Ugu yaraan 10 Qof oo Rayida ayaa ku dhimatay ku dhawaad 40 kalana wey ku dhaawacmeen Duqeymo Xoogan oo Shalay Galinkii Dambe Ciidamada AMISOM ka geysteen qaar kamida Degmooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayey Duqeymuhu Dhibaatada ugu xoogan ka geysteen, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku dhimatay in kabadan 10 kalana wey ku dhaacmeen Madaafiic isdaba joog ah oo marqura ku habsatay Isgoyska Howlwadaag iyo Masaajidka Biyamaalow, waxaana lagaran waayey qaar kamida Dadkii ku dhintay goobtaas oo ay Madaafiicdu Jarjartay jirkooda xili ay u hoyaadayeen Xaafadahooda.
Sidoo kale tiro Madaafiic ah oo ay Ciidamad AMISOM la dhaceen Suuqa Siinaay ayaa waxa ku nafwaayey Laba Haweena in kabadan 15 kalana wey ku dhaawacmeen.
Xiliga Madaafiicdu Bilaabatay ayaa Dadku ukala dareerayeen Guryahooda wadooyinka Gaadiidka laga raaco ee ay Madaafiicda ugu Xoogan ku dhacdayna waxay ahaayeen kuwa aad u mashquula.
Cali Muuse oo kamida Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ayaa sheegay inay Qaadeen Dhaawacyo gaaraya 37 Qof oo ay Madaafiicdu waxyeeleysay.
Ciidamada AMISOM ayaa Tacadiyo Joogto noqday ka geysta Magaalada Muqdisho mana jirto cid u istaagta waxkaqabashada Dhibaatooyinka lagu hayo Dadka Rayidka ah.

Related posts: