Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa digniin u jeediyey Ciidamada Shisheeye ee kusgan Xeebaha Soomaaliya waxayna sheegeen inay talaabo ka qaadi doonaan hadii ay markale ku soo xadgudbaan Goobaha ay ka howlgalaan Maamulada Islaamiyiinta.
Walaaliga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeelada Hoose Sheekh Max’ed C/laahi oo Shirjaraa’id Saxaafada u qabtay ayaa sheegay in Diyaaradaha shisheeye ay dhibaato aad u Xoogan ku hayaan Dadka Xoola dhaqatada ah iyo waliba kaluumeysatada wuxuuna intaa ku daray inay Dabeylo ku furaan Hantidoodana dhacaan.
Sh Max’ed oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“waxaan u sheegeynaa Ciidamada Saliibiyiinta ah ee Soo duulaya ee soo aadaya Xeebaha Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelada Hoose inay kawaantoobaan Arinkaas inaysan mardambe agagaarka, Seerooyinka, Xuduudaha Badweynta India iyo Badacasba inaysan soo galin Wilaayooyinka Islaamiga ahna aysan ka soo agdhawaan, waxaan kaloon u sheegeynaa Ciidamada Saliibiyiinta ah inaysan ku kadsoomin argagaxinta dadka Masaakiinta ah iyo dhibaatooyinka ay ku sameynayaan ee ah dadkaa Xoola dhaqatada ah ee ay Dabeysha ku furayaan Xoolahana ka dilayaan kadibna ay qaadanayaan iyo sidoo kale dhibaatooyink ay ku hayaan Dadka Masaakiinta ah ee Bada kakaluumeysanaya ee ay Xabadaha ku ridayaan ayna Cabsi galinayaan heyska daayeen hana kawaantoobeen”.
“Mardambe hadii ay waxaasoo kale sameeyaana wixii maanta ku dhacay wax kadaran baa ku dhici doona” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Waaliga Gobolka Shabelada Hoose Sheekh Max’ed C/laahi.
Maalintii shalay ayey Labadiyaaradood oo joog hoose ku socda kana yimid dhanka Badda lagu dul arkay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose kuwaas oo khalkhal galiyey Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada.
Mid kamida Saraakiisha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay la Xiriirtay Shabakada warbaahinta Somalimirror ayaa sheegay in Ciidamo horey ugu diyaarsanaa ay gantaalo iyo Rasaas ku rideen Diyaaradahaas wuxuuna Carabaabay inay u carareen Dhanka Badda iyadoo mid kamida uu qiiq Xoogan kabaxayo sida uu hadalka u dhigay.

Related posts:
WAA RAGANIMO IN AAD SHACABKIINA DIFAACDAAN
Sxb shabaab waa dolar qatayal
asc wrwb masha allah iska celiya gaalada iyo munafaqiinta ay watanba shacabkina iyo diintina iyo dalkinana difacda is kuna duubnada rabi ha idin dorte oo u diida dalkina nacaskan dadnimo ku jirin oo cadowga idin dandansanaya dabholcayo ku fura sorry hada fahmi waydan qoralkayga aniga gabya ma ihi lakin ceelka gaaladan wax kasta naga keenayo lo asc wrwb
Maxay shacab difaacaan?
May iyagu naftooda difaacaan ?
Sowtii maalin cad meydkooda iyo noloshoodaba la guranayey,may wax iska celiyaan?
Waxa ay isoo xasuusinaysaa sheeko carruureed ahayd Bakayle beer looga ammaan waayey oo daamur ama xabag meel loo mariyey oo markay ku dhegtey dhahay haddii aad isii daynweydo addinkayga xoogga badan ayaan laad kaaga jarayaa,ilaa ay afartii waaxoodba kaga dhegtey,halkiina ku qudhbaxay..
Muxuu hadal tari.maxayse shacab wax ka celiyaan,iyagaa iska celin lahaaye.
waase caqli yarida wadaadada in hadalkaa kuwo lihina run u haystaan,kuwa maqlaana Allaahu Akbar iyo dayaarado sawaariikh lala dhacay isku maaweeliyaan.. Alle xisaabtiisiina meel ku sugayso.wc
TO->cabdi yare
Asc
Ruuxaagan iskugu yeeray cabdi yare waxaan ku oran lahaa, Nolosha aad dibada(yurub/america/ ama meelka baxsan dhulkii hooyo) yeey been kuu sheegin, Wilaayada kuufureed waa kuwii cadawgii Somaliyeed ee Ethobia dhuunta u galay ilaa eey dalka ka saaraan, waa kuwii, qabyaalad meel saaray maanta hadii aad tagtid meelaha eey ka taliyaan umada waa wada siman tahay, laan dheer & laan gaab wax la dhaho ma jiraan…
Mida kale Hadii aad taageero u heysid Geedi, C/yusuf, Max`dheere, Indhacade, salaad Jeele, ama kuwa hada la yiri adinkaa dalkaan ka taliya, loogana taliyo meel ka baxsan carigii Soomaaliyeed, sida Ethobia oo marwalba looga yeero, iyodoo eey jirto meela xasiloon dalkii hooyo, adigaa meel wax ku og
Qoraaga Soomaliyeed C/Qaadir Orromo ayaa mar Wiilkiisa lugu dilay London waliba si xaq darro ah ayaa Abwaanku Tix gabay ah ka sameeyay arinkaa waxaana ka mid ahaa Ereyadiisii:-
Geerida Ragbaa Yiri Ruuxaan la Garan iyo Geeljireey ku roontahay, Waxaan uga Gol-leeyahay Ruux aan la garan iyo Gaalada Siloonbaa Golxan kuu afeystoo kaaga gooyay hanaqee, Gardarada la yaabka leh, Godobtaada maandhoow, Gooreey ahaataba Ragbaa dabagalayee,aniguna waxaan galo waxaan gudi karoo idil kaala gaabin maayee, Adigoon la guban Ciil godka Seexo Nabad gale.
Guulihii Na uuntana Haku Geeyo Meel Roon AAMIIIN YAA RABI……..
Marka waan ognahay in cadowga Somaliyeed ee isku tagay in ee qabyaalad & dhul hebel, & qabiil hebel dalkii u qeybiyey, laakiin waa in aanan la jirsan kuwa, diidan in Somaliya eey iyada tashato..
Waxaa iga waana ah, in aadan war aad ka heshay FOx News & waxii la mid ah aadan la soo shir tagin.. noqotana mawaadin Somaliyeed,
Haddi aad is leedahay kani fikrad xun bow wataa, bal dhageyso, sida prof samatar IWM fikradooda..
WWW
Mahadsanid
/Ikraan