraaatka
kuliyada dacwada iyo usuulu diin
kuliyada shareecada
Kuliyada luuqada carabiga
Laguna xoojiyaa kuliyaadka maadiga ah;
Injineeriyada
Caafimaadka
dhaqaalaha iyo bisiniska
macalimiinta
iwm.
Culimooy hurdada ka kaca oo umadda wax u qabta.
FG
Inta magac saxaabi ama taabici jiro maxaa loogu doortay magaca masaajidka Cali Mataan? Waan ogahay inuu ahaa duuliye Soomaaliyeed oo qiimo badan laakiin maxaa loogu bixin waayey culimada saxaabada, taabiciyiinti ama kuwa Somaaliyeed.
haddii caruurtiisa dhiseen ama ahalkiisa taasi waa arrin kale oo aaanan mugdi ku jirin.
Allemagan
Waan kugu raacsanahay in huga carabta dhaqan yahay ee uusan ahayn diin. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la miisaamo huga sharciga ah iyo kan aan ahayn. Soomalidu waa carab ama carab u ekayaal. Haddii ay cimaamad cas xirtaan dhib malaha. Laakiin macawis cawarada ruuxa muujinayso dhar ma ahan.
Marka saaxiib is deji. Kuwa suutka xirta waxay u baahan yihiin in teega iska dhaafaan.
Afduubashada waa bidco iyo marin habaabin hadii aysan keenin daruura caskariyah wa duruuf aminiyah.
Alemaganow aan ku waydiiye fuduulan adiga ma jihaadiyiinta giriifay ayaad ahayd mase?
waxaan la hadlayaa allemagan
waxaan kuugu nasteexeynlahaa inaad toobadkeento oo dib u islaanto sababtuna waxa ay tahay waxaad caysay dhaqanka iyo shacaa`irta diinta islaamka
waxaad karaahiyaysatay labiska ay qaataan muslimiinta
cimaamada waa suno
qamiiska waa suno
oo rasuulka ayaa qaadan jiray
qofkii ku daysada waa suni
qofkii nacbeysta waxa uu nacay suno
si guud waxaan u soo jeedin lahaa in layska ilaaliyo wax yaabaha diinka baxa ah ee la lagu dhawaaqayo
Cali Guure,
In cimaamad laxirto ama dadka muslimiinta ah looga daydo wixii howl (camal) ah oo suuban ma diidani. Ma rabo in gaalo lagu daydo (Alle ayaan ka magan galay), raalina kama ahi kuwa dhafoorada xiirta ama is qaawiya. Xiirista dhafoorada, is qaawinta iyo xirashada huga duul kale intuba waa dhaqan ka tag.
Cimaamada cas ee ah huga dadyowga dalalka Khaliijka ha ku khaldin diin iyo wax u baahan in lagu daydo ama diintu ku farayso daba galkeeda. Mida kale macawis cawro kuma aad sheegteen hadii aad mari lahayd suuqa wayn ee Suuqa Nada ee ku yaal magaalada Jiddah maalin kulul. Ma aadan arag qooro dabaysha iska walfanaya!
Cali Guure, waa wax dooda haboon ama toosan ka baxsan in hadalka la marin habaajiyo oo qofku wuxuusan oran afka loo galiyo. Hadii aad ku burinaysid (naqdiyaysid) qoraalkayga dow sharci ah marsii hadaad haysid. Tan kale ku soo koob dooda sida hadalka loo dhigay niyad sami. Aflagaado inaan qofkii aan ra’yigiisa diidayno inaan ugu jawaabno waa laga fiican yahay.
Ugu dambaystii Nuur waan u jawaabayaa. Nuur inaad isticmaashid ra’yi ama daliil aadan salayn halka ay ka soo jeedo, waa xatooyo xaga fikarka ah (pallagarims). Waxa aad tiri “waxa hada uu ku hadlay waxaa kasii wayn waxa uqarsoon”. Waxay ila tahay inaad halkan maciinsanaysid siiqada aayad Qur’aanka kariimka ka mid ah “..wamaa tukhfii suduuruhum akbar..”. Ha ka dhigin aayad Qur’aan wax aad ku qurxisid dood aan markeeda horeba qurux lahayn.
Assalaamu Calaykum
Allemagan
Sxb intay xumaani badatay mawaxaad soo qaadatay Cumaamad aanad sheegayn xumaan ay leedahay (cajiib), oo waliba dad dhalin yaro ah oo diinta wax kabartay ayaad halkaad kafarxi lahayd wax uuga sheegaysaa cumaamadooda. Sxb Ilaahay unoqo iskana ilaali shaydaanku wuxuu kuu qurxinayo, cadaaladana ha uuga tagin dad nacaybkood.
Wassalaamu Calaykum
Salaam
Allegaman
War saaxiib halkeed igala qaadey. War nin yahow dul nuglidaa. Waxaan mooday inaan kugu waafaqay badi faalada hore.
Su’aasha yar ee aan hoos geliyey miyaad ka xanaaqday? Alow qayr keen. Waxaan moodayey inaad intan ka adag tahay. War ninyahow dib u akhri faaladayda haddii kale naga raali ahow. War illeen inagaa balaayo aragnay.
Bilmunaasaba suuqa alnidaa waan argay yaman badan oo macawis iyo golxob ku jeen qaaran. Hugaasi dhar mahan. calal aqal dhar jihaad ma ahan
Ogow culimada baabkan waa ka hadleen filcaadaati walcurfi. Yaman oo aan mar hore shaqa macalin u raadsaday sanadihii macahaadka islaamiga waxaan arkay rag gorgorad qaba oo weliba tooray hoos ugu xiran. Culimadii jamciyadii islaax alyamani markaan waydiiyey waxay iigu jawaabeen dharka caado waa minal macruuf. Yaab.
Nastexeye
Masaladan si cilmi fiican u ruug oo akhri aqwaasha culimada muxaqiqiinta ah waxay ka dhaheen huga khamiiska iyo cimaamadaha. Sida aad u adkaynayso badankooda kuma tagin sidaasi ee la soco.
Alow roob keen
waxaan la yaabaa soomalida qaar ee juhalaa ah.qamiis iyo cimaamadba haday arkan u maleeya dhaqan carbeed oo kaliya.ee xitaa luqada carabiga ka dhiga inay carab kaliya leedahay.war jahliga ka xorobo oo diinteena macaan iyo dhaqan wadan kale leeyahay yeeysan isaga kiin dhex qasmin. dhaqanka soomalidu maahayn kuu gabdhaha islaamka ah ay qaawanaayeen.dhaqanka miyaa muhiim ah mise diinta islaamka. waxan hanbalyo iyo bogaadin halkaan uga dirayaa inta qarashka iyo juhdiga ku bixisay machadka, ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka wada siiyo. aamiin
Cali Guure,
Gar ayaad iga joogtaa. Waxaan jawaabta aan kuu celiyay ku labay hadal aan kaaga ahayn oo ka yimid duul aan fahmin waxa meeshan laga hadlayo warka dulucdiisa.
Caliyow waan jeclahay sida hufan oo aad warka aadan ugu deg degin oo aadan iskugu khaldin diinta iyo hab dhaqanka sida dadka qaarkiis. Waxaa fiicnaan lahayd inay ra’yi dhiibashada ku soo badan lahaayeen dadka la mid ah Wadaad Yare, Falxado ama sidaada. Qofku mabda’a uu rabo ayuu wadan karaa dawgana si hufan dadka ula wadaagi karaa.
Xaal iyo sharaf ayaan ku siiyay Cali, cimaamad aan casayn waan kuugu daray.
Allemagan
Xaal qaatey oo cimaamadda keliye ma rabee gabarna iigu dar. hahahaha. Kaftan.