Bayaan ku socda Bulshada oo ka soo baxey Xafiiska Jaaliyadaha ee MJXSG

Published on April 29, 2010 by   ·   13 Comments   ·   print

Akhristayaasha Somalimirror waxaanu halkan ugu soo gudbineynaa nuqul ka mida Bayaan mahad Celina oo naga soo gaadhey Xafiiska Jaaliyadaha ee MJXSG, kaas oo ku socda Bulshada qeybaheeda kale duwan.

بسم الله الرحمن الرحيم

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Ujeeddo:U mahad-naq iyo wargalin
Sumad: 25042010-XXJ

ALLAAH baa mahad dhamaanteed iska leh NNKH Nabigeennii Muxamed ahaa intaas kadib.
Jabhadda Midowga Xoreynta Soomaali Galbeed waxay u mahad celinaysaa dhamaan ururada jaaliyaadka,kuwa siyaasada,kuwa beelaha,kuwa aqoonyahaniinta,shabakadaha warbaahinta iyo cidkasta oo ururka ku taageertay heshiiska xabad joojinta.

Ururku wuxuu qirayaa dowrkiina mihiimka ah ee aad markasta ka ciyaartaan masiirka umada Soomaali galbeed taageeradiina la’aanteed mida Rabbi kadib kaligano waxba manan qaban kareen,waxaan aad ugu faraxsanahay sida umada Soomaali galbeed ay kor ugu kacayso midnimadeedu taas oo ka mida mabaadiida uu Ururku rabo inuu xaqiijiyo.

Sida lawada ogsoonyahay Ururku wuxuu aad ugu mashquulsan yahay qaban qaabada Shir weynaha kasoo ay kusii qul qulayaan goobta shirka,madaxda Ururka,wax garadka deegaanka,jaaliyaadka,aqoon-yahano iyo siyaasiyiin rug-cadaa ah oo magac iyo mug kuleh gayiga Soomaali galbeed iyo guud ahaan Geeska afirka.

Ajandaha shirka ayaa ah in Umadu fursadan uga faa’iideysato sidii horaba caadada ugu ahayd Ururka inuu talo ka qaato Dadkiisa taasina waxay marag ka tahay inuu Ururku ka weyneyn danaha dadkiisa kana madax banaan yahay dano shisheeye.

Shirweynahan uu Ururku qabanayo maahan midkii ugu horeyey ee noociisa oo kale ah waxaa xusid mudan in midkan oo kale uu ka dhacay magaalada Garbo 1994 kaas oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee siyaasada oo ay ku jirtay Dowladii Deegaanka ee markaasi jirtay iyo odayaasha Deegaanka.

Sidoo kale waxaa shirkanoo kale uu ka dhacay magaalada Qabridahare 1995kii kasoo markii danbe usii gudbay meela kale inkastoo shirkani uu udhexeeyey Dawlada iyo Ururka hadana wuxuu ururku go’aanka ugu danbeeya u celinayey qaybaha kala duwan ee bulshadiisa.

Ujeedada uu ururku kaleeyahay shirarkan ayaa ah mid ku qotonta mabaadiida Ururka oo ah inuusan Qadiyada ka lahayn Umadiisa uuna isagu ka yahay uun khaadim u adeega.

Ugu danbayntii waxaan ku wargelinaynaa dhamaan qaybaha kala duwan ee reer Soomaali galbeed sida culimada, siyaasiyiinta,cuqaasha,aqoonyahannada,hay’adaha aan dowliga ahayn,abwaanada,suxufiyiinta,ganacsatada,rag iyo dumarba. Dhamaan ururada bulshada ee ku nool dibada ee ay duruuftu usaamixi weyday inay tagto shirweynaha ama haysa talo wax ku ool ah inay usoo gudbin karto Ururka iyadoo adeegsanaysa ciwaanadan:

C/Rashid C. Cismaan
Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyaadka ee MJXSG
mjxsg@hotmail.com; harar@live.co.uk



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warmurtiyeed ka soo baxey Xafiiska Warfaafinta ARS ee Garabka Asmara
  2. Bayaan ku aadan Xaalada Soomaaliya oo ka soo baxey Ururka Islaamka.
  3. MJXSG oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dagaalo ay galeen & Xasuuqa Gumeysigu wado
  4. Shirkii Culimada ee M/disho oo la soo xirey & Bayaan ka soo baxey
  5. Bayaan ka soo baxey Shirkii 9aad ee Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika

Readers Comments (13)

  1. ibrahim says:

    salan kadib waxan filayaa in uu maridoono kuwii hore mayshay mareen axdi malaha amxaarado luku aaminaayee waa sharqool umadda luku jahwareerinayo isga jira yaan nala sirin by

  2. miyir mohamud miyir says:

    asalamu calaykum salan kadib walalayad ad ayad umahadsanti fikirka aha latashiga umada waxanse talahan ila quman dadka lagala tashanhayo qadiyada gobolka inay noqdan dad wax mizami kara aqon u leh waxa laga hadlayo una madax banan rayigoda gacma kale o cadadis sarayana aysan jirin marnabana an laga tanazulin mabda xornima donka aha ama qab siyasi aha halo maro ama qorie lana saxa mamulka ururka mustaqbalki hadi qab siyasi aha wax lagu radin iyo hadi qori wax lagu radinba isaga o labadi gobayo dadka wax kuso kordhin kara camalka sida caskariga iyo aqonta diniga aha iyo mida madiga aha iyo waya aragnimo intaba waxa kale o an so jedin haya ina la shaqa galiyo makatibta ururka xogana la saro gara aha maktabka siyasada iyo maktabka mukhabaradka iyo iclanka iyo arimaha bulshada iyo dacwada hadi nabad lahelo iyo hadi la is fahmi wayaba intaba xata haday nabad ka sobaxdo yan lo arkin mid waraysa amaba sida ku dhamane halo tababushaysto waxi la radinhayay e ay u shahiden kuman kunka shahid e aynu wada garan hayno waxana qaba wa laga faidaysta khibradaha qofka wax kugu kordhin kare an qadano istaratijiyada xamas o kale hana la isku wado siyasada iyo qoriga midnana aya cadhilindadki qabka wax u wadi lahana wa in la abura o lashaqa galiya wana in idaradu ay takhdhidhisa tababara fikri aha iyo kuwa caskari aha intaba waxi kadanbeya shirkana aysa noqon xarakadu sidi ay ku socotay 18 sano e la so dhafa taso ahay qab xered amaba qabka xalqadka taclimiga aha iyo wadada qeroday o kaliya e ay noqota nidam istaratijiyad leh u u ayi karo halganka jihadiga aha e gobolku waxyabihi horana wax lagu qato o loga faidaysto asbabaha kenay hormar la anta

    x/x/jaliyada somali galbed e sothan africa

    wasalamu calaykum waraxmatulahi wabarakatuhu

  3. Abu fatima says:

    Shirarkii hore mirihii laga waayey miyaa maanta laga helayaa waxaan u arkaa gafka ku sii indha adaygiisa nin isdhiibay warkiisa waa lagaran karaa mida kale inta jeer oo shirwayne ay xabad joojin kadambaysay lala galay malasanaawi maxaa kasoo baxay oo macaasha

  4. Raage Ugaas says:

    ONLF halganka hubaysan ha sii wado.
    Faa’iidada kaliya ee uu keenay heshiiska UWSLF iyo Ethiopia waxa weeye iyada oo Somaliland & Puntland aad uga naxeen heshiiska, sababtoo shaqadii ay Ethiopia u qaban jireen qeyb ka mid ah ayaa meeshii ka baxaysa.

  5. Sayid cali says:

    Bismillah Raxmani Raxiim.
    Allahuma salli wasalim calaa cabdika warasuulika, Allahuma ajcalnaa minaladiina yastamicuunal qawla fayatabicuuna axsanah.
    Wallahi Allah waa ogyahay qalbiga iyo maskaxda uurka iyo afkaba waxan kala socday oo taageersanaa jabhaddan hadda xabashida u gashay, Maan moodayn in jabhada gebigeeduba adduunyo doon yihiin laakiin magacooda ayaaba sidaa ahaa “Jabhadda Xoraynta Somali Galbeed”.
    somalida ayaa odhan jirtay “Waxaad Jeceshoo Jar kaa xigo illayn Indho sooma jiitaan”, waxa la yaableh waxa A.ababa loo tegey iyada oo aan wadanka taako la xorayn, hadaad awalba addun raadis ahayd maxaad umadda u baabiisay.
    Sheekadau aad bay u dheertahay waxayse iila muuqataa, umadda reer somali galbeed xumaan iskuma raaci jirin waxayna ahaayeen dad adkaysi badan dhaqan leh oo ku adag arrimaha jinsiyadooda iyo diintooda haddase waxa ay maraysa ilbax dhaafnaye allow noo sahal.
    Tusaale mar guddoomiye ku xigeenka ONLF hadlayey dhawaan waxa uu caddeeyey inaanay diin shaqo kulahayn ee ay yihiin urur dimuqraadi ah isla markaana hayadihii dheeli tiri lahaa dimoqraadiyada oo dhan la dhisay, waxa keliya oo hadhay ay tahay xagii haweenka oo iyadana hadda gacanta lagu hayo ururadii haweenka sidii loo dhisi lahaa. Jabhaddii islaamiga ahayd waatan Ethiopia oo Orthodox mabadiidii uga tagtay, ogow Ethiopia ninkii yaqaan baa yaqaan, qabrigiina ayaa qodanaysaan wallahi wabillahi watallahi, maalinta aad fara madhnaataan oo aad civilnoqotaan ayaa la idiin yaabaa.
    Dhinaca kale Axmed madoobe isna waxa uu dabaqoodhi u noqday gaalada kenya iyo wixii la hal maala waxaanu rabaa dagaal lagu riiqmo oo daba dheer inuu ka furo degaanka jubooyinka waxaas oo dhan waxa ka danbeeya gaalada iyo gaala raacyada magacyada muslimka wata, Dadka reer ogadeniya ee qurbaha jooga waxaad dareemaysaa inay aad uga soo horjeedaan ururada Alshabab iyo xisbul islaam, Guntii iyo gabagabadii markii dabadhilifka S.land iyo Puntland haystaa ay caqabad ku noqdeen halgankii khayrka badnaa ee somali galbeed isla markaana cadawga la safteen, waxa ay reer Ogadeniya malaha la qumanaatay inay noqdaan Dabadhilifka ugu weyn geeska Africa oo ay xabashida iyo kenya hoosta ka galaan, taas oo ah taariikh cusub oo mugdi aad u weyn reebi karta. Xasbunallahu wanicmal wakiil. Saansaanta socotaa waa sidaas, waana middaas midda Ibrahim dheere iyo xertiisu isu dhiibeen, Waa middaas midda axmed madoobe la hiinraagayo, waana middaas midda ONLF la ducanayso, Allah ayaana xaqiiqada og.
    Bal aan eegno uuraysataye Waxay umuli doonto.
    Wabillahi tawfiq.

  6. Abu-cabdala says:

    As.wr.bw

    Waxaan illaa hada is waydiinayaa Sababta Dhab ta ah Ee ka danbeesay shirqoolkan cad ee Ummada Loo dhigay…!!!!.Waxaanse meesha iiga soo baxay in nin walboo nooli uusan fitno aamin ka aheen.

    Nimankan hada is dhiibay nin kamid ah ayaan way diiyay sababta ay isku dhiibeen, waxuuna iigu jawaabay.

    ” dhinac al-shbaab ayaa cadaadis nagaga haya dhinacna onlf Dhinacna amxaarada, marka waa inaan wakhti helnaa”

    Hadalka ninkaas iyo ragga lamidka ahba waxaa iiga soo baxay inay walaalahood al-shabaab la heshiiyaan inay uga fiican tahay inay Malez isu tanaazulaan…!!!!

    Ugu danbayntii Dadoow Saasaan ahaan jiray, waa lagu lumay. Ee hada maxaad tahay ama hada maxaad aamin santahay is fiiri, culimada meel walbooy jogaana khaasatan Al-ictisaam waxaan idinkula talin lahaa Xanaaq Aad dad uqabtaan daraadii cadaalada ha uka tagina, ogaadana maanta inaysa ummadu idinku raacaynin baadil, oo lasoo dhaafay wakhtigii wadaadka duubka wayn heeraha geela uga dhici jiray owliyaan ahay, Ee jihaadkiina dhinac ka raaca oo mushrikinta iyo murtadiinta iyo gaaladada cad cad layntooda kujana taga.

  7. Cabdisatar cali mursal says:

    Aniga waxan sual kaqaba, magaci loyiqine wadanka aawayo ee aha ogadenia oo kharidada calamka kujiro?wa maxay wadankan magaca lagabadaley!2 lacagihi nagala qado bil walbo aya xabad laisugadanaya oo laisdilaya dhaxdoda maxan faidne marka? aawaye wadanki larabey in amxarada lagaxoreyo idinki aya iska horjedaye,waxan kacodsanaya smalida kasojeda wadanka ogadenia in lagutagerin ururada waxkasto oodhib ukeni karo umada iyo madaxbananida OGADENIA

  8. Geelle says:

    Darbiga markaad soo taabateen u warama inta towbad keentaan kuwa iyana darbiga raba inay soo taabtaan sida ictisaamka !

    siyaadasa isdhiibku cimrina ma siyaadiso sharaf darona wey ku dhamaataa iyo in taariiqdaada noqoto mid jiilalku ku eedaayaan un.

  9. Abdikarim says:

    Waxaan rabaa in la ii sharxo daliilka & diinta ogalaatay in lala xaajoodo xabashida lakiin diiday in lala xaajoodo Shariifka?

  10. Ali says:

    What did said you guys? UWSLF MJXSH Give up Ethiopia? ONLF is the best group in Ogaden. viva JWXO.

  11. xasan muse says:

    ASCWB

    Abu cabdala waxaa soo tabisay war weyn laakiin ugu yaraan shuruudaha warkan weyn waxaa ka mid ah inaadan majhuul iska dhigine aad sheegto magacaaga oo sax ah iyo qabiilkaaga kadibna aad sheegto cida aad warkan katabineyso magaceeda. suurta gal ma tahay shabaab inay la hishiiyaan ictisaam? ama shariif ama …iyagoon dadka ku khasbeyn manahajkooda shaadka ah?

  12. Cali Guure says:

    Ali

    Jawxo shalay guddoomiyaheeda waxaa uu lahaa wada hadal diyaaraan u nahay. Is qabooji jawxo waxay tahay anaga kaa naqaannee

    Geele

    Waxaan damcay inaan kula munaaqashooda haddana waxaan in badan arkay adiga oo been badan qufaaya. Ina Cumar Cusmaan waxuu shalayey ku ooyaayey wadahadal. Iska hees wax is dhiib la dhaho ma jiree

    Abdikarin

    Su’aashaada waxay u bahan tahay niqaaash cilmi ah oo culima mukhlisiin ah ka hadlaan.

    Cali Guure ma qabo in shariif lala hadlo sababtoo ah ma aha nin madax banaan oo go’aan gaari kara. Waa nin gaalo u taliso oo dabadeecad khiyaano leh. Laakiin waa dood furmi karta haddii la helo hordhacyo sax ah la helo.

    Abu Cabdalla

    Warkaada sax mahan. Sababta heshiiska keentay waa diin. Haddii aad hayso nas khilaafsan daliilkooda saaxada waa kuu furan tahay. Looma baahna hebal baa i dhahay iyo waxay ila tahay.

    Tan aad dhahday Shabaab may la heshiiyaan. Waxaad tahay nin aan war la socon. intee isku khilaafeen shabaab iyo mujaahidiinta itixaadka.

    Shabaab intaan ka ognahay wax dhib ma dhex yaalin iyaga iyo Itixaadka soomali galbeed. Waxay shabaab u sheegeen Itxaadkaasi inaan lagu duulin Xabashida sababtoo eh waxay dhaheen Xabashi baa naqabsanaysa.

    markii heshiiskan dhacayna shabaab waxay bililiqeeysteen agabkii agoontii mujaahidiinta soomaali galbeed ee Kismaayo. Laba Baabuur baa ugu muhimsanaa. ilaa haddana wadahal baa socda sidii ay u soo celin lahaayeen iska dhaafi lahaayeen dacaayadda raqiiska eh ee waa is dhiibeen ah.

    Marka wax hubso. Qaybintaada aad qeybinayso gaalnimada sida shirkadaha tawziica carabta waxay daliil u tahay cilmi yaraantaada.

    Jihaadku lama dhihin waa xabad ridid keliya ee la soco. Hadaa idaa kunta dhaalibu cilmin.

    Inta kale ee leh

    Maxaa lagu keenay heshiisyadii hore, jawaabteedu waa waxba?

    Suaashaasi mid la mid ah maxaa xabad lagu keenay? iyadana waa waxba

    Su’aashu waxay tahay Islaamku muxuu ka qabaa xabadda iyo heshiisku? Jawaabtu waxba. Hadba heerkaad joogto waa inaad la socotaa.

    Haddii diin daliilsigiisa laga baxo geeraar iyo war fadhi ku dirir ha la isu tiriyo.

    Dhabtuse waxay tahay in Itixaadka Soomaali galbeed hudnada ay galeen ay ku salaysan nusuus diini ah oo cad. Inta ka horjeedana ay habar aleelo iyo fadhi ku dirir anaan macno sharci iyo mid maslaxa aduun midna ku taagnayn.

  13. Ali says:

    Asc Ali Guure Walaal Thanks your ideas but you wrong. You don’t know anything. Are you going to Godey Are you give up Ethiopia. I tell you true storry sS/galbeed they has 30 wiil. Do you walaal. They support Abdi Oumar and Duu’aaed.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warmurtiyeed ka soo baxey Xafiiska Warfaafinta ARS ee Garabka Asmara
  2. Bayaan ku aadan Xaalada Soomaaliya oo ka soo baxey Ururka Islaamka.
  3. MJXSG oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dagaalo ay galeen & Xasuuqa Gumeysigu wado
  4. Shirkii Culimada ee M/disho oo la soo xirey & Bayaan ka soo baxey
  5. Bayaan ka soo baxey Shirkii 9aad ee Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika

Latest Headlines