Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ayaa Saaka Dhac u geystay Gadiid Rakaaba oo ay saaraayeen Dad Rayida oo marayey inta u dhexeysa kuliyada Jaala Siyaad iyo Ex-control Afgooye, iyadoona dhanka kale ay Saaka Maalintii labaad Xirantahay Wadada Isku xirta Suuqa Bakaaraha iyo Isgoska Dabka.
Gaadiidka iyo Rakaabka Dhaca loo geystay ayaa la sheegay in laga qaatay wixii ay heysteen Lacago, Moobilo iyo agab kale Xili ay saaka Waabarigii marayeen Wadada kaliya ee xiligan leysaga Talaabo labada Dhinac ee Magaaladu u qeybsantahay ee ay kala joogaan Xoogaga Islaamiyiinta iyo DKMG oo kaashaneysa Ciidamada AMISOM.
Ugu yaraan 4 Bas oo ay Rakaabku saaraayeen ayey Dhaceen Ciidamada Dowladu kadib markii ay u galeen halka looyaqaano Haanta dheer oo ay intabadan Askarta DKMG ku dhacaan Gaadiidka iyo Dadka Saaran.
Majiro war ka soo baxay dhanka DKMG oo ku aadan Dhaca ay Askarteedu ka geysteen Wadada Warshadaha.
Dhanka kale Waxa Saaka Maalintii labaad Xiran halkii wado ee isku xireysay Wadada Wadnaha iyo Wadada Maka Almukaramaha oo aheyd tan u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha kadib markii ay hoobadka Dabka soo dageen Ciidamado sheegtay inay kamid yihiin Kooxda Sheegata Ahlusuna ee Suufiyada.
Gaadiidka ayaa loodiiday inay Isticmaalaan wadadaas waxaana sidoo kale dhib iyo rafaad ku maraya Dad lugeynaya oo waayey gaadiid ay raacaan.
Gaadiidkii ka shaqeynayey Xamarweyne, KM 4, Zoobe, Buulo Xuubey iyo Madiina ee Dadka geyn jiray Suuqa Bakaaraha ayaa ka soo wareeganaya Dhanka Ex-control Afgooye iyagoona dhanka Warshadaha ka galaya Suuqa Bakaaraha waxaana laba jibaarmay Lacagihii lagu raaci jiray gaadiidkaas Wareegsiga dheer awgiis.
Dadka iyo Gaadiidka ayey dhibaato weyn ka heysataa Xirnaashaha Wadadaas oo aheyd awalba mid ay dagaalo iyo Duqeymo hareeyaan Xiliyada Dagaaladu Socdaan, mana jirto cid u istaagtay Furida wadadaas iyo wax ka qabashada Dhibka soo wajahay Dadka Rayidka ah.

Related posts:
BISMILLAAH.
mooryaan iyo tuugo la isu keenay baa haddana lgu magacaabay dawlad .
dadwaynaha waxaa la gudboon inay hal mar ku qaadaan jihaad dhaba oo ay mujaahidiinta la saftaan.
iska sabra dadwaynow , haddaad rabtaan inaad ka adkaataan gaalada iyo kaba leefkooda waa inaad ALLAAH U noqotaan.
WALLAAHU ACLAM.