Kulanay yeesheen Xildhibaanada Barlamanka KMG ah oo khudbado looga dhageysanayay 5 Musharax oo uu buuq hareeyay

Published on May 27, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Kulan ay maanta Magaaada Muqdisho ku yesheen Xildhibaanada Barlamanka KMG ah ayuu buuq hareeyay kadib markii qaar ka mid ah Musharaxiinta isku soo taagay jagada Gudoomiyenimiada Barlamanka laga soo hor jeedsaday.

Kulanka ay maanta Xubnaha Barlamanka yeesheen ayaa waxaa ka soo qeyb galay 367 Xildhibaan wuxuuna kulanku ku saabsanaa sidii loo dhageysan lahaa khudbadaha ay soo jeedinayeen 5 musharax oo kala ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan ,C/kaafi Macalin Xasan , Sheekh Axmed C/laahu Xuseen “sheekh fanax”, Cabdi Xaasi C/laahi iyo C/laahi Sheekh Ismaacil .

Musharaxiinta oo hadalo ka jeediyay madasha shirka ayaa intooda badan ka hadlay waxqabadka ay sameyn doonaan hadii loo doorto Gudoomiyenimiada Barlamanka KMG ah ,waxayna qaar ka mid ah Musharaxiinta sheegeen in mar walba ay howshoodu noqon doonto u adeegida danta dalka iyo dadka.

Musharax Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa 5-ta musharax ee jagada isku soo taagay ayaan khubadiisi si wanaagsan loo dhageysan taasina waxa ay dhalisay in Xilidhaabo mucaaradayay ay fadhiga buuq ka dhaliyaan taasina waxa ay keentay in Xildhibaano badan ay madasha iska baxaan.

Intaa kadib waxa la dhageystay khubadaha 19 musharax oo isku soo kala sharaxay jagooyinka Gudoomiye ku xigeenka Kowaad iyo kan Labaad waxaana dhageystay khudbadahooda Xildhibaanto aan sida u tira badneyn.

Sii hayaha Xilka Gudoonka Barlamanka ayaa Xildhibaanada dhowr jeer u jeediyay in ay buuuqa joojiyaan balse wax dhag jalag u siiyay ma aysan jirin.

Buuga iyo sawaxanka Xildhibaanada ayaa yimid kadib markii Micrphone-ka uu soo istaagay Musharax Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna Buuqaas keenay in firinbi lagu yeedhiyo sidoo kalena buuq cay wata laga hor keeno ,waxayna xaruntii isku badashay Stadium ay isugu yimaadeen Taageerayaal is mucaaradsan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Khudbado ay soo jeedinayaan Musharasiinta P/land oo ka socota Garoowe
  2. Gudiga qaban qaabada Doorashada Barlamanka KMG ah oo sheegay in Jimcaha ay noqon doonto maalinta doorashada
  3. Shariif Xasan oo iska casilay Xilkiisii iskuna soo sharaxay Gudoomiyaha Barlamanka KMG Ah
  4. 3 musharax oo ka mid ah musharaxiinta Puntland oo maanta Garoowe Shir Jaraaa’id ku qabtay
  5. Kalfadhigii Maanta ee Baarlamaanka oo Buuq Xoogani Hareeyay

Readers Comments (3)

  1. shiine says:

    dhamaan waasalamay umada soomaliyeed bacda salaam waa waxas waxa lagasugayo inay xal ukeeenaan shacabka somaliyeed ee daadsan banaanada muqdisho waa wax laga xumaado lakiin waxan shaki kujirin in arintaan dad ku faraxsan ay jiraa sida gumaysiga ethiopia oo iyada udub dhexaad u ah dawlad kusheega somaliya ee jaahiliintu isugu yimaadeen

  2. waddani says:

    Asc waxaa cad, in qoladaan aysan wax masuuliyad ah qaadi karin, aysanna hayn wax barnaamij ah oo ka baxsan ganacsi iyo buuq, xalka waddankana ay sii murginayaan, sidaa awgeed waxaa habboon, in ay fursadda siiyaan dadka xalka keeni kara.

  3. BUUL-CAWS says:

    Ilayn Sagaaro soo ima barato
    Shariif xassan soo kii Amxaaro iyo Gaalo dhulka Soomaaliyeed u saxiixay markuu ahaa gudoomiyihii baarlamaanka C/hi Yusuf Dowladiisii.
    Soo ma aha u adeegaha ama wakiilka Males Sanaawiga Ethiopia oo ah cadawga Somalia iyo dhiigya cabka wayn Weled Cabdala oo ah Dilaal ku nool dhiiga Umadda Soomaaliyeed oo aan marna rabin in Soomaaliya ay dowlad u dhalato hadii dowlad u dhalato Somaliya Wuxuu ogyahay inuu waynayo Shaqadiisa dilaalka ah Hotelka iyo diyaarada hadba meeshuu doono u raacayo, Qormadayda waxaa ku gaba gabaynayaa Soomaaliyeey tasho cidna kuuma maqna ceelna kuuma qodna waxaadna ogaataa adiga dhexdaadana isma jeclid Dunidana kuma jeclo.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khudbado ay soo jeedinayaan Musharasiinta P/land oo ka socota Garoowe
  2. Gudiga qaban qaabada Doorashada Barlamanka KMG ah oo sheegay in Jimcaha ay noqon doonto maalinta doorashada
  3. Shariif Xasan oo iska casilay Xilkiisii iskuna soo sharaxay Gudoomiyaha Barlamanka KMG Ah
  4. 3 musharax oo ka mid ah musharaxiinta Puntland oo maanta Garoowe Shir Jaraaa’id ku qabtay
  5. Kalfadhigii Maanta ee Baarlamaanka oo Buuq Xoogani Hareeyay

Latest Headlines