Khasaaraha Dagaaladii Shalay oo kordhay & Muqdisho oo Maanta Dagan.

Published on May 13, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 50 meeyo kalane wey ku dhaawacmeen Duqeymo iyo Dagaalo is barbarsocday oo Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Maanta dagan Xaalada guud ee Magaalada .

Dagaalkii Shalay ayaa waxa uu u dhexeeyey Ciidamada Xisbul Islaam iyo Askarta DKM oo kaashanaya kuwa AMISOM wuxuuna Dagalku soo gabagaboobay Gabaldhicii Shalay.

Gudoomiyaha Xisbul Islaam u qaabilsan Gobolka Banaadir Macalin Xaashi oo Saxaafada Shalay galinkii Dambe geeyey Goobihii lagu Dagaalamay gaar ahaan Isgoyska Tarabuunka ee Dagmada Hodan ayaa Sheegay inay Jabiyeen Ciidamadii AMISOM iyo kuwa DKMG isla markaana kala wareegeen Dhamaan goobihii lagu dagaalamay iyo qaar kamida Fariisimihii ay horey u joogeen.

Macalin Xaashi ayaa Sheegay inay Dagaalka ku dileen ku dhawaad 20 kamida Ciidamada DKMG oo ay ku jiraan Saraakiil kana gubeen mid kamida Gaadiidka Dagaalka.

DKMG ah ayaa ka gaabsatay ka hadalka Dagaaladii shalay.

Intii ay Dagaaladu socdeen ayey Ciidamada AMISOM Duqeymo Xoogan u geysteen Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Dayniile waxaana ku waxyeeloobay tobanaan Shacab ah.

Suuqa Bakaaraha ayey Dhibaatada ugu weyn ka soo gaartay Duqeymaha AMISOM, Madaafiic Saacado badan ku socotayna waxay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Dadkii Ganacsiga iyo Dukaameysiga u joogay Suuqa.

Gaadiidka Gurmadka degdega ah ayaa Isbitaalada geeyey inta badan Dhaawacyada Rayidka ee ku waxyeeloobay Duqeymaha iyo Dagaalada.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM ee Fariisinka ku leh Gurigii hore ee Shaqaalaha ayaa Shalay galinkii dambe Rasaas Xoogan si bareera ugu furay Gaari Rakaab ah waxayna halkaa ku Xasuuqeen ugu yaraan 5 qof ku dhawaad 10 kalana Dhaawacyo daran ayaa lagu qaaday.

Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa horey dhacdooyin kuwan lamid ah ugu Xasuuqay Dad Shacab ah oo Marayey Wadada maka Almukaramah ee Magaalada Muqdisho, mana jirto cid wax iska weysdiisay tacadiyadaas.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qasaaraha ka dhashay duqeyntii shalay oo sii kordhay.
  2. 15, Dhimasho & 35 Dhaawac ah oo ka dhashay Dagaaladii & Duqeymihii Shalay
  3. Xuubsireed oo ka hadlay Xirnaanshaha Airpor-ka & Dagaaladii Shalay ka dhacay Muqdisho
  4. Khasaarihii ka dhashay Dagaaladii ugu Danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho
  5. Khasaare ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qasaaraha ka dhashay duqeyntii shalay oo sii kordhay.
  2. 15, Dhimasho & 35 Dhaawac ah oo ka dhashay Dagaaladii & Duqeymihii Shalay
  3. Xuubsireed oo ka hadlay Xirnaanshaha Airpor-ka & Dagaaladii Shalay ka dhacay Muqdisho
  4. Khasaarihii ka dhashay Dagaaladii ugu Danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho
  5. Khasaare ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho

Latest Headlines