War ka soobaxay Madaxda sarsare ee DKMG ah ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaruhu isla garteen inaysan dan ugu jirin Dowlada sii socoshada khilaafka hareeyey Baarlamaanka.
Daahir Maxamuud Geele oo ah Wasiirka Warfaafinta DKMG ah oo Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxda Sarsare ee DKMG u aqriyey Saxaafada ayaa sheegay in leysla gartay Dhameynta Khilaafaadka, bilaabiada Fadhiyada Baarlamaanka iyo Xoojinta wada shaqeynta Xukuumada iyo Baarlamaanka.
Daahir Geele oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisulwasaarada waxay garwaaqsanyihiin in sii socoshada Khilaafka soo dhexgalay Baarlamaanka aysan Xamili karin hey’adaha Curdunka ah ee Dastuuriga ah ee DKMG ah iyo Shacabka Soomaaliyeedba, Madaxda Sare ee Qaranku waxay isla garteen
1. In khilaafka lagu xaliyo si waafaqsan sharciga iyo Maslaxada qaranka.
2. Waxay isla garteen in Baarlamaanku Bilaabo fadhiyadiisii caadiga ahaa si uu u guto waajibaadka horyaala.
3. Waxay balanqaadeysaa Xukuumadu inay gacan ku siiso Baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa howlahiisa.
4. Waxay adkeynayaan inay lagamamaarmaantahay xoojinta wadashaqeynta Xukuumada iyo Baarlamaanka.
Daahir Gaale ayaa u mahadceliyey wasiirka Awqaafta Dalka Jabuuti Xaamud Cabdu Suldaan oo uu sheegay inuu gacan ka geystay dhameynta Khilaafka soo kala dhexgalay Xubnaha Baarlamaanka DKMG.
Dhawaan ayuu Sh Shariif Shaaciyey in ladhameeyey Khilaafka Baarlamaanka hase yeeshee waxaa ka daba hadlay maalin kadib Xubno kamida Baarlamaanka oo sheegay inuusan jirin wax khilaafa oo la dhameeyey.

Related posts:
waxba may dhammayne Gen. Gabre ayaa ku amray inay jaqjaqda joojiyaan, iyaguna amarkii la siiyey bay qaateen!.