shabakadda somalimirror waxaa u suurta gashay iany la xiriirto guddoomiyaha ururka UWSLF isaga oo jooga dhulka somaligalbeed waxayna weydiisay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan halka xaaladdoodu mareyso ka dib intii ay heshiiska xabbadjoojinta la galeen itoobiya waraysiguan wuxuu u dhacay sidan:
Somalimirror : Wadahadalka idin dhexmaray itoobiya qaybtiisii koobaad maxay ahayd? Mase lagu guuleystay?
Sheikh ibraahim: Wadahadalka qaybtiisii koobaad waxay bilaabatay 15/2/20210 wuxuuna ka bilawday yurubrub ka dibna wadanka Africaan ah ayaa ku xigay. Waxaana ka soo baxay xabad joojin 3 bilood ah.
Saddexdaas bilood gudohooda waxaan qorshaysanay inaan qabano shirwayne Jabhadda u gooni ah iyo Shirwayne la tashi Shacab ah. Ilaahay mahaddiis mid walibana sidaan ugu tala galay ayuu u dhacay oo shirwaynihii jabhaddu wuuu qabsoomay kii la tashiga dadwaynuhuna wuu qabsoomay oo waxay ka dheceen labaduba gobalka Goday intii u dhaxaysay 4-8/5/2010.
Labada shirbana waxaa ka soo baxay: In lasii wado wadahadalka nabadda ee u dhexeeya UWSLF iyo Ethiopia. Sidaa darteed waxaan dhihi karnaa si guul ah ayay ku dhamaatay qaybtii koobaad ee wada hadalka.
Somalimirror : Qaybta labaad ee wada hadalka wax ma nooga sheegi karta?
Sheikh ibraahim : Qaybta 2aad ee wadahadalku waxay bilaabanaysaa ka dib markii uu go,aamiyay Shirwaynaha Shacabku in lasii wado geeddi socodka wada hadalka, Golaha Shuurada jabhaduna asixiyay go,aankaas ayaa waxaa la magacaabay guddi wada hadal oo matalaya Shacabka S/Galbeed iyo Jabhada kaas oo mar dhaw u safri doona dibadda si uu wadahadal ula yeesho dawlada Ethiopia.
Somalimirror : Guddiga wadahadalku muxuu xambaarsanyahay oo ugu wayn Ajandhiisa uu hordhigi doono Dawlada Ethiopia?.
Sheikh ibraahim: Gudiga wada hadalku wuxuu wataa waraaq wadahadal oo aad looga soo baaraan dagay oo ay wada gorfeeyeen xubnaha ka soo qayb galay shirarka aan soo sheegnay, ururukuna uu dib u eegay, Waxayna warqaddaasi ka koobantahay: Ajande Siyaasadeed, Mid dhaqaale, Mid Amni, Xorriyadda aasaasiga ah, Maxaabiis, Horomarin, iyo ajandayaal kale oo si faahfaasan loo soo bandhigi doono.
Somalimirror : Wax tusaya niyad wanaag labada dhinac ah oo ilaa hada la sameeyay ma jiraa?.
Sheikh ibraahim : Haa way jirtaa oo waxaa kow ka ahba Xabad joojinta, In la kala joojiyay dacaayadii dagaal ee labada dhinac ahayd, Maxaabiis badan oo qaybna la sii daayay qaybna Usbuucan la sii dayn doono inshaa allaah,waxaana rajeynayaa in dadka reer soomaaligalbeed aad ugu farxi doonaan soo deyntooda, maxaabiistaasina kuma koobna xubnaha ururkayaga oo kaliya ee waxaa ku jira dhammaanba qaybaha bulshada wixii siyaasad u xidhan, Wax keeni kara niyad wanaag la,aan oo ilaa hada noo muuqdana ma jiro.
Somalimirror : Maxaa kasoo baxay Shirwaynihii la tashiga Shacabka iyo kii jabhaddaba?
Sheikh ibraahim : Waxaa ka soo baxay labada shirba in lasii wado geedi socodka wada hadalka nabadda ee dhax maraya Ethiopia iyo JMXSG, qodobbadii shirkana horay ayaa saxaafadda loo siiyay.
Somalimirror : Shacabka soomaali galbeed side ayuu u arkaa arkaa barnaamijka wadahadalka ee u dhexeeya jabhaddiina iyo Ethiopia?.
Sheikh ibraahim : Wada hadalkaba waxaan u galnay waxay ahayd codsi isdaba joog ah oo nooga imaanayay Shacabkayaga gudo iyo dibadba, gaar ahaan Ugaasyada, Culimada, Aqoonyahanka, Qurba joogta & indheer garadka oo dhan. Waxaana tusaala dhab ah u ahaa arintaas Shirwaynihii la tashiga shacabka ee ka dhacay Goday kaas oo ay kasoo qayb gashay inka badan 1500 oo qof oo ka kala yimid dibad iyo gudeba dhammaantoodna waxay xoojiyeen dadaalka ururka eek u aaddan waxa xaajoodka nabadda.
Somalimirror : Maxaad noqon doontaan haddaad heshiisaan idinka iyo Ethiopia? Ma urur siyaasiya ayaad noqon doontaan mise dad Ducaad ah?.
Sheikh ibraahim: Kolayba arintaas waxaa iska leh golaha shuurada ee Jabahada looga taliyo isagaana cadayn doona hawshaas, waxaanse kuu sii sheegi karaa inaan noqon doono dad Dalkooda, Diintooda, & Dadkoodaba u adeega dhanwalba.
Somalimirror : Maxaad ugu baaqaysaan Jabhada ONLF oo iyadu wali dagaalka sii wadda?.
Somalimirror : Waxaan u mahad celinaynaa Jabahada ONLF garabka Golaha sare sida wanaagsan ay noogu taageereen barnaamijka wada hadalka. Waxaana ka xumahay Jabhada ONLF garabka Mahamad Cumar Cismaan inaan ka waynay wax wada qabsi wakhtigii dagaalka, Maanta oo wada hadal nabadeed bilawdayna uu diiday inaan wadajir u galno. Iyaga oo noo Ictiraaftay inay 3jeer hortayo ay wada fadhiisteen Ethiopianka laakiin ay diideen inay annaga oo walaalohood ah inaan wada fadhiisanno.
Waxaan ugu baaqi lahaa Garabka Admiraal mahamad cumar inay inay nala gartaan in gacmo wada jir wax ku gooyaan col iyo nabadabana walaalkaa aadan ka maarmin annagu urur ahaan aad baan u tabaynaa una raadinaynaa iayagana waxaan rajeyneynaa inaan ka helno dareen kaas la mid ah, si aan wax ugu wada qabanno shacabkayaga duruufaha adagi haystaan.

No related posts.
No related posts.
webka somali maraan waydinkii soo qori jiray onlf waa jabhada argagixiso la dirir ah maxaad idinku maanta ducuf u noqoteen waxan la hadlayaa wiilasha yar yar oo qora beenta iyo brobagandhada xun ee liitada ducufiin xun xun oo waligopopdba xidhiidh la leh gaalada gumaysiga ah ayaad ahaydeen
Godeyoon xoray naa
Xaajigoo anfakinaa
Jihaadkoo xiriirsama
Tan iyo meeja xabashigu
Naga xoogay waa hore
Xalku taa qudhuu yahay
Xogta oo dhamays tiran
Xalay taarki ii yimid
Xansigeeda waxan helay
Xaqdiid inuu jabay
Xagal daac inuu galay
Xoogiisi wiiq moo
Xabashidu dhufaan tahay
Xoog lagu muquun shoo
Xinjirtoodu quban tahay
xarakada onlf tuna
Ka xoreeyey ehelkii
Wuxuushtii xumaysana
Haada ay u xooreen
Culumaday xirxirayeen
Xaqoo dii ladaafacay
Ciilna way xanaa qeen
Geesi yaal xaq doonihi
Waxse jira xanuun badan
Kuwa xooray salabkee
Ka xishooyey inu qiro
Xaaraan inuu yahay
Heshiis xabashi lala galo
Xigmadiina daba maray
Isu dhiibay xabashida
Gacalkana xaglah jaray
Xagal daacan nagu dhigay
Cadawgana u xero galay
Xeerbeena lagu siray
Xaqiiq duna kadheer tahay
Xogta aan kahay nana
Xaaji dheere kulay tahay
Wuu xirxiri zanaawiye
Intaan xukunka lagu ridin
Tolow yaa xogtow dira
Bal inay xusuus taan
Xabashigu inuu yahay
Cadaw xeelad badanoo
XeesMarna aan xajini hayn
Heshiis ay xariiqeen
Imisay xal beeniyo
Xod xodada kujira yaan.
Goormay xog helayaan,
Intaas waa xujaydiyo,
Xaajigiyo colkiisii,
Xog yar oon usii diri
Kolay xooray salabkiye,
Waxse laga xumaa daa
Cimaamaday xidheenoo,
U xuub siibte nooc kale,
Xabashida ku biidhkii,
Daba qoodhi xaynay,
Waardi wada xulaa yeen,
Nabadana xajinayeen,
Xalbeenana ku daga yeen,
Xaajigiyo ragiisii,
Xarumaha wayaanuu
Godey xalay maraan tagay
Xeryo ood ku joo geen,
Xayn xayn tigree iyo
Raguu xulayey qudhiisaa,
Xidhka gaadhka uga jiray,
Saliib kana xigta u biday,
Xeel dheera yaashuna
Xog waxay ku kee neen
Xukun adag inuu marin
Ragii shalay xakaariyey
Xabashina wax badan dilay
Xubna sarena uga dilay
Xarbadii wayaanada
Ninkii xabash yaqaa nana,
Xaqii lagama duudsiyo
Xeel xeela ma,ogola
Xoog waxaad kuwaydana
Kaama yeelo xabashigu
Xurmo inad ku joogtana
Xaajigan hortiis maya,
Wuuse xeelad badan yahay
Xabashigu sidiisaba
Xaajiga qudhiisuna
Xogtu kama dahsoo nayn
Waase xubin danaysigu
Ragbadani ay xal moodeen
Xarakada onlfey
Xulka diinta adigaa
Maanta lagu xamana yee
meeshii xoraysee
qoraxay miyey xigi
Godey xeer maxaw yaal
Raga diiday xabashida
Oo an xoorin salab kii
Xaajigana katala baxay
Xeryo maad u oodaan
Jihaadkuna xiriirsamo
Galabtii madoobeyd markay guushu naga meertay
Gardarradu markay noo timee garab la soo siiyey
Rag ayaa go´aansaday in aan laga gol roonaane
Iyagaa wanaaggii gurtoo goostay laba jeere
Gargaarkii Allena waa u yimi guulna wey heliye
Kol aan gabayga ugu hiiliyoo talo ku guubaabsho
Gaabsiga waxaa iiga roon geyso tamartaaye
Nimankaa gol-jilicdeenna iyo dooxay ganaceenna
Ee cadowga gaamurey ku furay gurada ciiddeena
Ee gaalo soo kaashadee eheludiin goobay
Nimankaa gumaystuhu watee gacanta siinaaya
Waxa gar iyo daw iyo xaq yahay ila gorfee maanta
ASC DHAMAANTIIN waxan layabay web side ka somalimirror kolba dhinac bay no jiidayan waxan kawada mar islamiyintay ku amanayan marna kuwa galada iskudhibay ku amanayan oo waxay ku tusayan tageeridda badan ee uu hayan waxan kawada jabhada soomali galbed haday ahayen dhaliyaradii altixaad lamagac baxday marka way qumanayen lakiin hada galay iskudhiben maka magici altixad iyaga xumaynaya war imiisa dhaliyara uu shihiiday in ethoipia laga xoreyo gobalka siide kaga akhrista hada {laheshiinnaya} hada somali badekedu diinta fahmeen oo tagero kaheelaysa hada dhaliyarada goobalka udhalatay uu bexen dibadaha oo dhaqale kaheelaysa wali somali qabilki ba ku jiira marka haday oo dhanayan wa rer heebal hadaad ta udhigtaan ( darwishland ) (lascanood) ba kaso jeeda siida iyo nabad galyo dhamantin
salaan kadib waan umahad celinayaa gudoomiyaha go,aanka uu qaatay geesinimadaleh dhamaan ururkuna kuraacay anana waan soo dhawaynaynaa waxaana u arkaa dhamaadkii colaada dhulkeena iyo horumarinta dhiinta dadka iyo dalkaba iyo dabar goyntii qowlaysatada ina cumar cismaan ee baabi isay diinta dadka diinta iyo dhamaan dhaqan keenii wanaagsanaa oodhan
asc aad baan oogu faraxsanahay wararka dhulkeena kasooheedhaya heshiisyada horumarinta iyo kunoqoshada
KIWII GAALO WAX KASUGAYO WAA KUWA NAFSAD AHAANTOODA QAYANAY IYO DADKA YAR OO WAX GARADKA AH QAYANAY SOMALIDA ITOBIYA DAGAN BADANKOOD WAABA LAGU YAQANA INEY GAAL HOOS TAGAN OO AY GUMEYSI KUNOLADAN GAALO JACAL AYAA UGEYSTAY RAGA DIIN UAMA QADIYAD UDAGALAMAYO MAAHAN NEEFKA GUDOMIYA MANOQDO WAA IN LAGA ERYA MEESHA.
MARKASTA WAXAN UDUCEYNAA MUJAHINTA GAALADA LADAGALANTA LAKIN KUWA GAALADA HOOSTAGAY WAA KUWA KHASARAY.
MUJAHINTA GAALADA LADAGALANTA ALLAHA DHOWRO AMIN AMIN….
Itopia ayay heshis lagalen, marka waxay diyar uyihin in weli gumestaha uu mesha kataliyo,cajib duf kubaxa
masha,allah waa arin lugu farxo runtii waa loobahanyahay inaad dadkaaga badbaadiso oo aad caqligaa ka shaqaysiiso,waxaan dhihi karaa jabahada somaligalbed waa jabhad khibrad badan,ka dhaxashay dagaalladii inta badan socday,waxayna ku tallaabsaden arin taarikhi ah oo aan la hilmami karin,
asc Anigu aad iyo aad ayaan u taageersanahay in ay jabhadda somaligalbeed heshiis la gasho Ethiopia.sababtoo ah waxay rabtaa shacabka inta yar ee ka hadhay in ay badbaadiso.runtii dadka wadanka u dhashay 95%way ka career wadanka waxayna ka career jabhad onlf garabka maxaed cumar ,abaaro ,booliska cusub iyo askarta gumeysiga madoob ee ethiopoi.dhulkiina wuxuu ku dhawyahay in uu nabadguuro.wsc
Anigu waan taageerey go,aanka jabhadu qaadatey ee heshiiska. Asbaabta aan u taagereyna 100% wey ka gedisantahey asbaabta dad badan u taageereen. Sababta aan u taageerey waa in wadaadadu ama siyaaso waaqiciya la yimaadaan ama dadka ka fariistaan. Labadaas midood ayuuna shaki la,aan go,aan kaani keeni doonaa.
Waxaan ceebinayaa dadka sida tacasubka inddho la,aantaa wixii wadaadada hubeysan sameeyaanba iskaga taageeraya oo u maleeya in Ilaahey loogu dhawaanayo. Tanaaqudka xanuunka leh waxaa ka mid ah in dad taageersan wadaadkaan go,aankuu qaatey ay taageeraan in dagaalka Muqdisho jihaad magaciis ku furnaado!
Dadku waxey lumiyeen jaah wareerka jira awgiis wixii qawaacid sharci iyo mandiq ah ee dadka kala hagi lahaa. Markaas arintii in leyska duufo oo marba dhinac loo xeyraamo ayey noqotey.
waxaan layaabaa nimanka kola dadka jihaadbaan wadnaa kona gaalaan isu dhiibaynaa o canjeeradii dhanaanayd ee 18 sano ka hor didnay ayaan hada qaadanaynaa leh, kuwa meesha ku soo qoraya dadbay badbaadinayaan maxay markii hore dadba ugu daadinayeen mise waxay islahaayeen bilo gudahood ayaad himiladiina ku gaadhaysaan, nin aan ujeedo fog lahayn waa waxa soomaaliya halkaa dhigay kuwana meeshaa unbay ka yimaadeen ee dadka reer ogadenia mayna ka imannin oklkii horaba, ducfinimadooda maanta 00 18 sano ka soo wareegtay markii ay diideen nidaamka maanta jira ayay maanta waxay ku leeyihiin dad baan badbaadinaynaa, ma waxay moodayeen in aan la qaxaynin, la dhimanaynin ama jeel la galaynin. waxaad moodaa inay bilaash wadan ku helayaan iyaga oo aana dhibaato u marin. umadani wadaad kolba meel laga soo eryo waydiideen inay arintooda u dhiibtaan waxa kaliya ee ay wax ka sugayaan waa naftood hurayaasha ONLF. cid kale oo umaqana ma jiro. gadhka xiiro adoo duli ah godey imo, dulisanaa ninkii malez magan galaa
a/c salan qaali ah kadib waan umahad celinayaa arinta ay ku dha qaaqday jab hada somali gal beed
1waxan leetahay ku dayda jahadaas oo utura dadka
2waxan u shegayaa jabhada onlf ee habraha canaha kacabayso malin kasta raakinka loowado ciyaalkana ka qaadanayso intay wada u istaagto
lamana dagalanto xabashe ee gawarida kaliya yay wada u istaagaan uu kaqaataan waxay wataan muryaan baa tihiinee dadkiina beel karaaca yan leetahay
mashalaah Sh. Ibraahim waxaan rumaysanahay in ninkaasu xal ka keeni karo geeska africa.
a/c qawlaysatada onlf iyo odayga u wayn waa inuu shacabka soomaali galbeed (ogaadeen) la xisaabtamaa, waydiiyaana su,aalahan:
1- onlf waxay sheegtay inuu shacabku 100%100 taageera naf iyo maalba u huray!!!! su,aashu waxay tahay shacabku waajibkiisii kasoo baxye, idinku waxaasoo maal iyo naf, ah tuulo ma ku qabsadeen 18 oo dagaala???? laba waa mid uun, inaan la rabin in wax la xoreeyaba oo shacabka been loo sheegayo, taasuna waa musiibo.
iyo in la rabo laakiin dariiqeedii laga habaabay, tanaana kasii daran!!!
2- haday onlf dhulka awood kuleedahay waa siday noo sheegeene, ma waxay waayeen hal wiil oo naftii hura ah oo shirkii goday ka dhacayay banbaano ku tuura??!! ama kooxda yar ee ibraahin dheere ee booli xagare ku shiraysay shaqa ka qabata?? laba waa mid uun, inay onlf ciidanba lahayn gudaha u jooga oon been shacabka loo sheegay, taasuna waa musiibo.
iyo inay leeyihiin oo laakiin ay ogolaadeen inay ibraahin dheere iyo kooxdiisa ogadenya iska dhex laafyoodaan, tanuna waa musiiba kasii daran,
soo duuduuboo onlf ayaan taageera u ahaa hadayna su,aalahaa si dagdag ah uga jawaabina caqlibaanu leenahaye wadaadada malase qolka madaw kula hadlay ayaanu iska raaci haday noo sheegaan wuxuu ogaadeen u ogolyahay!!!!
SCW
Mujaahidka wayn Dr Sh. Ibrahim Dheere iyo Mujaahidiinta iyo cuqaasha kale ee Somali Galbeed waxaa ka muuqda diin, bisayl iyo aragti siyaasi oo lagula tacaalo gumeysiga Amxaarada.
Waxaa uu ifiyey sida ay u leeyihiin wada tashi iyo aragti midaysan oo xeel dheer.
Sida ay u tabayaan garabka Maxamed Cumar ee ONLF
Sida Garabka golaha sare ONLF u taageeray heshiiskan qabyada ah
Sida ay markii ugu horreeysay Ciidan mujaahidiin ah ay ku ilaaliyeen iyaga wata duub caskoodii lagu yihiin ilaaliyeyna shirwaynihii.
Sida loogu soo dhoweeyey dhulka Ogadeeniya
Sida Garabka Maxamed Cumar ee ONLF u diiday inuu la kulmo mujaahidiinta Somali galbeed halka ay hoosta kala shireen Amxaarada iyo dabadhilifyadeeda
Maanta saaxada Soomaali galbed waxaa ka dhacay isku day ku tusinaya
- diin
- ka dambayn culimada
- geesinnimo
- Xikmad Siyaasadeed
- U dabcsanaan dadkooda
- ku ad adkaan gaalada
- tixgelin heshiiska ay galaan
- dulqaad
- Wada tashi
- Is maqal
- Kala dambayn
- Muujin iyo barid dadka hoggaanka jabhada jihaadiga Soomaali galbeed
- Adeegsiga iclaamka media si wanaagsan
- lahaan nimaad idaari oo adag
- dareen dacwad islaami hirgelin
- Xoreyn dhulka Somali galbeed
- iyo ku kalsoonaan Allah swtacaala
Aniga oo wada dhahiraynin fal kasta oo ay jabhadda jihaadiga ee Soomaali galbeed haddana waxaan shaki ku jirin in tallaabadan leedahay
- asaas sharci ah oo aanan la naqdin karin
- Tiirar Culimo badan oo salafiyiin ah oo ka soo baxay jamaacaadka salafiga ee Sacuudiga iyo bariga dhexe
- Hoggaan yaqaan kulan saday cilmi sharci iyo faham waaqaca iyo sida nusuusta loogu ifiyo
- Shacbi taageersan
Garabka ONLF maxamed Cumar waa inay ka bartaan fanka dagaalka iyo nabadda mujaahidiinta.
Hinaasaha ay wadaan haanna ma jabin karto, xorriyadda ma keento, horumarna ka keeni karto.
Mujaahidiinta kale ee Soomaaliyeed waa in il sharci ku eegaan tallaaban oo wixii lagala bixi karo laga faaiidaysto.
Ugu dambayn,
Haddii xabashida ka baxdo ballanka sidii hore si ka daran ayaa looga qiijinayaa dhashiik iyo qoryaha kale.
Allow u gargaar mujaahidiinta oo dhan.
Khayr alaha siiyo sheekha iyo inta la shaqaynaysaba, waa rag bisil oo la jaan qaaadi kara waqtiga lagu jiro isla markaana qiimayn dhab ah ku samayn karo siyaasada maanta lagu jiro iyo jawiga ku xeeran.
Dadka heshiiskan mucaaradsan waa sadex qaybood:
1. Qof ay daacad ka tahay mucaaradadiisu, balse dhibka haysta uu yahay inuusan lahayn bisayl siyaasadeed oo uu kula qabsan karo go’aankan UWSLF gaareen.
2. ONLF oo iyadu waligeed qandaraas kusoo qaadan jirtay waxaan lag dagaalamaynaa wadaado, USLF markay heshiis qaateena mashruucii ayaa soo gabagaboobay. Inay qandaraas ku qaateena waxaa kuugu daliila dagaaladii ba’naa ee ay gudaha kula galeen. Oo hadii itoobiya tabar loo la’aa maxaa keenay in wadaadadii dagaalka ku hayay sida Shabaab iyo UWSLF ay xabada ugala hor timdi UBO?
3. Dad soomaalida kale ee aan gobalka dagin ah oo iyagu ama aan ka war hayn dhibaatada iyo takhalufka shacabkaa ku habsatay ee dhan walba leh ama dan u arkay in shacabkaasi Itoobiya waligii la dagaalo iyaguna heshiisyo ganacsi, siyaasad, iyo amni maalin walba la sixiixddaan maalin walbana qofkii shacabkaas ah ee magaalooyinkooda yimaada soo dhiibaan oo gataan. Isku soo duuboo kuwa maslaxadooda ka dhex arkay mucaanaadka shacabka Soomaaligableed/Ogaden.
Ninkii Awgii Yidhi
Sidii Naag Dhali wayday
oo Dhawaan eebbe Wax Siiyay
oo Dhabta Wiil yar ku Haysa
Ingiriis Dhaladkiiyow
Waanu kuu Dhago Beelaye
Xageen Kaa Dhunkadaa
oo ina Galayax & Ina gaaruf & ina Gujis Miidhan , Soomaali Diin Ka Dhagaysan maysee !!
Dadka Laynta Ka Daaya,
waxaa lagu Maahmaahdaa ( Abeeso waxaan Abeeso ahayn Ma Dhasho)
Ina Sheekh , Ina Sheekh , Ina macalin Baan Dooranay oo Dun Diimeed oo La Dabogalo leh.
?????? ???? ??????? ?????? ????? ?????? ????? : ????? ??????? ????? ?????? ????? ???????? ????????? : « ???? ???????????? ???????????? ???? ????????? ? ?????? ???????? ? ??????? : ???? ? ????? : ?????????? ???? ??????? ???????? ????????? ??????? ? ??????????? ???? ?? ??????? ???????? ???? ???????? ??????? » .
????? ???????
Waxaan Filayaa Shabaab Khayrkooda lama Rajaynayo, Sharkoodana laga Nabad gali Maayo, Sidaa darteed Umadda inay u Shar Badan yahiin Nabigaa Noo Sheegay.
S/Galbeed , Sheekh Ibraahim Khayr kiisa waan Rajaynaynaa Sharkiisana waan Ka Nabad galaynaa
Sidaa Darteed waa Umadda Dadka u Khayr Badan.
a/c ,aadbaan uga xumahay waxna kama qaba karo oo waxaa layiri nin meeli u cadahay meeli kamadow shiiqu wuxuu isu heystaa ninka shaqeeyay danta soomaali galbeed laakiin wuu lunsanyahay waxaana sugayaa goor aan dheereyn in xabsiga lugu guro isaga iyo inta lasotaba,taariikhda xabashida kuma heyno heshiis ay soomaali lagaleen oo sidii lugu balamay uhir galay,la arki doonee meesha udanbeysa,
Asckm.waa la yaab niman kaan aan alle raaligelin ee shacab raali geliyey kaba siidaran xabashi isu dhiibay
asc www waxaan umahad celin nayaa bahada soomaali mirror kadibna waxaan umahad celin nayaa sheekh ibraahim maxamed xuseen mooqif kageesinimada le ay qaateen ee umadooda xalkeeda ah waxaan ugu baaqayaa dhamaan umad reesoomaaligalbeed in ay garab istaagaan mooqif kan geesinimada le wxaan ugu baaqayaa dadka siyaasadoodu hoosayso ee ceebayn naya mooqif kan kor uqaada caqligiin gaaban asc
asc waxaan aad taageer sanahay mooqifkla uwslf waxaan ugu baaqayaa dhamaan umada ree soomaaligalbeed in ay garab istaagaan in shaalahaa
asc walalha haisku dalina webkaan waxa leh
jamaacada ictisaam qaybta noqotay murjiada
sida aya noo cadeeyeen culimada hadana umudu aa argtaa jamacada ictisaam meesha ay ku biyashubatay marka alle ha soo hanuuniyo isgaa awood leh anagana dariiqa xaqa alllah nagu sugu
amin
Asalamu calykum! somalimirror. Where is my comment?
waxaan umahad celinayaa dhaanaan madaxada jabhada uwslf iuo xubnaha caadiga ah eekudhaqaaqay mooqifna geesinimada leh ee umadooda iyo dalkoodaba udan ta ah waxaana leehay waa moofif umadiin ay taa riikhda ku q1oridoonto in shaa alaah waxaana usheegayaa kuwa ay kasooha dhay cayda iyo af lagaadada in taad iskaga ti maadaan huteelada maray kan ka iyo yurub kaalaya oo aan kafi kir nee xaalada umadeen iyo diin teena iyo dalkeenaba waxaad na oyaagaan in aysan ingieiis iyo maray kan lahayn dalkan asc www
Garad
Culimada kuu sheegtay waa kuwee in ictisaam yihiin murji’a?
Sh. Jamac Cabdisalaam xafidahullaahu?
Sida Sh. xasan Daahir xafidahullaahu sheegay ayaa u dhow runta taasi oo ah in culimada wax yar si kale ugu muuqday laakiin aan la dhihi karin waa murji’a oo kala dambaynsiita iimaanka iyo camalka.
Garaadow culimada kuu warrantay runti ashfaqu bika wa bihim fii tadhliilihim wa talbiisihim.
Waxaa intaa ka sii daran kuwa ku xardhay magaca ictisaam calanka Mareykanka sida ka muuuqata websitka mashbuuha ee la dhaho Somalimemo.net.
Websidkan waxaa ka muuqda:
- Cilmi darro
- Buunbuunin Cabdiwaaxid, nin mashbuuh ah oo ku caan baxay takfiriin, beenta iyo aqoon darro diini ah
- takfiirnimo,
- marin habaabin,
-iyo u dhar dhigasho been cad.
Ninka qora waa nin aan la aqoon oo degan dhulka gaalada. Nin gaalada deggan waa nin mashbuuh ah oo laga yaabo in lagu shaqeysto in culimada tazkiyeeyaan mooye.
Ilaah hadda wax tazkiyey ma jirto sida Somalimirror oo la yaqaan dadka iska leh iyo culayska ay ku leeyihiin dacwada Soomaaliya.
Ilaah hadda isma muujin, wuxuuna la meeraystaa beenta dadka qaarkooda oo sida beel ugu warrama.
Ilaahow soo hanuuni innagana hana fidnayn oo wasadhiya manahjka islaamka hanaga leexin
ahadal lalagalo miyaysan akhrisan tarikhda islamka gar ahan sulxul xudaybiyah
lahakbar alahu akbabar jahligu waxa u kenau gabi dhac ad u badan dadka layaban in galo wada in xita nabiga xita intu magacisa intu ku qoray warqadi heshiska in la yidhi tir tir hadan ku naqan rasul man ka hornimdne waxay ila tahay dadka ku warersan gala wada hadl lala galay ha akhriye sirada rasulka iyo heshisyada u la galay iyo qabka ay ahayen marka isaga aya fahmaya xaqiqada islamka
dadka aragtida siyasaded ku didan wada hadalkan waxan udhan laha ma waxa badil aha inad o ka fican in wadahadl lagalo in la isku garaco laba wil o walala aha o hal hoyo ay ka gubato 3 dhinac o ay waydo mel ay micinsato manta layidhahdo walkagi aya ladilay o waxa dilay daba qodhi somali aha barina la yidhado ki kala la dilay o waxa dilay onlf isago aha somali galbed bari danbana la yidhaho ki kala ladilay e onlf ta aha waxana dilay somali galbed maxa u bayt caqiba aha hoyada intasi ay ku dhacday maysan ka hobonayn in xal lo helo walalahan is cunaya waxay kumahmahan somaliduya inkiraya ta iyada ahamiyaysan ahayn waqica rasmiga aha e jira waxan u dhan laha caqligu ha shaqeyo o wa lamjara hababiyay umade dib halogu noqdo waxay umada dagan gobalkai ay ku badbaday e asalka u aha kaso aha ilashima dinteda wanagsan iyo dhaqanka somalinimada aha e aslaka u aha tana waxan u arka in lagu badbadin karo inta halgan iyo xornima don ka horaysa wacyi galin iyo dib u heshisin walalaha is nacay e xabalaha badiyay e xolaha yareyay daka tarikhaha wax ka qora waxa ay xaqijiyen inti u dhaxaysay 2003 ila iyo 2010 inaysan gadhayn axmarada goblka ku dhimatay 30 askari halka somalida is dishay ama ha ahato jabhadaha dhexdoda ama kilka iyo jabhadaha ha ahadene ay gadhayan 1800 ila 2000 inta u dhaxaysa marka la isku tiriyo markan mizano arintas mawaxa khasara qaba gumaysiga mise inaga ya tala u bahan ma inaga mise gumaysiga ani waxay ila tahay waxa tala u bahan shacabka gobolka dagan jabhadihisa iyo shacabkisaba
waxan ku talin laha shacabku haku tagero culimadas gartay inay badbadiyan shacabka onlf sido kale haku tagertu hana ku biriso caqligeda iyo xogeda iyo khibradeda intaba sasay danta umadu ku jirta
wan tas o kaliya talagu badbadin kara manta umada
wabilahi tawfiiq
alahu akbar waxan raba in an waydiyo dadka kaahadal in lalagalo wada hadal galada ama laba yaban miyaysan akhrisan tarikhda islamka gar ahan sulxul xudaybiyah
lahakbar alahu akbabar jahligu waxa u kenau gabi dhac ad u badan dadka layaban in galo wada in xita nabiga xita intu magacisa intu ku qoray warqadi heshiska in la yidhi tir tir hadan ku naqan rasul man ka hornimdne waxay ila tahay dadka ku warersan gala wada hadl lala galay ha akhriye sirada rasulka iyo heshisyada u la galay iyo qabka ay ahayen marka isaga aya fahmaya xaqiqada islamka
dadka aragtida siyasaded ku didan wada hadalkan waxan udhan laha ma waxa badil aha inad o ka fican in wadahadl lagalo in la isku garaco laba wil o walala aha o hal hoyo ay ka gubato 3 dhinac o ay waydo mel ay micinsato manta layidhahdo walkagi aya ladilay o waxa dilay daba qodhi somali aha barina la yidhado ki kala la dilay o waxa dilay onlf isago aha somali galbed bari danbana la yidhaho ki kala ladilay e onlf ta aha waxana dilay somali galbed maxa u bayt caqiba aha hoyada intasi ay ku dhacday maysan ka hobonayn in xal lo helo walalahan is cunaya waxay kumahmahan somaliduya inkiraya ta iyada ahamiyaysan ahayn waqica rasmiga aha e jira waxan u dhan laha caqligu ha shaqeyo o wa lamjara hababiyay umade dib halogu noqdo waxay umada dagan gobalkai ay ku badbaday e asalka u aha kaso aha ilashima dinteda wanagsan iyo dhaqanka somalinimada aha e aslaka u aha tana waxan u arka in lagu badbadin karo inta halgan iyo xornima don ka horaysa wacyi galin iyo dib u heshisin walalaha is nacay e xabalaha badiyay e xolaha yareyay daka tarikhaha wax ka qora waxa ay xaqijiyen inti u dhaxaysay 2003 ila iyo 2010 inaysan gadhayn axmarada goblka ku dhimatay 30 askari halka somalida is dishay ama ha ahato jabhadaha dhexdoda ama kilka iyo jabhadaha ha ahadene ay gadhayan 1800 ila 2000 inta u dhaxaysa marka la isku tiriyo markan mizano arintas mawaxa khasara qaba gumaysiga mise inaga ya tala u bahan ma inaga mise gumaysiga ani waxay ila tahay waxa tala u bahan shacabka gobolka dagan jabhadihisa iyo shacabkisaba
waxan ku talin laha shacabku haku tagero culimadas gartay inay badbadiyan shacabka onlf sido kale haku tagertu hana ku biriso caqligeda iyo xogeda iyo khibradeda intaba sasay danta umadu ku jirta
wan tas o kaliya talagu badbadin kara manta umada
wabilahi tawfiiq