Sh Xasan Daahir Aweys, Gudoomiyaha Ururka Al-xizbul Islami oo maanta Saxaafada shir jaraa’id oo u qabtey kula Hadley ayaa ka soo horjeestay Heshiis hor dhaca oo dhex marey DKMG & Sh Axmed Madoobe.
Sh Xasan Daahir waxa uu sheegay iney ka bari yihiin kana soo horjeedaan heshiiska labada dhinac dhex marey ee ka dhanka ah xoogaga Islaamiyiinta. Waxa uu sidoo kale sheegay inaaney waxba kala socod heshiiskan, raalina ayna ka aheyn.
Dhinaca DKMG heshiiskan la galey ayuu sheegay Sh Xasan Daahir iney ula siman yihiin heshiiskan ka dib qolyaha ay la galeen ee horey dagaalku kala dhaxeeyay.
Dhinaca Sh Axmed Madoobe waxa uu ugu baaqey iney ka noqdaan heshiiskan oo uu ku tilmaamey mid ka dhana Diinta iyo Maslaxada guud ee Dadka iyo Dadka.
Heshiisyada noocana ayuu sheegay Diin ahaan iyo si kaleba kuwo aan u cuntamin raalina ayna ka aheyn oo ay ka soo horjeedaan, sinaba ayna u aqbali Karin.
Ujeedada heshiisyada noocana ayuu ku micneeyay kuwo ka dhana Diinta iyo dadka hormuudka u ah si ayna gacanta dalka ugu dhigin oo Shareecada u dhaqan gelinin.
Beelasha Caalamka ayuu si adag Sh Xasan ula Hadley waxa uuna ugu baaqey Soomaaliya in la isu daayo oo Diintooda iyo xalinta danahooda gaarka ah faraha looga qaado.

Related posts:
Alaylehe waa Sh Ahmed Madoobe waa iscadeeyey wuxuu isqariyaba. Awalba wuxuu u eegaa nin la soo dirsaday si uu u baabi’iyo xoogaga ka soo horjeeda DFKM oo iyadu ah dabadhilifka gumaysteyaasha.
Maantana waa kaas safkii hore ka baxay ee galay safkii ka soo horjeeday. Bal aan eegno waxa uu ku soo kordhiyo DFKM oo meelahaas ka uruursata Khashinka (sida suufiya iyo Sh Madoobe iwm)
ku sh. xasan daahir away
fariintan hala gaadhsiiyo ,
as//
salaan kabacdi
sh/ xasan waxaan kula talin lahaa in uu ilaahay kabaqo oo aysan arintu ahaan qofwalba oo hawadaada diida inaadan ku sifayn inuu cadawyahay ama ridoobay (taa ugama jeedo in ay hadalkiisa ku cadahay laakiin waa laga dhadhansankaraa )
waxaana u arkaa maanta kooxda ugu liidata in ay yihiin xisbul islaam .
sh/xasanoow ilaahay kabaq oo kursi raadis iyo siyaasad xumo waad kasoo daashaye laba mid soo gala adiga iyo kooxda aad madax qaaday
1-inaad walaalihiina aydaan isku kalsoonayn eed isu xadhig maleegaysaan raacdaan (alshabaab)
2- iyo inaad dawlada shariifka kubiirtaan si ciyaarta maalaayacniga ah loogu kala baxo ,
arintaana umada islaamka ah eed baabi`iseen danbaa ugu jirta ,
waase is waydiine maxaa keenay in uu sh xasan daahir aways shirjaraaid ka qabto in uu axmad madoobe iyo dawalada shariifku usiman yihiin cadawna saacadaa laga bilaabo u yahay ??? iga oyna weli shabaab ka hadal arinta ???
sheekhu libaaxsanaa markuu ka hadlayo axmed madoobe, mowqifkiisu cadaa, fasaaxad badanaa?? markuu dhinaca kale ka hadlayo, mowqifkiisu mugdi badanaa, fasaaxad yaraa!!
wallee waa run miskiin baa miska la fuulo leh!!
Laakiin taasi ma qaboojin doontaa rabitaanka alshabaab ee ah inay xizbiga milaan oo waxna liqaan waxna qashin-qubka ku tufaan!!
Aniga waan ku farax sanahay in Sh Xassan oo aan aad ujeclaa in uu maanta meel cidla ah taagan yahay. Laba daran mid doora, hadaad daacad ka tahay arintan. Xassan Turki ayaa kaa daneeystay, maantana Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe markii la ceeyrsanaye ee meel waliba lagula dagaalamaye adiga waxaad shirar kula jirtay shabaab. Ma waxaad mooday Axmed madoobe nin aan wax fahmin. Hadaad xasuusataan wuxuu mar yiri ninkii shabaab laheshiyo wcadow ayuu kadhiganayaa.
Allow shabaab inaga qabo culimadeenii ayeey khilaafeen dad aan somali dan ka lahayn ayeey wadankii keeneen.
Waa lobaahnaa in ucadeeyo shekh uwes warka ahmed madoobe aniga arintan sir ayaan kahayay mar hore ahmed madoobe waxaa uwatay dabina badan iyo shaarar badan kow waxaa uu kismaayo uyimid in uu umathalo sharif laganadhigo goborna toore jubada ah tii markey fashilantay ayuu qabiil urogay waxaa shir laguqabtay magalada gaarisa kenya shirka waxaa iskugu yimid absamo iyo mariixaan kadib mariixaan shirki wuxuu arkay in ay rabaan absamo in ayaga ay islaheysiiyaan jubooyinka kadib mariixaan shirki waa kabaxay waxaa soharay absamo waxaa lagu heshiiyay in la aruuriyo wiilal xoreeya jubooyinka waxaana lakeenay dhalinbadan oo qaxooti iyo meelwalbo laga keenay waxaana halkaas lagu aruuriyay lacag kabadan 250 kun oodoolar kadibna ahmed madoobe waxaa layiri shaqada wad waa fashilmay qoshihii hore hada ninkasata waa ucadaatay waxa uu damacsanaa ahmed madoobe hada waad lasocotaan ciidamadii uwatay rag kamid ah oo ogadooday in ay iskadhiibeen beerxaan kuwii lataba barayayna qaar iska dhiibeen gedo waxaan horay usheegay in ahmed madoobe iyo maqtal daahir markii amxaaro qabatay maqtal god madow lagu turay axmedna lasoodaayey asaga oo sodon gaari gabineyso buur dhuubo somaray marka ahmed wataa taarikhdiisa cida dood kaqabto cadeen hakeento
Abu Sumaya,
Axmed Madoobe mar hore ayaad murtad ku shaabadeyseen. Qofka bin aadamka markaad kula dhaqanto dhaqan xun isagana wukaa tagi oo wu kula dagaali. Miisheegi kartaa hal caalim somaliyeed oo diinta bartay ama caalim dunida islaamka oo leh shabaab baa saxsan ee hala raaco? Culimadii Somaliyeed sida Sh Umal iyo Sh Cumar Faruuq dadka caaynaya soo shabaab maahan? Waxba idinkama akhrisan doono. Mardhow waxaad maqli doontaa Axmed oo leh culimada islaamka waxaan ku marti qaadi doonaa kismaayo markaan ka xoreeyno nimankan aan diin iyo dad u naxeeyin.
…..Waloow kunta qaliidal qalbi lanfalduu min xoowlik ….Sadaqallahul-cadiim
A.c .waxay ila tahay in sh hasan maalin kasta shaar cusub loo soo xirto oo la khaldo,waxaa ka mida ragaas shariif,shariif sakiin, indhacade,waxaa u danbeeyay axmed madoobe.sh hasanow jawaasiistii way bateene mana ilaalin kartid ee la midow walaalahaa shabab.waxaana tuhunsanahay rag badan oo hada la shaqeeya,waxaa ka mida afhayeenkii hore maxamed macalim.nin mowqif adag ayaa tahay laakiin raga kula shaqeeya in yar ayaa ka fiyow. mana lihi shabaab lagama heli karo laakiin aad ayay iskaga ilaaliayaan
Sh.xasan daahir aweys waxaan leeyahay qofba maalinbuu wax gartaa waxaad difaacdidba baadilka axmad madoobe hadii ay maanta noqotay maalinkaad garatay mashruuca axmad madoobe waa ilaahay mahadii, anaguse waxaan garanaynay mashruuca axmad madoobe maalinkii uu dhaawaca ahaa ee uu bbc-da ka lahaa walaalaha ethopia waxaan ka codsanayaa inay adis ababa igu soo daweeyaan waxaanu garanaynay maalinkuu paltalk-ga kalaha nin bali gubadle iyo hargaysa ku dhashay kismaayo magan ugu ahaan maayo, waxaan garanaynay maalinkuu maleeshiyo beeleed soo galiyey magaalada kismaayo ee shareecada islaamka lagu xukumayey uu xabada ku bilaabay mujaahidiintii dekada joogtay waxaan garanaynay maalinkuu kenya u galay ee mawaalaatul kufaar uu ku dhacay ee adna aad lahayd kufaarul xarbi way banaan tahay in dhaawac loo gaysto say kuugu soo daweeyaan allow ceeb astur intaasaan kusoo koobayaa.
Wakaas ninkii Axmed Madoobe waa soo baxay. Waar Absamoow meesha ka kaca, waar Kablalaxoow meesha ka kaca; Waar tolayeey Kismaayo hala ila qabto inay halkan iyo meel ka daran ku dhawaanayso waa la iska ogaa. Maalinba midbaa soo baxaya, kuwa kalena waa soo socdaan.
Laakiin su’aashu waxaa weeye meeyey walaalkeen Cali Guure iyo tacliiqiigiisii. Bal xoogaa wax nooga taabo hadda halkay wax marayaan. Ma kuu cadaatay wallaalkayoow waxaanu shegayney? Waxaa la yiri timir laf baa ku jirta. Waa iska caddaa waxa uu Axmed Madoobe wataa meeshay u biya shubanayaan.
Dadoow waa aakhiru saman ee yaan lagu aakhiro seegin umuuraha soomaaliya. waxa dhulkeena ka socda iyo kooxa isku hayaaya markaad hoos u eegto waxaa kuu soo baxaaya inayna diinta shaqo ku lahayn ee danaysi shaqsiyadeed, mid urureed iyo mid qabiileed ay dhaafi la’yihiin marka waxaan idin dhihi lahaay yaan lagu aakharo seegin ee nafwalaay ka baaqso.
Ninka meesha inta isku heysa ugu talada xun waa Sh. Xasan Daahir. Sh. Xasanow meeshaan haku karaamo seegine iskaga aamus oo dantaada raaco. Wallaahi yax yax ayaan ka dareemayaa mawqifkaaga, inuusana aakhirana ajar kaaga imaaneyn aduuna magac kaa raaceyne akhiiyow ka fariiso oo dheh nin lahow doono waa taase anigu gacantaan ka taagaye!
BISMILLAAH.
.. ..sh.xasan iyo xukun yaw garniqi doona …..
sh.xasan wax badan baan naseexo iyo talo fara badan ku soo qoray bogog badan oo ka mida shabakadan somalimirror , in badanna waan kuu soo baaqay inaad iska cazisho xubinta aad ka hayso xizbiga si loo helo jawi loo mideeyo walaalaha mujaahidiinta ah oo kulligood isu ooman oo haddana si fiican isugu baahan, waxaan kaloo soo jeediyay inaad booska keento dhalinyaro la saan qaadi karta waaqica jira maanta khaas ahaan taatiiga dagaalka ee casriga ah iyo xeeladaha dagaal dhuumaalaysiga
waxaan kaloo kuu soo jeediyay inaad walaalkaa sh.xasan turki ka daba tagto oo aad raacdo meesha uu raacay , intaas oo dhan waxaad ka dooar bidday inaad axmad madoobe ku dhagto oo aad tiraahdo waa mujaahid waa nin wanaagsan waa nin naga mida , waxaadna dhaleecaysay shabaabka iyo sh.xasan turki , haddaba shiikhow
intaas oo dhan isku soo duuduub sow maanta maadan arag axmad madoobe iyo meesha uu kaaga cararay ? sow nin wax garada oo caaqila ma tihid oo haddana daaci soo arkay wax badan oo siyaasada ma tihid ? shiikh walaalahaa shabaab wax kuu dhaama ma haysid ee walaalkaa sh.xasan turki taar u dir oo ragga isugu yeer oo shabaab miiska la fariiso oo haddana raggaaga mid ka mida oo dhalin yarada ah oo xaafida sunnadana aan ka leexan madax uga dhig booska aad joogto adna askari mujaahidiinta ka mida noqo , saas haddaad samayso dhammaan inta oday ah way kugu dayanayaan haddana waxaa soo noqon doonta midnimo hor leh oo cusub oo ka dheer qabyaaladdii tuhunka badnayd ee dadku isla dhex marayaan inaad xoogaa moodid in shiikhu indhacadde iyo raggiisa wali wax la wadaago.
midda kale shiikhow beeshaan caalamka ee aad wax ka dhigayso maad iska daysid , inta aad beel caalam wax ka sugayso wali la isma gaarin shiikhow , beeshaan aad sheegayso waa beel laga maamulo xafiis yuhuudeed, ee yuhuud waxaan
seef ahayn kaa celin maayaan, gaalana kaa daali mayso inaad soo raacdo mooyee.
WALLAAHU ACALAM
asc horaa loo yiri xaq iyo baadil meel isla ma galaan axmed madoobe wajigii ugu danbeeyay hada ayuu la soo baxay sheekheenana wuu fahmay walolw oo weli rajo ka qabo in uu soo laabto balse sheekh Xasanow allaha ku barakeeyo kuwa badan ayaa kula jooga oo aan Axmed madoobe waxba dhaamin sida midka afhayeenka kuu ah sheekh xasan iska raac walaala SHABAABKA
Prof. Gaandi & Axmed Madoobe waa in ay Jubbooyinka ka sifeeyaan Alshabab, ka dibna waa in ay dhisaan “maamul goboleedka Jubbaland”, ka dibna ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dawlada dhexe ee federal-ka ah.
kkkkkkk sheekh xasan hadda ayuu wax fahmay ilaahey sunadiisa ayay ka mid tahay in qofba si wax u fahmo.
ilaah baa mahad leh hadii hadda xaqa lawada fahmay walaalihii cadawtooyada axmed horay uga dhiidhiyay iyo kuwa hadda ka dhiidhinaya dhamaantood kheyr allaha siiyo.
umalay maan in ay jirto cid sheekh xasan turki uga fara dhuu dhuuban arrinka axmed madoobe
Ascww. Ku falxado. Falxadooy waxaad tiri shariif inuu u galo gaalo waxaa u sabab ah xarakada mujaahidiin alshabaab indhacade inuu amisom u galo waxaa u sababa alshabaab axmad madoobe sidoo kale sow ma aadan akhrin ayaayadaha quraanka ah ee (qofkii camal fala quraanjo miisaankeeda oo khayr ama shar ah wuu helayaa) (naf danbawday qaadi mayso nae kale danbigeeda) (ninkii halaagsamayo inuu u halaagsamo si cad ninkii u noolaanaayo unuu u noolaado si cad) intaasoo aayado quraana ayaad ku tumanaysaa oo nin khiyaarkiisii gaalo ku raacay ee aan lagu ikraahin ee mujaahidiintii uu dhiigoodii uu kumanay uu maanta u mindiyo tumanayo adiguna aad markhaati beenaad ugu furaysaa. Sayidkii wuxuu yiri: nimankii kufriga akhyaarkood ugu adeegaayey ee aan lagu ikraahine galgacayl ugu abraaraayey. Falxadooy waad fatwoonaysaa ayadoo fatwa aysan ahayn shaqo bilcaameed, fatwa waa manzulatullaah waa darajo allaah.sw. Kaligii leeyahay wuxuuna u ogolaaday nebi.muxamad.scw. Bayaanul xaq.suubanahana wuxuu u ogolaaday ubu-ckar, cumar, cuthmaan iyo cali, safafu saalax waxay sheegeen inuu fatwoon karo nin kitaabka iyo sunada iyo ijmaaca iyo qiyaaska yaqaano oo basiiro iyo aragti dheer leh oo yaqaano iyo waxay salafkii isku khilaafeen iyo waxay isku raaceenba yaqaano bilcaan maya ayaan leenahay inay fatwooto marka walaaley lafahaaga haku khamaarin ayaan ku leeyahay hana i aflagaadaynin sidii maalin dhawayd bilcaan kaa daran ayaana soo baxday oo wadaadkii u nasteexeeya ku oranaysa guwaatanama ayaan ku gaynayaa
Allaah umada xaqa hafamsiiyo xaqa iyo baalka wa kala cadyihiin ilaahow soomali israaci xaqana ku maamul , gaalana naga qabo iyo sharteeda, wallaahay ikhwaanii waxaan kusuganahay xaalad murugo leh. isridin iyo hadal badan wax qabanayee aan alle barino kuna ajiibno duco dhibka aan ku jirno. yaa allaah naga saar dhibka iyo iskhilaaafka.
Tan runta ah waxaa weeye in horay saraakiishii Xisbiga mid mid loo khaarajiyay. Wadaadkan garka casaystay inuu ka hadlo iska daaye asaga ayaa naftiisa barakacayaasha kula dhex gabanaya.
Sida Axmed Madoobe yidhi waxaa la rabaa Sheekh Aweys iyo dhowrka isku jifada ay yihiin oo ku soo haray meesha ay ka bixi doonaan. Runtii wax Xisbul Islaam la yidhaahdo meesha waa ka baxay ee wadaadku dadka riwaayada ha ka daayo.
ku somalimirror waxaan idin weeydiini qoraalkeeyga maxaadan usoo siidaayneeynin ma keeyga kaliya baa laidin dhahay saxa waxuu kaqaldanyahay oo hasiidaaynina cadaalad xumada meshan beeyba kabilaabatay dhamaan qoraaladan mawadasaxsanyihiin ee mesha kuqoran? oo madankood ubadan qabiil shaar loogaliyay oo diin iyo axzaab kalasaari la ee hadalkeeyga waxaan kusoo gaba gabeyni insha Allah walaalaha isku dayaya in hadalkasta tafsiir kabixiyaan awalan eey qalad tahay xaga diinta in xumaan loo raadiyo nabiga s/c/w waxuu yiri dhanal muminiina kheira marka qatarteeda beey leedahay in xag xun un laga tafsiirto tan labaad somaaliya waxa kasocdo diin ma,ahan oo waa wax diinteena lid ku ah ee qabiilka yaan laisku qaldin walaa taktumul xaqa bil baadhil ilaa akhiral ayah kii qabiil difaacaayo hacadeeysto kii diin difaacaayana waqtigan haka cararo madax nimo iyo urur jecleeysi intaas Alle kacabsada falaa tuzakuu anfusakum huwa aclamu manitaqaa al ayah waxii aan khalday waaxeey ka,ahaatay nafteeyda iyo sheydaan Alle baana weeydiisanayaa iyo dadkii aan kugafay cafis waxii aan saxayna Allaah beey xagiisa ka ahaatay isagaana amaan iyo cizi iyo sharaf iyo weeyneeyn iskaleh s/c
sh xasan awal waxbaa kaqarsanaa laakiin hadda ayey ucadaatay madobe waxa uu yahay sidaa darteed sh xasan marna eed maleh ee waa waayeeloobay waxaan kula talin lahaa inuu mujaahidiinta isku daro kana fariisto sida sh xasan turkiba sameeyay oo kale
ALLAAH(sw) ha laga baqo oo dadka muslimka ah ha la mideeyo.
Maxamed
Adiga oo aanan gabadha falxada af lagaadeen ma naqdin kartid si sharci ah oo cilmi ku fadhida.
Yaa kuu sheegay in fatwada bilcaan shaqadeeda ahayn? Ummuhaatka muslimiinta ma aha miyaa bilcaan fatwoon jiray? Yaa u diiday inay fatwoodaan?
Illayn haan maran waxba kama daataan.
Intaa waxaa ii dheer, waxaan ku waydiiyey su’aal welina waad ka jawaabi wayday. marka iska war wareeg bal in Cali Guure iska halmaamo.
Tan sheekaada un nooga jawaab.
Ma hudno ayuu ku joogaa Kenya?
Ma Heshiis gaar ah ayaa jira?
Ma qoyskiisa ayaa difaacaaya?
Sidee Kiinya ku oggolaatay inuu wax ka sheego oo waddankeeda dhex mushaaxo?
Ma la dhihi karaa calaa xasbi qawaacidikum albaadhila waa jaajuus sheekha? ama gaala ayuu u shaqeeeya?
Maxaa isaga ka dhigay mujaahid kuwa kalena jawaasiis?
Waxaad ka jawaabtaan sidee sheekhiinna ku jooggaa dhulka gaalada mise Kenya waxay ka mid khilaafaddiinna oo Kibaaki waa boqorkii najaas oo kale?