Hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta lagu qabatay bandhiga ku saabsan Cilmi baadhis ah oo ay sameysay Jaamacadu diyaarinteedu uu lahaa Macadka Diraasaadka oo raacsan Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Bosaaso wuxuuna Bandhigu socon doonaa ilaa sadax casho waxana lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan aqoon yahano kala duwan.
Hal ku dhiga Bandhiga ayaa laga dhigay Isbuuca Cilmi baadhista wuxuuna C/nuur Faarax oo ah Hor joogaha “dean” Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka ee Jaamacadu uu sheegay in Badhiga Cilmi baadhista ah ama Research-ga ay Jaamacaddu soo diyaarsay uu yahay koodii ugu horeeyay ee ay sameeyaan balse mudooyinka dambe ama mustaqbalka dhow ay ku howlan yihiin sidii ay diyaarsaad u soo saari lahaayeen .
Waxa uu sidoo kale C/Nuur sheegay in Cilmi baadhistu ay kaalin muuqata ku yeelanayso garaadka aqooneed ee Ardayda dhigata Jaamacadda si gaar ah ayna diraasaadkaasi ay si mug weyn ay waxtar ugu yeelan doonaan dhamaan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.
Bandhiga ayaa lagu soo bandhigay labo bug oo ka tarjumaya cilmi baadhista la sameeyay waxanaa sidoo kale aqoon is waydaarsi uu halkaa ku dhex maray Aqoon yahano kala duwan oo bandhiga soo xaadiray.
Maamulka sare ee Jaamacadda sida Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo aqoon is wadaarsiga la xidhiidha inta uu socdo bandhigu.
Ardayda dhigata Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada ayaa goob joog ka ahaa aqoon is waydaarsiga waxayna tirada Ardayda ka qeyb qashay bandhiga ku dhaweyn ilaa 400 oo arday.

Related posts:
Ma kuu baxsan tahay waxa irjaa’ yahay iyo taariikhdiisu? luqaddaada rasmiga ah ma ku caano maali kartaa mise cid baad marti ugu ahaanaysaa xitaa diintaada? Halkaan ka shubo kitaabka “Daahiratul irjaa’ fil fikril islaamii” ee Sheekh Safar http://ia331432.us.archive.org/2/items/Ergaa/Ergaa.pdf
waa guul wacan in jaamicaddu soo kordhisey qaybta cilmi baadhista,waa talaabo loo qaaday dhanka horumarka waxaan leeyahay hanbalyo,
waxaan rabi kabaryayaa inuu jaamicadda ka minaarad cilmi iyo horumar ay soo higsadaan dhamaan muslimiinta 5ta qaaradood kunool,
aaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiin.
waa guul wacan in jaamicaddu soo kordhisey qaybta cilmi baadhista,waa talaabo loo qaaday dhanka horumarka waxaan leeyahay hanbalyo,
waxaan rabi kabaryayaa inuu jaamicadda ka dhigo minaarad cilmi iyo horumar ay soo higsadaan dhamaan muslimiinta 5ta qaaradood kunool,
aaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiin.
BISMILLAAH.
……..cilmiga ALLAAH baa ka sarreeya cilmi kasta………
marxalad kala guur baa lagu jiraa oo meelwalba gaal baa kaala dagaalaya ,adinna maaweelo loo gashay shaati jaamacadeed iyo shaybaar cilmi baaris oo shalayna shirkadd xawaaladlay soo qaban qaabisay baad ardayda ku mashquuliseen haddana maanta waxaad soo bandhigteen sheekada cilmi baarista,goormaad jihaadka ka soo qayb gali doontaan,ardaydana goormaad tababar jihaadeed u furi doontaan ?
ALLAAH SUBXAANAH baa cilmiyoo dhan soo koobay.
WALLAAHU ACLAM.
waxaan u jawaabayaa ninka khaadimul-islaam labaxay horta jahaadka aad sheegayso ma dagaalka fitanka ay culimaddii oo dhan ku iftoodeen miyaa mise waa midkii alla jideeyay hadduuse yahay kan dame falastiin ayuu kasocdaaye aad.
jahaadku waa meesha diinta ugu saraysa laakiin xikmad iyo hogaan culimo ayuu u baahan yahay ee jabad hadayn maaha,
waa xaana leeyhay tixdan.
culimadu tafsiir bay wadaan toosanoo wacane
ardadaan tubkale qaadayoo weerarka u taagan.
ma takfiirki bay raacdayoo tababar soo siiyay.
mise ciil ku tacadiyay ayaa dulin taraarsiiyay.
tiro maleh tabaalaha wakhtiga taagan oo jirae
Allahayow nataageer adaan taaib kuu nahaye.
cilmi baaris waa hor u mar jaamacna kama maaranto ee ogaw Jaamacadda iyo ciddii ku taageeertaba Alla hala garab galo.