Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan DKMG.

Published on April 29, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Ugu yaraan 4 qof oo 3 kamida yihiin Askarta DKMG ayaa ku dhimatay in kabadan 5 kale oo Rayidana wey ku dhaawacmeen Dagaal Barqanimadii Maanta Ciidamo kawada tirsan Dowlada ku dhexmaray Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo leysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayna ka qeybqaadanayeen gaadiidka Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Dhowr xaafadood oo ay kamid ahaayeen Macmacaanka, Dabakaayomadow iyo Suuq Boocle.

Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gaadiidka waxaana hakad galay dhamaan Dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaan sida ganacsiga intii ay dirirtu socotay.

Goordambe ayuu iskii isaga joogsaday Dagaalku wuxuuna Khalkhal ku abuuray Dadka Rayidka ah.

Dagaalkan ayaa Daba socday Dagaal shalay halkaa ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan DKMG oo la sheegay inay isku qabteen Gacan kuheynta Bar jidgooyo u taal.

Dhanka kale waxaa Duhurnimadii Maanta dib u furmay Wadada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo Shalay ilaa saaka Xirneed waxayna gaadiidku bilaabeen inay si taxadarleh ku  maraan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan DKMG oo goordhaw Muqdisho ka bilowday.
  2. Iskahor’imaad Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada DKMG.
  3. Israsaaseyn Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo Dhexmartay Ciidamo kawada tirsan DKMG ah.
  4. Askar kawada tirsan DKMG oo Muqdisho ku dagaalamay.
  5. Ciidamo Kawada tirsan Dawladda oo Israsaasayni Dhexmartay

Readers Comments (3)

  1. nasteexo says:

    alle isku kiin dir

  2. charmingwitch says:

    allow walaalaha islaamka dhiigooda kala bad baadi

  3. charmingwitch says:

    walaal nasteexo sidaa ha oran waxa meel walba isku dilaya waa walaalo muslimiin ah oo uu sheydaan ka dhex shaqeenayo ee ilaah hakala bad baadsho dhiigooda




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan DKMG oo goordhaw Muqdisho ka bilowday.
  2. Iskahor’imaad Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada DKMG.
  3. Israsaaseyn Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo Dhexmartay Ciidamo kawada tirsan DKMG ah.
  4. Askar kawada tirsan DKMG oo Muqdisho ku dagaalamay.
  5. Ciidamo Kawada tirsan Dawladda oo Israsaasayni Dhexmartay

Latest Headlines