Al-Ictisaam:“Waxay diidan tahay Jamaacadu dhammaan faragelinta shisheeye ee lagu hayo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed”

Published on April 23, 2010 by   ·   67 Comments   ·   print

Warmurtiyeedkii Shirweynaha Jamaacada Al-Ictisaam

Waxaa1-8/5/1431 – 15- 22/4/2010 ku qabsoomay magaalada garoowe shirweynihii guud ee jamaacada al-ictisaam bilkitaabi wassunnah, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen golaha shuurada, guddiga cilmibaarista iyo xubno ka mida maamulada jamaacada ee gobolada dalka iyo kuwa dibadda, waxaana shirweynuhu xoogga saaray qodobada soo socda :-

1- Dibu eegida hawlaha dacwo, waxbarasho iyo xallinta mashaakilka shacabka soomaaliyeed iyo sidii hawlahaas iwm kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa waxqabadka jamaacada iyo xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya qaybaha bulshada gaar ahaan jamaacooyinka islaamiga iyo maamulada ka dhisan qaybaha kala duwan ee dalka.

2- In laga baaraandago aragtiyaha jamaacada ee ku aaddan arrimaha ka taagan caalamka gaar ahaan dalweynaha soomaaliyeed.

3- Mawqifka jamaacada ee ku aaddan dhinacyada ku loolamaya talada geyiga soomaliyeed.

Dood dheer iyo falanqayn ku aaddan arrimaha kor ku xusan ka dib waxaa shirweynuhu go’aamiyey arrimahan soo socda:

dhibaatada soomaliya iyo sidii looga bixi lahaa:

A- Waxay jamaacadu u aragtaa in ay soomaaliya ka jirto dhibaato muddo dheer soo socotey welina sii jirta, taasoo ka dhalatay colaadihii siyaasadeed, burburkii dawladda iyo nidaam la,aantii badashay, dagaaladii ahliga, faragelintii iyo duulaamadii shisheeye, kuwaas oo keenay inay soomaaliya ka dhacdo dhibaato bini-aadanimo tii ugu darayd, dhibaatadaas oo ah dil, dhac , barakicin iyo burburin hanti ummadeed; sidaa darteed waxay jamaacadu aragtaa in mushkiladdaas looga bixi karo:

B- In loo noqdo kitaabka alle, lana sameeyo dibu-heshiisiin shacabka qaybihiisu u dhanyihiin, kuna dhistaan dawlad ay raalli ka wadayihiin; si looga boxo mushkiladda gaamurtay ee dadkeena iyo dalkeena haysata.

Gaalaysiinta:

A- Waxay caqiidaysan tahay jamaacadu in ay xaaraan tahay in lagu rido xukun gaalnimo amaba riddo ciddii kaa ra’yi duwan ee muslim ah, gaalaysiintaas oo aan cuskanayn fadwo diini ah oo ka soo baxday culumada cilmiga ku xeeldheer ama xukun maxkamadeed oo sharci ah; sidaa darteed waxay jamaacadu ka soo horjeeddaa dagaalada iyo falalka kale ee ku salaysan fikirka gaalaysiinta ee aan sharciga waafaqsanayn, sida: dilka, qarxinta iyo shirqoolka.

Faragelinta shisheeye:

B- Waxay diidan tahay jamaacadu dhammaan faragelinta shisheeye ee lagu hayo dalka iyo dadka soomaaliyeed , ha ahaato mid diimeed, mid siyaasadeed ama mid dhaqaale’e, faragalintaas oo ah tan sababtay in ay sii socoto dhibaatada haysata dalka iyo dadka soomaaliyeed .

C- Waxay kaloo caddaynaysaa in cid kastoo isku dayda faragelin ka dhan ah danta diimeed iyo adduunyo ee shacabka soomaaliyeed, in dhibaatada ka dhalataa aysan ku ekaan doonin soomaalida kaliya ee ay ciddii shirqoolkaas maleegtayna ku gubandoonto.

Burcad badeedda soomaaliyeed iyo mida caalamiga ah:-

A- Waxay jamaacadu caddaynaysaa in burcad badeednimadu tahay fal foolxun oo xaaraam ah, aysana bannaanayn in hanti laga kasbo,
Waxaana ka mida raadadka xunxun ee laga dhaxlay kooxaha burcad badeedda: faafinta macsiyada, khamrada iyo maandooriyeyaasha, iyo dhaqanxumo kale.

B) Waxay kaloo jamaacadu cambaaraynaysaa burcad badeednimada caalamiga ee ay samaynayaan maraakiibta dagaal iyo kuwa kalluumaysi ee fadhiya badaha soomaaliya, iyaga oo ku madaxqarsanaya in ay ladagaalamayaan burcad badeeda soomaalida, balse xaalufinaya badaha dalka, kuna aasaya walxaha sunta ah, sida haraaga nugliyeerka iyo waxa la midka ah.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka :

A- Waxay caddaynaysaa jamacadu in dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya soomaaliya iyo isku dayga mid waliba isku dayayso inay ka takhalusto midda kale iyo heshiis diidnimadoodu inay tahay sababta ummadda burburisay, isla markaana sababtay faragelinta shisheeye, iyaga ayaana qaadaya eedda iyo masuuliyadda dhibaatada ka dhalatay ficilkooda .

B- Waxay caddaynaysaa jamaacadu in aysan dhinac ka ahayn dagaalada ka socda dalka iyo dagaal kasta oo muslimiin dhexmaraya, waxayna u aragtaa in dagaaladaasi yihiin dagaalo fidno ah, aysana bannaanayn in laga qaybqaato, waxayna ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalamaya inay naftooda, wadankooda iyo dadkoodaba ilaahay kaga baqaan, ayna dagaalka joojiyaan, kana heshiiyaan waxa dhexyaal .

Dibu-heshiisiin

A- Waxay jamaacadu go’aansatay inay dhexdhexaadin iyo wadahadal ka dhex bilowdo dhinacyada ku dagaalamaya dalka, waxayna ugu baaqaysaa inay dagaalka joojiyaan wada hadalna aqbalaan .

B- Waxay jamaacadu arrintaas u xushay guddi ka kooban culumo iyo aqoonyahan oo ka shaqeeya hirgalinta go’aankaan.

Baaq iyo Dardaaran:

1- Waxaa la isu dardaarmayaa cabsida ilaahay, ikhlaas iyo dardargelinta dacwada.

2- In la xoojiyo walaalnimada islaamka, lagana dheeraado waxyaabaha dhaawacaya, sida: qabyaaladda iwm .

3- In jaaliyadaha muslimiinta ee dibadaha ku nool ay xoogga ugu badan saaraan ilaalinta caqiidadooda iyo dhaqanka islaamka.

4- Waxaa loogu baaqayaa dawladaha reer galbeedka inay joojiyaan faragalinta arrimaha diinta ee jaaliyadaha muslimiinta.

Baaq degdeg ah;

Waxaa haysta shacabka soomaaliyeed duruufo adag oo ka dhashay dagaalada iyo barakaca, iyo abaaro keenay gaajo; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha samafalka iyo muslimiinta oo dhan inay gacan u fidiyaan walaalahooda dhibaataysan.

Guddoomiyaha Jamaacada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad,

Telefoon: 0025224319161.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dr. Cumar Imaan“waxaan u aragnaa Kenya inay tahay Meesha Qadiyadda Soomaaliyeed lagu qalo”
  2. C/qaadir Soomoow “Dadka Soomaaliyeed ee Hogaamiye Kooxeedka horey u ahaan jiray ee Dalka ka baxay ee rag Muqaawamada ka tirsan ay Dalka ka saareen, anagu raali kuma nihin in dalka laga saaro waa Dalkii ay u dhasheen inay ku soo noqdaan baan qabnaa”
  3. Maamulka Kismaayo”waxaan dadka u sheegaynaa in aysan jirin wax Dowlad cusub ah oo la soo dhisay ee ay tahay wixii hore ee Ridada ahaa ee lagu sameeyay Doofaareey iyo Embigati”
  4. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  5. Sh.Xasan Daahir Aweys “in Mujahidiintii dhex-deedii ama Dadka soomaaliyeed ee iska nabada ahaa in lagu jeediyo Xabaddii ama warankii lagu jeediyo waxyaalahaas ayaa Qalooc ku jiraa”

Readers Comments (67)

  1. abu ayub says:

    raga garoowe kushiray oo ah culumadii ictisaam waxay noo hoosaasinayaan nimanka shahaado ladirirkaa iyo gaalada wadanka haysta nimanku intooda badan waxay ka yimideen dibada oo gaaladau raali ayay katahay waxaanan ognahay in mujahidsiinta ay gaaladu u necebtahay sidii nebiga swc ay galadu unecbayd una cunaqabateeyaan teeda kale meelaha mujahidiintu kataliyaan waxaa la oogaa salaada waxaa labixiyaa sakada ictisaam oo ay ka buuxaan mukhabaraadna waan ognahay waxay lamasayrsanyihiin wiilashaan mujahidiintaa ayaa waajib ay kaseedeen nooleeyay nacayb iyo xiqdi indho la. ayay meesha lafadhioyaan waxaan kuleenahay nimankaa xaaqidiintaa sidii ilaahay yiri mutuu biqaydikum walaahi inaan shaki iiga jirin mujahidiintu inay khayr badan yihiin oo ahlusuna waljamaaca yihiin haday mujahidiintu munxarifiin yihiin sheekh maxamed bin cabdilwahaabna waa munaxarif maxaa yeelay manhaykii shiikha ayay shabaab nooleeyeen ictisaam waxaan leenahay itobiya iyo reer galbeedka aayaad kudhinac tihiin ee shahaado ladirirka garoowe fadhiya walihiina siiya yoomal qiyaamana jawaab u diyaarsada

  2. simane says:

    asw-alahu akbar ictisaamow isdaba qabta oo aduunka jacaylkiisa iskakala yareeya waxa idinlahadlaya waa xertiinii

  3. wadani says:

    Axsantum wa axsanllahu wujuuhakum yaa culamaa anaa
    intaas ka dib waxaad moodaa in arinkaa culimadu ka hadashay ib badan la sugayay, markuu yimidna in qaylo badan iyo dacaayad lagala hor yimi, mase iswaydiiseen waxaa keenay qayladaas somalidu waxay tiraahdaa (hadii dayax yimaado xidigo wax ma iftiimiyaan) dhalintu waxay ogyihiin in culimadan in badan warkooda la sugayay haduu yimaadana in cid kale hadalkoodu uu noqonoyo mikimiki amase aah aah markaa wakhtigii waa dhamaaday. Diin aanu culimadeedii caynayno talow yaa laga qaadanayaa waxaane iswaydiinayaa culimadan ku ciroobay fidinta diinta oo wakhtigoodi oo dhan ku soo dhamaystay miyay ka jecel yihiin dhalintan yar yar e ama bilaha ama dhwr ka sano soo baraarugay walaahay waxaan hubaa in inta badani dhasheen intii ay hawshan ku soo jireen culimadan walaalayaan saw maogodin in culimadan ay dacwadan dhib badan u soo mareen ma idinla tahay in wixii ay cimrigooda ku soo dhamaysteen maanta ay burburinayaan ilaahaw dhalinta noo toosi culimadana no xifdi waxaa la inaga rabaa in aan culimada kala wareegno hawsha oo inaguna aan fifircoonideeda aan diinta ugu adeegno iyaguna khibradooda inoooga faaideeyaan

  4. Abumaxamed says:

    Assalamu Calaykum,

    Shabaab Culimo ma leeyihiin? Car waa qofkii ka magacaaba Saddex? Car si cilmiya ha uga hadleen masaa’ilka laga hadlay Bayaankan culimada? Cay iyo cambaareyn iyo Culimo la ijaafeeyo qofkiisa diin la’aan uu bay dhigtaa. Jahliga shabaab iyo inta la caadifaysan waxaa daliil madoonto u ah sida ay Bayaanka ugaga jawaabeen anshaxumada iyo aflagaada aan cilmiga, xishoodka iyo diinta ku dhisnayn. Waxaa lagu tuhmey in ay si xaqdaro ah dadka ku gaalaysiiyaan, ku igtiyaalaan (dil qorsheysan), shareecada ku been abuurtaan? Car si cilmiyeysan ha uga jawaabeen aan ahay waa idin dilaynaa, iyo waxbaan qarxinaynaa iyo aflagaado culimadii manhajka Xaqqa ah soo gaarsiisay kuna fidiyey dalkan dhibaataysan.

    Waxaan culimadu waa geesiyaal ku dhiiraday in xaqa caddeyaan iyada oo had iyo jeer Shabaab u hanjabayaan u dirayaan text-message dil ah. Car ha ku dhiiradeen in ay si sharciya u raddiyaan???????

  5. islam says:

    waxaan u malaynayaa dadka qaar in ey u maleeyaan in eey alshabaab yihiin asaxaabtii oo kale
    waxaan kaloon la yaabay in qof jaahil ka h diinta uu u tacasubo koox afkana ku taago culumada soomaaliyeed ilaah ha idin haniiniyo wax kaloon dhihi karo ma lahan

  6. Cali Guure says:

    alxaqu axaqu an yutabaca.

    Inta badan ee ka horjeedda bayaanka culimada waxaa ka muuqda xamaasad iyo qadarin la’aan culimada.

    X-itixaadis waa hooyada dacwada salafiga jihaadiga ee Soomaaliya.

    Maanta mowqifka ay qaateen runtii iyaga oo culimo ah waa arrin culays wayn leh.

    Natiijadeedna waxaa laga dareemi doonaa khariidda dacwo, taageero iyo siyaasadeed ee Somaliya.

    Qolada u hore ee ku khasaari doonto waa shabaabka oo ku caasisay culimadii iyo fahamkii saxda ahaa ee salafka ee baabul imaan wal takfiir.

    Halka ay ku shireen dhib malaha ee waxaa mudan keliya in laga niqaasho qodobada ay qoreen. Inay ku shiraan dhulka shabaabka ka taliyaan waxaa diiday dilka iyo gowraca shabaab seefta kaga aslaan masaakiinta ahlu towxiidka ee shubhada lagu qalo.

    Sh. cali Warsame, Maxamed Idiris iyo Dr bashir iyo ragga kaleba waa rag ducaad ah oo culimo ah. In gaalo raac lagu tilmaamo waxay tahay jahli iyo dabamaryo xag iyo edeb darro naadir ah.

    Raggaasi waan ku kalsoonnahay. Ikhtilaafkeennu waa juzi iyo tanawuc ee ma ahan kulli. Ruxii diintan garaanayo waa inuu gartaa. Kii kalana waa in labaraa.

    Maanta shabaab waxay waayeen sanad cilmi iyo culimo, sidaa oo kale Xisbiga waxaa uu ku waayey taageero culimo qaarkood maadaama uu dooda culimada badi u babac dhigi karo ama dhowayn karo haddii dood furanto. Kala daran labadaasi ee shabaab waa ku dabayshanayaan mowaaqifta culimada diidmada ah. Waayo culimadii ugu dambaysay ee shabaab bartay diinta ayaa ku shirtay Garoowe mowaaqif ka qaadatay hab dhaqankooda ka fog diinta Islaamka. Marka waa in ay la warwareegaan waa nala xasday iyo waraan loo joogin.

    Taasi macnaheeda waxaa weeye in xalqooyinka laga raddiyo shabaabka. Sidoo kale loogu xiiro si cilmi ah inxiraafka diiniga ee shabaab galeen saaxaada iclaamiga ee Soomaaliya iwm.

    Kuwa leh waa culimo yahuud iyo gaalo war isku xishooda oo Alla ka baqa. Kooxda shabaab hoggaamiso ayaa sifooyinka xun xun ugu dhow culimadan la yaqaan. Yaan la is juqjuqayn. Raggan waa rag la yaqaan laakiin shabaab xitaa iyaga ayaan aqoon hoggaankooda.

    Keliya waxaan ku dhaliilayaa culimada inay la soo daaheen qaraarkan iyo bayaanka ama aysan furin dood cimiyeed rasmi oo lagu lafa guro hoogga shabaab badeen ducaadii iyo shacab waynihii Soomaaliyeed ee Islamka iyo jihaadka ahdaaftiisa iyo axwaashiisa.

    Maanta furantay aniga oo qaba inay culimada qaar ku qaldameen haddana inaan wadaamaysanno waa arrin sharci ah oo furin.

    Laakiin waxaa biyo kama dhibcaan ah in culimadii ka soo horjeedsatay habka shabaab, dhamaatayna wakhtigii laga aamusi jiray.

    Cali Guure oo cilmigiisa kooban yahay hora ayuu yiri bilaha soo socda waa xublaa, Allana waa muujiyey maanta.

    Maxamed Idiriss oo u ololeeya safka jihaadka ayaan arki jiray maanta raggaasi shababaab waa ka hareen sidaan hore ooga haray markaan arkay waxa meesha yaallo inay tahay inxiraaf caqadi ah, khumayniyah iyo taqdiiska Godane iyada oo lagu dhuminayo miraha jihaadka.

    Xisbigana sidig lamaane u yaal uma ihi laakin waxaan ogahay inuu ka saxsan yahay shabaabka haba ka cudud yaraadee. Taasi waa midda keentay in si caddaalad ku eego qormada bayaankan oo u furi doonta dadka indhaha, kana celin doonta dadka shabaabka wixii looga aamusi jiray.

    Shabaabka maanta tacsi bay u fadhiyaan wararka naga soo gaaraya, laakiin inta jaldiga ah ee takfiiriga ah ayaa talada maroorsan doonaa sidii marki horeba dhici jirtay. Laakiin in dhulka iyo muqaalkoodii sii gabaabsi galay dadka dhabta ah shareeca doonka waa ogaadeen haba u muuqdaan kuwa codkooda ka dheeraya sida galgaduud ka taagan.

    Talo:

    Waa in laga qabtaa dhuminta miraha jihaadka. Haddii kale la ogaan doone halay ciribi dhigaan.

    Fasadkuruuna maa aquulu lakum

  7. abu ayub says:

    to cali guure wax xikmada kumadan hadal kaliya xiqdigii ictisaam ayaad kusoo celisay waxaad inkiraysaa wanaaga iyo guulaha ay islaamka usoo hoyeen mujahidiintu lakiin adiga iyo waxkula midaba waxba kama qaadayaan mujahidiinta sidii saxaabaday galada iyo murtadiinta caro galiyaan horayna usoconayaan insha alaah

  8. nouur says:

    Cali Guure
    Caqli gaabnimo kugumaan aqoon, balse hadda ayaan ku gartey in aanad meesha Caqi iyo garasho ku haynin.
    Maanta Culimadu waxa ay wadaan in Gaalo laysku dhiibo, ee taas miyaad ku raacsan tahay?
    Waad ogtahay Sheikh Shariif oo hore iskugu dhiibey halka Xaalkiisu maraayo?
    Diintana waad taqaan oo Gaalo kaa raali noqon mayso illaa tooda aad raacdo oo dimuqraadiyad iyo waxaan la garanaynin aad la timaado?
    Maanta Mujaahidiinta waa in la taageeraa oo aan la dayrinin.

  9. garsoore says:

    Ikhyaareey arrimahaan ila eega:

    1- waa wada gaalo murtaddiin ah
    2- dhiiggooda iyo maalkoodu waa noo xalaal
    3- gaaladaa ka fiican
    4- ninkii i raaca mujaahid
    5- kii aan dagaal galiyoo ku dhinta waa shahiid
    6- kii naga soo horjeesta waa murtad
    7- sheekhii waxaan rabno fatwoon waaya waa mutrji’o ama waa jaajuus
    8- diinta haddaanan anigu wax ku maamulayn waxba kama jiraan ee waa been been
    9- ninkii iga horyimaada waa qabyaaladayste
    10- ballan ka baxa, beenta, xukun iyo xoolo doonku waa ii xalaal
    11- tobankaas qodob oo aan sheegay ninkii ka soo horjeesta waa nin jihaadka diidan.

  10. Xaqdoon says:

    Mahad dhamaanteed allah ayaa iska leh, Nabad gelyo iyo naxariis rasuulkiisii korkiisa ha ahaato. intaa ka dib waxaan marka hore Culumada uga tacsiyadaynayaa aflagaadada iyo tuhunka qolyaha aan mudnayn in loo jawaabo, intaa ka dib waxaan leeyahay Culumadu way la daaheen bayaankooda Ummaduna hadii ay wareerto oo nin waliba aayada siduu rabo u daliishado caamadana la wareeriyo waa in la helaa culumo u istaagta in ay ummadda ka badbaadiyaan godka ay ku shubmayso, Waxaan u arkaa in ay Muhiim tahay waqtigan in Shabaab godka ay da’yarta ku shubayaan dadka loo cadeey, Falyaxyaa man xaya calaa bayyinah.

    wabilaahi tawfiiq

    wasalaama caleykum

  11. Abdullahi says:

    As/c:
    allow noo barakey culumadeen, allow u dambi dhaaf culumadeen allow u naxariis culumadeen, sababtoo ah waa kuwa kaliya ee u taagan in ay xaga noo bayaaniyaan.

    dad iyo dal waa kala qeybsamay oo nin walba waxuu noqday urur hadii aadan ururkiisa ku raacin waxaa tahay dambiile marka waxaan culumadaan ka baryaa in ay u ducooyin muslimiinta si ay u midoowaan

  12. jabarti says:

    asw
    walalahayoow ilahay aynu ka wada cabsano oo dhamanteen aynu oganu in ilahay aynu wada hor istagi doono qof walibana usan lahayn wax turjuban ah oo u dhaxeya isaga iyo ilahay ,
    mida kale culumada yan wax laga shegin haday qaldamena ilahay ha u danbi dhafo culuma iyo dulab iyo mujahidinba qabrigii madoba aynu wada xasuusano ,
    ilahay khayrka hayna wada wafajiyo

  13. ILLE KACABSADE says:

    WAR CULIMADA DHALINYAROOY IXTIRAABA, DIINA BARTA AAD OGAATEEN WAXA CULUMADU KA HADLAYSO, ILAAHAYNA KA BAQA.

  14. khaadimu-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ku: cadawga mujaahidiinta.

    … way xajiimoodaan haddii jihaad dhawaaqo …

    dad badan baa isbitaalada la jiifa xanuun ka asiibay jirka dushiisa ama gudahiisa sida xassaasiyadda ama xajiimoodka ama elerjikada hadba qofwalbaba u yaqaan ,waana la daawayn karaa haddii ay qaataan daawada ku habboon cudurkaas , waxaase dhibku ka taagan yahay haddii qofku la xajiimoodo jihaad markuu maqlo
    ama uu arko mujaahidiin sii ruqaansaday oo duulaan ku ah gaalo iyo gaalo raac.

    waxaa ka mida dadkaas jirran dadka la jirran shabaabul mujaahidiin ,khaas ahaan kuwa huwaday
    shaatiga diinta oo maslaxad aduunyo ka doortay
    inay xaqqa sheegaan waqtigii loo baahnaa in la sheego oo aan dib looga dhicin.

    haddaba dadkaas shabaabka laga raacay waxaan ugu naseexayn lahaa inay ka toobad keenaan xaasidnimada calooshooda dhex jiifta oo ay xasuustaan maalinka ALLAAH la hor imaandoono
    oo aan been la sheegi karin uurkuna dhawaaqi doono oo waxii lagu qariyay uu banaanka soo dhigi doono.

    naseexadaa haddii ay idin anfici waydo waxaad ogaataan in shabaabku shaqo heer sare ah ay wadaan ee kasoo qayb gala shaqadaas si aad u caafimaadaan.

    shaqada haddaad diidaan waxaad fariisataan guryahiina oo afkiina qabsada.

    haddaad afkiina ceshan waydaan qaylada sii wada
    inta mujaahidiintu idiinka imaanayaan oo abaalkiina la idin marin doono.

    ALLAHAYOW mjaahidiinta u gargaar meelkasta oo ay joogaan xaqqana ku sug xaasidkoodana halaag
    xabiibkoodna jannada ugu bishaaree.

    WALLAAHU ACLAM.

  15. Sharaf Daahir says:

    A/caleykum…..
    Marka hore waxaan Talo usoo jeedinayaa Maamulka Webkaan: Walaalayaaloow waad Ogtihiin Nabigu inuu NNKH Hilbaha Culimada kusheegay Xaaraame, ilaahay inta ka baqdaan Mas’uuliyadda Culimada halkaan lagu canjarafaynayo idinkaa qaadayee Rabbi uga baqa oo ama gabi ahaanba bannida Qaybta Commentska ama Inta fikir saliim ah uun soo gudbiya, Ogow Qofku wa ka hadli karaa Fikirkiisa, wuuna waafaqi karaa ama khilaafi karaa Culimada, lakin macal asaf Cayda culimada ilaahbaan idinkudhaarshaye ha fududaysannina ee inta culimada lagu aflagaadhaynayo kasaara oo fikirka uun soo gudbiya,Culimadu waa khulafadii Alle ee Dhulka ee Rabbi halooga baqo, hadday Alshabaab culimadiisa tahay, iyo hadda Culimada kale tahayba, Hilibkooda iyo waxka sheegoodu waa inaga xaaraam…..

    Tan xigta, Raggiinaan halkaan ku hardamayoo Fadhi ku dirirka ahoow, ilaah ayan idin ku dhaarshaye iskadaaya sheekh hebel ayaa saxan iyo mayee waa Qaldan yahay, oo inta Maalinta Qiyaame soo xasuusataan, Hooyooyinka iyo Awlaaddiina ku dayacan Dunida geesaheeda u fakara, War aaway Dhiiggii iyo Waddaniyadii Somalinimo, wallaahi waxaan ictiqaadsanahay Dadnimadeenna iyo wax qabsigeenna markii la arkay kadib in shirqool laynoo dhigey ooo aan ku kadsoonnay….
    Waanu idin baryaynaa oo Rabbiga awoodda leh 99 kiisa Magac ayaan idinku dhaarinnaye Hubka dhiga oo Dadkan dabar go’aya wax u qabta…
    Walaalayaaloow ilaahay ka baqa oo Sida inoo dhaama inta isu tanaasushaan…

  16. cali says:

    AAD iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa culimadii ku shirtey garoowe waxaana leenahay
    ????? ???? ??? ??????

  17. cali says:

    AAD iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa culimadii ku shirtey garoowe waxaana leenahay
    ????? ???? ??? ??????




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr. Cumar Imaan“waxaan u aragnaa Kenya inay tahay Meesha Qadiyadda Soomaaliyeed lagu qalo”
  2. C/qaadir Soomoow “Dadka Soomaaliyeed ee Hogaamiye Kooxeedka horey u ahaan jiray ee Dalka ka baxay ee rag Muqaawamada ka tirsan ay Dalka ka saareen, anagu raali kuma nihin in dalka laga saaro waa Dalkii ay u dhasheen inay ku soo noqdaan baan qabnaa”
  3. Maamulka Kismaayo”waxaan dadka u sheegaynaa in aysan jirin wax Dowlad cusub ah oo la soo dhisay ee ay tahay wixii hore ee Ridada ahaa ee lagu sameeyay Doofaareey iyo Embigati”
  4. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  5. Sh.Xasan Daahir Aweys “in Mujahidiintii dhex-deedii ama Dadka soomaaliyeed ee iska nabada ahaa in lagu jeediyo Xabaddii ama warankii lagu jeediyo waxyaalahaas ayaa Qalooc ku jiraa”

Latest Headlines