budhcad badeeda oo qafaalatay Markab laga lahaa Dalka Yemen

Published on May 4, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Badda Dalka Yemen Gaar ahaan kuwa Xeebta Cadan ayaan sheegay in xogta ay haleen ay sheegayso in Markabka lagu magacaabo Al Ascaa uu gacanta u galay Budhcad badeeda ka jirta Xeebaha Dalka Soomaaliya .

Waxa ay Ciidamada Ilaaladu sheegen in Markabka la wayay maalmihi la soo dhaafay balse hadda la ogaaday in uu gacanta u galay koox ka mid ah Budhcad badeeda ka jirta Xeebaha Soomaaliya.

Ila Wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Yemen ayaa sheegay in Budhcad badeeda Soomaalida ahi ay qabsadeen Markabkaas kaas oo ka soo shiaraacday Dekedda Magaalada Mukala’ isla markaana ku sii jeeday Dekadda Magaalada Cadan.

Waxa ay Ila Wareedyadaasi intaa ku dareen in shaqaalihii saaraa Markabkaas oo tiradoodu ahayd 9 ay dhamaantood u gacan galeen budhcad badeeda waxayna dadkaasi dhalasho ahaan ahaayeen kuwo u dhashay dalka Yemen .

Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raad joogaan sidii ay u ogaan lahaayeen halka lagu heyso Markabkaas iyo xaaladda ay ku sugan yihiin shaqaalihii saaraba . 

Wali si rasmi ah looma ogaan halka ay Budhcad badeedu ku haysato Markaba waxayse Wasaarada Arimaha Guduhu sheegtay in Markaba meesha lagu haystaa aysan sidaa uga fogeyn meelaha ay la tagaan Budhcad badedu Maraakiibta ay soo qafaashaan.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Budhcad badeeda oo qafaalatay Markab ay Saarnaayeen 2 Qof oo Ingiriis ah
  2. Markab laga lahaa Dalka Poland oo la sii daayay
  3. Yemen oo sheegtay in wali uusan Ruushku u soo gacan galin Budhcad badeeda uu hayo
  4. Ciidamada Badda Germany oo bad baadiyay Markab laga lahaa dalka Masar
  5. Burcad badeed Soomaali ah oo weerartay Markab laga lahaa Yuhuuda

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Budhcad badeeda oo qafaalatay Markab ay Saarnaayeen 2 Qof oo Ingiriis ah
  2. Markab laga lahaa Dalka Poland oo la sii daayay
  3. Yemen oo sheegtay in wali uusan Ruushku u soo gacan galin Budhcad badeeda uu hayo
  4. Ciidamada Badda Germany oo bad baadiyay Markab laga lahaa dalka Masar
  5. Burcad badeed Soomaali ah oo weerartay Markab laga lahaa Yuhuuda

Latest Headlines