Kulan Sanadeedkii Labaad ee Ducaadda Gobolka Western Cape Koonfur Afrika 2009/2010

Published on May 10, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

09/05/2010 Waxaa lagu qabtay magaalada Cape Town Kulan sannadeedkii labaad 2009/2010 ee ducaadda iyo waxgaradka ku nool Gobolka Western Cape ee Waddanka K/Afrika, Kulankan waxaa soo qaban-qaabiyay Xafiiska dacwada ee Majlisa Albayaan Al-Islaami faraciisa(Wetern Cape), waxaana lagu qabtay Madarasada As-sunnah oo ku taalla xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Bellville, waxaana ka soo qayb galay dad badan.

Waxaa halkaa warbixin dheer oo ku saabsan horumarkii iyo waxqabadkii guddiga dacwada ee gobolka Western Cape 2009/2010 ka soo jeediyay Sh.Maxamuud Maxamed Adar oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka Majlis Al-Bayaan Al-islaami, isla markaana ah Mas,uulka Dacwada ee Gobolka Western Cape, ayadoo ay bulshadii ka soo qayb gashay kulankaas si aad iyo aad ah ugu riyaaqeen wax-qabadka ay guddigu muujiyeen muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay.

Waxaa Muxaadaro diini ah oo magaceedu yahay “Waajibaadka Saaran Ganacsadaha Muslimka ah” khadka teleefonka kaga soo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo jooga Nairobi dalka Kenya iyo Sheekh Dr.Cali Maxamed Saalax oo ka hadlay “Aafooyinka Adduun Jacaylka” isagoo joogay magaalada Oslo ee dalka Norwey, sidoo kale waxaa muxaadaro ka jeediyay Imaamka Masjidka As-sunnah Sheekh Cabdullahi Cabdi Ibrahim oo ka hadlay “Amaanada”, axkaamteeda, waajibaadkeda, sidoo kale waxaa Muxaadaro ka soo jeediyay Sh.cabdicasiis Hilowle oo ah Mas’uulka Dacwada gobolka Eastern Cape, oo isaguna ka hadlay “Xumaanta Sinada”.

Kulankan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa ujeedadiisu waxay ahayd baraarujinta ducaadda iyo waxgaradka, kor u qaadidda isku xidhnaanta bulshada iyo is xusuusinta u shaqaynta Diinta Ilaaheey.

Sidoo kale waxaa warbixin guud oo waddanka oo dhan ah ka soo jeediyay Sh.Axmed Maxamuud “Axmed Dheere” oo ah Xoghayaha Guud ee Majlis Al-Bayaan ee Wadanka Koonfur Afrika, isagoo bulshadii goobta isugu timid dareensiiyay mas’uuliyadda qof walba ka saaran dacwada guud ahaan, ugana sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay dacwadu soo martay, gaar ahaan wax-qabadka Majliska iyo hawlaha uu bulshada u qabto, isagoo uga mahad celiyay bulshada guud ahaan sida ay mar walba ula garab taagan yihiin hiil iyo hooba faafinta diinta Islaamka .

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Sh.Maxamed Marooko oo ka warramay dhibaatooyinka qurbaha,waxaa kaloo jirtay marti sharaf kale oo halkaa hadalo baraarujin ah kasoo jeediyay iyo inay Guddiga dacwada ugu hambalyaynayaan shaqada wacan ee ay qabteen.

Xafiiska Dacwada Western Cape
Majlis Al-Bayaan Al-Islaami
almuctadil@hotmail.com
10/05/2010

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shir Jaraa’id oo ay Wada Qabteen Majlis Al- Qadhaa MJC iyo Soomaalida Ku Dhaqan Gobolka Western Cape ee Dalka Koonfur Afrika.
  2. sheekh maxamad idriis oo socdaal dacwadeed ku soo maray Western Cape
  3. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo
  4. Sh Maxamed Idiris oo Socdaal Dacwadeed ku tegay Koonfur Afrika
  5. Baafiin: Gadhab ku luntey Koonfur Afrika.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shir Jaraa’id oo ay Wada Qabteen Majlis Al- Qadhaa MJC iyo Soomaalida Ku Dhaqan Gobolka Western Cape ee Dalka Koonfur Afrika.
  2. sheekh maxamad idriis oo socdaal dacwadeed ku soo maray Western Cape
  3. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo
  4. Sh Maxamed Idiris oo Socdaal Dacwadeed ku tegay Koonfur Afrika
  5. Baafiin: Gadhab ku luntey Koonfur Afrika.

Latest Headlines