Guddoomiyaha ururuka UWSLF Sh. ibraahim oo aan ka waraeysannay waxa ka jira in ay itoobiya xabbadjoojin la saxiixdeen?

Published on April 6, 2010 by   ·   95 Comments   ·   print

Shabakadda somalimirror iyada oo ku dadaaleysa inay akhristayaasheeda u soo bandhigto xaqiiqada heshiiska xabbad joojineed ee la sheegay inuu dhex maray ururka UWSLF iyo dowladda itoobiya waxay wareysi toos ah la yeelatay guddoomiyaha ururkaas Sh.ibraahim maxamad xuseen, waxaana guddoomiyaha weydiinnay su,aalo  maalmahan la isweydiinayay oo la xiriira  xabbad joojinta dhex martay ururka UWSLF iyo itoobiya, wareysigii  oo faahfaasanna wuxuu u dhacay sidan:

Somalimirror :  sheekh ibraahim assalaamu caleykum

Sh.ibraahim: wacalykumussalaam waraxmatullaahu wa barakaatuthu

Somalimirror: sheekh ibraahim waxaa jira su,aalo la iska weydiinayo haeshiis xabbad joojin ah oo aad itoobiya la gasheen waxaana jecelnahay inaad kulankan arrintaas faahfaahin naga siiso.

Sh.ibraahim: marka hore bahda somalimirror aad baad ugu mahadsantihiin sida hufnaanta leh e aad u matasheen saxaafadda islkaamiga ah aad baana ugu faraxsanahay kulankiinna iyo inaan su,aalihiinna ka jawaabo.

Somalimirror:guddoomiyaha golaha shuurada ee ururukiinnu wuxuu sheegay inaad itoobiya xabbad joojin la saxiixateen arrintaas maxaa ka jira mase ku wada socotaan?

Sh. Ibraahim: Haa Heshiiskaas wuu jiraa  waana kuwada soconaa waana heshiis aan aniga  Gudoomiyaha ururka ahi amray Guddoomiyaha golaha Shuuradana anigaa u xilsaaray  inuu hogaamiyo guddiga wada hadalka.

Somalimirror: heshiiskan idin dhexmaray itoobiya waa mid noocee ah?

Sh.ibraahim: Heshiiska na dhaxmaray annaga iyo Ethiopia waa mid ku meel gaar ah oo xabad joojin 3bilood ah . Sadaxdaa bilood gudohoodana waxaa kulmi doona Golaha Dhexe ee ururka UWSLF oo go,aamin doona in horay loo sii socdo oo heshiis dhmmeystiran lala gaadho itoobiya iyo in kale iyada oo laga duulayo warbixinta uu golaha fulintu ka soo gudbin doono natiijada ka dhalata xabbadjoojinta iyo khiyaaraadka ururuka horyaalla xilligan.

somalimirror: maxaa sababay inaad heshiis noocan ah xilligan gashaan?

Sh. Ibraahim : Waxyaabaha sababay heshiiskan inaan galno way badanyihiin, waxaana ka mid ah:

1-    Horta asal waxaa ah wixii wada hadal lagu dhamayn karo inaan dagaal lagu raadinin maxaa yeelay sidaas ayaa kharash iyo dhibba yar.

2-  Waa Asal Islaami ah in Cadawga lala hadli karo siduu nabiguba sameeyayصلى الله عليه وسلم  sida heshiiskii Xudaybiya oo qodobadiisa ay ka mid ahayd in ninkii soo Islaama gaalada loo celiyo ka muslimiinta kasoo gaaloobana aan loo celinin hadana Ilaahay uu ku magacaabay Fatxi.

3-    Waaqica jirana maanta wuu keenayaa:

(a)  Shacabkayaga oo runtii maraya xaalada adag oo dhan walba ah (Xaga nolosha, Wax barashada diineed iyo maaddiba, Caafimaadka, IWM) oo u baahan inuu helo wakhti iyo waayo munaasib ah oo uu ku maareeyo mashaqada haysata si uu wax uga baddalo xaaladdiisa nololeedM, waxaa intaas sii dheer shacabku wuxuu soo maray wakhti ku dhow 20 sano oo usan ka nasanin dil,  dhac, kufsi, qixin iyo xabsi IWM inaan shacabkayaga nasinno intii suura gal ahna garbay nagu tahay.

(b)   Ururka oo u baahan inuu helo jaanis uu ku fakaro oo uu isku arko kuna tashado kuna qiimeeyo marxaladda uu marayo.

(c)    Dawlada Ethiopia oo muujisay inay diyaar u tahay wada hadal horaanna ka dhaga adeygi jirtay.

Intaas oo sababood iyo kuwa kale oo aana sheegin ayaa sababay inaan qaadanno heshiiskan ku meel gaarka ah.

Somalimirror : halkee ayuu ka dhacay heshiiskani side ayuuse ku yimid?

Sh. Ibraahim : Waxaana dhax maray laba kulan oo mid uu ka dhacay wadan yurub ah,  kan kalana wuxuu ka dhacay waddan  African ah oo aan itoobiya iyo soomaaliya midna aheyn. Wakhtiguna wuxuu ahaa bishii 2aad iyo bishii 3aad 2010. Wuxuuna ku yimid dad ayaa noo kala dabqaaday labadayada dhinacba aan ku kalsooneyn.

somalimirror: ma u maleyneysaa in ay itoobiya ka dhabeyneyso hashiiskan ay idinla gashay?

Sh. Ibraahim : Horta  wadahadalkani ma aha kii 1aad ee na dhaxmara Ethiopia. Kani waa wada hadalkii 8aad ee na dhax mara.  Lix wada hadal waan ku kala kacnay midna xabad joojin 6billood ayaan kala saxiixanay waxayna ahayd 1996kii. Ka dibna dagaalkii ayaa horay kasii bilawday markii la siku fahmi waayay rabitaannadii labada dhinac, Kan maanta ahna wuxuu la xiriiraa kuwaas hore. Anagu dhinacannaga waxaan isku dayaynaa sidii caadadaba noo ahaan jirtay inaan ilaalinno wixii aan isku waafaqno, Xaga Ethiopiana sidaas ayaan ka rajaynaynaa.

 

Somalimirror: ma isleedihiin hashiiskani haddii uu taabbo galo wuu xaqiijin doonaa himiladii dadweynaha reer soomaali galbeed?

Sh. Ibraahim : Hishiiskani haduu taaba galo waxaan isleenahay wax badan ayuu usoo kordhin doona shacabka ree soomaali galbeed. Marfka loo gudbo marxaladda 2aad ee wada hadalkana waxaan miiska soo dhigi donnaa rabitaanka shacabkayaga iyo himilooyikiisii, wada hadalkuna waa dagaal aan hubeysneyn wixii aan u aragno inuu shacabkayaga anfacayana waan qaadaneynaa wixii aan u aragno in uusan bulshadayada wax tar u aheynna ma aqbali doonno.

Marka aan sidaas leeyahay uma jeedo wax walba oo dadkayagu rabay way heli doonaan waxaanse u jeedaa wixii wax ku ool ah ee ka fiican sidan maanta ay ku jiraan, wixii naga dhimmanaadana waan u sii habeen dhaxeynaa wax kasta oo aad rabtana hal mar  lama wada helo, wixii aan la wada heleyninna lagama wada tago, xikmadduna waxay keeneysaa in wixii ku anfaca ee aad heli karto aad qadato waxa dhimanna aad raadiso sidii aad ku heli laheyd.

Somalimirror: ururka ONLF ee isaguna itoobiya la dagaallama arrintan ma ka wada socotaan?

Sh ibraahim : haddii aan nahay ururka UWSLF waxaan ku qanacsannahay in aanaan kala maarmin annaga iyo ururka ONLF qaddiyaddayaduna ay mid tahay waxaase caqabad nagu noqotay in hoggaana ururka ONLF aanaan ka helin dareenka noocaas ah sababtu waxa ay dooniba ha noqotee, dhinacayaga intii aan is laheyn waajibku wuu idinkaga dhacayaana waan ka dadaalnay inaan wanaajinno xidhiidhka walaalahayo, waxaanse ka xunnahay in xidhiidhka maanta naga dhexeeya uusan aheyn kii la rabay inuu ka dhexeeyo dad wadaaga diin, dal, iyo dadba, dhinacayagana gari labo nin kama wada qoslisee waxaan eedda  saareynaa hoggaanka ururka ONLF waliba dhinaca uu hoggaamiyo admiraal maxamad cumar cismaan.

Su,aasha ku saabsan in aan arrintan ku wargalinnay madaxda ururka ONLF jawaabteedu waa maya maxaa yeelay sida aan horay u soo sheegay nagama dhexeynin xidhiidh heerkaas gaadhsiisan, waxaanse haddadan muujinayaa inaan dhinacayaga diyaar u nahay in aan ajandahayaga mideyno col iyo nabad kaan qaadaneynoba, hadda waxa aan galnayna waa xabbad joojin uun waana la hubaa haddaan taladayada mideynno ama isu soo dhoweynno in qiimaha iyo waxa aan heli karnaba ka badnaanayaan inta midkayaba gaar ahaan  u heli karo, culimada,aqoonyahanka,iyo waxgaradka reersoomaali galbeedna waxaan ka codsanayaa inay arrintaas dadaal ku bixiyaan annaguna kama weynin wax dadkayagu ku taliyo.

Marka aan sidaas leeyahayna waxaan ogahay in ururka ONLF laftiisu kulammo gaar ah oo ugu yaraan saddex kulan gaadhaya la qaatay itoobiya.

 somalimiror: sheekh ibraahim aad baad ugu mahadsantahay sida aad uga jawaabtay su’aalahayagii

sh.: idinkaa mudan aad baana idiin soo dhoweynayaa mar walba iyo meel walba

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudoomiyaha Golaha Shuuradda UWSLF oo Shaaca ka qaaday inay Xabad joojin la saxiixdeen Itoobiya
  2. Guddoomiyaha UWSLF Sheekh Ibraahim oo ka hadlayay isku dhaca ONLF & UWSLF: “haa waa la xallin karaa khilaafka haddii dhinaca kale laga helo rabitaan dhab ah oo daacadnimo weheliso, gacmo shisheeyena aysan meesha ku jirin”
  3. Jabhadda UWSLF oo eedaysay Itoobiya
  4. Gudoomiyaha UWSLF Sh. Ibraahim Sh. Muxumed oo Ciida ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed.
  5. Sheekh Ibraahim oo Itoobiya ku eedeeyay in ay ka dambeyso hurinta dagaalada Soomaaliya

Readers Comments (95)

  1. Samatar says:

    AC,

    Somalimirror wey ku mahadsanyihiin xaqiijinta wararkii todobaadkan aanu maqlaynay ay kasoo xaqiijiyeen gudooniyaha UWSLF.

    Laakiin waxaan aad uga xumahay in Sheikh Ibrahim Dheere shalayna uu ONLF dacaayad iyo waa gaalo uu ku hayey maantana uu ugu yaboohayo in xabashi lagu isku dhiibo.

    Sheikh Ibrahim ONLF tigree urayso waxba kama baryeysee waxa aad idinka ka heeshaan ayaad leedihiin.

    Waxaase ka haboonaan lahayd inta aad ONLF ugu yaboohaysid in gaal tigree ah ay isku dhiibaan in aad ugu yaboohdid in aad gaalka wada laysaan, saasna aad isku kaashataan.

    Laakiinse ma dhicin, waana wax laga tiraanyoodo!!!…

    Mahadsanidin

  2. abuu mucaad says:

    asc ALLAH baa mahad leh naxariis iyo nabad galyo nabigeena MAXAMED korkiisa ha ahaato
    wallalayal somalimirror allah kheyr ha idin siiyo waana idin ducaynaynaa kor iyo hoosba qoraal iyo qoraal la;aanba sida wanaagsan eed aad warkiina u warisaan ugana dhortaan QABYAALAD cudurka somali maanta kala dilay.

    Tan labaad heshiiska sheekha waan taageersanahay waana ku kalsoonahay UWSLF ururkani waa urur aqoon dheer u leh dadkiisa dalkiisa iyo wiliba cadowdiisaba marka ma haboona in laga hor dhaco oo la yiraahdo waa isdhiibeen iyo wax la mid ah sida website yada qaarkood..waad mahadsan tihiin maqal noogu dara waraysiyadiina insha allah. w w c n m s c w…

  3. Sahal says:

    SCWW,

    Jazaakallahu khayral jazaa Sheekh Ibraahim.

    Waa hadal aan hogaamiye siyaasadeed soomaali ah ka maqlo kii ugu macquulsanaa isla markaana ugu miisaanaa,

    Xaqiiqdu waxay tahay in dadka reer soomaaligalbeed maanta u baahanyahiin inay ka nastaan colaada, jahliga iyo barakaca baahsan ee ku habsaday laga soo bilaabao 92dii.

    Waxaa jirta maahmaah qalaad oo macnaheedu noqonayo ROMA LAGUMA DHISIN HAL BARI. In gobalku xaalkan hada uu marayo ku jiro iyo inuu xornimo buuxda qaato waxaa u dhaxeeyo in la halo wax u dhaxeeya oo ah in dadku helaan jaanis ay wadcigooda nololeed, siyaasadeed iyo cilmiyeedba kor ugu qaadaan.

    Ururka ONLF oo sida sheekhuba sheegay isaga laftiisa ay nasoo gaarayso inuu wada hadal hoose la leeyahay Itoobiyana waxaan ku dhiiri galin lahaa inayna qadiyada shacabka sahlan, qof walba oo miyir qabana waa ogyahay inaan jawaan rasaas ah oo Eritrea si dhuumasha ah lagaga keenay wadan lagu xoraynayn.

    Mar labaad waxaan leeyahay Sheekh Ibraahimow hogaamiyaha wanaagsan ee geesiga ahi ma aha oo kaliya kan had iyo goor buunka dagaalka uun afuufa ee waa kan qaata heshiis iyo nabad marka uu ka dhex arko maslaxada dadkiisa iyo dalkiisa.

  4. xasan muse says:

    ASCWB,

    Shiikh ibraahim Hambalyo ilaahey hakuugu guuleeyo halgankaaga. Waa siyaasad fiican inaad talada hishiiska ama halganka aad kuwada socotaan.

  5. calideeq says:

    ONLF in sidaas loogalo way kufiicantahay haday kanaxsan yihiin awal gaalkii mujaahidiintu dilaan waxay dhihi jireen anagaa dilnay hadda wax kadheefa adinkaa la idinka wadi waayey jihaadkiiye.

    waxyaalaha heshiiska keenay waxaa kamid ah ciil mujaahidiintu uqabaan ONLF xin iyo munaafaqnimadii maxmuud cabaaska phalastiin ayey kadhamaan waayeen ka gura waakaas aan aragno beentiina meeshay gaarto eega.

  6. muse says:

    Manshalaah Ilaahay haku xifdiyo sh Ibraahim,.waa lahubaa hadayna xaasidnimo jirin inaad s/galbeed iskadayee afrikoo dhan xal ukeeni karto Ilaahayna ku siiyay aqoonteeda iyo kartideedaba

    heshiiskana waan soo dhawayninaa

  7. abukawsar says:

    subxanalaah ilahaban ka baryaynaa in u nasugo walaalha webakan ikhwani ilahayn khayr ha idin siiyio sida ad wax u so xaqijiseen runtise wa wax laganaxo waxa sheekhu ku hadalay wsc

  8. Prof abdi says:

    HESHISKA MANTA DHEX MARAY ETHOIPIA IYO WSLF WAXAA KAWANAGSAN HESHIS DHEXMARA ONLF IYO ETHIOPIA

  9. umu anisaa says:

    maaaaaaaaaaaaaaaasha allaaaah sh ibraahin dheere xafidullaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah noolow oo u tur dadkada insha allaah hishiisku wuuu guuleysanaya WA SULXU KHEYR

  10. Ibnu_saxwah says:

    salaamulahi
    marka ugu horaysa warka shiekh ibrahim waa xogdhamaystiran,horayna wadahadal hudnooyin way jireen,marna xaqoodii iyo kii dadkooda iyo dalkooda madhaafsan kuraas wahmiyee,qoray degta saareen maantoo aan filayo ay jirsadeen waxkabadan sano mafilayo inay katanaasuli doonaan Mabaadidii ay degta qoriga usaareen waxaanse leeyahay walaalaha dhaliilaya Mujaahidiinta UWSLF inay yihiin hooyadii jihaadka,waxaanan leeyahay 90 _kii haday Mujaahidiin ahaayeen,saw lama oran karo rag isdhiibka kusheegaya arinkooda “inlayiraahdo anigu Sagaashankii hadaan raayadda jihaadka waday adigu Maxaad ahayd”iyo weliba gabaygii jariir lagu yidhi ee ahaa “waakuwaa aabayaashay ee nookeena kuwa lamida marka laysugu yimaado kulamadda” Markaa hadii Itixaad uu kaa ahaa bal idinku maxaad ahaydeen.
    waslaam

  11. Axmed says:

    Ibrahiim wax walba oo uu ku hadlo haba yaraatee qiima ma leh waxuuna wadaa dhaqankii been abuurka ee meesha uu haddda joogo fadhiisiyay.

    Heshiis lawada galay ma jiro ee isaga iyo kuwuu horjoogaha u yahayba iyagoo foorara ayey is-dhiibeen.Ilaa iyo maanta Itoobiya warbaahinteedu eray kama odhan heshiiska uu sheegi. Tan kale sababaha uu leeyahay heshiiskey naga keeneen ee ah dhibka dadka haysta ma maantey bilowdeen?. Dalkaas 100 sano ka badan ayuu sidan ku jiraye maxuu kolkii hore u dagaalamayey?
    Wax badan buu ONLF dacaayad aan micno lahayn la dabataagnaaye soo hada masoo bixin inuusan mabda’ iyo meel loogu soo hagaago lahayn isaga iyo kuwii ka horeeyayba.

  12. Guure says:

    Xasbunallaahu Wanicmal Wakiil.

    1-Sheekhu wuxuu leeyahay: Soomaali Galbeed xor ma noqonayso oo Itoobiya kama kacaysee, ee aan waxaan ka heli karno Xabashida ka qaadanno.

    2-Sheekhu wuxuu qadiyadda Soomaali Galbeed ku soo koobay reer Soomaali Galbeed. Waxaanad ku garanaysaa: wuxuu baaq u dirayaa culumada iyo waxgaradka Soomaali Galbeed. Wuxuu u danaynayaa Soomaalida ku dhibaataysan Soomaali Galbeed. Sidaa darteed siyaasaddii cadawga ee ahayd in Soomaalida la kala qaybiyo ayuu meelmarinayaa.

    3-ONLF oo cilmaaniyiin ah, mujaahidiinta raadinaysa shariicadana la dagaala, maalin dhowaydna uu gaalo ku sheegaayay buu maanta walaalahayaga leeyahay.

    Allaahumma laa tajcal musiibatanaa fii diininaa.

  13. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …… askari dagaal ka cararaya miyaa ?…….

    1000 askari markaad dagaal galiso oo ay soo dagaalaan dhimasho iyo dhaawac ciidanka uu soo gaaro guushuna markaas u soo dhawaato baa hormoodkii ciidanku ku dhawaaqay inuu la heshiinayo cadawga isla markaana uu tanaazul rabo inuu cadawga u sameeyo, marka maxaa qarsoon oo la’iga qarsadaa waa kaas wax walba banaanka la keenaye ?

    haddaan ALLAAH laga baqayn qof walba waxuu rabo buu nafta u qaban lahaa ee dadaw nafta yaysan meel xun idinla aadin , shiikhana bal
    ha sheego waxa uu markii hore u qaaday qoriga haddana uu hadda amrayo in gaalada hudno lala saxiixdo walaw ay dhurwaayadu qaybta ka soo qayb galaane .

    WALLAAHU ACLAM

  14. SAYLICI says:

    ASALAAMUCALAYKUM WR WB

    SOMALIMIROR WAAD KU MAHADSANTIHIIN WARAYSIGA AAD KA HADASHEEN INKASTOO WARAR BADAN SHEEGAYAAN CIIDAMO IS DHEEBAY OO AAYDAAN WAYDIIN SABABO AANAN FAHMIN SAX WAA MAQALNAY WAR SAXAAFADEED BAY KUSOO SAAREEN WARKA AMA SU AALAHA LAFDHABARKA WARAYSIGA WAXAN LAAKIN XILIGA LAGU SOO BEEGAY WADA HADALKA INUU YAHAY HILA AA MUNAASIB AHAYN HADUUBA YAHAY SIDA LASHEEGAYO WAXAN LEEYAHAY KOLAY WALAALUHU WARKAN ISKU RAACI MAAAYAAN HADII LAYS DHIIBO WAXAN LEEYAHAY ILAAHAY HA INA SUGO SABAN FIDNAA LAGU JIRAAYE

  15. aka says:

    sheikh ibrahim miyuu ilowbey halgankuu wadey mise wax kaweyn baa loodhibay shacabka yaan been loosheegin hadii illaahey laga cabsan waayey.

    ugedo dagaal loogal oon lagaadhin yaa laisdhiibey waa wax laga yaxyaxo.

    ONLF waxaan dhihi lahaa waa maalintii ninkii wadanimo iyo islaamnimo ugu jirey jihaaddka la, ogaan lahaa halganka wada illaa ay somlida ogadeniya xorowdo inshaa allah

  16. Halgame says:

    Asc wr wb ,,,,,

    Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay Akhrisayaasha Webkan iyo si aay xaqiiqada uga fogyihiin qaarkood , waxaana la si yaaba markii aan arkay afkaarta aay ka dhibanaya waraysiga Sh. Ibrahim Dheere . Hadii Alle laga cabsanayo oo xaqiiqo iyo wax usoo kordha la rabo Ummadeena Somaligalbeed waa in wax walba runta halaga sheego xitaa Sh. Ibrahim naftiisa wax badan oo unaa Xaqiiqada ka sheegin ayaa jirta .
    UWSLF waa ururka ka jira af ahaan laakiin aan lahayn awood Ciidaan oo aay kaga dagaal galaan gudaha Ogadeniya wakhti xadirkan la jooga . Dhamaan ciidankii UWSLF wuxuu kala raacay Alshabab iyo Hizbul Islaam waxaa kale oo jira qaar raacay ONLF . Waa hadii aan alle ka cabsanayo oo aan wax walba xaqiiqada ka sheegayno Ururka waxaa soo foodsaaray xaalada adag oo khatar galinaysa jiritaankiisa , Waxaayna go,aan ku qaadeen Gudiga Fulinta iyo Golaha Shuurada inaay Ethiopia la galaan wada-hadal waxaana wada-hadalkaas Uwslf iyo Tigree u kala dab-qaadayaya Madaxaweyna Sheikh Sharif oo aay Ethiopia isagana la heshiisaya Ahlu-sunna Waljameeca . Waxaana lagu qanciyaya inaay marka hore hub-dhisamayn maamulka Kililkana kaqayb-qaatan . waxaa 03-04-10 isoo dhiibay qayb kamid ah ciidankii UWSLF ugu danbeyay oo dhan 25 askari oo hadda ku jira Xeradada Ciidamada tigree ee kifladoorka, waxaana laga dhigay hubkii ciidamadan . Marka fillaah ayaan idiinku dhaarshe Xabad-joojin iyo isoo dhiib ma isku midbaa ?
    Waxaa jira dad badan oo aan wadan maqal mooye aan aqoon kale u lahayn jabhadaha ka halgalana aan waxba kala socon, marka wax lama yaabayo af kasta wuu hadlaa , isla wakhtigana aan commentiga qorayo ayaa ugu soo dhacay dagaal xoogan oo ka dhacay Duleedka Magaalada qabribayax meesha la dhaho Haro-khaliifo dagaalkaas oo dhexmaray Ciidamada Wadaniga xoraynta Ogadeniya iyo Tigree oo kaashanaya Daba-qoodhiga waxaa isla dagaalkan laga dilay Ciddamada gumaysiga iyo kuwii la socday 25 , waxaa kale oo dhawaca la gaarsinay ila 40 . Qabribayax waxaay u muuqataa Magaalada jigjiga oo aad wada taqaana halkaas ayuu maraya dagaalka naftood-hurayaasha daacada ah ee aan mushahar ku qaadan xoraynta Dalkooda hooyo, warkan waxaad ka tixraaci kartaan Webebka ama xiriir ayaad la samayn kartaa dadka aad taqaana wadanka.
    Sh.Ibrahim dheere wuxuu sheegay inaay JWXO la kulantay Ethiopia 3 jeer, arrintaas waxaan umalaynaya Ururkiisa ayaa lagu beerlaxawsaday sababto Jwxo Ethiopia waxaay ku xirtay 3 shuruudood oo caalim ah, Tigreegana ma rabaa inaay kula galaan wada-hadal caalim ah ee waxaay rabaan inaay kula hadlan qaab yasid oo hoose taasna ONLF diyaar uma aha waayna ka kortay waxaa leedahay ONLF thinktank ee ma aha si UWslf Urur afka ka jira , waxaay leedahay 42 jaaliyadood oo ka hawlgala adduunka oo dhan , waxaa kale oo leedahay kaadir ugu yaraan gaadhaya 500,000 oo ka hawlgala wadanada Reer galbeedka waay leedahay saxiibo badan oo ajnib ah oo kala taliya Hawlaha caalima ah ee ma aha nin marna Qadariyo Nariobi jooga marna Burco iyo Kismaayo jooga oo af ka noolayl ah .
    Waxaa maanta fiican lahayd hadii aay isku-dhiibay lahayn ONLF taas ayaan guul u arki lahaa , laakiin Ethiopia waan ka naqaana Sheikh Ibrahim dheere sababto ah aqoon badan uma laha ee ethiopia maqal ayaay u tahay. waxaan hadalka kaga bixi lahaa baal aan ogaano meesha ay danbeeyso Xabad-joojinta iyo is-dhiibka UWSLF.

  17. abuu mucaad says:

    asc jazakalahu khery waa fikrad iyo rayi aad u wanaadsan allah hakaa ajarsiiyo…

  18. somali says:

    a/warxamatulahi wabarakatuhu
    Waad mahadsantihiin sida aad warka usoo cadyseen waayo waan kashakisanayn inay dhicikarto in nin xabasho yaqaanaa uu heshiis lagelikaro waxaan sida uleeyahay Nebigu(salalahu calayhi wasame) wuxuu inoo sheegay mumminka inaan god laba goor laga wad qaninin sh ibrahina wuxuu inoo sheegay inaguna aan oganahay inaaney xabasho balan lahayn uguyarana 6 goor ay balameen oo ay kabaxaday miyadaan ogayn somaila markay sookunguriyaeysay imasa xabad jojin lagashay mujahidiinta oo markay bakhtigedii uarursatay ay sooduushey waxan u arkaa mujahidintu inay arinkaan ku deg degen magaranayo inay sida xabasho dodnayso iyaguna donayan inay isdiyarshan oo dhawacadoda iyo hubkooda diyarsadan lakiin xaqiiqadu waa xabasho balan malaha diina malaha waa yuhuud yar ray laa cahda lahum sidaa ha lagaado oo waxab yaar durbaan lootumin xabashaanu heshiiney waa riyo ee jihaadk jihaadka markey jilicdey hishiis doonataa yaan looga sookicin
    Allah xaqa iyo ehelkiisa hauhiiliyo

  19. Ali says:

    Asc waan ku salaamyo I don’t believe this reconilition yaab What that.

  20. Haajir says:

    Mantaga Ibrahim Dheere ha iska duwa yuu ku odhan hadda kadib wadaad ayaan ahay walee diin dambe ayaan lagaa dhagaysanin Ibrahim Dheroow maantana waxaad Maxbuus u tahay waa Itoobiya Mana jiro wax heshiis ah oo idin dhexmaray idinka iyo Itoobiya haduu jiro may Itoobiya ka hadasho waxaad umadda kala tagaysaa dhibkii aad ku hayseen iyo diinta aad ka beenshegayseen waa mahad Ilaahay. Maanta ayay umaddu midoowday ONLF uma socoto halka aad wax ka daydeen.

  21. Cali Guure says:

    salamu calaylkum

    al-sheekh Dr Ibrahim Maxamed Wareysigiisa runtii waxaa uu isugu jiraa

    1- Daliilka hudnada sharciga ee ay ku dhiseen hunadooda ama xabad joojinta.

    2- khalfiyaadka ama waxa keenay heeshiiskan

    3- Natiijada ka dhalan karta

    6. Sida uu diyaar ugu yahay midayn ONLF xag siyaasadeed

    7. Sida uu ugu danqanayo shacabka jabay ee Soomaali galbeed

    iwm

    Marka Sheekha Diktoorka waxaa uu wareysigiisa ku koobay cilmi, aragti, hoggaamin wanaagsan, ka dambayn culimo iyo u danayn shacbigan jabay.

    Waxaa uu wareysiga dersi fiican u yahay shabaab hoggaankooda axaadiga ama keligii taliska ah oo aanan la imaan karin:

    Cilmi
    Marjiciyad cilmi
    Muujin weji
    Sal u yeelad joogtayn colaad
    Geessinnimo naadir ah
    Wada tashi
    iwm

    Waxaa hubal ah in Diktoor sh,Ibraahim Mareykanka muddo badan xabsiga ku hayeen, dabadeedna soo dhoofshay, maantana u muuqdo hoggaamiye leh karti iyo aqoon islaamiyeed.

    Waxaa shaki ku jirin muujinta wejigiisa ku tusinayso geesinnimo dhab ah halka Godane dhuumalaysi ku nool yahay.

    Waxaan ku qoslay markii aan maqlay inay shabaab bililiqaysteen laba urur oo samalfal oo ay lahaayeen Ururka Itixaadka Soomali galbeed iyo Dr Maxamed Weli oo muxaadir ka ah jaamacadda umul qura, ahna asaaasaha jamacadda Kismaayo.

    Waxaana ka darnayd cilmi darrada ay ku andacoodeen markii ay bililiqaysanayeen aqoonta agabkeedii. Iyo markay dhaheen Sheekhan Mujaahidka ah waa jaajuus.

    Towxiidka haddii aanan macaalimtiisa iyo walaaltinnimada uu amrayo laga runsheegin waa sheegasho.

  22. imaam says:

    Walaalayaal sc dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaana ummada s/g

    ONLF HAOGAATO ILAAHAYNA IN LOOGA DHOWYAHAY GAALADANA LOOGA DHOWYAHAY…..

    Hadaan wax yar jilciyo waxay ku andacoodaan wax diinba sal kuhaya inaan horumar lagu gaadhayn..

  23. Guhaadshe says:

    Asallamu Calleykum.

    Horta Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatay Illaaha Weyn ee Waaxidka ah. Marka xiga SomaliMirror ayaan u mahad celinayaa. Tan saddexaad, heshiishka xabad joojineed ee dhex maray Mujaahidiinta UWSLF iyo Itoobiya, waa mid Mujaahidiinta siinaya wakhti iyo fursad ay uga faa’ideystaan, siiba haddii loo baahdo in dagaalka gacan ka hadalka ah dib loogu soo laabto.

    Sidoo kale, marxallada qalafsan ee xilligan dadka iyo dalkuba marayo ayaa ah mid laga fiirsado si ay dadku u hellaan xoogaa nasiimo ah. Heshiikan ku-meel-gaarka ahi waxaa dhici karta in ay ka soo baxaan natiijooyin baahi loo qabo. Haddii ay sidaas noqon weydo oo heshiishkan la isu-mari-waayana waxa ay natiijada ugu dambaysa noqonaysaa in halkii uu dagaalka jihaaddiga ahi ku shakaalnaa laga sii waddo.

  24. Guhaadshe says:

    Dadka aflagaadada Hooska-tuurka ah wada, waxaan ku boorin lahaa in ay ka waantoobaan wixii afxumo iyo meel-ka-dhac keeni kara. Dabcan haddii aad qallad u aragto Heshiiskan ku Meel-Gaarka ah, wuxuu qof waliba XOR U YAHAY in uu dhiibto Rayi’giisa. Hase ahaatee waxaa qallad ah in qofka dhiibanaya rayi liddi ku ah Heeshiiskan ku-Meel-Gaarka ahi uu adeegsado julmado aan qaban meesha. Sidoo kale dhalliisu waa banaan tahay, waana wax loo baahan yahay. Balse yaan laga tallaabsan anshaxa suuban iyo xeerasha u yaalla wax-dhalliilista iyo rayi dhiibashada intaba.

  25. Cali Guure says:

    Haajir

    Waxaad u hadlaysaa sidii Mooryaanta. ONLF aniga wada caayi maayo laakiin Mujaahid Ibraahin dheere siiradiisa iyo hoggaankiisa waa la yaqaan maana gari karaan ee masayrka dhaaf. Waa nin diric ah oo islaami ah oo u dhashay gobolka, kana dhiijiyey gaalada xabashida.

    Laakin nin ONLF hoggaamiyo sow ma aha kii dilay ina Siraad dolaal oo Ciidamada badda Soomaaliya hoggaamiyaha ka ahaa oo maanta reer qoraxeey iyo Soomalida kale ee ku Gobolka Ogaden iwm ku diray ONLF dhiigga shacabkana banneystay.

    Midda kale ONLF maha urur ka tarjumi kara himilada Soomaali galbeed iinaga oo qadiranayna dagaalka qaybta ay ka qaataan.

    Dhibka ay u gaysteen Itixaadka Ogaden ka dagaallamayey waa mid u baahan in wax laga qoro taariikhdana illaabi doonin.

    ONLF waxay u baahan tahay inay Allah u towbad keento oo joojiso leefida kabaha Mareykanka iyo ingiriiska.

    ONLF waxay la mid tahay agtayda sida Ururka PLO oo doonay inay keligood shacbiga meel ugu xirnaado laakiin markii ay Xamaas iyo Jihaad soo baxeen shacbiga tuseen diin, hoggaamin iyo geesiinnimo dhab ah. Taasi oo maanta PLO ka dhigtay shell eber ah sida PLO halka Xamaas ka tahay faacilka dhabta ah ee gaalo oo idil ka baqdo, difaana shacabka miskiinka reer falastiin.

    Xamaas waxaa la mid ah maanta Itixaad ee ONLF fadlan joojiya cabaadka ee ku biira Itixaadka oo yeesha xikmada UWSLF, haddii kale beenta dhaantadiinna iska tunta iyada oo uu hoggaamiyihiina maalin walba gacta u hoorsado lacagta cayrta ee gaalada London xaqiraadda ku siiso.

  26. Sahal says:

    Ku: Halgame.

    Walaal anoo aad u qadirinaya fikirkaaga hadana dhulkii waanu ka war haynaa, dagaalkana aad sheegtay in cadow lagu naafeeyay ee ka dhacay qabri bayaxna kama duwana naahuurada maalin iyo habeenba laga afuufo radioxoriyo. 40 ayaan dilay, 60 baanu dilay waxaay ugu darayd mudo hada dhowr bilood laga joog markay ONLF yiraahdeen waxaan dilay 900 oo askari.

    Hadaan dagaal gashaan oo intaa dili kartaan gaalada dhafoorkeeda ayaa laga garan lahaa, xaqiiqduna waxay tahay itoobiyo hadii afartan ama 60 askari laga dilo waxaa dagaalkaa galay itixaad, tusaalana waxa kuugu filan waligeen maynaan maqal onlf diyaarad lagu weeraray halka inta badan goobaha mujaahidiinta UWSLF joogaan si joogta ah loogu weeraro diyaarado.

    Beenta ONLF in yar ila fiiriya:

    Mudo hada laga joogo 5 sano ayaa aniga iyo nin aan tol iyo saaxiiba nahay oo ka tirsan onlf wada dhagaysanaynay radioxoriyo. Warkii ayaa soo galay markaasaa la sheegay dagaal ba’an oo ka dhacay aaga Gabogabo ee Qoraxay. Wariyahii ayaa yiri waxaan khadka thurayaha kula xiriiray taliye ka mid ah kuwii dagalka hogaaminayay oo jiida hore jooga.

    Hallo hebel ma i maqlaysaa?
    Haa si fiican
    Bal wax nooga sheeg sida wax u dhaceen.
    Ninkii la sheegay inuu gudaha joogo ayaa sidii caadada ahayd afuufay war dheer nuxurkiisu ahaa inay ciidan boqol ku dhow ka dileen tigreega maxaabiisn gacanta ku hayaan ayna si fiican ula dhaqmeen.

    Xoogaa markuu sheekadii waday ayaan gartay codka ninka hadlaya oo xaqiiqatan ahaan saaxiibkaygii ila fadhiyay. Inta fiiriyay ayaan ku idhi war hebel war inaaderow naftii hurahan gudaha kasoo hadlaya sow adi ma aha goormaad inta waxaas oo mashaqa ah kasoo qayb qaadatay hadana soo noqotay?

    Isagiina inta qoslay ayuu iigu jawaabay DADKA WAA IN NIYADA LOO DHISO SI AY HALGANKA U XIISEEYAAN QAARAANKANA U BIXIYAAN.

    Waxaa kaloo aan u soo joogay in nin saaxiibkay ah akhlaaq iyo runa aan ku bartay iiga sheekeeyay qisadan:

    Waxuu yiri: Waxaa maalin telefoon iisoo dirtay gabar aan adeer u ahaa oo joogta wadan ka mid ah kuwa qurbaha, markaasay i tiri adeer radioxoriyo ma iga dhagaysatay? Maya adeer oo maxaad sheegaysay? Gabadha 12ka nin kufsatay iyadoo joogta qarrijuqood hadana la keenay xeryaha qoxootiga kenya oo la daawaynayo sow ani ma aha ayay tiri.

    Adeer maxaa waxaas oo been ah kaa yeersiiyay haduu waydiiyay waxay ku jawaabtay qoladan radiyaha maamusha ayaa igu yiri iska dhig haweenay la fara xumeeyay oo ooyaysa.

    Anigu maalinkaas ayaan masalaha ka duuduubtay meelay fadhiyaan taageerayaasha onlf, markaan saa leeyay ma diidani in gudahii dhib ka jiro oo dadka la dhibo, balse onlf ma aha kuwa ka turjimaya dareenka shacabka ama ay dhib ku hayso ee waa afar jeeblayaal ka macaasha dhiiga dadkooda qaaraan beenaadna ku uruursada.

    Wadani waxuu yiri 5000 oo kadir ayay dibada ku leeyahiin , waa suura gal oo in badan ayaan arkaa rag iyo haween xijaabnayn oo wadan qurbaha ah inta hool isku soo xireen dhaanto tumanayo oo dhididka ka bixi aada fooda galin karin, balse waa kala labo xorayn wadan iyo dhaanto iyo riwaayad dibada lagu qabsado.

  27. ayman says:

    Adeer ibraahim wuu fashilmay isaga oo foorara ayuuna isu dhibay cadow gaalo kuwii u liitay ah.

    mida kale ethopia ayaa fulinaysa in dacwo xor ah ay wadaan hubkiina ka dhigtay ma taas buu la soo shir tagay?
    onlf iyagu waxay yihiin horey baa loo ogaa lakin nimankaan somaligalbeed waa wadaado ayaa la is lahaa.
    koleey hadana rag baa ka biyo diidi doona iyagaan hiil iyo hoo la garab taagannahay anagu.

    gaalada dhibka ay ku sabar tay maxaa idiin diiday?
    shacabka 100 sano ayaa lasoo dhibayay hadana waa looga sii darayaa ileen cid difaacda ma jirtee kuwii xoogaa duurka taagnaan jirayna wey isdhiibeen

  28. Abu fatima says:

    Wadaadada soomaalida waa yahaan karbaashyo badan baa kudhacay kanina kuwii horuu kubiirayaa
    waxaanse rabaa inaan ujawaabo ninka labaxay cali guure kaba itoobiya iyo maraykanka armaa lawada leefay arintuna tahay hooyo qoodha lama uleeyo
    hadalku haduu waayo cadaalad wuxuu beelaa qiimaha hadal lagamana sugo waxtar iyo dhadhan toona
    Mida kale itobiya mashalay been sheegi jidhay oo maantay run usheegi sh ibraahin mise wali waa beenteedii
    Midakale itoobiya danteeda way taqaan heshiis kanoo kale lama yiraahee waa isdhiiibide waxay kudoonaysaa inay doorashada kugasho si tigreedu ugu soobaxdo xukunka markale kuna andacooto waan keenay kuwii inagu haystay kursiga karbaashaana waan lasugayaa
    Ugu dambayntii miyaad aragteen wax qodobo ah oo uuleeyahay heshiisku
    Ceebu laba maahan

  29. Abu fatima says:

    Alow qabad lahaydaa
    Intaan qawlku kaadhicin
    Qaadashadu wacnaydaa
    Qodobadi horawjiray
    Quruumaha dhibkiijiray
    Wax ku qaadan laydaa
    Inaan qodob xiraa jirin
    Gumaysiga laqabankarin
    Qiilkaa baxshaa jirin
    Quwadaada mooyee
    Qaadirkuna kukaalmayn
    Qalad yadi lasoo galay

    Qooma mayn lahaydaa

  30. Abu fatima says:

    Waxaan layaabanahay waxaa weeye kuwa heshiiska kusheegaaya isdhiibidaan waxaanse kalasii yaabanahay kuwa ONLF ku eedaynaaya gaalo raacnimo inaalilaahi wa inaa ilaahi raajucuun inbadan dadkaan diinkoodii wuxuu noqday hide raac hebel reer hebel war ragaani harcad bay iibsadeen sharafkoodii diinkoodii umadoodii intaba heshiisna lama dhoho waxaan mana ahan inaad been naftiina kadhaadhicisaan xaqana saas uga beensheegtaan midakale qofka wuxuu ahaan jiray laguma qiimeeyee wuxuu hada kaga sugan yahay wuxuu ahaan jiray ayaa lagu qiimeeyaa waxaanu kala garan la,nahay cilmaanigii diin laawihii iyo qofkii diinka sheeganaayey midakale heshiiskaan madhicin laba bilood kahore sanadkii labadakun iyo sagaalka bartamihiisii ayuu dhacay waxaana la abuuray urukii lagu badalilahaa ururkaan iyo kaad eedaynaysaanba qolyihiina qalbijabku kubaahay

  31. Cirba dheere says:

    ascwrwb.
    Sheekh Ibraahim dheere Allaha xifdiyo, waa waaya arag diinta Islaamka iyo maadada dunida taalaba aqoon dheer u leh.

    In wada hadal uu qaato oo wiilashu aysan ku baabin dagaal mirhiisa loo jeedo wey habooneed, tan kale jihaadku waa wasaa’il lagu xaqiijinayo hadaf hadii hadafkaa la helayo ayadoon dhiig ku daadana waa wax loo baahanyahay.

    aadbaan ugu kalsoonahay sheekh ibraahim axmed Allaha xifdiyee tan kale sheekh ibraahim godob bey somali iyo muslimiin oo dhani ka galeen, waagii maxaakiimta sh ibrahim dhagaha alaga fureystay ONLF na ayadoo naago wadata askar ayay xamar kasoo dageysay oo Asmara laga keenayay.

    Shabaabkii Somaligalbeed tagayna waxay laayeen mujaahidiintii somali galbeed qaar ka mid ah ONLF sidoo kale inta Itoobiya ka dishay mujaahidiintas inta ONLF ka dishay ayaa ka badnaa.

    Sheekh Ibraahim waa nin macquul ah waxaase jira laba urur oo kala ah alshabaab iyo ONLF oo labaduba dacaayad ka dhigi doona gaal baa la isu dhiibay iyo Alshabaab oo sheekhu ka digay waagii maxaakiimta waxa ay soo wadaan oo dadka caqli gaabka ah u sheegi doona in sheekhu uu ridoobay waa sida qof walboo ay fikirka isaga horimaadaan ku shaabadeeyaane.

    Sheekh Ibrahim waxaan leenahay qaado hishiiska oo is diyaari markaad diyaar garowdana waaqica la tasho wa jazaakallaahu kheyran.

  32. Abuzeyd says:

    Ibraahim dheere waa iyo kooxdiisa waa niman gaalo isku dhiibay marka waxeey qadan doonaan xukunka Shariif murtad markastane oo rag mujaahidin ah kala jabaan waxaa kasoo hari doono rag sugnaado oo Allah SWT siiyo guusha ugu danbeyn marka qashinka haray haka wal walina wasaqdooda unbaa hadhay.

  33. Muhsin says:

    Cali Guure,

    Horta waxaan u malayn qolyaha afka halganka xaqa ah ee Ogadenya afka kula dagaalama in aad tahay, sidaas waxaan ugu maleeyey daliilaha aad cuskataya, waxaana ka mid ah.

    1. Dilkii loo gaystay Dr Mohamed Doolaal, wallow aduunka oo dhan uu ogaa in ay Ethiopia dishay sawirkiisa ay soo dhigeen internetka BBC-da iyo VOA-na ay ka sheegteen. ayaa hadana dusha laga saarayaa ONLF – waa cajiib!.

    Arinka dilka Doolaal dusha laga saarayo waxaa la soo alifay 4 bilood ka dib markii uu dilka shacay, nimanka soo alifayna badankooda waxay joogaan England, waxayna dhaheen ONLF ayaan ku kale burburinayna maadaama marxuumka ONLF ka tirsanaan jiray, markii ONLF laga saarayna uu sheegan jiray inuu yahay garab.

    2.Qaababka iyo dadka ay Ethiopia dagaal (propaganda) galisayna waxaa ka mid ah;-
    A. In geerida marxuumka oo ay Ethiopia dhowr bilood qiratay dusha laga saaro ONLF.
    B. In cududurka soomaalida ee qabiilka laga faa’iidaysto oo la yidhaahdo Admiral Mohamed Cumar Cismaan ayaa dilay (Your argument 1).
    C. In halganka Ogaadeenya la kala furufuro iyadoo la leeyahay gobol hebel iyo gobol hebel kuma kiro (your argument 2).
    D.In ONLF la dacaayadeeyo iyadoo la leeyahay Islaam ayey ka soo horjeedaa, gaalo ayaa adeegsata etc (Your argument no 3).

    Inaan ku sii dheeraado ma rabo, laakiin Cali Guuroow inaad iska dhex aragto unbaan filayaa iyo sida aadan dadka ugu dhuuman karin.

    Mahadsanidin

  34. Abu fatima says:

    somalimirror mawaxaad matashaan dadka qaar kamida dicaayada hooda qaarna waad kudhib qabtaan waxay qoraan haday saxan yihiin hadaad diidaan inaad ogolaataan inaanu sheegno fikarka aanu qabno kana qabno arimaha soomaaliya waxaan haysanaa meelo badan oon kaheli karo inaannu tacliiqayaga kusoo bandhigto lagumana saxo khaladka nin jeclaysi iyo inaad dadka qaar isxijisaan

  35. RAAXEEYE says:

    Ilaahey xaqa ha nagu sugo.

    Meesha loo socdana waa qiyaamo inta maalinba jihaad been ah dhalin yarada lagu hoobiyo hadii aduunyo iyo kuraas lagu doonto Alle isagaa wax walaba la socdo.

    Waxaase nasiib daro ah in been iyo madadaalo media yaha lala soo fadhiisto Xabad joojin ayaan galay iyo ciidamao hub ka dhigis lagu sameeyay waa kala laba anigu ma ogi hadii qaarna la yiri hubka dhiga qaarna la yri hubka qarsada waxaane ka warqabnaa hub ka dhigista dhacady oo ragii goob jooga ahaa aan ka wareeysanay.

    Waxaan sugeyna rag badan oo jihaad jihaad ku qeylin jiray oo berito dhihi doono argagisisada shabaab hala laayo sida ay janaqow iyo shariif u yiraahdeen

    Qof walbow Alle weydiiso in uu xaqa ku tuso kuguna dilo in Alle uu ku oofsado adiga oo uu raali kaa yahay gaalana aan isku dhiibin.

    Ninkii Jihaad Alle dartiis rabow qalbigaaga ka xir aduunyo kursi, maal iyo raaxo aduun Allow na sug ma dhawa kala baxa kuwa kale ayaa soo socda oo dhawaan xamar ka dhax qeylin doono ha dhararin

    Raaxeeye
    Mogadishu

  36. Abu fatima says:

    Somalimirror waxaad udhaqantaan inaad utihii wasaarada warfaafinta qolyo gaar ah waxaan hubaa markaad akhridaan qoraalkayga inaydaan ku arkayn been iyo nin jeclaysi waxaad rabtaana waa inaan beenkusheego ra,yigayga

    Buubbuunsha beenaha
    dadqaar aad kubadateene
    Xaqa ood kabaydhana u arag
    khayrka badintiisa
    Bulshadiyo dadkeenana
    kajira yey baraarugine
    Hadba fulaygi baalnaga marana
    biixiyaha tiirsha
    Ninkastoo shirkiga baabashana
    beenshahadalkiis
    Soo bandhiga khiyaanada
    shacbiga waa xaq
    loo bogaye
    Hareeraha barkii naga marana
    badi amaan tooda
    Intaasoo waxaad baafisaan
    Boog xanuun badanleh

  37. Cabdalle says:

    Cali Gurre war beentu kula dhib yaraa…kkk

    Ibrahim Dheere wuu fashilmay, Ciidan awood leh baa Heshiis gali kara, ONLF oo kale Itoopia wadahal wuu dhex mari karaa maxaa yeelay waa Ciidan aad u balaadhan oo Gobolkasata Xeryaha Ciidanka ku weerara, Xag siyaasadeedna maanta Itoopia nimanka hormuudka u ah fashilinta Dowladda Itoopia Waa ONLF…Waa Xooga oogu Culus ee Itoopiya mucaarad ku ah.

    UWSLF Ciidanna ma hayso, kalsoonid shacabna ma hayaan markaa Xitaa ONLF wax ay ku kordhin baa iska yar haday ONLF wada noqdaan…96kii wax ka danbeeyay oo Itixaad iyo UWSLF Tigree ay wax yeelan markaasaa oogu danbeysay intaa wixii ka danbeyay shaqsiyaad kasoo xadhay baa sidii ganacsi Carabaha Magaca lacag kaga urur sanayey…

    Xabad Joojin…kk Xamas iyo UWSLF Good Joke! kkk

  38. abucaisha m/ ah says:

    as/wr/wb/
    salaankabacdi,
    ilaah baa mahadleh (swt)-rabiggeena awooda leh oo ina abuuray waxaan ka baryayaa in uu nawaafajiyo sida khayrku ku jiro ,
    inataa kabacdi .
    war kan soo yeeray j/s/galbeed ama itaxaadkii hore waa war ay soo dhawaynayaan umada reer soomaali galbeed ama gobolka ogaden midkaad rabtaba dhahoo / maxaayeelay waad la socotaan xaalada umada soomaaliyeed meesha ay marayso dhibaatada ugu badana iyaga ayay haysata / hadii heshiiskan uu taaba gal noqdo bedelkiisana lahelo nabad iyo horumar iyo wada noolaansho ay noobadbaado diintaada iyo maalkaaga iyo dhiiga daadanaya maalin walba waxay ila tahay faaiido wayn oo inoo soo hoyatay umaduna way ku rayn doontaa inshaa alaah . URURKA ONLF WAXAAN LEEYAHAY KOLABA LAGAMA YAABO OO WAA SHIBHU MUSTAXIIL IN AAD SIDAAS AAD KU SOCOTAAN XORIYAD LAGU GAADHO MAXAA YEELAY
    1- UMADII MA MIDAYSNA
    2-TAAGEERO CAALAMI AH MAJIRTO
    3-IDINKU AWOOD UDHIGANTA IYO MID KUDHAW TOONA MALIHIDIN
    4- UMADA KHASAARAHA SOO GAADHAY AAD AYUU UBADAN YAHAY XAGA WAXBARASHADA /XAGA CAAFIMAADKA /XAGA DIINTA IYO WACYIGELINTA /XAGA DHAQAALAHA NOOCKASTA IYO DHAMAAN DHINACYADA HORUMARKA MIDWALBA ,, WAXAA INTAA DHEER UMADA SADEX MEELOOD MEEL AMA KABADAN OOGOBOLKA UDHASHAY QURBO IYO QAXOOTI AYAY KU RAFAADSAN YIHIIN / MANA SOO MUUQATO RAJO LA BILDHAAMIN KARO OOD UMADA KUSII HALAAGTAAN AMA KU LUGOYSAAN , MARKA WAXAAN KU BOORIN LAHAA DHAMAAN URURADA GOBOLKA U HALGAMAYA WAA INAY MASAARKA HALGANKOODA ASAL AHAAN WAX KA BEDELAAN !!! WAX LA QAYBSADAAN LANOOLAADAAN ITOOBIYA INTA FURSAD AY HELAYAAN AY LAJAANQAADAAN OO AY KA FAAIIDAYSTAAN
    TAA BEDELKEEDA MAXAA LA HELAYAA
    1-IN AY ARWAAXBADAN OO MAALIN WALBA DHIMATAAYI BADBAADO
    2-IN UMADA WAC YIGEEDA KORLOO QAADO
    3-IN UMADA AY WADAN KOODA HOOYO DIB UGU SOO LAABTAAN MAALNA GASHADAAN
    4-INLAGA BADBAADO CALOOSHOOD USHAQAYSTAYAASHA UADEEGA MALASE SIDA MADAXDA SOM/LAND IYO PUNT/LAND
    5- WAXAAN SHAKI KU JIRIN IN UU KHASAARAHA UMADU YARAAN DOONO WAA HADAAN CAQLI IYO ALA KACABSI KU FIIRINO ARINTA
    ….WAXAAN INTAA RAACIN DOONAA HADII ARINKAN HIRGALO WAXAA HALBACAAD LAGU LISAY NOQON DOONA CIDA SOO HARTA OO KA DHEGA ADAYGTA RABITAANKA SHACABKA IYO MASLAXADA UMADA ////
    W/W/W/ INSHAA ALAAH ANIGOO DEGDEGSANAYA AYAAN QORAY // IN SHAA ALAAH MAR KALE AYAAN KUSOO NOQON DOONAA W/W/W/

  39. Halgame says:

    Asc wr wb ,,,,,,,

    Cali Dheere iyo Imaam labada nin ee wadata

    Waxaana runtii wax laga xumaado ah inaad iska hadasho adigoo aan wax badan ogayn, waxaa ka fiican lahayd inaad marka hore aad wax badan soo baarto ama aad soo ogaato, sababto ah erayada aad ku hadaqaysaan ma hubsanaysaa, waxaan aad iga yaabiyay erayadada ninka wadata Imaam ee leh

    ONLF HA OGAATO ILAAHAYNA IN LOOGA DHOWYAHAY GAALADANA LOOGA DHOWYAHAY….

    Waxaad afkaaga ku cadanaysaa inaad idiinka iyo gaalada isku xirantihin sidoo kale waxaad rabtaa inaad dhinac kalena Alle S:W:T ku wadato labadaas iska gasho wiiloow . ONLF gaalada waay la hadashaa laakiin uma dhowa, Waxaa ONLF budhige u ahaa alle Naxaris jano ha siiye Sheikh Ibrahim Abdalla oo ka wada aqoon , waayo-argnimo iyo karti badnaa Ragga Al-tixaad iyo wax la halmaala horjooga u ah,
    Ururka aad ka hadlaysaa anaga kasoo jeeda wadanka websitada ayaan ku aragnaa , tusaale sheikh Ibrahim maalin Ururkan Gudoomiye loogu magacaabay ila hadda hal maalin ma tagin gudaha Ogadeniya taasna waxaay ku tusanaysaa daciifnimada iyo jiritaan la,aanta ururkooda ka dhex dagaalama websitada.
    Waxaan maanta ogahay inaay Hogamiyaashii Al-tixaad ee halganka ku taajiray dagaanyihin Hoteelo ku yaalla ADDIS-ABABA, taasna xabad-joojin ma aha ee waa is-dhiibid buuxda .
    ILA HADA DAWLADDA GUMAYSIGA HAL ERAY MA SHEEGIN KAMA HADLIN XITAA WADA-HADAL XABADA-JOOJIN WARKEED DHAAFE .
    MELEZ si caalama ah ayuu inuu warbaahinta caalamiga ugu sheega inuu rabo inuu wada-hadal la galo O:N:L:F.

    waxaan idiinka codsanayaa inaad hadalka iska dhaafteen ee aad soo sheegtan hal hawlgal oo aay samayeen Jabhadda aan leedihin waay jirtaa ama Wadanka ayaa ka dagaalantaa ?????

    Waan ogahay ma jiro mana haysaan hal dagaal oo meel gudaha ogadeniya ka dhacay oo aay UWSLF ku wareertay Gumaysiha marka halgan ama jihaad ma aha intaad idacaadaha soo hor fadhisto inaad waraysi bixiso.
    HADII AAN ISKU DAYO INAAN WAXYAR KA SHEEGO JABHADA ONLF, ONLF WAXAAY LA MID TAHAY DAWLADA DHISAN OO KALE XITAA ONLF WAXAAD U DIYAARSAN DASTUURKII WADANKA LAGU HAGI LAHAA IYO DAWLADII OO DHAMAYSTIRAN, SI GUUDNA U FIIRI WAXAAY SI XOR AH UGA HAWLGASHAA ADDUUNKA OO DHAN IYADDA OO WADAN WALBA KU LEH AWOOD SIYAASADEED IYO MID BULSHEED . WAXAA KALE OO ONLF BALAL U AH URURADA BULSHADA EE KA JIRA ADDUUNKA OO DHAN . ILA HADDA MA ARKIN MANA MAQLIN HAL URUR OO BULSHO OO UWSLF WAX WADAAGAN. MANA MAQLIN HAL SHIR OO MEEL MUNAASABAHA OO ADDUUNKA AH KA DHACAY OO UWSLF LEEDAHAY
    WAXAAN KUSOO KOOBAYA WAA URUR BOORSO LAGU WADO OO KOLBA WEBSITE AAN MA MAQLO.
    Waxaan ugu baaqaya ummadee Somaliyeed inaayn ku mashquulin hawlaha halgan ee ka socoda Ogadeniya hadii aad wax ku taraysoo soo dhawoow hadii kale at least afkaaga ka dhawro intaasba waa wax wayn .

    CODSI:- waxaan websiteka Somalimirror ka codsan lahaa inaay soo cadeeyan sababta keentay inaay ka hadlan oo kaliyaha UWSLF,Waxaan ahayn akhriste joogto ah oo xiiseeya wararka websitkan laakiin waxaad dareensanahay inaad ahmiyada wayn aad siisan ka hadalka ashkaasta UWSLF ila hadda ma arkin Somalimirror oo wax ka qorayaa dagaalada xornimo doonka joogtaha ee ka socoda Gudaha Ogadeniya
    ha ugu danbeeyo kii shalay QABRIBAYAX KOR KEEDA KA DHACAY MEESHA LAGU MAGACAABO HARO-KHALIIFO OO GUMAYSIGA JAB CULUS LOOGU GEYSTAY . ma shaqsiyaadka uwslf ayaa muhim idiin ah mise dalka iyo dadka ayaa muhim idiin ah waxaan jeclaan lahaa hadii aay suurtogaltahay inaad fikirna cadaysaan .

    Mahadsanidiin
    Halgame

  40. Alxaaj cabas says:

    A.w.w. Allah mahad leh naxariis iyo nabadgalyo Nabigeena suuban dushiisa ha ahaato. Marka xiga waxan umahad celinaya bahda Somalimirror. Hadan gudo galo fikraddeyda ibraahim dheere wuxu kayimid Mareekanka waana laxiray waana lasoo musaafiray. Markii uu tagay wuxu kudadalay sidii uu hogaanka u qaban lahaa wuuna ku guuleystay. Marka larabo in lagaa gado qofka waxad kuqanacdo ayaa lasameya sidii aan wax badan usoo joognay. Heshiiska la leeyahay wey lagaleen itoobiya waa arin dhawac weyn gaarsiineyso jihadki soo jireenka aha. Shuhadadi dhiigoodi neh ibrahim dheere ayaa hadur kadhigay sabab too ah hadafki qoriga loo qaatay ayuu meesha ka saaray. Marka uu ibrahm dheere uu soo qaadanayo xudeybiyah. maxaa iska quseeyo xudeybiyah iyo tan Nebi.MUXUMMED scw isagaa ayaa Duulaan aha oo Makkah raadinayay dawladiisineh waxey uga dhisan tahay Madiina. Marka dhanka laga fiiriyo waa FATXI sababtoo ah isaga s.c.w. Ayaa siyado raadinayo. Shalay neh waa la ogaa xaalka Nebi MUXAMMED S.c.w. Marka dhankaa laga fiiriyo waa fatxi. Ibrahim dheeraw ma itoobiya in ay ku gumeesato ayaa fatxi ah? mise in aad qoryaha dhigtaan ayaa xudeybiya ah? Mise in aad dullinino ugu yeertan ONL ayaa xudeybiya ah ama xikmad ah waxan oran lahaa Ibrahimaw hadafkii aad utimid waad xaqiijisay. Haddan salimno in heshiiska uu ahaa mid sax ah maxa dawladda itoobiya ay warbaahinta uga sheegi weysay maadama arintan xageeda marka loo fiiriyo guul tahay kuwa kale oo mucaradka ah dhabar jab utahay? Taa waxa keentay laba mid. Tan koobaad waa in aad is dhiibteen oo idinka horor aatihiin tan labaad in la idin xaqirayo. Ibrahim dheere hadal kiisa waxa kamid ahaa in kulan koodii koobaad uukadhacay wadan Yurub ah taas ayaaba tuhmadeena xoojineyso. Gaalada waxey aragtay Jihadka ka jira Geeska Afrika inay horkacayan qabiilka Ogadeen kadib ayee bilaabeen in ay furfuran maantaneh waad ujeeda meesha ay kamarayaan Jihaadka.taa kama wado kulligood wey joojiyeen KALLAA WAXASHA Aabihii Jihadka ayaa jooge XAFIDUHU ALLAHU WACAFAHU laakiin sidii looga bartay ma aha taasne waa sunna ILAAHIYAH. Waxan kacodsan laha musliminta daga Soomali galbeed in la idinka helo dadka dhiidhiyo arintan oo jihaadka sii wada sidii SHABABUL MUJAHIDIIN Aysameeyeen xilligii maxaakimta jabeen shariif murtad neh uu gaalo isku dhiibay qaarneh Eritrea aaden markaas ayaa Shabab isxilqamay maantaneh waad ujeedan meesha ay marayaan kheyr kaneh waa laisaga dayda. Ninkan tacliiqiisa kuyiri “Ibrahim waa nin la arko oo sawirkiisa lagaranayo ma ahan sida ninkan xukumo Shababka oo is qar qarinayo oo dhudhuumanayo Ahmed godone” kkkkkkkkkkkkkkkkkkk saan uqoslaaye ayaan fuuray. adoo kale in loo jawabo ma istahishid. Waxan kusoo gaba gabeenaya zamanu Alimtixan wa tamyiiz ayaa lugu jira Allah hanaga dhigo kuwa imtixanka ku guuleysto Aamiin. W.w.w. Ibraahimaw shaqadi luguu soo diray waad qabsatay meeshad ku danbeysid waa la arki doona.

  41. calideeq says:

    ku. sahal.

    sxb ishaad kariday ninkii aad ujawaabtay anigoo warkiisa horay ula yaabanaa oo is lahaa beentiisa ma ujawaabtaa ayaan arkay midkii aad uqortay xaqiiqadu waxay tahay sida uu sahal sheegay. meeshaa dhaanto iyo been ayey ONLF waligeed ku hayeen ilaa 1992 gaalkii mujaahid dilana anguu ahaa ayey dhihi jireen waxaa kaaga daran dacaayada raqiiska ah oo ay intaa islaamaha usheegayaan.

    meeqa jeer ayaan maqlay ayagoo leh onlf ayaa tigreegu kabaqaane wadaadadu meeshay joogaan orad ayey kutagaan anaga way naga leexleexdaan runtuna waa dhinaca kale oo hadii layiraahdo halkaan onlf ayaa joogta 5 amaxaar ayaa kala didinaya waana wax aan usoo taagnayne maahan waxaan iska dhahayo.

    haddana waxay laqaylinayaan waa xin uun. ha idinku taagnaato ayaan leeyahay.

  42. Abu fatima says:

    Asc wrx wbrt Marka hore waxaan salaamayaa bahda somalimirror oon ujeediyey hadalo isugujira calaacal iyo eed sheegasho ooy igu tixgaliyeen aqbalaadooda waxaan leeyahay walaalahy waad ku mahadsantihiin tixfalinta cabashadayda waxaan rabaa inaan si kooban uga hadlo qadiyada maanta saaxada taala waxaan garan waayey inaan anigu isyeel yeelaayo iyo niman inay xalaashanayaan xaaraanta ninkasta markuu fashilmo wuxuu xujo kadhigtaa xudaybiya iyo wixii dhacay wadaadada soomaalidana markasta dagaal aanay kafiirsan ayey dhalinyaro galiyaan kadibna markay kusoo caan baxaan ayagu ayey kala diraan ragii mujaahidiinta ahaa waxaan maanta kutalinayaa talo aan hubo inay sawaabtahay laakiin aan ogahay inayan rabin asxaabu ru,uus almafadalah waxaan leeyahay ciidan cudud iyo caqli waxaan hayno waa inaan ku biirinaa raga mayalka adag raga aan soojeesanayn raga aan casiirka rabin raga gaajada udulqaadanaaya cadawgana halbowlaha jaraaya waxa ay meeshay rabeen lagari waayeena waa hagar daamada aanu kuhaynee saa aanu yeelno waanu liibaaniye ragaasu maahan cilmaani diin laawaa mana ahan qowmi qarmuuna mana ahan wadaad madiqadlaa mana ahan asxuubul xuduud waa rag ay qaayadoodu tahay li iclaai kalimatu raxmaan ragaasi waa (Alshabaab) waan taliyey danteenana waan sheegay talada adaa kunoo ee iyadu kuguma noola iska daaya hebelmeeda

  43. shaafi cabdi says:

    asc waxaan aadusa laamayaa dhamaan umada ree soomaaligalbeed meelkas tooy joogaanba waxaan aad usoo dhawayn hayaa he shiiska aygaleen culimadanada masuuliyiinta cuqaasha reesoomaaligalbeed waxaan ugubaaqayaa in ay ilaahay uga baqaan mas uuliyada umad ay qaadeen oo ayka shaqeeyaan wax anfici aakhira iyo aduunyaba asc

  44. abucaatika says:

    walee waa yaab ONLF dagaalamaysa iyo wadaadadii oo adis abab iska xaadiriyay ma aha xabad joojin ee is dhiibid iyo hubka oo itoobiya loo tiriyo waadna arki doontaan rag wadaado ah oo jihaadka lagu yaqaanay oo malas ag fadhiya inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun xabauna laahu wanacmal wakiil

  45. Xilmadonto says:

    Barnaamijkan Hudnada ah waxa diidan waa Labadii qolo ee is Diidanayd Shalay Shabaab & JAWXO(ONLF)
    Haddaba Akhristoow Maxaa Ka Dhaxeeya Labadan Qolo ?
    Intaanan Su’aashaa ka Jawaabin Maxay iskaga Egyahiin labada Qolo
    1- Marka ugu Horaysa Macalinka Waa iska Wadaagaan oo Labaduba Ereteria ayaa Tababartay.
    2- Waxaa Lagu Tababaray in Shacabka la Cabsiiyo oo La Gumaado ?
    3- Go’aanka Gacantaa Labaduba loogu Hayaa oo Go’aan ay leeyahiin Ma Qaadan karaan Sida UWSLF.
    4- Diin La Dagaalka & Nacaybka ay Manhajka Salafiga u qabaan ,
    5- Iclaamka , Faanka & isla waynanka way Wadaagaan.
    6- Col Baan Nahay Labaduba way Dhahaan Walow ay u Muuqato Been Cad.

    Haddii Bil Ka Hor ay lahaayeen Nimankaa waa Gaalo oo ayaga Dartood Baan Muslimiinta u Banaysanaynaa Maxaa hadda Mideeyay?

    Waa Arin Yaab leh.

    Waxaan Filayaa Gaalkii Ereteria Xukumay Baa ina Godane La Soo Hadlay oo Yiri , Barnaamijkaa Diida.

    Wax Kale oo Ka Sii Cadna waan Sugaynaa
    aan Su’aashaa ka Jawaabo waxaa ila Quman isku Ninbaa idin Xukuma isku Xaragana

  46. cabdi sheekh says:

    waxaan salaamayaa bahda soomaaligalbeed waxaan ugubishaarayn hayaa in uucadawgoodi is dhiibay waxaan umahad celin hayaa mujaahidiinta soomaaliga;lbeed melkas tooy joogaan cid kas tooka soohor jeed satana waxaan leenahay danahaaga garo oo ilaahay ugabaq cayda mujaahidiinta hadaada wax kurahayn carab kaaga kahayso asc

  47. xasan says:

    aad ayan ugu farxay mawqifka sh.ibrahim dhere ee gisinimada leh, waxan ka war haya xalada dadka rer somaligabeed runtii inta uu shegay sheikhu iyo inkale oo anan qoral ku so kobi karin aya ka jirta oo xalad bani adanimo ah, wadad an waligod helin janis dawlad nimo oo anan haysan ilo dhaqale oo anan haysan mel ay macinsadan oo ay dusarantahay awod ele oo kaliya uu ka dul qadi karo wa dad rer miyi ah boqolkiba todobatan sidas darted waxay ubahan yihin janis ay ku gadhan xili ay ku hamiyan xoriyad iyo lolan awoda haysata ay xita boqolkiba 20 ay kaga hortagan inay gadhan manta ma heli karan 5% oo awoda oo ay kaga hortagan itobiya marka dadka jiritankoda daded iyo koda diineed waxay ku jirta in la bad badiyo si ay dhulka baqi ugu sii ahadan intii xabado laga soo dhex tur turo hadana wadamada dariska ah iyo dibadaha laga ado sax maha.

  48. dhaalibaan siyaad says:

    asc waxaan uhan bal yayna yaa dhamaan umada reesoomaaligalbeed guulahay gaadheen ee ah in cadaw gii itoobiya uucodsado wadahadal waxaan ceebayn hayaa kuwa gaalaraacyada ah eeisku sheega onlf idinku waxaala idiin soodiray shacabka waxyeelodiisa miyaa waxaad rab teen in aad itoobiyakubiirtaan oodqan daraas ku sooqaadataan umada wadaadaha elaahay umada ha idin kaqab to midakale soo idinkii dhihijiray soomaaligalbee wax ladhaho gobalka kamadagaalaan waligay umad idinkabeen badan beena waaqaanuunkiinaa umalayn ilaahay kabaqa asc

  49. MUSAAFIR ADUUNYO says:

    BISMILAAH
    KU : SH IBRAAHIM
    WAXAAN MARKA HORE UGU NASTEEXAYNAYTAA SH IBRAAHIM -WAANA FILAYAA IN UU AQRIN KARO haduusan aqrina cidii gaarsiin karto SOMALIMIRROR LAFTIGEEDABA HA AHAATEE hagaaarsiiso ajarna allaha siiyee – IN UU ALLAAH KACABSADO , WAXAAS UU KU TILMAAMAY FATXI AMA HUDNO AY KHALAD TAHAY AMABA XITAA SIDA UU USOO DALIILSADY BAL WAA MUSIIBO WAYN OO MUSLINKA USOO HOYATAY AYAAN ORAN KARAA
    SABABTOO AH NABIGA NAXARIIS IYO NABAD ALAHA SIIYEE MARKUU SULXI XUDAYBIYA GALAYAY NIN LAHAYSTO WADANKIISA MA ‘ AHAYN AMA LAGUSOO DUULAY, EE WUXUU AHAA ASAGA IYO MUSLIMIINTABA XOR, MArka qiyaastaas waa faasid fiirana malaha gabigeedba.

    WAAAYAHAY HADII XATAA AY DHACDO IN AAD WaYSAAN AWOOD AAD HAWSHA KU WADAAN MARNABA MAHABOONAYN IN AAD WADA HAHDAL CADAWGAAS GAAMURAY LA GASHAAN ADINKOO GURYIHIINA LAHAYSTO , KALIYA WAXAAD YEELI KARTEEMN IN AAD HUBKIINA XABAALATAAN ILAA AWOODU IDIIN SOO LABATO IYO ABAABULKABA.

    HADANA WAXAADBA LEEDAAHAY SADEXDAAS BILOOD OO HUDNADA AAD KU TILMAANTAY KADANBE HADII WAX WADAHADALKALE AH LASII SAMAYN KARO HORAY AYAA LOO SII WADAYAA!! MA’AQAAN ANIGA MEEL AAD USOCOTAAN IYO MEEL LAIDIIN WATEE WAXAAAN KULEEYAHAY SHAYKHAW INTAY GOORI GOOR TAHAY ARINKAAS ISKA JOOJIYA

    WALAAHI HADII KALE WAAD KU FIDNOOBAYSAAN WADDNA KU TAHLUUKOOBAYSAAN CAAQIBADDA ARINKAASNA LAMAHDIN MAAYO WALIGEED, ADIGA IYO KUWA KULASOCDAANA MAS’UUL KANOQON DOONA ALLAAH HORTIIS TAARIIKHDANI WAY QORI DOONTAA!
    WAAYO WAXAAN AAD U OGNHAY XABSHO WAXAY TAHAY WALIBA GUMAYSI IYO GARDARO WADO ISLMARKAANA XOOG ISBADAY IN LA ISKA CELIYO MA’OGIYEOO LALA JIHAADO XAl malah waligeed , hana daciifana hana isdulaynina alaahna waxuu jecelyahay kuwa jidkiisa kusabra
    wabilaahi tafiq

  50. somali says:

    a/waraxma
    ABUUCAISHA ISKA JOOG WAXBA HAKUSOONOQONE WAX FIICAN MAAD SHEEGINE AAMUSKAAD KUROONTAHEE
    RAALI AHOW




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudoomiyaha Golaha Shuuradda UWSLF oo Shaaca ka qaaday inay Xabad joojin la saxiixdeen Itoobiya
  2. Guddoomiyaha UWSLF Sheekh Ibraahim oo ka hadlayay isku dhaca ONLF & UWSLF: “haa waa la xallin karaa khilaafka haddii dhinaca kale laga helo rabitaan dhab ah oo daacadnimo weheliso, gacmo shisheeyena aysan meesha ku jirin”
  3. Jabhadda UWSLF oo eedaysay Itoobiya
  4. Gudoomiyaha UWSLF Sh. Ibraahim Sh. Muxumed oo Ciida ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed.
  5. Sheekh Ibraahim oo Itoobiya ku eedeeyay in ay ka dambeyso hurinta dagaalada Soomaaliya

Latest Headlines