Gudoomiyihii Al-Shabaab ee Diinsoor oo Qarax ku dhaawacmay.

Published on April 27, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Godoomiyihii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay Sheekh Cabdi Xayi Amxed Nuur ayaa ku dhaawac Qarax Xalay Fiidkii ka dhacay Degmadaas.

Qaraxa ayaa lagu weeraray Gudoomiyaha Xili uu ka soo baxay Masjid kuyaal Diinsoor oo uu ku soo tukaday Salaada Cishada.

Taliyaha Xisbada Gobolada Baay iyo Bakool ee Al-Shabaab sh C/raxmaan Mire oo Saxaafada ugu warbixiyey qaraxa ayaa sheegay in Gudoomiyaha Diinsoor uu soo gaaray Dhaawac haatan xaaladiisu wanaagsantahay.

Waxa uu sheegay Sh C/raxmaan inaan lagaraneyn Qaabka uu ahaa qaraxa lagu dhaawacay gudoomiyaha laakin Baaritaano Xoogan lagu wado, wuxuuna intaa ku daray inay ku dabajiraan soo qabashada Dadkii ka dambeeyey Falkaas, dibna faahin uga bixindoonaan.

Majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa lagu dhaawacay waaligii Shabaabul Mujaahidiin ee Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudoomiyihii Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday
  2. Gudoomiyihii D.X/Jajab oo goordhaw lagu dilay Qarax Miino.
  3. Taliyihii Nabad Sugidda Deg. Diinsoor oo Iscasilay
  4. Gudoomiyayaashii Diinsoor & Bardaale oo is casilay
  5. Dagaal ka dhacay Inta u dhaxeysa Diinsoor iyo Iidaale ee G/Bay.

Readers Comments (3)

  1. Rhamu says:

    Mashaa allah

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …..mujaahidku laba goorba faa’ido buu qabaa ….

    hadduu shihiido waa sida uu rabay waa u faa’ido
    hadduu guulaystana waa u faa’ido waa sida uu rabay inuu gaalka iyo munaafiqa uu ka guulaysto

    marka ku faraxow ku farax kanaxow ka nax xaasidow caradaada la dhimo.

    shabaabow feejignaada xaaladda aad ku jirtaan
    wali waa xaalad dagaal ee hubka ha dhiginina xattaa intaad salaadda aad ku jirtaa.

    WALLAAHU ACLAM.

  3. nasteexo says:

    waa waxlaga xumaado waasa qaddar alle oo hadana layaab maleh ,fikirkeygu waa kan khaadimul islaam hadalkana sii badi maayo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudoomiyihii Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday
  2. Gudoomiyihii D.X/Jajab oo goordhaw lagu dilay Qarax Miino.
  3. Taliyihii Nabad Sugidda Deg. Diinsoor oo Iscasilay
  4. Gudoomiyayaashii Diinsoor & Bardaale oo is casilay
  5. Dagaal ka dhacay Inta u dhaxeysa Diinsoor iyo Iidaale ee G/Bay.

Latest Headlines