Midowga Yurub oo Cambaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday 2-dii Masjid ee ku kala yaalay Muqdisho iyo Kismaanyo

Published on May 4, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay Qaraxyadii labada ahaa ee ka dhacay isbuucan Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaanyo ayna wax ku noqdeen dad tiradodu ku dhowdahay 85 qof oo isku jira dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka dhashay Qaraxyadii lala beegsaday Labada Masjid.

Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu yidhi “waa fal laga noxo waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhawaac soo gaadhay dad intooda badan ay ahaayeen dad shacab ah waxayna dadkaasi intooda badan ku jireen xaalad Cibaado”.

Waxa uu Midowga Yurub carababaay in ay aad uga xun yihiin khasaaraha soo gaadhaya dadka shacabka ah waxaana lagu yidhi mar kale Bayaanka “inta badan caruurta iyo haweenku waa kuwa ku saaamoobaya dagaalka ka socda Somaaliya gaar ahaan falalka argagixiso”.

Sidoo kale waxa uu Midowga Yurub xusay in uu taagerayo dadaalada ay Wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee la xidhiidha xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.

Bayaanka cambaareynta ah ee ka soo baxay Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xili siyaabo kala duwan looga hadlay qaraxyadii lala beegsaday Labada masjid ee ay dadka tirada badani ku waxyeloobeen.

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Puntland oo cambaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday Masaajidii ku yaalay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaanyo
  2. Midowga Yurub oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  3. Midowga Afrika oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  4. Q.M oo Canbaareysay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM.
  5. M. Afrika oo si kulul u Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM

Readers Comments (6)

  1. Guriceel_boy says:

    Somalaay arintaan waa arin indhaha Islmaaka ama dadka muslimiinta ah lagu sii jeedinaa ma lagu qancinaa waayo waxaan ayagaa ka danbeeya aduunka dhamaantiisna waa laga canbaareeyey inta reer yurub ayaan ula jeedaa lakinw aa wax ay maleegayana ayaga shirkada Black Water ayaa ka danbeeyse

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ….. SUBXAANALLAAH ! gaalo been badanaa ……

    2003dii / markii ciraaq ay weerareen gaaladaan
    midowday bal gadaal u xasuusta ! markii si toosa loo wada arkay ayagoo dad masji ku jira xasuuqaya .
    afganastaan imisa masji bay qarxiyeen ?
    shiishaan iskaba daa si xad dhaafa baa ruushku
    ugu xadgudbaa masaajidda !!
    waadi sawaatin ee bakaistaan aaway ? !!
    boosna iyo hersik aaway ?
    falastiin maanta baa yuhuudu masid ku gubeen !
    marka ay balaayo madow soo diraan oo mid balaayo qaba oo soomaali sheegta ay u adeegsadaan inuu masaajidda dadka muslimiintu ku tukanayso soo qarxiyo bay haddana kuugu
    sheekayn inay canbaaraynayaan ! ! !
    may canbaareeyaan niqaabkaan iyo xijaabka dadka muslimiint ah lagu ganaaxayo !!!
    may canbaareeyaan faransiiska u diidan qofka muslimka ah inuu 4 xaas yeelan karo .
    may canbaareeyaan duulaankaan 9ka sano ka badan ay ku hayaan afganastaan iyo qabaa’isha bakistaan ee waadi sawaatin ?
    may canbaareeyaan kufsiga ay ciidamadoodu u gaystaan muslimiinta ?
    ……. ugu danbayn may canbaareeyaan yuhuudda xaaraanta ku haysata dhulka muslimiintu leeyihiin ?

    malaha waxay ismoodeen inaan la ogayn waxay falayso yuhuudu , haddaba gaalooy ogaada saad wax u qarxisaan baa la’idiin qarxine waxba ha cabaadinina.

    WALLAAHU ACLAM.

  3. Cali Guure says:

    Orobba ayaa u tacsiyeynayaa shabaab iyo muslimiintii kale dhibka soo gaarey?. War warkan dib haloogu noqdo.

    Haddaan dhahno ka warrama:

    - U tacsiyeyntan waxay ku tusinaysaa sida oroba raalli uga tahay tahay shabaab iyo manhajkeeda

    - illayn gaalo kaa noqon maayaan sida Alla yiri
    haddii wax kale jirin shabaab waa noo dhuunteen

    - sidaa awgeed shabaab iyo oroba waa wada shaqeeyaan.

    - Beentoodii maanta Alla kashifay oo waa dad dacwadan jihaadiga ku dhex dhuumanayey.

    - Marka waa munaafiqiin u baahan in la iska qabto.

    - Munaafiqiintan oo kale waa ku gaaloobeen walaaga iyo raalli ahaanshaha reer galbeedka siiyeeyn

    - Sidaa darteed dhiiggooda waa bannaan yahay

    - Waa in qoorta laga wada guraa oo loo dhiiba amniyaadka.

    -waan ogayn in lagu jiro oo jihaadkan duni doon ku ahaayeen.

    -Mujaahidiinta kale Alla u gargaaro.

    - Ka naxoo nafta waa

    - Takbiiiiiiiiiiir. Labbayka Usaamaa. Allaaahu akbar.

    akhrista qodobada kor ku qoran:

    - waa fiqigiga mucawajka ah ee shabaab maanta la dhex joogaan saaxadan jihaadiga ah.

    - Waa midda ay ku banneysteen dhiigga mujaahidiitna iyo shacabkan miskiinka ah.

    - Waa midda ay ku kala dhantaaleen midnamdii mujaahidiinta.

    - Waa midda dhalin wayday dawlad Islaami ah oo Somaaliyeed.

    - Waa fitno aanan loo haynin abuu bakar

    - Waa mid u baahan qamcin la qamciyo Godane oo ku dhex dhuumanaayo shabaabka isaga oo ka cararaya fagaarayaasha in lala doodo oo si cilmi loola doodo

    - Waa mid mudan in gacan la isaga celiyo shabaab hoggaankooda iyo xubnoohada haddii dalilka saxda geli waayo.

    - Waa madadaalo iyo ku daba geddin aan shabaab ku daba geddinaayo fiqigooda jahliga miiran ah.

    Ka warrama maanta haddii aad sidaa oran lahayn oo aan ku celcelin oon ku banneysan lahayn dhiiggooda oo ku dili lahayn?.

    Koox islaami kale haddii loogu tacsiyeyni lahaa haddalada kor ku qoran, weliba reer galbeed ka mid lahayd waxaa shabaab soo saari lahayd riwaayadda gaaleysiinta ayey la soo shir tagi lahaayeen.

    Rabiyoow nagu toosi xaqa iyo in jihaadka uusan ahayn sida ay shabaab u marin habaabinayso maalin walba.

  4. ugargaar diintaada xita qoraal says:

    Bismilah. waxan salamaya dhaman musliminta inta aan ka,ahayn ninkan layiri cali gure !!! war heedhe makala taqaan keeba gaal ah keba muslim ah. jwbt waa maya! maxa yelay hada ayad ku lahayd tacliiqada kusaabsana ingiriiska iyo xabsiyeynta yuhuuda wa riwaayad. hada maxax dhaanta cambaaraynta yurub hadalki ingiriiska mida kale cambaaraynta mayan kala qaadin gaalada lakin adiga waxad tiri cambaaraynta yurub e. ku aadan musliminta kale & alshabaab waxay ku tusinaysa wad shaqaynta kadhaxayso gaalada iyo ayaka. marka dadka qaar waxay kugu tilmaan takfiir.mar waxad dhihi alow ugargaar mujaahidinta marna kuwo kalaad gaalaysiin marka magaranayo waxan kugu tilmaamo o, aan ka,ahayn khunthi o. macnaheedu yahahay labeeb!! sida uu ugu tilmamay sh.ul islaam ibnu taymiyah ashaaciro marki wax laga waydiyay WALLAAHU ACLAM.

  5. Cali Guure says:

    Ugargaar

    Waxaad tahay majhuul jaahil ah oo weliba ku been abuurtay Ibnu taymiyah.

    Faham waxan qoray intaadan tacliiq qorin.

    Midda xigta baro sida far Soomaaliga loo qoro.

  6. ugargaar diintaada xita qoraal says:

    Ku: cali gure!!! ninyahow kuma caayin hadad ufahantay adiga cay waa gaar o. aniga waxan ku iri khunthi ama labeeb o,aan oolajeedo mabda,aada guracan daraadi marka oolamajedo labeebnimo adiga qudhaada wana ku adkaysanayaa tacliiqayga ok. mida somali qorida xageeda waxan ka oran lahaa hadi aad adigu gafin anigu wan gafa o, waxaan ahay banii aadam . hadadse adigu somali taqaan maxaad kusoo kordhisa o,aan ka,ahayn hoojinta islaamka & kafarxinta cadawga tankale aday majhuulnimada kugu cadahay sababtoo ah waxad tiri waxay cambaaraynta oroba ku tusinaysa wada shaqaynta kadhaxaysa oroba alshabab & muslimiinta kale o, waad isku cadaftay marka hadad qolo kaliged necebtahay neceybku ma camimayo islaamka odhan waxayna kula galeysaa mas,alatul walaa wal baraa marka tacliiqaadi dib ugu noqo oo fahan waxad qortay waxna baro ALLENA utowbad keen fursad ayaad haysataaye caydana iska daa ALLAA YAHDIIK. WABILAAHI TOWFIIQ.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Puntland oo cambaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday Masaajidii ku yaalay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaanyo
  2. Midowga Yurub oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  3. Midowga Afrika oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  4. Q.M oo Canbaareysay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM.
  5. M. Afrika oo si kulul u Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM

Latest Headlines