Qasaare ka dhashay Duqeymo ka dhacay Muqdisho.

Published on April 28, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 40 meeyo kalana wey ku dhaawacmeen Duqeymo Xoogan oo ay Shalay galinkii Dambe Ciidamada AMISOM la dhaceen Qeybo kamida Magaalada Muqdisho.

Duqeymaha Xoogooda ayaa bilowday kadib qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen Bangigii Ganacsiga ee magaalada Muqdisho oo ay Dhawaan Fariisn ka dhigteen Ciidamada AMISOM.

Duqeymaha oo u badnaa Madaafiicda PM-ka iyo Hoobiyayaasha Culculus ayaa waxay Ciidamada AMISOM la dhaceen Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo qeybo kale oo Magaalada kamida.

Tiro Dada ayey dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Madafiic ku dhacday Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Cali Muuse oo kamida saraakiisha Gurmadka Degdega ah ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyo ku dhaw 40 meeyo isla markaana ay arkeen intii ay Gurmadka ku jireen Meydadka Dad Rayid ah oo gaaraya 7 Qof.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere oo Saxaafada Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Qasaarihii AMISOM ka soo gaaray Weerarkii Isqarxinta ahaa dartiis ay Duqeymo aan loomeeldayin la dhaceen inta badan Xaafadaha Magaalada Mudisho.

Sidoo kale dagaalo ayaa shalay dhowr jeer ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdsho kuwaas oo iyana Maqribadii istaagay.

Xaalada guud ee goobiihii Shalay Dagaaladu iyo duqeymuhu ka dhaceen ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka Dagan waxaana dib uga bilowday dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Gaadiidka.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Qasaare ka dhashay Dagaal iyo Duqeymo Muqdisho ka dhacay & Al-Shabaab oo ka hadlay.
  2. Duqeymo Qasaare dhaliyey oo ay AMISOM Muqdisho ka geysatay.
  3. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Maalintii 2-aad ka socda Muqdisho & Dhinacyada kulugta leh oo ka hadlay.
  4. Ciidamada AMISOM oo Duqeymo Khasaare Xoogan dhaliyey ka geystay Muqdisho.
  5. Qaraxyo qasaare geystay iyo Dagaalo Xalay ka dhacay Muqdisho.

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qasaare ka dhashay Dagaal iyo Duqeymo Muqdisho ka dhacay & Al-Shabaab oo ka hadlay.
  2. Duqeymo Qasaare dhaliyey oo ay AMISOM Muqdisho ka geysatay.
  3. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Maalintii 2-aad ka socda Muqdisho & Dhinacyada kulugta leh oo ka hadlay.
  4. Ciidamada AMISOM oo Duqeymo Khasaare Xoogan dhaliyey ka geystay Muqdisho.
  5. Qaraxyo qasaare geystay iyo Dagaalo Xalay ka dhacay Muqdisho.

Latest Headlines