Sidee loo galay xabaalii ??

Published on April 26, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

 

Khaddar c/laahi badeed

cagaarane@yahoo.com          

Ayaamkan danbe waxa si wayn oo kala dan iyo dareen ah loo hadal hayaa falal ay qabuuro caan ahaa ku bur-buriyeen xarakatu shabaabul mujaahidiin oo aynu hadda wixii ka danbeeya usoo gaabsan doonno X.SH.M , qabuurahan ay gacanta u qaadeen X.SH.M dadku way ku qaybsameen nin allena dareenkiisa ayuu ka hadlay , qaarna dan ay horeba u lahaayeen ayay ku akhriyeen dhacdadan iyagoo ka fog bu,da sheekada iyo biya-dhaca waxa ay sameeyeen X.SH.M , canaan iyo cay aan loo miidaan dayin ayay rag halkan isla taageen , halka ay qaarna isla soo taageen (gacantu idinma go,do ). hadaba intaynaan hore ugu marin masuuliyadda qabuuro nadiifinta iyo halka ay ku aadantahay aynu ka hor marino laba erey oo aan is leeyahay waxay xidhiidh dhaw la leedahay qadiyadan :

 

1-      intii aanay soo shaac bixin baaqa islaam u noqoshada ee ay hogaaminayeen dhallintii kasoo sharaabtay jaamacadaha xijaaz iyo masar waxa ka jiray arliga ay somalidu degto qabuuro iyo xadrooyin aan lagu kala bixin kuwaasoo ay hogaanka u hayaan rag cilmi iyo diin loo aaminsanyahay , wixii ka dhici jirayna sheeko innaguma aha ee waxa loo wada joogay in afarta daafood ee geyiga laysaga imanayay si ruux kastaa muraadkiisa u gaadho yacnii ruuxba baahida uu qabo ayuu ula imanayaa qabriga isago ku rajo wayn inaanu ku hungoobin karaamada sheekha aasan (duugan) ee tobanaan sano ka hor looga tegay cidlada iyo camalkiisii waaba haddii ay run tahay in maha cidi ku aasantahay maxaa jira waxa la xaqiijiyay in la ziyaarto goobo aan aadameba ku xabaalnayn , waxyaalihii u horeeyay ee ay ku dhawaaqeen dhallintii aqoonta toosan xambaarsanayd waxa ay ahayd in lala dagaalo qabuurahan xadkoodii la dhaafiyay , waxa ay aayad iyo xadiis u cuskadeen in xabaalaha loo tago keliya in loosoo duceeyo dadka dhintay , innaguna kusoo waana-qaadano . rag allow intaas ma laysku waafaqsanaa?? . ragii xaabalahan dul fadhiyay ee dadku u jeebeysnaayeen hadalkan ma soo dhawayn oo way ka dhiidhiyeen waxaanay lug iyo farasba isugu taageen sidii ay usii haysan lahaayeen qabuurahan meheradoobay , waxaynu isla garanay in lagu magacaabo wixii ka dhacayay xabaalaha dushooda (shirki iyo bidco) loona baahanyahay in la tir-tiro . rag allow ma jirtay mise maya ?? .

2-      xaqu waa hal aan laboobin , ma guur-guuro cid gaar ahna ma raaco oo ciddii qaadata ayuunbuu la jira,a innagana ay tahay inaynu garab istaagno , abaal laynooguma qabo middaas oo waa waajib sharci ah, innaguna cid abaal kaga dooni mayno oo badbaado aakhiro ayaynu ku rabnaa , in badan ayaynu akhrinay aayadaha Alle ku leeyahay                                                                  (ولا يجرمنكم شنئان قوم على ألا تعدلوا إعدلوا هو أقرب للتقوى ) waxa aynu macneheeda naqaanaa aayaddaa Alle yidhi :

(يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين بالقسط شهداء لله ولو على أنفسكم أو الوالدين والأقربين) waxa midaas soo raacda in la kala saaro dhaqanada qaar aanad la dhacsanayn ee ay raga qaar sameeyaan iyo humaagga guud ee hab-dhaqanka yacnii waa laba kala ah manhajka guud iyo denbiyada hal-hal u yimaada ee ka dhaca dadka ku abtirsada tusaale ahaan haddii wiil yar oo muslim ahi uu khaldo salaad casar ama uu xilligeeda ka hor tukado ma nacaysaa haduu maqrib saxo xilligeedana tukado ?? sida xaal yahay haddaan eego HAA ayay jawaabtu tahay , alse waxa sax ah in casarna halkiisa lagu saxo maqribna madaxa loogu salaaxo . waxaan u jeedaa : xaqa iyo caqiidadu way ka sarreeyaan danaha ururada , dadka iyo is riix-riixa laga yaabo inuu ku dhammaado natiijo ama natiijo la,aan , marka arrin kan oo kale ahi dhaco waxa waajib ah inaynu ku eegno aragtida shareecada innagoo ka reebayna nacaybka ama jacaylka aynu u qabno cid gaar ah .

3-      culimadii diinta inna soo gaadhsiisay waxa ay innaga mudanyihiin in habeen iyo maalinba loo duceeyo Allena looga baryo inuu qabuuraha unuuro, una waasiciyo intooda dhimatay, inta ka noolna cizzi iyo caafimaad haku nooleeyo , abaal laysu galo oo aan la gudi karini waa ruux aqoon diineed kugu gacan-qabtay , culimadaasi intii ay soo qabteen iyo rafaadkii ay u soo mareen fidinta diintu waa midaan la qarin karin si kasta oo ay aadame u ahaayeen Alle denbigooda ha dhaafo, innagana aqoontii ay inoosoo xambaareen haynagu anfaco.

Haddaynu mawduuca usoo laabanno : markii arrimahani dhaceen dadku waxay u qaybsameen saddex qaybood :

- dad kal iyo laab kusoo dhaweeyay tallaabadan, kuna tilmaamay guul usoo hoyatay sunnada iyo dharbaaxo lala beegsaday wejiga shirkiga , qoladani aad uma hadlaan dhawaqooduna meel dheer ma gaadho , waayo waxa ay badankoodu isku xidheen taageerada X.SH.M urur ahaan iyo in la dheho Alla magane tani waa tallaabo wanaagsan (gacantiin ha socoto ) .

- dad ka cadhooday oo qaylo iyo qalalaase ka qaaday . Qoladani iyagu markii horeba dagaal ayay ka xigeen in lasoo qaado xabaal iyo qabri ayuu khalad ka dhacaa; sidaas darteed culays badan ma laha waayo waxa laysku diidanyahayba asalka mas,alada iyagu dood iyo muran uma baahna waayo hore ayay usoo dhammaatay . qoladani waxa u sawaxan badan isku dhafka isku magacaabay ahlu suna waljameeca oo iyagu meel waalli ah ka istaagay illaa ay qaarkood BBCda kaga dhawaaqeen in ay X.SH.M diinta ka baxeen oo ay gaalo yihiin , waxa kale oo ay doodooda udub dhexaad uga dhigeen been aad u weyn oo ah inay X.SH.M iib geeyaan lafaha wadaadada oo ay soo qaateen mashruuc gaalo ku lug leedahay , Allaa inna dilaayee shabaab iyo gaalo intay iska kaashan karaan ???!!!!!! iyaga odayaashan garawshiiyo loogama fadhiyo , waxa iyana gadaal kaga soo biiray xukuumadda ku meelgaadhka ah oo iyada lafteedu ku qasbanaatay inay saas yeesho waayo haddii kale waxa furmaya inta yar ee isu haysa iyaga iyo suufiyada isku dhafka ah .

- dadka shacabka ah oo aan iyagu si cilmi ah u fahansanayn mas,alada laakiin alle mahaddii hore looga dhergiyay waajibka innaga saaran qaabuuraha , dadwaynuhu had iyo goor waxay u bataan xagga hadal hayntu u badantahay sida xoogganna haddii masaa,ilka loo siyaasadeeyo hore ayay ugu qancaan oo iskuma xidhaan waxyaalaha isku xidhka u baahan ee si sahlan ayaa irbadda loo dhaqaajiyaa , qodobkan haddii aynu ku eegnana waxa inoosoo baxaya sida ay ugu saamoobeen dacaayadaha idaacadaha iyo dadyawga ay sida tooska ah isu hayaan X.SH.M , runtii bulshada waajib ayaa saaran oo ay kow ka tahay inay caqiidadooda ilaashadaan , inaanay ku dagsoomin weedhaha danleyda ah ee laga yaabo inay ka maqlaan dadyaw aan dan ka lahayn diin iyo caqiido . 

- qolo kale oo yaab badan : waxay hal meel ka yidhaahdeen HAA iyo MAYA , allow haa iyo maya meel hanagaga wada keenin ayay somaliyi ku ducaysan jirtay , haddaad ka yaabtay amba waan la yaabee waa rag ku xisaabsan saxwada oo muddo ku bar-baaray kuna bar-baariyay ardadooda in lala jihaado shirkiyaadka oo si wayn u aqriyay halgankii uu sh. Max/ed bin c/wahaab la galay qabuuraha lagu talax tagay , xadrooyinka iyo goobaha loo weeciyay xaqii Alle , si ay wax ka noqdeenba waxay ku dhex halaabeen sax iyo khalad kala muuqda , u malayn mayo inay mas,alo ahaan uga laabteen oo ay qaateen wax wixii hore ka duwan balse waxa ay ku dhex lumeen loolan ay dhan ka noqon kari waayeen amase dhaliil uga muuqatay cidda qabuuraha gacanta u qaadday , waxay xaqiiqdu tahay inaanay waxyaalahani mar-masiio u noqonayn ciddan amase aanay mas,uuliyadda ka cafinayn , waayo tawxiid iyo shirki lama dhex-dhexaadiyo , si kastoo aad wax u dhaliilsantahayna lama aqbali karo inaad ka degto diillinta cagaaran ee kala badha xadgudubka iyo gaabinta .

Xabaalaha waxa laga qabtay intaan ka xog hayo laba arrin : (A) in la dumiyo dhismayaasha ka dul dhisan qabriga kuwaas oo qaarkood ku dhawaayeen guryha loo hoydo . (B) in lasoo faqo lafihii ku jiray qabriga si loogu aaso meel kale oo ka qarsoon indhaha dadkii hore ugu ibtiloobay ama si loosoo af-jaro ku talax tagga xabaalaha .  labadan arrin ayaana u baahan in loo iba bixiyo ama diin ahaan loo eego si aynu isula taagno  darafka ku garta leh arrinkan ugana durugno caadifadda iyo cid fogaynta . innagoo soo gaagabinayana aynu nidhaahno:

xukunka duminta dhismaha qabuurha

Wallaahi ayaan darro ayay ila tahay inaynu maanta wakhti siino mawduucan oo nus qarni ka hor ay culimadu si hagar li,ya banaanka u keeneen , dadka badankiisuna u haysteen in laga fara-xashay waxa ay Somali dhexdeeda ka noqotay wax iska cad oo cidda ka muranta hal mar indhaha lagu wada dhufto , laakiin cajiib maantana waa tan!!! .

            Masaladani waxa ay ku xidhantahay ta kale ee ah : xabaalaha guudkooda dhisme mala saari karaa ? jawaabteeda oo gaabani waa MAYA waxaana si go,an inoogu sheegay rasuulkeenii muxammad ahaa scw, waxaanu ku tilmaamay dadka sidan sameeya kuwa ugu sharka badan arliga guudkiisa sida ku sugan Bukhaari iyo Muslim . Culimada isalaamka ee aqoon iyo Alle ka cabsi loo ogyahayna ma jiro mid ka hadhay oo iftooday in xabaalaha la dhiso . Iyadoo sidaas ay tahay ayaan haddana la yeelin kolkaasbaa waxaad aragtay laga guud dhisay , iyana shareecadu waxa ay ka qabtaa in dhulka la dhigo oo xabaal loo ekeysiiyo , Sayid Cali bin abi-dalib ayaa hawl qabuuro habayn ah u diray ninkii la odhan jiray abilhayaaj al-asadi waxaanuu ku yidhi: ( waxaan ku farayaa wixii rasuulka alle SCW I faray ( qabriga aad aragto ee dhisan dhulka la sin, sanamka aad aragtana dumi ) sidaas ayaa laysu soo gaadhsiinayay masaladan , had iyo goor waxa aynu isku maaweelinaa waxaynu nahay shaaficiya iyadoo hadalkeenu u dhiganyahay shaaficiyadu way nala ogoshahay bidcooyinka ay ka midka tahay qabuuro dhisidda , si aynu haddaba taas meesha uga saarno aynu xusno culimo magac wayn ku leh mad-habka oo si ba,an u weeraray falkan bidcada ah , raggaas waxa ka mid ah :

1-      Imaamu Shaafici laftiisa, sida uu ku xusay kitaabkiisa (Al-Umm)

2-      Ibnu Xajar, sida ku cad kitaabkiisa al-zawaajir .

3-      waxa kamid ah ibnu rushdi , ibnuladruci

4-      iyo qaar kale oo badan .

waxay dhammaan carrabka ku xoojiyeen in lagu dhakhsado duminta dhismayaasha dul yaalla xabaalaha . taasi waa taas .

mala faqi karaa xabaalaha ???

            U horrayn aynu isla qirno in ruuxa muslimka ahi ixtiraam mudanyahay nolol iyo geeriba , nolol waa la wada yaqaan halka islaamku dhigay , haddii uu mayd noqdana karaamdani kama guurayso ee way la god-gelaysaa , waxa dhimatay haweenaydii nebiga ee Maymuunah kolkii la qaaday janaazadii ayuu C/laahi bin Cabbaas oo meesha taagnaa ku yidhi qoladii nacashka qaadaysay: ( tani waa xaaskii rasuulka SCW ee marka aad nacashka kor u qaadaan ha ruxina hana gil-gilina ee si dabacsan u qaada ), nin dhintay kabihiisaa dhaama waa gaalada ee innaga ma aha . xuquuqda uu leeyahay ruuxa muslimka ahi waxa kamid ah in loo daayo goobta ugu danbaysa ee uu aduunka ka degay waa qabrigee , asal ahaanna waa xaaraan in ruuxa qabrigiisa laga soo saaro balse waxa jira xaalado dhawr ah oo asalkaa ka baxaya lana ogolaaday in qabrigii dib loo faqo , xaaladaha qaarkood waxa raacsan in maydka laga soo saari karo luxudka oo meel kale loo rarikaro , xaaladahan waxa loo qaybiyaa laba qaaybood :

1- in qabriga loo faqo si looga soo saaro wax gudaha xabaasha ku jira sida hanti lala aasay maydka , ama hadii loo baahdo in baadhitaan danbe lagu sameeyo maydka si loo ogaado cidda dishay , tan danbe waa mas,alo casri ah oo u baahan baadhitaan dheeraad ah sida uu qabo Dr ahmed najiib . waxa iyana kamid ah oo dib loo faqi karaa qabriga haddii lagu soo illoobo qalabkii xabaasha .

2- in qabriga loo faqo si looga raro meesha uu yahay waxana kamid ah xaaldahan :

haddii ay meeshu noqoto

- biyo mareen .

- meel bahaluhu faqaan .

- goob nijaaseed ,

- xabaalaha oo isu badala kuwo gaalo

            Waxa iyana la soo saari karaa haddii looga baahdo goobta xabaalaha dan guud oo lagama maarmaan ah , waxa reebban in lagu dheereeyo soo fagista xabaalaha muslimiinta haddaanay jirin baahi adag oo aanay jirin meel looga weecdaa .

            Aynu u nimaadno masaladeena ah mala soo saari karaa mayd sheikh wayn oo dadku ku ibtiloobeen qabrigiisa , HAA oo waa lasoo saarayaa iyadoo laga duulayo

1-      xaaladaha aynu soo sheegnay ee la ogolaaday in dib loosoo saaro maydkii . xaaladahanai marka la ogolaaday in la soo saaro haddaad u fiirsato waxa ka mudan in la badbaadiyo caqiidada muslimiinta .

2-      waa run oo ruuxa muslimka ahi waxa uu leeyahay xushmo culus balse ha illoobin in diinta iyo caqiidadu ay tahay ta u mudan adduunka guudkiisa iyada ayaana lagu waajibiyay inuu naftiisa u huro , sidaas darteed haddii ay kulmaan dhawrista qofka iyo ilaalinta diinta waxa la horaysiinayaa tan diinta  .

3-      sida la ogsoonyahay raggii ku shahiiday duullaankii Uxud waxa loo aasay laba-labo , raggii halkaas ku shahiidayna waxa kamid ahaa Jaabir bin C/laahi aabbihiis  oo si yaab leh ula sii dar-daraamay wiilkiisa Jaabir , markii dagaalki dhammaaday ayuu rasuulku nin kale iyo C/laahi xabaal wadaajiyay , kadibna Jaabir waxa uu dib u fagay xabaashii aabbihii ku jiray lix bilood kadib isagoo ku sababeeyay inaanay naftiisu ku deganayn inay aabbihii qof kale xabaal wadaagaan , haddaba haddii ay sugnaatay in jaabir bin c/laahi dib usoo saaray aabbihiisii saxaabiga ahaa ee haddana ku shahiiday Uxud – ma la yaabantahay in lagu dheho waar sheikh Somali ah oo dadku si kale u arkeen sheekhnimadiisii, kuna lumeen qabrigiisii hala soo saaro si loo soo afjaro fidnada gaalnimada u socota ama iyadiiba ah .

4-      dhacdooyin badan oo taariikhda muslimiinta soo maray oo sidan oo kale loo soo xidhay albaab shaydaanku u furay aadmaha ayaa iyana loo weheshan karaa tallaabadan ay qaadeen X.SH.M , haddii aynaan maqaalka dherer uga baqaynna waynu tixi lahayn .

5-      waxa sax ah hadalkii uu yidhi sheikh abwaan abshir nuur faarax bacadle ( nimankaasi waxa ay qabteen wax aysan abid qaban dawladihii soo maray somalida .

gun iyo gunaanad :

waxa aan ku gunaanadayaa hadalkan :

A-    arrimaha Somali ka dhacayaa waa cajiib oo waxa ay u baahantahay in si degen loo la socdo

B-     is diidada dhex taal dadka ay dhextaal xeedhada maslaxada warkooda ay iska sheegayaan haloo dhug lahaaado oo yaan si sahlan dabin loogu dhicin ,

C-     waxa laysku baacsanayaa haddii ay diin salka ku hayso kolkaaba suuqa waxa yaal iyo wararka ay idaacaduhu lalinayaan haku salayn mawqifkaaga .

D-    waxaan ku talinayaa in Alle looga baqdo mawaaqifta laga qaadanayo dhacdooyinka is daba haya ee dalka ka socda , Somali waa iska cadday oo dhex isma taagto , ama waa inaan ku wada raaco ama waa inaan kuwada naco, arrinkaasna sax ma aha mar kasta .

ragga qaarkii ayaa dhihi oo maxaa xabaalaha layskaga mashquulinayaa arligiiba wuu qasanyahaye , laakiin waxay illoobeen ama ay is illawsiiyeen in sababaha jaahwareerka keenay ay kow ka tahay waxyaalaha ka dhacaya qabuurahan dushooda

haddii Alle inoo sahlo waxa aynu wax ka qori doonaa waxayaalihii ka dhici jiray goobahan ay walaaluhu isu xil saareen haddii Alle idmo

                                          Allaa mahadle



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sidee loo Dhangadeeyaa Ilmaha?
  2. Baddeena la boobayo sidee u badbaadsannaa?
  3. Sidee looga tukaday Maanta salaadii Ciida Gobolada W/Galbeed.
  4. Warbixin:- Sidee loo fasiran karaa bixitaanka Ethiopia?
  5. Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa?

Readers Comments (2)

  1. MR G says:

    a.c, walaalka qoraal qorey ajer iyo xasanaad ilaahey hakaa siiyo, sida aad noogu bayaanisay, dadkena taageerida urur ama qolo ayaa indho tirtey, xaqa in la sheegana waa waajib haba qaraaraadee. inta ilaahey wax fahansiiyana waxaa laga rabaa in ay dadka wax u sharxaan bilaa caadifad.waxad ogaatiin qofkii ilaahey ka rajeynaa xasaanaad iyo raali ahaansho dhib uma arko dhibaatada hor taalo iyo dadka kasoo horjeeda eedayntooda. wabilaahi towfiiq

  2. abu sufyan al makki says:

    maaaaaaaaasha allaah

    alle qalinkaaga xaqa hakusugo sh.khadar c.laahi badeeed

    buurika fiiika




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sidee loo Dhangadeeyaa Ilmaha?
  2. Baddeena la boobayo sidee u badbaadsannaa?
  3. Sidee looga tukaday Maanta salaadii Ciida Gobolada W/Galbeed.
  4. Warbixin:- Sidee loo fasiran karaa bixitaanka Ethiopia?
  5. Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa?

Latest Headlines