Sh Xasan Daahir:“Umada Cunaqabateynteedu gorgortan Malaha ha soo daayeen Maraakiibtaas Farahana haka laabteen”.

Published on March 31, 2010 by   ·   7 Comments   ·   print

Gudoomiyaha Al-Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay kooxaha burcad Badeeda ah inay sida ugu dhaqsaha badan ku siidaayaan Maraakiibta Ganacsiga ee u raran Ganacsatada Soomaaliyeed ee ay dhawaanahan Afduubteen wuxuuna u sheegay inaysan Dadka dhiban ka cunaqabaten Ganacsigooda iyo noloshooda.

Sheekh Xasan oo Shalay galinkii dambe Shir’araa’id oo uu arimahaa kaga hadlay ku qabtay Khadka Taleefonka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan gorgortan gali Karin insha kaliya ee ay heystaan shacabka soomaaliyeed ee dhiban wuxuuna ku baqaay ina lasiidaayo maraakiibta u raran Soomaalida iyo waliba kuwa Muslimiinta kale.

Sheekh Xasan waxa hadladiisii kamid ahaa:“Umada Cunaqabateynteedu gorgortan Malaha marka ha soo daayeen Maraakiibtaas Farahana haka laabteen waxa umada soomaaliyeed u socda iyo Danahooda iyo Xataa dadka Muslimka ah in arimahooda aan lafaragalin waa daruuri, dadka kale kuwii Xarbi ah oo umadayada dhibaateynaayo gaar weeye laakin Dadka kale aad iyo aad haloo tixgaliyo arintaasna Khaasatan umadu ay u baahantahay dhibaatadu u heyso oo Dadkeedii Geedaha ugu jiraan oo waliba hey’adihii ay kawada tageen oo wax maanta u gargaarayoo kale aysan jirin ilaahey mooyaane marka qadiyadaasoo awalba dhibkaasu jiray hadii dhib kale loogu daro Umadii in labaabi’iyo bey kadhigantahay”.

Ciidamada Shisheeye ee la soo tubay biyaha Soomaaliya ayuu ku tilmaamay Dambiilayaal looga shakisan yahay inayba qeyb ka yihiin Mushkilada Burcad badeeda wuxuuna ugu baaqay inay arikaa ka joogaan isaooleh:“kuwa yiri wax baan ilaalineynaa oo aad moodo inay kaalmo siiyeen iyagii laftoodii waa dambiilayaal kale aad iyo aadna waan uga xunahaya marka arintaasi ragas faraha haka qaadeen waxanan leenahay arintaas ka fiirsada”.

Dhanka kale Saxaafadada ayaa Su’aalo dhowra weydiisay Sheekh Xasan waxaana kamid ahaa inay wadahadal lagalaan DKMG wuxuuna kaga jawaabay:“inta aan sharafkayagii iyo diintayadii iyo Cizigayagii aan soo ceshaneyno waa soconayaa dagaalku…. Wadahalkana cida lala furayo cid munaasib u ah inay ahaato waaye nimankaa Cadawga lasaftay oo cadawgii raacay oo cadawgii taangigiisii ku jira oo cadawgii ka soo horeeya oo cadawgii dadkii u garaacaya Nimankaas ma’astaahilaan wax lala hadlo, umada xataa Mustaqbalkeeda in lagu daro oo ay ugu rayaan talo uga qeybgalaan ma astaahilaan, waaniman cadaw u shaqeeyo oo calooshood u shaqeystey iska noqdeen marka wax lala hadlo nimankaasi magalaan mana joogaan meel lagala hadlo”.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey Burburinta Al-Shabaab ay kula dhaqaaqeen Qaar kamida Qubuuriha lagadhexdhisay Masaajida wuxuuna tilmaamay in arinkaasi saxan yahay diin ahaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Xasan Mahdi:”Q.M ukunta ay Meesha ku aasatay ee ay Umada ku Burburineysay ayey ka cabsaneysaa in ay Mujaahidiintu Bur buriyaan”.
  2. Sh.Xasan Daahir Aweys oo ku tilmaamay Imaanshiyaha Sh.Shariif Muqdisho mid raali galinaya Cadowga
  3. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  4. Sh Xasan Daahir:“Walaalaha Safka iskula jira aad haleysu Ixtiraamo”.
  5. Dr Cumar Iimaan & Sheekh Xasan Daahir Aways oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Xisbiga

Readers Comments (7)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    Shaykha waxuu ku fiicnaan lahaa inuu saaxiibkii
    sh.xasan turki uusan ka harin, una baqoolo dhinaca shabaabka, kolay siyaasad meel ku gaari
    waaye,qabyaaladina dugsi ma leh waxay dumise mooyee.

    WALLAAHU ACLAM.

  2. falxado says:

    Sheekhunaa Ilaahay hakaa cafiyo!!

    Burdhcad badeedda waxaa saldhigyo waa weyn u ah, Xarardheere, Baraawe, Eyl iyo meelo kale, xaggee meelahaas ka mid ah oo awoodda ciidankaagu gaarsiisanyahay??

    Burdha badeedda madaxdeedu waxay guryo waaweyn ku leeyihiin meesha aad hadda u badantahay (ceelasha biya),waxaana jira xaafado dhan oo loo yaqaanno (xaafadaha burcad badeedda) ma awoodda inaad mid ka mid ah maxkamdayso??

    Sheek Xasan Turki saaxiibkaagii hore, wuxuu ku timaamay “Mujaahidiinta badda”, rag kale oo Islaamiyiinta ka mid ah oo caan ahna waxaa la ogyahay inay wax ay ugu yeereen “Khusum” ka qaataan budhcad badeedda!!

    Sida la ogyahay burcad badeeddu waa kuwo aad u akhlaaq iyo dhaqan xun. Waxaa xusid mudan in fasaadka ay budhcad badeeddu ku soo kordhiyeen dalka uu yahay mid aan abidkiis soo marin, iyadoo la ogyahay in hadda khamriga laga cabbo meelo miyihi oo aan taariikhda khamri hore loo gaynin!! waxaa la ogyahay in Yurub looga soo tumasho tago meelaha ay hystaan burcad badeeddu!!

    Marka ninka “mujaahid” ku sheegay sow macadda in waxa uu doonayo ay yihiin uun fawdo iyo nidaam la’aan ciddii doonta ha keentee??

    Kol haddii aad markii hore dhiiri geliseen maxaad hadda ka qaban kartaan, sow lama mid ah, bililiqadii marka hore lagu billaabay xoolaha dowladda markii dambana kuwa dadka loo soo dhigtay?? ma tuug baa muslim iyo gaal iyo soomaali iyo ajnabi kala yaqaanna??

    Wadaadow Alif wax maleh iyo wax buu leeyahy adigaa labadaba lagaa hayaa, nimanka gaalaa kaalmaysa iyo waa mujaahidiin oo khumus baa laga qaataa labadaba adinkaa laydinka hayaa!!!

    Wadaadooooooow waxaad soo waddo iyo webiga yaa weyN!!!!!!??

  3. maxamed cj says:

    KK KAALAY SOMALIYA MIRIRROR COMMENTIGA KUWA NACASYADA WAA SOO GUDBISAA KUWEENAYA WAA TUURTAA..

    HORTA NINKA SH, XASSAN AL SHABAAB HA KU BIIRO LEH TAARIIKHDA SH. XASSAN MA YAQAAN .

    SH.XASSAN AL SHABAAB OO LA AQOON AYUU DACWADAAN KU JIRA , KUWA AL SHABAAB UGU WAA WEYN ASAGA AYAY KU DABI FAYLI JIREEN.
    EE TAARIIKHDA SOO BARTA……

  4. fiil says:

    asalaamu calaykum waraxma
    salaan kadib waxaan u mahad naqayaa rabbigii koonka samaystay.intaas kadib waxaan u mahad celinayaa ciddii sababta u ahayd webkan lagasoo gudbiyo wararka,
    intaas kadib waxaan leeyahay dadka fikirkooda dhiibanaya ee hadalada qoraya alle hakaga beqeen waxa ay qorayaan ee ku saabsan ku af dhiiranaanta culimada,waayo faruhu qiyaamaha waxay ka markhaati kici wixii ay sameeyeen,ama qoreen markaa ama hadalka ha iskadaayeen dadku ama wax ilaahay raali ka yahay ha qoreen
    allaa mahad leh
    mahadsanidiin

  5. abuu cabdala says:

    bismilaah sheekhu wa saxanyahey wuxuuna sheegey war wanaasan lakiin waa iska macqul in uusan waxba kaqaban karin hada xaala burcadbadeedka lakiin warkaasi waa war masuu ayan dhihikaraa koley anigu ninkaani mayaqaan qabyaalad oo maxaa yeeley wuxuu barakiciyey tolkiisa oodhan iyo tolkuxigeenkiisii oo dhan marka ninka qabyaalada kadhawaajiyey waxaan dhihilaaa waad ku qaldantey akhiiyo insha alaah

  6. Waaisagii says:

    khaadimul-ISLAAM,

    Wallaal ishaad ka riday. Waa sidaad u sheegtay Shiikha waxaa u wanaagsan inuu Shabaabul-Mujahidiin ku biiro. Qabyaalad yar cidina meel ku gaari mayso.

  7. Waaisagii says:

    Waar odaygu jecelaa in warkiisa la wadwado. Kaaga darane wuxuu u haystaa inuu yahay madaxweynihii Soomaaliya.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Xasan Mahdi:”Q.M ukunta ay Meesha ku aasatay ee ay Umada ku Burburineysay ayey ka cabsaneysaa in ay Mujaahidiintu Bur buriyaan”.
  2. Sh.Xasan Daahir Aweys oo ku tilmaamay Imaanshiyaha Sh.Shariif Muqdisho mid raali galinaya Cadowga
  3. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  4. Sh Xasan Daahir:“Walaalaha Safka iskula jira aad haleysu Ixtiraamo”.
  5. Dr Cumar Iimaan & Sheekh Xasan Daahir Aways oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Xisbiga

Latest Headlines