3 kamida Wasiirada DKMG ah ayaa Xalay ka badbaaday qarax Miino oo loo dhigay kolanyadii ay la socdeen Wadada Maka Al-Mukaraha ee Magaalada Muqdisho waxayna kala ahaayeen wasiiradaas, Indhacade Wasiiru Dowlaha gaashaandhiga, C/raxmaan C/shakuur Wasiirka Qorsheynta & iskaashiga iyo Maxamuud Garweyne oo ah wasiirka Bani aadanimada.
Xiliga miinada lagu qarxiyey kolonyada ay lasocdeen Wasiiradan ayaa ahaa abaare 7:00 Fiidnimo waxayna ka yimaadeen dhanka aqalka Maxdtooyada Villa Somalia.
Miinada ayaa loodhigay agagaarka Hotel Wehliye oo ku dhaw isgoyska Sayidka, gaarigii uu saarnaa Max’ud Garweyne ayaana la sheegay inay haleeshay miinadu oo uu burburay sidoo kale firirkii miinada ayaa gaaray gaarigii Indhacade waxaana ka daatay miraayadaha.
Waxa kabadbaaday weerarka wasiiradii lala damacsanaa waxaase ku dhaawacmay 3 kamida Ilaaladii galbineysay sidoo kale waxaa goobta ku dhintay 3 qof oo rayida oo ay labo kamida Caruur yihiin.
C/raxmaan C/shakuur oo VOA-da lahadlay ayaa Askarta DKMG ah ee ilaalada ka ah wadada lagu weeraray ku eedeeyey inay dayaceen Mas’uuliyadii ka saarneed Ilaalinta wadada wuxuuna isweydiiyey siday ugu suuragashay kooxaha ka soo horjeeda inay miino dhigaan meel aan ka fogeyn aqalka Baarlamaanka isla markaana ay wada dagan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG.
Waa Weerarkii labaad ee uu mudo yar gudahood ka badbaado Yuusuf Indhacade, midkii kan ka horeyey ayaa isla wadadaas ku qabsaday kaas oo ka xooganaa kan Xalay.
Weerarada lala beegsado Mas’uuliyiinta DKMG ayaa si joogta ah uga dhaca Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay Dowladu kamaamusho Magaalada.

Related posts:
lndhacade dabadhilif inkaartii dadkii sh hoose ee biyaha wabiga aad ka iibinjirtey baa kudaba socota nin xaquunaas ka dhargey,almujaahidiin al shabaaab alaah macakum ,alaah akbar,
hadafka alshabaab waxaa weeye in eey diinta ilaahey iyo hulkooda xur u ahaaan oo ey qofna kaga heybeysan wa dhaliyaro noo kacdey ilaahey ha idinlajiro scw.
Qabuura Galeenka Mushrikiinta ah iyo Indho Cadde ayaa maalmihii la soo dhaafay isku kacsanaa Heer ay Idaacadaha iska radiyaan, Cabdi Nuur Macalin Abshir oo ah Afhayeenka Mushrikiinta ayaa dhawaan Idaacadaha ka sheegay in ay lawareegeen fariisimo ay Maleeshiyaadka Indha cadde joogeen waxaase warkaasi been ku tilmaamay Indho cadde.
Maalmo kadib ayay Qabuura Galeenku sheegeen in ay ka madax banaanyihiin Taliska Indho Cadde iyo C/qaadir Cali Cumar oo ay u arkaan Al Itixaad qarsoon waxaana jira is gaad gaad u dhexeeya labada dhinac.
Lama oga sida uu Indho Cadde uga Jawaabi doono qorshaha dilka ah oo ay u maleegeen dhinacyo loo malaynayo in ay yihiin Qabuuriyiin hoos yimaad Cumar Cabdi Rashiid oo qudhiisa Mushrikiinta ujan jeera.
kkkkkkkkk subxaana allah.
anigu somalimirror ayaantaan waan is ka dhaafay lkn markaan waxa xasuusinayaa ninka reer sh/hoose ee indha cade qabiilnimada ku raadsanaaaaya anigu wax ku dhihi ma hayo lkn wanaaga iyo diinta haddii ad qabiil u badashaan meeshii iyo meel ka daran ayaad mari doontaa.
qabiiiiiiiiiil is ka dhaaf laan gaab ayaa tahay
waar isla yaaba al-shabaab miidhan ayaad tihiin oo iska dhigay dad hagaagsan ee alshabaabna waa naqaanaa asxaabul takfiir ee waxba yaan diin lagu gaban ee iska ilaaliya qabiilkiinii ayaa la idiin qaatay oo diintii magac xumo ayaad ku haysaane. takale indho cade isaga laftiisa ayaa ahaa takfiiri shalay maana inuu tooban keenay ma sheegin laakiin wuxuunbuu dhinac uga yara leexday dhiigii muslimiinta ee maalin kasta la daadinayey iyadoo shubho lagu daadinayo laakiin siday yeeli marka ay aakhiro la kulmaan kii ay dileen ee ay lahaayeen waa murtad marka la siiyo ajarkoodii oo dhan ee iyagana ay siiroo soo istaagaan ilayn ilaahay subxanahu watacaalaa waa caadil oo cidna ma dulmiyo markaas kii dulmi gaystay maalin ayaa ka danbaysa ama adigu is amaan oo waxaad tidhaahdaa diin ayaan wada ama ha is ogaane waxa miisaanku yahay kibaabka alle oo lagu qaato sidii ay salafkii wanaagsanaa u qaateen, bal iswaydii dadka muslimminta ma layn jireen mise way ilaalin jireen.
waar caqli iyo diin toona meesha kuma haysaaan!!!!!!!!!!!!!