DKMG ah oo shaacisay in uu soo gaba gaboobay wajigii 2-aad ee kala dhaxeeyay Kooxda Ahlu Suna Wal Jamaaca
By Somalimirror on 4 May, 2010 6:37 PM in Main, Wararka
DKMG ah ayaa shaacisay in uu soo gaba gaboobay wajigii labaad ee heshiiskii ay wada galeen iyada iyo Kooxada Suufiyada ah ee la baxday Magaca Ahlu Suna wa Jamaaca wuxuuna heshiiskan wax badali doonaan qaab dhismeedka Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke .
Ila wareedyo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Wargeysa Al Nahaar AL jadiid u sheegay in waji labaad ee heshiiska ay mid tahay wax siinta Xubno ka mid ah Ahlu Sun Wal Jaamaaca Jagooyin ka mid ah kuwa DKMG ah isla markaana lagu mid dhigi Saraakiisha hogaamisa dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Xag jirka ah ee Al shabaab iyo Xisbul Islaami.
Sidoo kale waxa uu Wargeykaasi xusay in Ila Wareedyo ku dhow Xafiiska Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ay shegeen in Xukuumada Cumar C/rashiid ay qarka u saaran tahay in isku shaandheyn lagu sameyo si looga qeyb galiyo Kooxda Suufiyada ah ee la baxday Magaca Ahlu Suna Wal Jamaaca ,wuxuuna Wargeysku intaa ku daray in arintan ay ka mid ahayd qodobadii heshiiskii labada dhinac ku dhex maray Dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Addis Ababa.
Wajiga labaad ee heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in DKMG ah ay tababaro iyo qalabeyn ku sameyso maleeshiyaadka Ahlu Suna Wal Jamaaca ka hor inta aysan ka mid noqon ciidamada DKMG ah sidoo kalena ay Ahlu suna Wal Jamaaca looga fadhiyo in ay Gobolada dhexe ee dalka ay si buuxda gacanta ugu dhigto iyada oo ka wakiil ah DKMG ah.
Daabaco

Fikrad ka dhiibo