Dagaal ayaa saaka ka dhacay Xero ku taal Duleedka Waqooyi Galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan wuxuuna Dagaalku u dhaxeeyey Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Weerarka qaaday iyo Ciidamo taabacsan DKMG oo tababar uga socday halkaas.
Sheekh Yuusuf Cali oo ah Waaliga Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay Saaka Weerar ku qaadeen Goob Saraakiil Itoobiyaan ah ay Tababar ku siinayeen Maliishiyaad kala taabacsan DKMG iyo kooxda Sheegata Ahlusuna taas oo qiyaastii 25 KM Magaalada Baladweyne ka xigta dhanka Waqooyi Galbeed.
Waxa uu tilmaamay Sh Yuusuf inay Xeradaas lawareegeen qasaarana u geysteen Ciidamadii joogay isla markaana Hub iyo Saanad Dagaalka ku qabsadeen.
Sheekh Yuusuf oo arimahaas ka hadlaya ayaa yiri:“waxay saaka Wilaayada Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan weerar ku qaaday Meel u jirto Magaalada Baladweyne 55 KM dhanka Waqooyi Galbeed Meeshaas oo aheyd Saldhig Ciidan oo ay laheyd Amxaaradu ayna ku tababaraayeen Maliishiyaadka ay u taliyaan ee labada qeybood u kala baxsan qeybta isku Magacaawday Suna Waljamaaca iyo qeybta Ridada, weerarkaas isaga ah Ilaahey S.W Mujaahidiinta wuxuu tamkiiniyey inay maashaa iyada ah lawareegaan saldhigii iyo Hubkiina ay lawareegaan… weyna kala firdhadeen firdhadkoodiina waa lagu sii daba jiraa”.
Dhanka kale Sarkaal u hadlay Ciidamada DKMG ah ee Saaka laweeraray ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab isla markaana wax qasaare ah dhankooda aysan dagaalka ka soo gaarin marka laga reebo qof ka dhaawacmay.
Majiro war madaxbanaan oo tilmaamaya Qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka marka laga tago sheegashada labada dhinac ee dirirtu u dhexeysay.

Related posts:
ALAAHU AKBAR
ILAAHOOW GARAB SII MUJAAHIDIINTA MEEL WAALBA OOY JOOGAAN GAAR AHAAN KUWA SOOMAALIYEED
ILAAAHOOW UMADA KAQABO GAALADA IYO KUWA U QIDMEEYA- MOORYAAN HA AHAADO AMA SHIIQUL ADUUNYO AMA ADAY QABYAALADIISTE AMA MURTAD
ALOOW GUUL SII MUJAAHIDIINTA
alaaahu akabar nasru laah wa fatxu qariib
waxa calamka ka jira wa wax iska muqdo cadow ay yuhuda u subsatay in ay islamka horay u socon cadowgasna waxa u ka koban yahay labo wa maraykanka iyo alqacida.cida waxgaranysa way fahmi karta hormarla’anta somaliya kajirta in ay labadaba gacan weyn ku leyihin e cidi waxgarad ah dintana fahamsan ha iska qabteyn labada cadow.