Dagaal kooban oo ka dhacay Degmada Hodan

Published on April 27, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya Ciidamada DKMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda ayaa Saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday waabarigii hore ee saaka wuxuuna ka dhacay Xaafadaha Taleex, agagaarka Carwada Taleed,iyo hareeraha Wada Maka Al-Mukaramaha ee Magaalada Muqdisho.

Qoryaha Darandooriga u dhaco ayey Dhinacyada dagaalamaya Adeegsanayeen waxaase Saaka yaraa Madaafiicda Hoobiyaha ee intabadab lagu garaaci jiray Xaafadaha ka baxsan Goobaha Dagaalada.

Dagaalka ayaa Barqanimadii si iskiisa u qaboobay lamana garanayo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaaladaas.

Xaalada ayaa Caadi ku soo laabatay Xili dambe wallow aysan sideedaba dhaqdhaqaaqyo sidaa u buuran aysan horay uga jirin goobaha saaka lagu Dagaalamay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal ka dhacay Degmada Hodan
  2. Dagaalo ka dhacay xaafado ka mid ah Degmada Hodan ee M. Muqdisho
  3. Dagaal ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
  4. Dagaal kooban oo ka Dhacay Muqdisho.
  5. Dagaal kooban oo ka dhacey Deg. Hodan

Readers Comments (1)

  1. Sh.suufi says:

    A.s.c walalayalow adunki wa dhamaaday dhammaan calamadihi qiyamada wax yar aya ka haray. Marka waxan kula talim lahaa dadka musliminta ah inay ka fogaadaan fitnada ilaaheyna ka cabsadan. Nabigu wuxu yiri 2muslim hadey dagaalaman 2duba naarta ayey galayan. Somalia waxa ka socdana wa fitno ee jihad uma eka. Wallahu aclam




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal ka dhacay Degmada Hodan
  2. Dagaalo ka dhacay xaafado ka mid ah Degmada Hodan ee M. Muqdisho
  3. Dagaal ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
  4. Dagaal kooban oo ka Dhacay Muqdisho.
  5. Dagaal kooban oo ka dhacey Deg. Hodan

Latest Headlines