Inta badan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa qariyey Mowjado biyo ah oo uu soo fatahay Wabiga Shabeele waxayna Magaaladii dhamaanteed isu badashay tog biyo xireena, dadkii daganaa badankoodna wey ka qaxeen waxaana soo wajahay dhibaatooyin kaladuwan ( Daawo Sawirada ).
Sida aad ku arki doontaan sawirada shabakada Somalimirror ka heshay Magaalada Baladweyne dadka iyo Gaadiidka ayaa goobaha qaar dhexmaraya biyaha iyaga oo dushooda ku qaxaya qaar koodna baabuur kuguurayaan.
Dadkii, Gaadiidkii iyo Noolihii kale ee kusugnaa Magaalada ayaa isugu tagay buurta janta ee duleedka Bari ka xigta Magaalada waxaana soo wajahay dhibaatooyin isugu jira hoy la’aan, nonol Xumo oo ay usii dheertahay kaniico aan caadi aheyn oo ka dhalatay Biyaha.
Buundadii Liiqliiqato ayaa dhawaan labo cad noqotay kadib markii ay la’goyday gaari Xamuulo waxaana ka sokow Magaalada daadadka qabsaday kala go’an Bariga iyo Galbeedka.
Buundadka ayaa dhexda ka go’aday waxaana sidoo kale ruqay shubkii iyo birihii aasaaska u ahaa ee ay ku taagneed.
Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan ayaa wada Dadaalo dib loogu dhisayo Buundada waxayna ugu baaqeen Bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha Samafalka inay dadka tabaaleysan lagaaraan wixii ay awoodaan kana qeybqaataan sidii dib loogu dhisi lahaa Buundada Liiqliiqato.
Dadka dhibaatadu heysato ayaa Soomaalida kale ka codsaday inaysan ku fiirsan dhibaatada ee ay la soo gaaraan taakuleyn iyo wax qabad sida ugu dhaqsaha badan.

Related posts:
ilaahay ha ugar gaaro walaalhay reer baledweyne.
ASC. wadaadadii lahaa maamul baa meesha ka jira may dadkaan masaakiinta wax la qabtaan. wlaahay waa yaab.soomaali maamul xumaa haraysay shiikh iyo shariifba.
waxaan u soo jeedinaa walaalaha soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan in aad wax ka qabataan fatahaada mar walba ku soo noqnoqota deganada baladweyne, waaana in ay sameeyaan sida ay sameeyeen ree BALCAD oo ay u jeexeen kanaal biyaha uu ku sii daayo marka uu webiga buuxsamo, ma aha wax adag ee waa uun in meesha uu webiga ka furmo in loo qodo dhul-weyn oo biyaha galaan taas oo xitaa laga faa’iideysan karo waqtiyada abaaraha.
mahadsanidiin walaalahay reer hiiraan.
Daadka noocaan ah dhulka Soomaaliya kama dhici jirin. Maxaa hada keenay oo u sabab ah? Jawaabtu waa dugaaga reer miyiga ah ee dhirtii dalka dhuxusha u dhameeyay.
Dhirtii roobkaan biyihiisa celin jirtay waxaad u dhoofiseen shiikhyaal Carbeed ee sida umulaha is bukhuuriya ee foox shita ama sarar ku shiisha. Ceeb kuma ahan Soomaali inay arki waydo qiimaha bada iyo berriga Alle ku beeray ee bilicda leh.
Waligeed Soomaali ka bixi mayso silic, gaajo iyo rafaad ilaa ay hab dhaqankooda badalaan. Lix kun oo sano ka hor ayaa banii aadamku degay oo beer iyo dagaan lagu nagaado in la samaysto bartay. Wali waxaad ku heesaysaan “reer guuraya iyo gabar tima tidcani..”.
Roobkaan ha moodeen nimco Alle oo maanta soo korortay. waa dhulkii Soomaaliya oo xaalufay noqdayna lama dagaan. Waa hubaal 6000 oo sano ka hor inay Soomaali meeshii ay joogtay ay maanta ka liidato.
scw
Inta uu kordhaayey caqliga techloolijiyada ee habka faaf reebka biyaha Soomalida badankeeda waxaa noo kordhaayey jahli iyo jahawareer marka laga reebo towxiidka saxda.
Islaamka waxaa uu na amrayaa inaan istiqlaal dhulka, hawada iwm oo si sanaaci ah iyo mid ahaynba loo isticmaalo.
Waxaa beledwayne ka jira xukun islaami ah oo sabool ah oo teknoolijiyad iyo dhaqaala haysan. Waxay la kowsadeen buundo sii wiiqmaysay, mana garan shixnadaha culus ee gawaarida is jiidka dhibka ay u leedahay buundooyinka.
Buundad waxaa dhisay siyaad Bare 1974, wax dayac tirna ma helin. Waxaa loola dhaqmay sidii iyada oo waaraysa.
Waxaa Soomalida guud ahaan ee Islaam doonka la gudboon in ay gacan ka geystaan dib u dhiska buundadan.
Warshadayn umalayn maayo inay jirto laakin waxaa dibada gaar ahaan shiinaha, Pakistan, iyo Hindiyaba laga soo iibsan karaa buundo diyaar ah iyo farsamayaqaano si fiican u raki kara. Taana waxay u baahan tahay lacag iyo in looga dambeeyo injineerada Soomaali ah oo kormeera arrintaasi.
Maamulka islaamiga ee Beledwayne iyo meelaha kaleba waa inay isugu yeeraan aqoon yahanada culayska baaburta eega iyo adeegsiga culays hubiyaha buundooyinka. Waqtigii kacaanka waxaa la qiyaasi jiray cufka baabuurta. Maanta waa in taasi la soo nooleeya waayo noloshii iyo gacansiigii iyo isu socodkii baa ku xiran.
Baabuurkii qilaafo waa in laga qaadaa ganaax xanuujiya.
Waxaasi oo dhan waxaa ka horeeya in maal loo ururiyo lagu kabo ama soo gato buundo cusub.
Bilmunaasaba, liiqliiqato waxaa loogu bixiyey markii hore waxay ahayd laba bir oo webiga labadiisa dacal ku xiran oo la taagay oo alwaax lagu socdo lagu xardhay. Markaad ku istaagto waxay oran jirtay liiq liiq liiq. Sidaa bay magaca ugu baxay xitaa markii siyaad bare dhisay.
ALLA WAYN ALLA MAHADA USKALEH ALXAMDULILAAH ILAAHAY WAXAAN KABARYEENAA HADAANAHAY REER HIIRAAN WAX NOO DHISA IN ILAAHAY UU NOO SOO JEEDIYO WABILAAHI TOW FIIQ