Warbixin:-Kulankii koowaad ee ducaadda gobolka north west ee koonfur afrika oo dhacay “16/05/2010”

Published on May 21, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Mahad oo dhan Allaah yaa leh,nabad gelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaatoSida uu qorsheeyay xafiiska dacwada gobolka Gauteng,waxaa maalimadii Axada 16-05-10 ka amba baxay magaalada Johannesburg,qaafilo dacwadeed  ku wajahan magaalada Rustenburg,(Sawiro) waxaana hogaaminayay qaafiladan madaxa dacwada Gauteng,C/caziiz Cali Axmed oo ay weheliyaan xubna sar sare oo ka tirsan gudiga dacwada gobolka Gauteng sida Sh Qorane Cabdi Maxamed, Macalin Maxed Abuukar,iyo Saciid Maxamed (Saciid Furaa).

Ujeedada qaafiladan ayaa aheyd in ay ka qeyb gasho xafalad ducaada magaalada

 Rustenburg ay ugu talo galeen dad go’aan saday in ay diinta islaamka soo galaan iyo dowro sharci ah oo loo soo qabto ducaada magaalada Rustenburg.

Haddaba si loo fuliyo labada qodob ee aan kor ku soo xusnay waxa ay qaafiladii gaartay magaala Rustenburg abaarihii 11:30 am,halkaas oo ay diyaar ku ahaayeen gudiga dacwada Rustenburg,intaa kadib waxaa bilowday qeybtii 1aad ee barnaamijka oo ka koobnaa in ashahaadada loo qabto ilaa 17 ruux oo isugu jira rag iyo dumar.

 Waxaa xidhiidhiye ka ahaa Sh. Cabdiqaadir Jeexoow oo ah MAs’iilka Dacwada ee gobolka North West (Galbeedka Waqooyi), ugu horeyn waxaa kalimad gaaban oo ku saabsan mabaadi’da guud ee islaamka halkaa ka soo jeediyay madaxa gudiga dacwada gobolka Gauteng Sh C/caziz Cali, sidoo kale waxaa iyana kalimad kooban oo  muslimiinta caalamka iyo walaaltinimada ka dhaxeysa halkaa ku soo ban dhigay fadiilatu Sh Qorane Cabdi Max’ed.

Dhamaan kalimadaha towjiiha ah ee walaalaha cusub loo soo jeediyay waxa ay ku baxayeen afka carabiga waxaana walaalaha u tarjumayay Macalin Salmaan (waa macalimka madrasada Salman Al faarisi ee Rustenburg

Kalimadahaa qiimaha badan ka dib waxaa walaalaha la weydiiyay in ay diinta islaamka ku qanacsanyihiin,waxeyna mar qura ku wada qeyliyeen “haa” waxeyna sheegeen in diinta islaamka ay doorteen iyaga oo ku qanacsan,Allaahu Akabar waxaa mahad oo idil iska leh Allaah kaligii subxaanahu wataacaalaa.

 Intaa dabadeed waxaa loo tarjumay walaalaha, Ashahaadada, kadibna waxaa si wadajir ah ugu laqinay Ashahaadada Sh C/caziiz Cali Axmed,takbiir farabadan farxad iyo reyn reyn ayaa halkaa ka dhacday,  waxaana halkaa lagu soo geba gebeeyay qeybtii hore ee barnaamijka, ka dibna waxaa loo kala dareeray salaadii duhur.

Salaadii duhur kadib waxaa loo qado tegay guri uu leeyahay mid ka mid ah ducaadda Rustenburg,dhamaan walaalihii dhawaan soo muslimay,ducaadii Gauteng iyo kuwii Rustenburg intaba jawi walaaltinimo iyo maxabo ay ku dheehan tahay ayaa lgu wada qadeeyay.Allaahu Akbar.

Saacadu markii ay soo gaartay 2:30 duhurka ka dib waxaa mar labaad la isugu soo laabtay hoolkii,waxaana bilowday barnaamijka qeybtiisa labaad,oo ahaa dowro sharci ah,waxa ayna ka koobneyd afar qeybood ama mowduuc:-

1 – In ay u cadahay qofka daaciga ah ahdaafta uu leeyahay. (sh C/caziiz Cali Axmed)

2 – Asbaabta keena qalbi adeeyga (Sh C/qaadir Jeexow)

3 – In ihtimaam la siiyo umuuraha muslimiinta (Sh Xuseen)

4 – Niyad jabka ku yimaada ducaada (الملل او الفتور) (Sh Max’ud Cusmaan)

Nadwadan ayaa lagu faa faahiyay dhamaan qodobada aan kor ku soo sheegnay,waxaana hadafku ahaa in la dareen siiyo daaciga in uu hadaf u nool yahay,isla markaana uu xadidaa hadafkiisa,iskana ilaaliyaa in uu noloshiisa ku dhameysto hadaf la’aan, sidoo kale waan in daacigu uu dajiyaa qorshe u adeegaya hadafka uu naftiisa u xadiday ,dhica kale daaciga waxaa laga doonayaa in uu ka fogaado wax yaabaha qalbiga qalajiya sida, qaflada ama halmaamka,in la yareysto salaadaha oo jamaaco lagu tukado,qur’aanka oo aan la akhrin,kasabka xaaraanta ah,kibirka iyo isla weynida,iyo dulmiga.

Iyo in daacigu muhimada uu siiyo arimaha muslimiinta oo uunan noqon qof naftiisa uun ka fakira (من لم يهتم بأمور المسلمين فليس منهم) sidoo kale in daacigu uu la dagaalamo waxyaaba niyad jabka keena,markastana uu isku dayaa in uu ahaado qof fir fircoon oo yool tiigsanaaya.

 Nadwadan iyo xafladii ka horeyseyba waxaa soo diyaariyay ducaada Rustenburg iyaga oo la kaashanaya ganacsatada soomaaliyaad ee kheyrka iyo samaha jecel,waxaana ilaahey uga rajeyneynaa in miisaankooda xasanaadka uu u saaro, sidoo kale waxaan la iloobi Karin dadweynihii soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay barnaamijkan inta uu socday,waxaan leenahay “jazaakumullaahu kheyr”.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah Culimada soomaaliyaad ee ku nool dalka Koonfur Afrika ay aas aaseen sanadkii 1997dii hay’ad islaami ah oo la yiraahdo (majlisul bayaan Al islaami) hey’adan oo ay shaqadeedu tahay fidinta diinta islaamka iyo u adeegida bulshada soomaaliyeed.

Hay’ada Al bayaan ayaa ka howl gasha dhamaan wadanka Koonfur Afrika oo idil, waxeyna xafiisyo waa weyn ku leedahay,Johannesburg oo ah xarunta Al bayaan, Western Cape, Eastern Cape,wadanka intiisa kalena waxa ay hoos tagaan sadexdaas gobol.

Howlaha Albayan ay qabato waxaa ugu muhiimsan marka laga soo tago dacwada, tacliinta,dadka soomaliyeed iyo kuwa soo muslima, kala xukumida dadka ay wax dhex maraan, soo saarida shahaadada nikaaxa, aaska dadka geeriyooda,wargelinta jaaliyada soomaaliyed waqtiyada ramadaanka ciidaha,tujinta salaadaha ciidaha,uruinta zakaatul fidriga iyo qeybinteeda. Majlisku wuxuu leeyahay bogag aad kala socon karta waxqabadkiisa iyo warbixinadaba ee soo booqo waana www.albayaan.co.za ama www.al-bayaan.net.

Xafiiska Dacwada Gauteng

Sh.Cabdicasiis Cali Axmed

majlisudacwah@gmail.com

                                                   



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kulan Sanadeedkii Labaad ee Ducaadda Gobolka Western Cape Koonfur Afrika 2009/2010
  2. Madaxa ka tirsan dowlada koonfur Afrika oo ka hadlay dilalka Soomaalida
  3. Shir Jaraa’id oo ay Wada Qabteen Majlis Al- Qadhaa MJC iyo Soomaalida Ku Dhaqan Gobolka Western Cape ee Dalka Koonfur Afrika.
  4. Sh Maxamed Idiris oo Socdaal Dacwadeed ku tegay Koonfur Afrika
  5. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kulan Sanadeedkii Labaad ee Ducaadda Gobolka Western Cape Koonfur Afrika 2009/2010
  2. Madaxa ka tirsan dowlada koonfur Afrika oo ka hadlay dilalka Soomaalida
  3. Shir Jaraa’id oo ay Wada Qabteen Majlis Al- Qadhaa MJC iyo Soomaalida Ku Dhaqan Gobolka Western Cape ee Dalka Koonfur Afrika.
  4. Sh Maxamed Idiris oo Socdaal Dacwadeed ku tegay Koonfur Afrika
  5. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo

Latest Headlines