Doodda Qaadka 28/09/08

Published on May 24, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Gabaygan dooda qaadku wuxuu soo baxay 28/09/08, wuxuu ka kooban yahay (130 beyd), waxaana ku doodaya laba nin oo midna qayilo midna uusan qayilin, iyadoo nin kastaaba sida ay la tahay uu ku cabirayo fikirkiisa ku aaddan qaadka, haddaba aniga oo labadoodiiba matalaya ayaan gabaygaan ku doodsiiyay, qofkuna marka uu arrin ka hadlayo waa inuu aqoon u leeyahay waxa uu kahadlayo, qaadka waxaan cunayay muddo badan waxaanan joojiyay 12/02/95kii, waaya aragnimada aan uleeyahay anoo kaashanaya ayaan sidaan udoodsiiyay.

1. Nin qayila nin kale oon qayilin quud u huriwaaye
2. Malab qooshan haddii uu la yahay qaatihii cunayay
3. Kan kalana qaraar yaable iyo dacar ku qiimeeye
4. Qol firaashan qawlad loo sharraxay qaab fadhiga toosan
5. Qosol faraxle sheekadoo habsami laysla wada qaado
6. Qaabkaas ninkii cunay ku sheeg maalin qaayalehe

7. Maqayile wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
8. Waa qamaar layaabliyo sun iyo qaatil dhumiyaahe
9. Qabsan waa dantiisii ninkii laamo quud bidaye
10. Qabbirna waa udheer yahay habsaan qoyska hawlihiye

11. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
12. Qayilaadda ruuxii ogbaa qira wanaageede
13. Nin aan weligi daan qaadinbaa qayladhaan wada e
14. Waa quud akhyaartu ay cuntiyo qaran hoggaankiiye
15. Bakhaylkuna ma qaatiyo hanyare quuriwaa badane
16. Qanac oo ogsoonow marqaan waa qad kaa maqane

17. Maqayilana waxa uuka yiri qodobka uu sheegay
18. Qurxiyaha dhibaatada uqaba qiimihii nolosha
19. Nin waabaayo meel lagu qafilay qaatay ee dhamaya
20. Qandho iyo xanuun iibsadaha qool is gelinaaya
21. Qaraw iyo dubaabkii midkaa derisku quus joogo
22. Dhalanteed ha qaayibo berriba qoon xirtaa heliye

23. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
24. Fahamkii qaldani waa sidii sixirka qaarkiiye
25. Marti qoyska timid iyo nin weyn qaabil lagu sooro
26. Qado sharafle qaadkoo ku xiga sheeko quruxdeeda
27. Haddaan qaar guduud laantu ool jiif qandoodsada e
28. Qaayeheedu waa inuu taqsiin qawlal buuxsado e

29. Maqayilana waxa uu ka yiri qodobka uu sheegay
30. Intaan laan qaraar siin lahaa kaan qadarinaayay
31. Ama ari qatani goortu dayo igu qamaamaayo
32. Orgi aan u qalo iyo wan maan qoyska uga loogo
33. Qol dugsoon intaan jiifiyana haw qotomo dhiilku
34. Ninba qurux siduu bido martidi qaabil ha u sooro

35. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
36. Nin kastaba qumanihiisibaa qoorta loo suraye
37. Qiyaarkiisa ruuxii walbaa tiisa haw qumo e
38. Dhadhan aan la quurayn ayaa qaadku ii yahaye
39. Af qaboobe adigays qalaye qayb ku raac dumarka
40. Ama qaado jaadkoo fadhiga qawlalada buuxi

41. Maqayilana waxa uu ka yiri qodobka uu sheegay
42. Nin wixii qallooc ugu egbaa ruux la qaayalehe
43. Qamrigaba nin dhamayaa jiroo caanihii qubiye
44. Wax shaydaan qurxinayaa hanyare ku qarribmaayaaye
45. Qawlkii ilaah iyo sharciga qaadan kari waaye
46. Maalkiyo naftaba wixii qarriba qaaddac diiniguye
47. Qawlaladaada uuskale haddaad qurux u moodayso
48. Ilkahaagi meeshay qabteen sheeg haddaad qirato

49. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
50. Quraan iyo sharciga nimaan aqoon qoon mawaacido e
51. Qiil xaaraana uma haysid iyo aayad qaad dhigiye
52. Qiyaastiyo jacaylkaaga qura qaado hay orane
53. Geed qaadir beeraa nijaas kuma quwoobeene
54. Qaranriyo mareerkoo kaliyo waa quwaax sidiye
55. Qandho iyo xanuun iguma rido ruuxba qaab noqoye
56. Qayil oo cun kuma aan dhihine adigu hay qooran

57. Maqayilana waxa uu ka yri qodobka uu sheegay
58. Qosol laba nin gari uma sintoo ruux ku qawracane
59. Qamaar iyo kitaab hays agdhigin qiima kala weyne
60. Qaadkiyo mareerkana hasimin qaadirkay magane
61. Caqligii qumani waa hayaa qeexitaan dhabahe
62. Dhegaan qanac ubaahnayn wacdiye quusay dhihitaane
63. Qalbigaagu waxa uu jantiyo beenta run uqaado

64. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
65. Qofku waxa u moog yahay hubaal wuu ka qadayaaye
66. Far nin qaatay baa garan marqaan qiimihii dhabahe
67. Naqshadaha qurxoon iyo markuu kaartadii qorayo
68. Ama uu xisaabihii qaldamay kala qorshaynaayo
69. Afqaboobe wuxuu moodayaa qooqe talawaaye
70. Qiilba uma uraadine dagaal qaabsay dirirkeed

71. Maqayilana waxa uu ka yiri qodobka uu sheegay
72. Haddii qaadku uu wacan yohoo quud u yahay fiican
73. Ama ay qiyaartiyo rag sare ku qayilaan geedka
74. Qaaqlaha wareeriyo dibjire ma aysan qaateene
75. Qofkii waalan dumarkiyo ragguba kuma qamaameene
76. Haddii qayr uleeyahay kan gada ma uu qadfeen diine
77. Nabigi qurxoonaa afxumo uma u quureen

78. Qayilana wuxu yiri isagoo hadalka qeexaaya
79. Qof dambaabay qaad ha unisbayn kala qad weeyaane
80. Ruux quraan ku raacdaa jiroo diin la qaabila e
81. Qaar salaatuleyl ugu kacoo qaayibaa jira e
82. Dhanka qaladka eegtaye santiis kaa qarsoon weliye
83. Qaafil waxaad ka tahaybaan marnaba qiranin maankaaye
84. Qabaarmoog haddaad tahay warkiyo qaado hadalkayga

85. Maqayilana waxa uu ka yiri qodobka uu sheegay
86. Qof ay meeli ucaddaa layiri qaybi waa madaw e
87. Qumbaan gadawga haystaa hadday talo ku qiil beeshay
88. Oo aan garqaad jirin xog waa la iska qaataaye
89. Muran iyo qallooc lama rabiyo qaado kaan iriye
90. Labadii isqabatana midbaan qiil yar soo heline
91. Qaladkiisa ruuxii gartana qiime lagu sheeg

92. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
93. Xaajada qofkii aan ogeyn wuu qarribayaaye
94. Qaadkiyo wanaagiisa baro kaa qarsoon weliye
95. Qarash dawladaa geliya oo qaadka dhoofsada e
96. Xoolohoodi qoon uu yahoo quuta baa jira e
97. Qaaradaha adduunkoo dhanbaa laga quweeyaaye
98. Karaamadiyo qadankiisa hubi qaadka maad barane

99. Maqayilana waxa uu ka yiri qodobka uu sheegay
100. Barashadii qasaaray dhashiyo qool lagelayaaye
101. Qayrkaa intii uu qabjabin kugula qawlaayo
102. Ama ay qalaad dheer haween kugu qamaamayso
103. Qoortiyo kulleetiga intaan laqabsan shaarkaaga
104. Ama qolo dacwaa waalidkaa qaanti bixinaayo
105. Qabri inaad gashaa kaaga wacan nolosha qaarkeed

106. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
107. Deyn qaate qofkuu maal ka qabay wuu qabsanayaaye
108. Qormina mayso qaan inaad qabtiyo qaylo dirireede
109. Qawl wanaagsan baryiyo qaabsanbaa lagu qaboojaaye
110. Inaan gabar qadfoon dilo caqligu qaadan kari waaye
111. Mar haddaanan siday ii qallici qaar ka gudanaynin
112. Intaan lacagta soo qaban gabdhuhu ha iqardoofeen

113. Maqayilana waxa uu ka yiri qodobka uu sheegay
114. Belo qirashadeed waa halaag la qurxinaayeeye
115. Qiyaarkoo lagaa qaado waa qiime beel dhabehe
116. Qofkii weyna marinkii qabtuu ku qanciyaa duule
117. Qaawanaan qof socod doonayoo qaatay waa ebere
118. Foolxumo nin qurux dhaafsadana qore ma sheegayne
119. Balwad haddii qabbaan aad u tahay qaaxo oo kala dheh

120. Qayilana wuxuu yiri isagoo hadalka qeexaaya
121. Balwad qeexitaankeed haddaan kuugu qoro buugga
122. Wax kastoo qof laasimo ayaa lagu qiyaasaaye
123. Qaxwaha iyo shaahuba balwada waa ka qayb shubo e
124. Qamaarka iyo turubkiyo qamriga qoon bartaa jira e
125. Qaar xashiisha qiiqinahayoo quustaybaa jira e
126. Maxaad qaad ka sheegtaa ragbaa qiimihii gabaye
127. Qumaniyo qalloocane bulshadaa qeexi kuu yahaye
128. Haddii dood laqaadana qofbaa qaata oo hela e
129. Keebaa qaldamay ama midkee libinti loo quuray
130. Dadweynow qatima waa garsoor lagu qancaayaaye.

Curiye:- Xasan Bulxan Cali

Email: bulxan105@hotmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Daahir Aw Cabdi “dadka qaadka inta ay soo cunaan ee marqaansan ee magaalada lagu soo dayay ayaa qaadaya mas’uuliyada dadka dhaawacmay….”
  2. Ganacsatada Qaadka ee Baydhabo oo Dibadbax dhigey.
  3. Al-Shabaab oo Amaro la xiriira Qaadka, Sigaarka iyo Salaada ka soo saaray Baardheere
  4. Maamulka Afgoye oo Mamnuucay in Qaadka lagu iibiyo Gudaha Degmadda
  5. Maamulka Jowhar oo Mamnuucay in qaadka lagu iibiyo Gudaha Magaaladda

Readers Comments (1)

  1. ceydaruus hassan says:

    Aniguna qaadka waan taabtayo wana dhadhamiyaye




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Daahir Aw Cabdi “dadka qaadka inta ay soo cunaan ee marqaansan ee magaalada lagu soo dayay ayaa qaadaya mas’uuliyada dadka dhaawacmay….”
  2. Ganacsatada Qaadka ee Baydhabo oo Dibadbax dhigey.
  3. Al-Shabaab oo Amaro la xiriira Qaadka, Sigaarka iyo Salaada ka soo saaray Baardheere
  4. Maamulka Afgoye oo Mamnuucay in Qaadka lagu iibiyo Gudaha Degmadda
  5. Maamulka Jowhar oo Mamnuucay in qaadka lagu iibiyo Gudaha Magaaladda

Latest Headlines