Ummad wada kornayl ah

Published on April 30, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

C/qaadir cabdi  Diriye

awjaamac2000@gmail,com

 

Mar haddii aabahood iyagoon garaadsan xabbadi ka dishay, Xasan iyo Faadumo oo mataano siddeed jir ah iyo hooyadood Cibaado waxaa ku adkaaday noloshii, oo dhaxalkii odayga wixii ka haray muddo ka hor ayey dhammaadeen, qaraabadii dibedda jirteyna saddex sano markii hadba mid konton dollar u soo tuurayey ayaa qof walbaa ‘hawlo ku soo kordhay’ dartood teleefoonkii u bedeshay.

 

Cibaado waxay dantu ku khasabtay inay bal meel uun ilmaha masruufkoodii ka soo saarto. Mar haddaan raasamaal weyni jirin waxa keliya oo ay ka ganacsan kartey waxay noqotay qudaarta oo ay is lahayd “bakhaarka qudaarta jumlada waxaa leh, Xuseen Dheere, oo odaygaagii intii dawladdu jirtey ay meel ka wada shaqayn jireen, waxaana laga yaabaa inuu culayska ku saran kula dareemo oo uu xoogaa kaa raqiisiyo qiimaha.”

 

Dhawr galbood ayey gacan qabsi fiican gurigii kula soo noqotay oo ilmihii si fiican u casheeyeen. Marmarka qaarkood duhurkii ayey guriga xoogaa ku soo oroddaa si ay ilmaha bal wuxuun qado ah u siiso oo alaabta suuqa waxay kaga timaaddaa Cambaro oo dhinaceeda fariisata. Cambaro iyo Cibaado ma haystaan miisas ay qudaarta ku iibiyaan, ee waxay gogoshaan jawaano ay basasha iyo yaanyada (tamaandhada) ku gooba-goobeeyaan.

 

Magaalada amaankeedu ma sugna oo hadda in sannad iyo dhawr bilood ah waxay gacanta ugu jirtey Kornayl Hurgufe iyo ciidamadiisa. Dareen ayaa habeen walba lagu seexdaa markii idaacadaha laga maqlo wararka dhiillada leh ee sheegaya in Kornayl Hafiye iyo ciidamo daacad u ahi ay soo fool leeyihiin. Cibaado iyo Cambaro ma yaqaanaan Internetka iyo meelaha soomaalidu waraka ku soo qoraan sida wax loogala soo baxo laakiin wiilal dukaan ka soo horjeeda xawaalad ku haysta ayaa maalin walba u akhriya wixii maanta mareegaha internetka ee Soomaalidu soo qoreen:

 

“Ciidan siideed boqol ah oo uu horkacayo Kornayl Hafiye ayaa u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Dayac-badan”

“Lix gaari oo hub ah oo loo malaynayo in uu leeyahay Kornayl Hafiye ayaa ka soo tallaabay xuduudka Itoobiya”

“Kornayl Hurgufe oo wacad ku maray inuu ka difaaci doono magaalada cadawga soo jireenka ee ah ee Itoobiya iyo xulufadooda”

 

Cibaado in kastoo aad wax looga iibsado oo ganacigu si fiican ugu socdo, haddana welwelku wa ku weyn yahay oo inay qaxdo oo ganacsigeedu ka lumo ma jecla. Aad ayey uga sheekeysaa amaanka magaalada iyo khasaaraha ka iman kara haddii dagaal dhaco. Cambaro iyadu waa iska af gaaban tahay oo xiise badan uma hayso idaacadaha iyo wararka laga sheego, waxay xoogga saartaa sidii ay u iibin lahayd dhamaan qudaarta ay subixii soo gadato waayo maalmaha intooda badan lagama wada iibsado qudaarta.

Mar mar ayey tiraahdaa “Cibaadooy, Hurgufahaan hadda leh amxaaraan waddanka ka daafacayaa soow ma aha kii labo sano ka hor isaguba hubka ka soo qaatay?” “Muxuu isaga dhigayaa waddani?”

Cibaado ma jecla in sidaas loola hadlo “Walaaleey afkii Hafiye ha igula hadlin, danta guud in la eegaa fiican. Hadduu Hurgufe hub soo qaatay, qofna dhib uma geysan oo waa adiga hadda sida xorta ah uga ganacsanaya suuqa”

 

Waxay arrintu sidaa ahaataba galab ayaa lagu argagaxay dhawaaq rasaas culus oo ka yeeraya meel aan magaalada ka fogayn. Sawaxan iyo dhaqdhaqaaq ayaa magaaladii ka bilawday. Markii xabbada shanqarteedu soo dhawaataba waxaa sii yaraanayey dadkii dariiqyada marayey. Waagu markuu baryey ayaa dadkii si tartiib-tartiib ah u fureen irridaha si loo eego waxa ka dhashay colaaddii. Waxaa lagu waabariistay ciidamadii Kornayl Hafiye oo meelihii muhiimka ahaa gacanta ku dhigay, hub badan oo magaalada maraya iyo xabbado goos-goos ah oo hadba meel fog iyo meel dhaw ka yeeraya.

 

Maalintaas suuqii qudaarta dad badani ma iman, laakiin maalintii ku xigtey ayaa xoogaa ammaankii xasilay oo suuqii caadi ku soo noqday. Cibaado subaxaas ma soo degdegin sidii caadiga ahayd oo waqti barqadii ku dhaw ayey si taxadar leh suuqii u timi.

Waxaa ka yaabiyey inay weydey jawaankii ay goglan jirtey, suuqa waxaa ka muuqday dad aan horay wax ugu iibin jirin oo hadda meelihii ugu muhiimsanaa fariistay.  Xoogaa markii ay doondoontay jawaankii ayey aragtay Cambaro oo jawaankeedii iyo dhawr kale is dhinac dhigatay oo laba wiil u gadayaan qudaarta iyaduna meel aan fogayn kursi ku fadhida.

“Cambaro walaal mahadsanid, si fiican baad yeeshay haddaad jawaanadii noo sii gogoshay”

“Yaa, …, oo ma joogtay? Waxaan moodayey inaad xalay dadkii baxay ku jirtaye? Bal anaa meel kuu raadin doona.”

“Meeshaanu waa meeshaydii jawaankuna waa jawaankaygii ee maxaa soo kordhay. Maxaad meel iigu raadinaysaa?”

“Maya walaal alaabtii ayaa igu badatay, macaamiishaydii meel aan kala geeyo ayaan la’ahay, adigana ilaa saaka wax i kaa weydiiya ma arag…, xoogaa i sug Cibaado”

Cibaado hadalkii ayaa ku dhegey.

Iyadoo caraysan oo afkii engegay ayey iska dhaqaaday waxay tagtay gurigii, koob biyo ah ayey meel la fariisatay. Weli waxaa madaxeeda ka sii yeerayey hadaladii Cambaro. Waxay bilawday inay si hoose isula hadasho.

“Waa yaab!, maxaa is bedelay, maxay saaxiibadday u damacday inay shaqadaydii iga qaadato?”

“Sow ma oga inaan agoon haysto?”

“yaa magaalada isku haystey? Ma aniga iyo Cambaro, mise Hafiye iyo Hurgufe?

“Ma kursi baa la isku haystay mise jawaanno?”

 

Cibaado waxay isku dayday inay jawaab u hesho meesha belaayadu ka soo bilaabatay.

“Belaayada, fitnada iyo colaadda ma knornayladaa kor ka soo shida oo hoos masakiinta sida aniga iyo Cambaro oo kale ah noogu soo afuufa? Mise annaga masaakiinta ah ayaa hoos ka hurina oo markaasay kornayladu dusha ka sii afuufaan?”

“Miyey garan weydey Cambaro in dadka suuqleyda ah aanay waxba siku haysan ee ay is haystaan labaatan nin oo habeenkiina telefoon iskula xiriira subixiina ku sheekeeya inay ummadda belaayo ka hor taagan yihiin?”

Markii Cibaado caradii ka degtey ayey dib u xasuustay in markii Hurgufe magaalada ka talinayey ay iyaduba xoogaa ka jawaano weyneyd Cambaro kana macaamiil badnayd. Way is yara canaanatay, oo waxay is tiri belaayada iyo colaada aan dhammaanayn illeyn kornaylada keligood ma wadaan ee ummaddoo dhan ayaa wada kornayl ah.

Waxay is tiri haddii dadku ka hari lahayeen labaatanka nine e is haysta, dagaalada kursiga iyo kuwa jawaankuba waa joogsan lahayeen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Farxaan“Waa la yimid Muqdisho, Aduunka Daafihiisaa laga yimid Dad wada Dub Cad Dad wada Dub Madoow oo aan la garanayn”
  2. Nuur Cadde & Sh Shariif oo si wada jir ah ciidamo shisheeye u dalbadey.
  3. Dagaal dhex marey Ciidamo ka wada tirsan kuwa DKMG ah
  4. C/laahi Yuusuf & Aadan Madoobe oo wada kulmey.
  5. Ciidanka DKMG ah oo Dhac Ka Wada Deg. C/casiis

Readers Comments (2)

  1. Dr. Maya says:

    Mayee waa wada Genaral, wada madaxweyne, wada shiikh, wada siyaasi, wada indheergarad, wada daacad iwm. mayee qalbiga waa ka wada Hurgufe iyo Hafiye ee inta badan tabartoodaa meesha dhigtay. Hadday awood helaana Hurgufe iyo Hafiyaa ka cawdu billaysan lahaa.

  2. Azzaam says:

    kkkkkkkkkkk wallahi saan u qoslaayay ayay ilini iga timid .. warun umadoo dhani waa wada kornaylo oo waxaad arkaysaa xitaa ciyaalkii oo isku qabsanaya garoonkaan annagaa is ka leh oo ku andacoonaya nin hebel oo cida ah ayaa meeshaan ka dhow oo aan isku halaynaynaa ilaahy dadka ha u sahlo dhibatada haysta




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Farxaan“Waa la yimid Muqdisho, Aduunka Daafihiisaa laga yimid Dad wada Dub Cad Dad wada Dub Madoow oo aan la garanayn”
  2. Nuur Cadde & Sh Shariif oo si wada jir ah ciidamo shisheeye u dalbadey.
  3. Dagaal dhex marey Ciidamo ka wada tirsan kuwa DKMG ah
  4. C/laahi Yuusuf & Aadan Madoobe oo wada kulmey.
  5. Ciidanka DKMG ah oo Dhac Ka Wada Deg. C/casiis

Latest Headlines