Gudidii Dhawaan u istaagay Kaalmeyta Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii ka dhacay Masjidka Cabdala Shadeeye ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta kaalmo lacageed gaarsiiyey Agoonta qaar kamida Dadkii ku dhintay qaraxyadaas.
19 kamaida Ragii ku geeriyooday Masjidka agoontii ay ka tageen ayaa lagaarsiiyey Deeq lacageed oo ay gudiga isku xilqaamay Taakuleynta Dadkaas ka heleen qaar kamida Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka iyo dibada.
Halkii ogoon ayaa la siiyey lacag dhan $50 waxaana qoys walba loogu dhufanayey inta agoon ee u joogta iyo Hooyada.
Sheekh C/Fitaax Abu Xamza oo madax ka ah gudigaas ayaa Goobta lacagaha taakuleynta lagu siinayey Agoonta ka hadlay wuxuuna kula dardaarmay Araamisha iyo agoonta goobta timid inay ku sabraan musiibadii ku dhacday.
Abu Xamza ayaa umahad caliyey Shacabka Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyey Lacagaha ay ugu deeqeen Agoonta.
Gudiga ayaa sheegay inay soo gaartay lacag dhan $25,000 isla markaana ay u kala qeybiyeen Dhaawacyadii ka shashay qaraxyadii Masjidka iyo Qoysaska Dadkii ku geeriyooday Dhacdadaas.

Related posts: