Mid ka mida macalimiinta wax ka dhiga Isbuulaadka Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa ciidamo ka tirsan kuwa DKMG, duhuradii maanta ku dileen agagaarka Suuqa Dahablaha ee Xamar weyne.
Macalinka la diley oo lagu magacaabo Guuleed C/laahi Xuseen ayaa ciidamada diley labo maalin ka hor ka kaxeysteen agagaarka Soobe, waxa uuna ka mida ahaa Ardeyda Jaamacada Muqdisho wax ka barata.
Aabaha Macalinka C/laahi Xuseen oo Idaacada Shabelle ee Muqdisho la Hadley waxa uu sheegay inaaney ogeyn sababta rasmiga ee ka danbeysa dilka Wiilkiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay labo maalin ka hor askar ku labisan direyska ciidamada DKMG iyo nin dhar cada iney ka kaxeysteen agagaarka Soobe xilli uu ka soo rawaxey Jaamacada Muqdisho oo uu wax ka dhiganayey.
Ciidamada diley ayaa la sheegayaa goobta ay ku dileen iney ku keeneen gaari yar isaga oo lugaha iyo gacmaha ka xiran indhuhuna duuban yihiin, ka dibna gaarigii ka tuureen oo baas ku fureen.
Dilka Macalinkan waxa uu qeyb ka noqonayaa kuwa Dadka rayidka ee aan waxba galabsan la gula kacayo ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Related posts:
Wanka xumahay macalinka la dile alla ya raxma kuwa dile alla ha soqabto allow sidan no dhaan ammin
CIDII GAYSATAY FALKAN MUJRIMNIMADA AH WAXAA UUN GARANAYA ILAAHA CAALIMUL-QAYBKA AH LAAKIIN ARAGTIDAYGA GAABAN CIDA SIDAAS WAX U DISHA WAA LAGUU YAQAAN WAANA ILMA QAATE QUWE ARXAN DARADA UMULADOOXA QOOR GOYNTU MAAHA SIFO MUSLIM LEEYAHAY WAASE CALAAMADO SOO JILAABID IYO SOO MINGUURIN LAGU KEENAY BA
Inaa lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun
Raabiyow u naxariiso, ehelkiisiina ka samir sii, innaga gadaashii hana fitnayn.
Waa mushkilad bilihii ugu dambeeyey ay la yimaadeen qolyahaan dowlad ku sheegga ah, markii hore waxaa dhibkoodu u badnaa inay dhacaan dadka (ama rasaas aan ujeeddo lahayn ku dilaan), laakin inta badan dadka ay qabtaan ma dili jirin.
Dadka inta la qabto la dilo oo qaarkood madaxa laga jaro waxaa ku badnaan jirey kooxaha islaamiyiinta oo mararka qaarkood dadka cadaab nafta uga jara!!
waxaa muuqata inay kooxdaani oo awalba aan kheyr lahayn ay shartoodii laba jibaareen!!!
Rabbiyow adaa aakhiro u xaqsoori doona kan la dilay iyo ka wax diley!
**** Ka warrama**
Koox dowladnimo sheeganaysa oo dadka inta suuqyada ka kaxaysato maydkoodana dariiqa soo dhigaysa!!
Koox sheeganaysa inay diintii Islaamka (diintii naxariista) ilaanayso oo wax shaki ku siman caruurta ku agoonteynaya dumarkana ku garoobaynaya!!
ka warrama dadka dhibtu ku raagtey, naftu hayso, daryeelka aan haysan, ee qolo waliba ay leedahay kii qoladaas xaggeeda ka yimaada ama u shaxaad taga waa cadow!
Ka warrama caddaaladda caynkaas loo fulinayo??
Asc. Inali lah wa inarajucun alaha unaxarisato macalin ka dilakisa kadam beyen as kar kadirasan dowlada ilahey ha unaxaris to amiin amiin
walal keyga guuleed ilaahey janatul firdows ayaan kaaga rajeynaa waxaadna eheed saxiibkeyga kan ugu qaaliga ah maanta ilaahey ayaa kudoortey kan kudiley iyo kuwa kumaageen allaah ayaa kumaqan dhimashada wa xaq gurigaaga dhabta ayaad aadey dhamaan waan ugu tacsiyeenayaa ahelada ustaadka xaakiisa gaar ahaan waa ustaad mhd mny jyln