Xarunta Alummah ee Lusaka Zambia oo Shahaadooyin Gudoonsiisay Arday ku guulaystay tartan Qur,aan‏

Taariikhdu markay ahayd 8Agust 2010 waxaa lagu qabtay xarunta Alummah oo ah xarun diinta iyo maadooyinka kale laga barto oo ay jaaliyada Soomaaliyeed ku leedahay magaalada Lusaka ee Zambia, Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna iska kaashadeen qabashadeeda Ducaada, Ganacsatada, iyo Haweenka jaaliyada Soomaaliyeed ee Lusaka, xafladaas oo lagu maamuusayay Arday ku guulaysatay tartan Qur,aan laguna gudoonsiiyay shahaadooyin, oo loo qabtay ilaa 9dugsi oo ay jaaliyada Soomaaliyeed ku leedahay Magaalada Lusaka ee caasimada Zambia, tartankaas oo ah kii 5aad oo loo qabto dugsiyada jaaliyada Soomaaliyeed ee Lusaka.

Waxaa xaflada ka soo qayb galay Dadwayne aad u fara badan oo ka kooban Dhamaan qaybaha bulshada Jaaliyada Soomaaliyeed ee Lusaka. oo ay ugu horeeyaan Odayaasha, Waalidiinta, Culimada, Ganacsatada, Haweenka iyo dhamaan ardayda iyo macalimiinta dugsiyadaas, iyo marti sharaf kale oo badan.

Waxaana tartanka ka qayb galay 9 Dugsi ama fasal, tirada ardayda tartankaas ka qayb gashay waxay ahayd 79 arday oo u kala tartamaya 9qaybood oo kala ah 22juz, 20juz 15juz, 12juz, 10juz, 7juz, 5juz, 3juz, iyo Hal Juz .

Xaflada waxaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka ah oo ay dadku si khushuuc leh u dhagaysanayeen waxaana akhriyay arday Maxamed Badal Maxamed, ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay makrafoonka Sh Abdirashid Sh Maxamed oo wacdi ku saabsan tarbiyada caruurta Halkaas ka soo jeediyay.

Wacdiga ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay hadlka Sh C/qaadir Cabdule Cali oo ah gudoomiyaha gudiga dacwada Lusaka, Shekhu wuxuu Si qoto dheer uga hadlay guulaha ay ka gaareen arimaha dacwada iyo dugsiyda Qur,aanka iyo Caqabadaha hor taagan wuxuuna aad ula dardaarmay waalidiinta iyo dadkii meesha isugu yimid inay ku dadaalaan waxbarida ubadkooda, waxaa xusid mudan in mar kasta oo ay dhamaato qayb barnaamijka ka mid ah ay ardaydu bandhig samaynaysay kaas oo ka kooban waxyaabaha madaarista lagu baro iyo su,aalo dad waynaha iyo ardaydaba la dhex dhigayay.

Waxaa kaloo halkaas hadal kooban oo mahadnaq iyo dardaaran xambaarsan ka soo jeediyay Xaaji Cabbaas Maxamuud oo ku hadlayay Magaca Waalidiinta, intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Maxamed Cabdul Maxamud Gurey ( Awkax) oo ku hadlayay magaca asaasayaasha Dacwada magalaada Lusaka wuxuuna si kooban uga sheekeeyay taariikhda Dacwada iyo dhibkii loo soo maray, hadalkana wuxuu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha xarunta Al-Ummah Xaaji Saciid Faarax.

Waxaa xusid mudan in xarunta Al-ummah dhexdeeda laga dhisayo Masaajid wayn oo ay jaaliyadu lacag badan ugu yaboohday dhismahaas oo hada bilaw ah ayaa waxaa warbixin kooban ka bixiyay gudoomiyaha gudiga dhismaha masaajidka Xaaji C/laahi xuseen.

Dhamaadkii xaflada waxaa aad loo sugayay in la maqlo natiijooyinka ardayda waxaana soo gudbiyay Abdisalan Gas oo asagu ka mid ahaa gudigii imtixaanka qaaday gudigaas oo ka koobnaa 3Xubnood oo kala ah Sh Saalix Idriis , Sh Zakaria A/laahi Ali (Aar) iyo Abdisalan Farah Gas. waxayna u dhacday sidatan
Ugu horayntii Abdi salan wuxuu ka sheekeeyay tartamadii hore iyo farqiga u dhaxeeya kan iyo imtixaanadii ka horeeyay wuxuuna halkaas ka cadeeyay in ay farxad u tahay inay arkaan ardaydii oo is badal wayn samaysay maxaa yeelay buu yiri ardayda sanadkaan dhicitaankoodu aad buu u yaraa waana arin mudan in loogu hambalyeeyo Ardayda, waalidiinta iyo macalimiinta juhdiga badan ku bixiyay.

Wuxuu sheegay in ardaydu ay tartanka uga qayb galeen 9 qaybood oo kala ah Juzazka ay imtixaanka ku galayeen , waxaana halkaas abaal gud lagu gudoonsiinayay 3da arday ee ugu saraysa qayb kasta marka laga reebo halka juz oo laga xusay 5ta arday ee ugu saraysay, waxaa kaloo tartankaan ku cusbaa oo ay ardaydu iyo waalidiintuba si wayn ugu farxeen Shahaadooyin la siinayay ardaydii ku baastay imtixaankii.

Intaas ka dib ardaydii markii Abaal gudka la gudoonsiiyay ayaa waxaa la keenay sharaabkii iyo macmacaan ay soo diyaariyeen haweenkii xaflada wax ka soo abaabulay oo ayagu door fiican ka qaatay habsami u socdoka xaflada, waxaa halkaas hadalka ku soo xiray Sh Zakaria A/laahi Cali Bare (Aar) oo xafalada si qurux badan u daadihinayay.

Dhamaadkii xaflada reer Lusaka oo maanta u muuqady sidii dad maalin ciid ah jooga ayaa aad isugu hambalyaynayay horumarka ay sameeyeen caruurtoodu waxayna ku balameen inay laba jibaaraan dadaalkooda.

Waxaa xusid mudan in ay xaruntu Fadliga ilaahay ka dib ay ku socoto Tabarucaat ay si joogta ah u bixiyaan ganacsato Somaaliyeed oo reer Zambia ah runtiina mahad balaaran iyo duco ayaa halkaas looga soo jeediyay in ALLAAH u barakeeyo ubadkooda iyo maalkooda.

Abdisalan Farah Gas
gaas78@hotmail.com
Lusaka – Zambia





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

2 Comment(s)

  1. maashalaah Ilaahay haka abaalmariyo intii soo agaasimtay iyo intii ka qayb gashay aaaaaamiin
    Zambia laguma aqoon xaflad quraan marka waxaad ka garanaysaa in islaamku uu saaxada kusoo noqon doono inshalah.

    abdifatah | May 12, 2010 | Reply

  2. alxamudullilaahi mahad oo dhani alle ayay usugnaatay, intaa kadib waxaan u mahad celinayaa aas aasayaashii xarunta AL-UMMAH iyo ganacsatada reer zambia gaar ahaan reer lusaka ,waana arrin kudayasho mudan somalidu meel kasto oo ay joogto,waxaa sharaf weyn inoo ah meel kasta oo ay somali joogto inay ka aas aasaan madaaris diiniya…

    faisal | Jun 14, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo