Al-Shabaab oo Tababar u soo xiray Cutubyo kamida Ciidamadooda.

Published on April 30, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta 209 Askari oo kamida Ciidamadooda Tababar ugu soo xiray Magaalada Muqdisho, waxaana Xaflad loogu sameeyey Askartaas Masjidka Nasrudiin ee Xaafada Baar Ubax.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo kamid ah Mas’uuliyiinta Al-Shabaab ee ka hadashay Xaflada Xiritaanka Tababarkaas ayaa sheegay in Ciidamadaas ay mudo 4 Bilood iyo Dheeraad ah soo qaateen Dowrooyin isugu jira Caskari iyo Diini.

Waxa uu sheegay Sh Cali Dheer in Ciidamadaasi tababarka ku soo qaateen Mucaskar loogu Magacdaray C/lla Cazaam oo ku yaal gudaha Soomaaliya wuxuuna intaa ku daray inay ka qeybqaadan doonaan Dagaalada ay kula jiraan Dhinacyada Dirirtu kala dhexeyso.

Qaar kamida Askartii Tababarka loo xiray ayaa goobta ka hadlay waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin waxbarashadoodu, dhowr kamida Askartaasna Abaalmarino ayaa la gudoonsiiyey.

Maahan markii ugu horeysay oo ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin Tababar u soo xirto Cutubyo kamida Ciidamadooda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (10)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines